Thursday 15 October 2009

Sababha keenahay in Daahir Riyaale Cunsuriyadeeyo haweenayda Xisbiga Kulmiye u magacaabay inay ka mid noqoto.

Sababha keenahay in Daahir Riyaale Cunsuriyadeeyo haweenayda Xisbiga Kulmiye u magacaabay inay ka mid noqoto.

Sababha keenahay in Daahir Riyaale Cunsuriyadeeyo haweenayda Xisbiga Kulmiye u magacaabay inay ka mid noqoto.rayi_2

Beryahan danbe waxaynu maqlaynaa iyadoo Daahir Riyaale shaqo iyo wakhti dherersi ka dhigtay Xubinta Xisbiga Kulmiye usoo magacaabay commisonka qaranka ee cusub, taasoo uu markii sadexaad xisbiga dib ugusoo celiyey oo ka codsaday in lasoo bedelo. Hadaba iyadoo xisbiga kulmiye markasta cadaynayey in ay haweenaydaasi shuruudihii looga baahnaa oo dhan ay buuxisay oo aanay jirin sabab ina Riyaale usoo celiyaa isagoo aan isagu wali soo magacaabin kuwiisii ayaa waxaa la lays weydiin karaa waa maxay sababta uu haweenaydan u diidan yahay inay commisionka ka mid noqoto.

1. Haweenaydu waa qof aqoon yahan ah oo karti badan sidaas darteed , Riyaale waxa uu ka baqayaa inay wakhti iyo effort xoog leh ku isticmasho sidii doorasho xor iyo xalaal ahi dalka uga dhici lahayd sida ugu dhakhsaha badan.—Taasi waxay kazoo horjeedaa oo aanay la shaqayn karan dibin dabyada iyo cagajiidka Riyaale doonayo in doorashadu mar labaad cakiranto oo aanay si fiican u qabsoomin, si uu wakhtigu ugusii dheeraado

2. Riyaale haweenayda wuxuu ku cunsuriyadaynayaa dumarnimada . Dumarku sidoodaba ka daacadsan raga marka ay noqoto dan guud oo umad loo shaqaynayo, Marka ay karti iyo aqooni usii dheertahayna kabasii daran, sidaa darteed Daahir Riyaale waxa uu ogsoon yahay in ay gabadhu shaqadeeda si daacad ah oo aanay cidna u adeegayn u gudan doonto—Taasi waxay kazoo horjeedaa musuqmaasuqa iyo fargalinta uu Riyaale la damacsan yahay Commisionka cusub si ay isaga ugu adeegaan

3. Ta ugu danbaysaa waa mid iska caadiya oo dadka reer Somaliland oo dhami yaqaaniin oo ah dibandaabyo iyo hagardaamaynta Riyaale caadada ka dhigtay markasta oo heshiis la galo inaanu dhiniciisa ka fulin, si wixii lagu heshiiyey aanay u fulin.

Yasin Jaamac Cali

UK, London

No comments:

Post a Comment