Wednesday 14 October 2009

MAANSO LA YIDHAA DAAWO IYO ABWAAN AXMED FARTAAG

MAANSO LA YIDHAA DAAWO IYO ABWAAN AXMED FARTAAG

Waa maanso la yidhaa Dawo
By: Abwaan Axmed Claahi Maxamuud
( Axmed Fartaag Doha, Qatar)

Maansadan aan ula magac baxay Dawo waxay ka turjumaysaa arimo is barkan sida marxalada siyaasadeed ee aynu hada ku jirno iyo mushkilada loo maaro la yahay ee Ceelbardaale.

Dulucdiyo u jeedada
Doodayda maansada
Dawaan kuu sidaa garo
Dareen weeye igu jira
Damiirkana ka soo go ay
Dawliskiyo wadaamaa
Darka geela loo shubo
Dur duurteedii weeyaan
Danbarkeeda maandeeq
Dadka oodhan gaadhsii
Dabuubtaydu weeyaan

Dastuurkiyo sharciga raac
doorashada hirgaliyoo
Dimuq raadinimo dhaba
Diwaan galiya weeyaan
Darajadu xorweeyee
Dawladnimo dhis weeyaan
Dalka iyo dadkeenaba
Dayacaad halaga jiro
Danta guud in loo kaco
Daacadnimo leh iimaan
Dawadiina weeyaan

Difaac qaranka weeyaan
Dublamaasi sheekadu
Dabar yeelo weeyaan
Kursiguna dumaal weeye
Loo kala danbeeyaaye
Haysku dilina weeyaan
Deg deguna ma fiicnee
Ha duul duulin weeyaan
Ruux qudha ha duudsiyin
Dul qaad yeesha waligiin
Dawadiina weeyaan

Duruufaa dhacaayiyo
Dalan doolka waayaa
Daal iyo abaar daran
Dan yar iyo sabool badan
Dumarkiyo caruurtaba
Daryeel siiya weeyaan
Dariiqyada sameeyoo
Duruustiyo tacliimaa
Dib ukaba dhaqaalaa
Dawadiina weeyaan

Dadku waa socdaaloo
Duni laguma waaree
Diinta raaca weeyaan
Dulmigiyo xumaa diid
Ka ducaysta weeyaan
Danbi dhaaf adoo hela
Digrigiyo salaaduba
Dawadiina weeyaan

Duqaydiyo suldaanada
Duubkiyo cuqaashaw
Darmo lagu gam aayiyo
Dugsi weeye nabaduye
Maxaa laysku dilayaa
Duul wada walaalo ah
Dadka ceel bardaa liyo
Dirir tiyo dagaaladaa
Dabka maad bakhtiisaan
Damisaan colaadaba
Diir wada dhashiyo
Daris yahaw heshii
Dawadiina weeyaan


No comments:

Post a Comment