Wednesday 14 October 2009

DAWLADA ERITREA OO KA HADASHAY CUNAQABATAYN LAGU SOO ROGO

DAWLADA ERITREA OO KA HADASHAY CUNAQABATAYN LAGU SOO ROGO

Dowlada Wadanka Eritrea ayaa waxaa ay maanta ka soo horjeesatay cunoqabatayn ay Dowlada Wadanka Ingiriiska ugu baaqday Qaramada Midoobay in lagu soo rogo, ayadoo ku eedeysay in ay taageero siiso Kooxaha ka soo horjeeda DFKM ah oo ka dagaalamaaya gudaha dalka Somaliya.

Ali abdouWasiirka Warfaafinta ee Dowlada Eritrea Cali Abdou oo maanta wareysi siiyey Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay in baaqi ay soo jeedisay Xukumada Ingiriiska ee ahaa in Dowlada Eritrea la saaro Cunoqabatayn uu yahay mid aan laga fiirsan ayna wataan dad dano gaar ah ka leh Xukumada Eritrea.

“Eedeymaha nala soo jeediyey ma ahaa kuwa xaqiiq ah oo lagu kalsoonaan karo, gebi ahaanba waa kuwa aan sugneyn oo ah kuwa la been abuurtay”,ayuu yiri Wasiirka Eritereya.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in uu aad ula yaabanyahay Xukumada Ingiriiska, asagoo sheegay in ay soo fargelinayso siyaasada Asmara, isla markaana ay tahay arin sharci darro ah oo aan loo bahnayn.

Waxaana u ugu dambaynti sheegay in Cunoqabatayn weliba la damacsanyahay in la saaro iyaga ay ka soo horjeesanaayan ayna aad u cambaaraynaayan, arintaas oo ku sheegay mid aan wax cadeymo loo hayn ayna tahay hadal la soo jeediyey uun.

Hadalkaan ka soo yeeray Dowlada Wadanka Eritrea ayaa waxa ay jawaab u tahay baaq u asbuuci aan soo dhaafnay dalka Ingiriiska uu ka hor jeediyey fadhi ay yeelanaayeen Golaha Amaanka oo ahaa in Cunoqabatayn la saaro Xukumada Eritrea, baaqaasi ka yimid Safiirka Ingiriiska ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeyey in ay taageero siiso Kooxaha Mucaaradka ee Soomaaliya ayna hub iyo dhaqaale si qarsoodi ah ugu gudbiso.

No comments:

Post a Comment