Sunday 4 October 2009

JAAMAC SWEDEN ,MAXAMED I KABAWEYNE IYO MAXAMED YUSUF OO KOMISHANKA DOORASHOOYINKA S/LAND AH OO IS CASILAY

JAAMAC SWEDEN ,MAXAMED I KABAWEYNE IYO MAXAMED YUSUF OO KOMISHANKA DOORASHOOYINKA S/LAND AH OO IS CASILAY

Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md Jaamac Maxamuud Cumar ayaa iska casilay Xilkii uu kahayey Koomishanka Doorashooyinka Maanta.
KOMISHANKA
Gudoomiyaha Jamac Sweden iyo Gudoomiyihi hore ee Koomishanka Maxamed Yuusuf iyo Maxamed Ismaaciil Kabowayne ayaa maanta ku dhawaaqay inay raacayaan Saaxibadoodii ka horeeyey ee shalay is casilay oo ay iyaguna ka degayaan Xilka ay hayaan, sadexdan xubnood ayaa ah kuwii uu M/weynuhu Magacaabay.

Iscasilaada Xubnahan ee Maanta ayaa dabo socota Dadaalo loogu jiro in la Dhamaystiro Qorshaha Heshiiska oo Qodob ka mid ahi Dhigayo in Koomishanka Doorashooyinka la badalo.

Gudoomiyaha Koomishanka Jaamac Sweden ayaa ka mid ahaa Afarta Xubnood ee Laalay Diiwaangalinta Doorashooyinka ee Muranku ka bilaabmay iyadoo Xisbiyada Mucaaradku ay ku adkeesanayeen in markasta Xubnahaasi ka baxaan Xeendaabka Guddida Doorashooyinka.

Waxa Seddexdan Xubnood ka horeyey Labo Xubnood oo kala ahaa Ismaaciil Nuur iyo Garyaqaan Khadar Maxamed Guuleed oo iyaguna shalay ku dhawaaqay inay is casileen, waxyana tiradoodu guud noqonaysa Shan Xubnood oo iska casilay Guddida Doorashooyinka waxana hadhay labo xubnood oo aan wali ku dhawaaqin Go’aankooda, labada xubnood ayaa kala ah Cali C/llaah Biikolo, oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Komishanka Iyo Xasan Cumar Hoori.

Warqabadka ToggaHerer

No comments:

Post a Comment