Monday 5 October 2009

83 KUN IN KA BADAN OO JIIR AH NIN DILAY OO BILAD LA SIIYAY

83 KUN IN KA BADAN OO JIIR AH NIN DILAY OO BILAD LA SIIYAY

Nin beerleey ah oo u dhashay dalka Bakistaan kuna nool dalka Bangladesh ayaa ku guuleystay oo lagu abaal mariyay muraayad Tv oo midab leh ka dib markii uu ku guuleystay in uu dilo 83-kun oo jiir (dooli) iyadoo loo aqoonsaday in uu jibiyay horyaalka jiir dilidda ee sanadka 2009-ka.

20-RATS3

Mukheral Islaam ayaa ku guuleystay in uu ugaarsaday 83450 oo jiir sanadkaani 2009-ka , iyadoo uu horyaalka ka qaaday ninkii ka horeeyay oo uu kaga tira badiyay dilka jiirarka.

Maamulka Bangladesh ayaa tartaankani u qabtay si loo yareeyo qasaaraha soo gaaraya dalagii beeraha ee ay haleeyaan jirarka sanad waliba , iyadoo munaasabada dhalada Tv-ga lagu gudoonsiiyay ay ka soo qeyb galeen dadka deegaanka .

Madaxa wasaarada beeraha ee Baganladesh Cabdul Xanaan ayaa sheegay in Mr.Islaam uu xitaa keenay jiirarki uu soo dilay iyadoo uu la yimid xarunta wasarada ku leedahay gobolka.

Waxa uu inta raaciyay in dadka beeraleyda iyo ardayda iyana ay dileen 6.5-milyan oo jiir taasi oo boqolkiiba %8 badbadisay dalagii beeraha ee sanadkani dalka Bangladesh.

Cisman Fantastic

No comments:

Post a Comment