Thursday 29 October 2009

XUSKII SANAD-GUURADA 1AAD EE HALYEYGII XEER BEEGTIDA AHAA MAXAMED LIBAAX.

XUSKII SANAD-GUURADA 1AAD EE HALYEYGII XEER BEEGTIDA AHAA MAXAMED LIBAAX.

Xuska Sanad-guurada 1aad ee Halyaygii Xeer-beegtida ahaa Maxamed C. Libaaxo: Mudane Guurtiya oo ku Shahiiday Maalin Madaw.

Laangadhe libax yarAlla Ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cismaan Guuleed (Libaaxo), waxa uu kamid ahaa Mudane ka tirsan Golaha guurtida Somaliland ee Kaalinta ka soo qaatay Sib u dhiska dalka iyo nabadaynta beelaha Somaliland. Marxuum Libaaxo waxa uu ku Nafwaayay Qaraxii Argagaxiso ee 29.Oct. 2008 lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada, isagoo wax yar ka hor falkaasi ka soobaxay Xafiska Madaxweynaha oo uu Hawlo u lahaa balse qadarku haleelay.
Alla ha u naxariistii Xil. Maxamed Cismaan Libaaxo waxa uu ku dhashay Deegaanka Qool-dacarre oo ku yaala Hawdka Sare ee Xuduudka Sanadkii 1940-kii.
Barbaarintiisii iyo Waxbarashadiisii Aasaasiga ahayd waxa uu ku qaatay Magaalada Berbera, Shaqadiisii u horeysay waxa uu ka bilaabay Magaalada Hargeysa 1958 isagoo ka hawl galay Waaxda Gaadiidka ee Maamulkii Ingiriiska, iyadoo wakhtigaasi ay dalka ka socotay Dabayshii Gobonimo doonku, Muddo markuu ka shaqaynayay Magaalda Hargeysa Midowgii Somaliland iyo Somaliya waxa uu 1970 u wareegay Koonfur isaga oo ka shaqo galay Xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho. 1975 dalka ayuu ka dhoofay isagoo Shaqo Farsamo ka bilaabay Wadamada Khaliijka, waxa uu noqday Ganacsade madax banaan isagoo kamid noqday Baayac mushtarka dhoofka Xoolaha Nool ee u kala goosha Sucuudiga iyo dhulka Soomaalida.
Marxuum Libaaxoo
1988 waxaa uu si toosa ugu biiray Halgankii hubaysnaa ee Horseedka ka ahayd SNM, isagoo u tallaabay Xaruntii ALMS ee SNM, isagoo halganka u qaabilsanaa Guutadii soo ururin jirtay Saadka lagu dagaalamayo.
Markii Somaliland ku dhawaaqday Madaxbanaanideeda 18.May.1991 waxa uu ka mid ahaa Ergadii Odayaasha ahaa ee ka qayb galay Shirweynihii Beelasha Somaliland ee Burco, waxa uu Door weyn ku lahaa isu soo dhawayntii Beelaha Somaliland iyo shirkii 1993 lagu soo dhisay Xukuumaddii Marxuum Cigaal. Sanadkii 1994 waxa uu Marxuum Libaaxo kamid noqday Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland oo uu ilaa Wakhtigan ahaa. Shirkii Beelaha Somaliland ee Hargeyska lagu qabtay 1997 waxa uu Marxuumku Mar kale ka noqday Xubin firfircoon. Guddidii isku dubaridday Dastuurka Somaliland
Marxuum/Xildhibaan Maxamed Cismaan Libaaxo waxa uu ifka kaga tagay 8 Carruur ah (Wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen).

Thanks

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete