Monday 19 October 2009

Xuka 25-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM 17/10/1984kii – 17/10/2009 Qormadii: 2aad

Xuka 25-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM 17/10/1984kii – 17/10/2009 Qormadii: 2aad

Xuka 25-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM 17/10/1984kii – 17/10/2009 Qormadii: 2aad

Miyaad ka war-qabteen cadawga?SNM

Yuusuf Meydal Cumar isaga oo meel fog oo hortiisa ah eegaya anna is-leeyahay muuqaalladii maalintaas ayay hadba sidii hillaaca u soo maraya, ayuu iigu jawaabay:

“Waxaanu ka war-qabnay dareenka guud sidii uu ahaa, wararkii ay na siinayeen dadkii reer miyiga ahaa ee aanu la degganayn iyo aniga oo arkaynay in ay naga dul guurayaan oo dareen galay. Waxaanu dareensanayn in ay dadku wararka ka helayeen Qol-buulalle oo ay ka war hayeen in meesha lagu soo kordhay. Sidaa awgeed ayuu dareenka nagu jiray u ahaa in uu weerar na qabsan doono.”

Halkaa markii uu marayay, waxaan Yuusuf Meydal Cumar ka wareystay goortii la soo weeraray iyo laxaad-beenaadkii cadawga la soo majaro-habaabiyay. Sidan ayaan maalintaa su’aasha ugu dhigay:

Goor ma ayaa la idin soo weeraray?

Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar isaga oo magan u ahaa xusuustiisii dihineyd ee maalintaa iyo goobtaa taariikhiga ahayd, wuxu si kalsooniyi ku dheehan tahay iigu jawaabay:

Waxa nala soo weeraray markii ay saacaddu ahayd 1.17 daqiiqadood ee gelinkii danbe. Waxaanu ahayn saddex Urur. Waxaanu ahayn Ururka 1aad oo Cabdirasaaq Maxamed Cali haystay, Ururka 2aad oo Cabdikariim Xaashi haystay, Ururka 3aad oo Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) Taliye Urur u ahaa, taliye guudna uu saddexdayada Ururba u ahaa”

Bal hadda aan eegno Mujaahidiintii goobtaa cadawga ku haleeshay sidii ay u hubeysnaayeen. Waa kan Yuusuf Meydal Cumar oo aynu gaaxdiisii sii maallaa, waxaanu intaa hore ku kabay:

“Hub waxaanu ka haysannay hubka fudud ee loo yaqaan ‘small arms’. Waxa noogu weynaa qoryaha loo kala yaqaan sebenka iyo BKM-ka. Waxa kale wuxu ahaa qoriga AK-ga ahaa ee aanu Dugsigii Tababarka kala soo baxnay kaas oo loo yaqaannay ‘Nuur-Madoobe.”

Haddii ay Mujaahidiintii naf-hurka iyo geesinnimada aan wax loo dhigaa jirin ku dagaallamaysay sidaa uu Yuusuf Meydal Cumar sheegay u hubeysneyd, ciidammadii cadawga ee hooyo-boobyada ahaa maxay ku hubeysnaayeen. Waa tan war-bixin laga soo xigtay Ibraahin Kood-buur oo uu soo tebiyay Yuusuf Meydal Cumar waxaanu yidhi:

“Sidii uu ku war bixiyay Ibraahin Kood-buur, cadawgu wuxu ka koobnaa 500 oo askari. Waxay wateen gawaadhida gaashaaman oo ahayd 10 Beebbee, 4 Jiib, 2 Shilke, 2 Zuu iyo laba Toyote oo xanbaarsanaa laba qori oo ‘Brown’ ah.”

Waa halkii maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawiye aan idhaahdo:

“Haki Maxamed Genyada,

Hasha Goray u yeedh-yeedh,

Godol oo u gaal-gaal,

Gabantana ka yara celi,”

Bal hadda sheekadaa ka yara nasta ama haddaad doontaanba ku yara raasukha oo inta aan ka rogo aan laba saaro. Maxay xilligaa SNM ku sugnayd? Ma u baahan tihiin in aan sawir guud idinka siiyo si aad sheekada isugu xidhataan. Waxay ila tahay in jawaabtiinnu tahay haa. Waa tahay. Bal hadda tanna dhegta u raariciya ama indhahaba ku daalacda.

Waxaynu ka hadlaynay 17kii Oktoobar 1984kii oo ku suntan Maalinta Shuhadadii SNM. Weliba manta waa 25-guuro oo maalmaha iyo sannadahaba kuma jirto. Ilaahay baa inagu simay. Maalintaa 72 maalmood ayaa laga joogay Shirweynihii 4aad ee SNM oo ka furmay magaalada Jigjiga Xaruntii Gaaskii 10aad ee Ciidammada Itoobiya. Shirweynahaa 4aad wuxu furmay 6dii Ogos 1984kii. Shirweynahaa 4aad Shahiid Cabdilqaadir Koosaar Cabdi ayaa xilkii Guddoomiyennmo ku wareejiyay Axmed Maxamuud Siilaanyo. Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, wuxu ka mid ahaa Guddidii Fulinta ee markaa xilka wareejisay isaga oo gacanta ku hayay Ciidammada Xoreynta ee SNM. Haddii aanay xusuustaydu I dagayn Shirweynahaba kama soo qayb-gelin oo wuxu ku sugnaa oo la joogay Ciidammada Awaare ku tabobaranayay.

Dugsigaa Tababarka ee Awaare waxa la furay bishii Abriil 1984kii oo halkaa ku qabsoomay Kal-fadhi Gole Dhexe oo go’aammo badan oo dhaxal-gal ahaa lagu gaadhay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

1. Calankii SNM oo markii ugu horreysay la oggolaaday,

2. Awaare oo laga dhigay Xaruntii Ururka SNM,

3. Awaare oo markii ugu horreysay laga furay Dugsigii tababarka Ciidammada,

4. La-wareegidda baabuurtii Toyotaha ahayd ee dadweynuhu lahaa si qoryo loo saaro, iyada oo markiiba halkaa lagu soo xereeyay ila 64 baabuur oo Toyota ah,

(La soco……………..)

No comments:

Post a Comment