Friday 2 October 2009

WARANCADDOOW FALAADHI GILGILASHO KAAMA GO’DO!!! JAWAAB

WARANCADDOOW FALAADHI GILGILASHO KAAMA GO’DO!!! JAWAAB

ARTICAL THN MIXED

Aniga oo ka mid ah dhalinyarada Gacanlibaax, waxa aan wargeysyada iyo mareegaha Internetka qaarkood ku arkay wiil sheegtay in uu yahay Guddoomiyaha ururka Dhalinyarada Gacanlibaax oo difaacaya dayacnaanta dugsiga uu Warancadde isugu magac-daray ee dunsan. Wiilkaas oo magaciisu yahay Xasan ma aha qof ku hadli kara magaca Gacanlibaax, Waayo? Waa wiil deggan waaxda Maxamuud Haybe, islamarkaasna shahaado been abuur ah ugu shaqeeya Dawlada Hoose Hargeysa, laakiin ay meelo kale isaga dhaw yihiin Warancadde, Waa su’aale qofku ma waxa uu ku abtirsadaa meesha uu deggan yahay ? Mise meesha ay reerkiisu daggan yihiin?

Wasiirkana laguma sheegain Wasiir xaafadeed, waa Wasiir Qaran, oo hormood ah, laakiin nin ay habari dhashay hal-ma seegi waayee, waxa uu Wasiirku ku fashilmay hadalkiisii ahaa “Aynu Daahir Rayaale Dastuurka u furno, oo aynu dooranno mar saddexaad” ,Dugsigan dayacan ee uu Isugu magac-daray, iyo Laamidan uu magaciisa ku xardhay, waa laga qurux badan yahay in qofku isugu magac-daro shay kasta oo xaafadiisa laga dhiso.

Wasiir Warancadde waxaan leeyahay, wiilkaas ku difaacayaa waa mid aan dantaada wadin, oo ku lug gooynaya, aniga ayaa reer Gacanlibaax ah, oo jecel wanaagaaga iyo horumarka waaxda aynu dagganahay, nasteex kuu ah, gacal iyo xigtoba kuu ah, aan kula rabin xajiin iyo karaamo-seeg, kuna hamiya in degmadu yeelato dugsiyo sare oo farabadan, iskuulka aad isugu magac-dartayna waxa uu ahaa mid aanu rajo weyn ka qabnay markii la dhisayay, laakiin aanu ka niyad jabnay markii uu aragnay Iskuulkii oo aad isugu magac-dartay, oo furmi waayay, roobaabkuna ay jiingadii ka qaadeen.

Sacaadatu Wasiir iskuulkaas dunsan ee magacaagu ku qoran yahay, waxa uu meel-ka-dhac iyo maamuus-jab ku yahay milgahaagii, waxaad ahayd imakana aad tahay wasiir loo han weyn yahay, hormood ah, sharaftaada iyo karaamadaadina waxa ay ku soo laabanaysaa adiga oo iskuulkaas si degdeg ah u dayactira, oo aan cidnaba ku hallayn, illeen magacaagii ayaa ku qoran e. Waxaan jecelnahay in aan aragno Wasiir adiga oo iskuulkii dhisay, furay, oo ardayina ay dhiganayso.

Khadar Oomaar

kulan105@hotmail.com

Gacan-Libaax, Hargeysa, Somaliland


No comments:

Post a Comment