Thursday 29 October 2009

Hoolka Jaamacadd Burco Munaasibad xil wareejin ahayd oo guul darro ku dhammaatay iyo jawigi madasha.

Hoolka Jaamacadd Burco Munaasibad xil wareejin ahayd oo guul darro ku dhammaatay iyo jawigi madasha.

Hoolka Jaamacadd Burco Munaasibad xil wareejin ahayd oo guul darro ku dhammaatay iyo jawigi madasha.

Waaxaa saaka abbaro 9:00 am subaxnimo la soo Buux dhaafiyey Hoolka Jaamacadda Burco iyadoo lagu qabanayey Munaasibad Xilka la isaga kala wareejinayo Guddomiyiha Jaamacadda BURCO Prof: C/salan Yasin iyo Guddomiye kale oo cusub oo la yidhaa prof C/raxman oo la rabay in Jamacadda lagu waeejiyo,
Hadaba Munasibaddan xil waerjinta ahayd oo ay ka soo qayb galeen maamulka Gobolka, Maamulka waxbarashada Gobolka, Guddiga Deegaanka, Maamulka Jamacadda, Guddiga Jamacadda,, Culimo Aw-diinka Magaalada, Abwaano, iyo weliba qurbo jooga Somaliland, sido kale waxa an iyaguna meesha ka maqnayn saxaafadda Madaxa bannaan iyo ardayda Jamacadda.
Munaasibadda oo u xidhiidhiye ka ahaa Cusman Xashi ayaa ugu horayn lagu furay aayado quraan ah, aayadaha quraanka ah ka dib waxa munasibadda ka hadlay sh.maxamed Jamiil oo ka mid ah Culimadii munasibada ka soo qaybgashay, isagoo jeediyey Khudbad isugu jirta muxadaro Diini ah iyo wacyi gelin iyo weliba baraarujin, Muxadarada Sh.maxamed Jamiil kadib waxa mikirifonka lagu soo dhoweeyey Sh.khaliil oo isaga laftiisu madasha ka jeediyey wacdi, isago sheegay laftiisu inu ka mid yahay, Guddiga qabanqaabada Dhismaha Jaamacadd iyo weliba Biriijka Hargaysa, isagoo uga mahad naqay Guddomiyaha jamacadda Prof C/salan yasin sida xilkasnimada ah ee u uga soo baxay hawshii jaamacadda oo dhan,
Waxa isna madasha ka hadlay oo kale Mr.Cabdi faarax oo isagu ka sheekeeyey Taariikhaha labada Professor isago weliba ku dheeraaday Taariikhda Prof C/salaan yasin isagoo sheegay inuu ka baxay jaamacadii lafoole iyo weliba jaamacaddo kale oo dalka dibadiisa ah, wuxuu kalee sheegay in Prof C/salaan oo wax ka soo dhigay jaamacado badan oo ku yaala Maraykanka, Yurub iyo carabta, isla markaasna uu yahay Professor aqoon aad u saraysa leh, sidoo kale wuxuu sheegay in Prof C/raxman oo ah ninka lagu waday in lagu wareejiyo Guddomiyenimada Jaamacadda Burco uu isaga laftiisi jaamacado badan soo dhammaystay aqoon badanna uu leeyahay lakin se muu sheegin jaamacado uu wax ka soo dhigay profeesorkan Cusubi,
Hadaba intii uu khudbada waday Mr.Cabdi farax waxa meel dhexe ka kacay Dayr Maxmed Cilmi oo ka mid ah ragga ka qaybqaatay Dhismaha iyo Hirgelinta jaamacadda isagoo ku qayliyey cod dheer ayaa wuxu yidhi “waar aanu hadalno , oo hadalka hanaloo ogolaado waxan aad meesha ku waddaana waxba kama ogin lamana socono ee aanu hadalno” iyadoo markiba odayaal u kaceen kuna dejiyeen in jaaniskiisa uu sugo isla markaasna uu aragtidiisa dhiibto, waxa halkaa ka bilowday buuq aan badnayn Hoolka jaamacadda Dhexdeeda iyadoo khudbadiisiina uu soo gebo gabeeyey Mr.Cabdi Faarax.
Waxa kale oo isna madasha ka hadlay sheekh weyn oo looyaqaan DAKHALAL JANNA, isagoo laftiisu u digay lana talieyey Dadka meesha isugu yimi, isagoo kula taliyey inay is maqlaan isu sabraan is dhegaystaan mar uu arrintaa sheekhu ka hadlayay waxa uu yihi “wixii xuman ah ee la inaga qorayo ha la iska ilaaliyo , qolyaha saxaafadduna waxay inaga duubeeen waad aragtaan ee xishooda oo isu dulqaata rag waawaynbaynu nahaye oo yaan waxa imminka dhacay oo kale mar dabe la inaga duubin, Dee ha habarjeclo iyo habaryoonisoobina ee nagadaaya” markii uu intaas yidhi sheekhu ayaa kelmadihiisan u danbeeya ay dadbadan aad u taabteen oo uu ka mid madaxa cuqaasha Gobolka MAXAMED DAHIR isago cod dheer ku yihi “ma nihin ma nihin habar jeclo iyo habar yoonis ee waxaanu nahay JAAMACAD” iyadoo halkaas dad badan oo kale ka qayliyeen,
Sido kale waxa isna munasibadda Kelmad kooban ka jeediyey Guddomiyaha waxbrashada Gobolka oo sheegay in Jaamacadda iyo hawlaheeda aan waxba lagala socodsiin maadama uu yahay masuul wasaarada waxbrashada Gobolka u jooga, wuxuuna yidhi waa nasiib darro in maanta aan ku hanbabaro waxa jaamacada ka socda.
hadaba waxa halkii ka bilowday buuq aad u badan iyo is qabsi iyadoo markii danbeuu mikirfoonka qaatay prof C/salaan isago ku cel celiyey “ACUUDU BILAAHI MINA SHAYDAANI RAJIIM IS DEJIYA IS DEJIYA BUUQA HA LA YAREEYO, FADHIISTA” markii uu intaas yidhi ayaa waxa debeda isaga baxay koox uu ka mid yahay Dayr Maxamed Cilmi, isago markii danbena Badhasaabka Gobolku madasha ka baxay waxa kooxdaas debedda u baxdayna uu murankoodii ku soo dhammaaday is af garan waa, intii ay kooxdaasi debedda ku maqnaayeen ayuu Bilaabay Prof: C/salaan inu sharaxaad ka bixiyo Jaamacadd wixii u qabsoomay, waxay higsanayso, iyo halkay ka soo bilowday, isagoo ugu horraysiiyey aayado quraan ah oo ka sheekaynaya Caddalada , Amniga iyo aaminka waxaana uu sheegay in marka aamin la helo un caddaaladna la helayo, hadaba isagoo prof C/salan yasin ku dhex jira sharraxadiisii ayaa wax mar qudha albaabka ka soo galay Badhsaan ku xigeenka Gobolka Guled Dahir Samatar isagoona soo istaagay halkii uu ka hadlayay Professorku isagoo codsaday in munaasibadda halkaas lagu xidho, kadiba uu Professorku ku yidhi u yara kaadi halkaas oo markii danbe badhasab xigeenku uu kala booday Prof C/salan Microphone ka dadkana u sheegay in Munaasibaddu halkaas ku xidhantahay Buuq danbena aan loo baahnayn iyadoo isla markii uu hadalkaa yidhi Badhasaab xigeenkuna ay gudaha Hoolka Soo galeen Ciidamo Bilays ahi, iyagoo dadkii halkaas ka dareeriyey.
Ma jiraan dadka masuuliyinta u badan ee kor aan ku soo sheegnay cid ka hadashay madasha marka laga reebo Guddomiyaha waxbarashada oo qodob keliya ka hadlay iyago dhammaan masuuliyintii kale kaga wada noqday madasha murugo iyo yaab.
Sida aan ku maqlay nux nux hoose markii aan bannaanka u baxnay waxa la sheegay in arrinta meesha lagu waday ay ahayd arrin aan marka hore la iskula wada socon, iyadoo taasi ay dhalisay in lagu kala dareero munaasibadda.
Hadaba waxa aan si rasmiya loo ogayn in professor c/salaan oo hore u dhiibay istiqaalada uu siijoogi doono inta si loo wada dhan yaahay loola kala wareegayo iyo in uu maanta isakaga tegi doono.
Mustafe Osman A/rahman
Togaherer News
Burco Somaliland

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete