Thursday 29 October 2009

DAGAAL KA QARXAY GAALKACAYO DAGAALKA AYAA U DHAXEEYA GALMUDUG IYO PUNTLAND

DAGAAL KA QARXAY GAALKACAYO DAGAALKA AYAA U DHAXEEYA GALMUDUG IYO PUNTLAND

Dagaal u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmugu ee deriska ah ayaa maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Galkacyo, iyadoo dagaalka uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Dowladda Hoose isku dayeen in ay bur buriyaan sandaqado ganacsi oo ku yiil Bartamaha Magaalada Galkacyo, halkaasoo ay ku ganacsanayeen Ganacsato ka soo jeeda K/Galkacyo qeybta ay maamusho Galmudug.

Ilaa lix ruux ayaa ku dhimatay 15 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray iska hor imaadka oo ahaa mid culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu dagaalka ka dambeeyay markii mid ka mid ah Ganacsatadii laga bur burinayay goobtiisa ganacsi uu Bam faal ku dhiftay Gaari cagaf-cagaf ah.

Wasiirka Amniga Galmudug Mr Aloore ayaa sheegay in Maamulka Puntland hadii uu joojin waayo hurinta dagaalka ay isu badaleyso dagaal ka dhex qarxa Puntland iyo Galmudug.

Inkastoo xaalada Magaalada Galkacyo ay haatan degan yahay ayaa hadana waxaa jira cabsi ku aadan in dagaalo mar kale ay ka qarxaan.

Magaalada Galkacyo ayaa Waqooyi iyo Koofur waxaa kala maamula Puntland iyo Galmudug oo labada dhinac ka soo kala jeeda, iyadoo xilliyadii hore ay ahaayeen kuwo aan wax khilaaf ugu kala dhaxeyn labada dhinac ee ay kala maamulaan.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete