Monday 5 October 2009

DADKA IS CADDEEYA OO MUSTAQBALKA DAD CUN NOQONAYA!!!

DADKA IS CADDEEYA OO MUSTAQBALKA DAD CUN NOQONAYA!!!

XAMSE SULDAN />
Dadka is caddeeya oo mustaqbalka dad cun noqonaya!!

Dawooyinka dumarku isku caddeeyaan waxa ka mid ah kuwo loogu talogalay in lagu daaweeyo xasaasisiyadda iyo caabuqa nabarrada, qaar kalena ku yihiinba khatar jidhka qofka isticmaalaya, waxaa ka mid ah daawooyinkaas.

Sheerli Diyana ,Moofeed,Roose,Farableen,Biliij,Riikoo,Top sheerli, Ritaana, Silfaana, Betnoofaad, Riikoo dhiiqo, Super RoseRiyo iyo qaar kaloo fara badan oo lagu isticmaalo meelaha ay Soomaalidu degto oo aanan ku soo koobi karin magacyadooda halkan, loona istimaalo qaybaha kala duwan ee jidhka, gaar ahaanna wejiga, gacmaha, lugaha, qoorta iyo qaar la mariyo jidhka oo dhan.

Waxa intaa dheer bacaha lagu xidho gacmaha, lugaha iyo qaar lagu seexdo habeenkii loo gashado sida dharka oo kale. Badanaa dawooyinkani waxay khatar ku yihiin oo ay dhibaatooyin la xaadle u gaystaan caafimaadka qofka ismariya, waxana ka dhalan kara cudurro hor leh, tusaale ahaan: Waxay dilaan unugyada difaaca maqaarka. Waxay raadad xunxun ku reebaan maqaarka qofka isticmaala.

Waxa uu u nuglaadaa qofka istimaalaa inuu ku dhaco kansarka maqaarka. Wuxuu dhibaato u gaystaa aragtida indhaha ee qofka isticmaala Waxa aan hore u bogsan nabarrada ku dhaca jidhka qofka ismariya dawooyinkani. Waxaa ku sameeyaa maqaarka cuncun badan iyo xasaasiyad. Waxa uu ka soo saaraa jidhka qofka ismariya xaad fara badan iyo diirka oo ka qubta qofkaas. Waxaa uu cimri-degdeg ku keenaa maqaarka. Waxa uu dibadda u soo saaraa xadidada dhiigga qaada. Waxay ku abuuraan maqaarka qofka ismariya, canbaar iyo finan fara badan.
Waxaa kale oo ay dhibaato dhaqaale ku haysaa qofka istimaala oo hadh iyo habeen ay u noqotay balwad joogta ah, oo aanu qofku marnaba ka maarmi karin, iyadoo taas ay u dheertahay dumarka in biilkooda ka mid tahay dawada la isku caddaynayaa oo dhawrkii maalmoodba maalin gaara kharashkaga baxaayo .

Waxaan uga digayaa hablaheenu inay waan toobaan oo ay ka fogaadaan isticmaalka suntan (dawo maahee) waayo jidhka qofka isticmaalaa suntani waxaa uu jidhkiisu samaynayaa ur aan fiicnayn, waxaa engagaya maqaarkiisa, waxay feenanaysaa suntani hilibka qofka iyo dheehiisa dabiiciga ah

W/Q: Xamse Suldaan Aadan Faarax

Xamse101@hotmail.com Tell: 4427272

No comments:

Post a Comment