Saturday 10 October 2009

AL-JAZEERA ,DUGSI LEH SUMMAD-SUMCADEED GAAR AH

AL-JAZEERA ,DUGSI LEH SUMMAD-SUMCADEED GAAR AH

Published on: Oct 10, 2009 19:09

Al-Jazeera Secondry School waa dugsi caan ah oo ku yaalla magaalada Hargeysa gaar ahaana dhinaca bari ee Edna Aden Hospital. Galbeedna ka xiga isgoyska Total, waana dugsi lagu qaato manhajka dugsiyada sare ee Somaliland.

Haddaba dhawaan waxa dugsigaas booqday xubno ka tirsan Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista, halkaas oo ugu kuurguleen xaaladda waxbarasho ee dugsiga Al-Jazeera. Maamulaha dugsiga Al-Jazeera Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi ayaa ka waramay in ay dugsigan ka qalinjebiyeen shan lod oo u fadhiistay imtixaanka dugsiyada sare ee Somaliland, isla markaasna aanu imtixaanka dawliga ah ku dhicin arday ka tirsan shantaas lod kala dambeeyay, taasina ay sumcad gaar ah u tahay Dugsiga Sare ee Al-Jazeera.

Maamuluhu waxa kale oo uu ka waramay in ay gelinka dambe bixiyaan upgaring courses kala geddisan oo ah maadooyinka dugsiga sare, bishan Octoberna ay bilaabayaan luqada Englishta oo laga dhigayo mahaj casri ah, oo maqal iyo muuqaal ah, dhawaana ka soo baxay dalka Ingiriiska, isla markaasna aan hore loogu arag Somaliland, xisaabta dugsiga hoose dhexe, iyo weliba waxbarashada dadka waawayn oo habeenkii ah. Waxa sidoo kale iskuulka ka socda qabanqaabada koob kubbada cagta ah oo loogu talagalay in ay ku tartamaan ardayda iskuulku.

Maamuluhu waxa uu intaas ku daray in ardaydii ka qalinjebisay Al-Jazeera ay noqdeen qaar kaalmaha sare ka gala jaamacadaha kala geddisan ee dalka, isla markaasna uu yoolka dugsigani yahay in ay soo saaraan arday leh tarbiyad toosan iyo tacliin heersare ah.

Xubnaha ka socday akadamiga waxbarashada iyo cilmi-baadhista ayaa maamulka dugsiga uga mahadnaqay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay dugsiga.

Education and Research Academy Desk

eraorg@ymail.com

Hargeisa, Somaliland

IMG_1271IMG_1273IMG_1274IMG_1276IMG_1277IMG_1280

No comments:

Post a Comment