Showing posts with label oday. Show all posts
Showing posts with label oday. Show all posts

Tuesday, 8 September 2009

WAA KACDON DIMOQRADIYADA HIIL U AH UDUB DARDARWERIN U AH MUCARIDKANA DIGNIIN U AH WAA XIRSI XIDH

WAA KACDON DIMOQRADIYADA HIIL U AH UDUB DARDARWERIN U AH MUCARIDKANA DIGNIIN U AH WAA XIRSI XIDH

Waa kacdoon dimoqraadiyada hiil u ah, UDUB dardaarwerin u ah, Mucaaridkana digniin u ah, waa xirsi xidh dadweyne

Hamud Duale

“Waagaan tilmaamiyo, tusan iyo barwaaqiyo, tahal baynu gaadhiye miyaad talo ka weyn tahay” – codkii halaasiga ahaa ee Axmed mooge liibaan.

Haddaad qaranka daacad u tahay distuurka raac, haddaad qof iyo qos u durbaan tumaysana xeer jajabka iyo miiska wada hadalka raac.

Waa markii sedexaad ee dawladda Somaliland ay ku guuldaraystay in ay qabanqaabiso doorasho dalkan ka dhacda. Waa markii sedexaad ee ay shin dhaaftay xilligii loo qoondeeyey. Waa markii sedexaad ee dadweynuhu la duudsiyo xuquuqdoodii asaasiga ahayd ee codbixinta. Waa markii sedexaad ee dadweynaha Somaliland ku hongoobey in uu codkiisa ku ciil baxo. Waa markii sedexaad ee ummadan u ooman in ay layligeliyaan hannaanka dimoqraadiyada iyo habkii loo dhisan lahaa dawlad casri ah, ay hunguri gaagaxdo. Taasi waxay dhalisay in guud ahaan dalka ay ka dhacaan, madaaharaadyo isdabajoog ahi. Waa ta keentay in Boorama dadkii mudaaharaadayey ay afka duubi iskaga xidhaan. Waa ta keentay in Tog-wajaale calankii UDUB ey-da loo xidho. Waa ta keentay in dadweynaha reer Hargeysa ay hor tubnaadaan Golihii wakiilada ee ay soo doorteen iyaga oo difaacaya distoorkii iyo sharcigii ay u codeeyeen.

Dadweynuhu kama gadoodin keliya doorashaa la qaban waayey. Waxay ka gilgisheen markay dareemeen in golihii fulinta ee Mudane Dahir Riyaale Kaahin hogaaminayey uu ka amar weynaadey distoorkii iyo xeerkii la dhigtay. Markuu ka amarweynaadey Golayaashii sharci dejinta. Markuu u dhaqmay sidii maamul digtaatoori ah oo aan shacbigu soo dooran, soona dooran doonin. Markay habkii iyo hannaankii dimoqraadiyada uu hareer ka dhaafay.

Sidaynu la wada socono waxay dawladu waxay ka bilawday la dagaalanka geedi socodka dimoqraadiyada, Xusbiga loo tiriyo in uu talada hayo ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin. Xusbiga UDUB, golihiisii dhexe wuxuu ku soo urur oo taladiisu ka go’adaa Guddoomiyaha xusbiga islamarkaana ah Madaxweynaha, keligiis oo aan lagu labayn. Wakiilada Xisbiga ee Gobolada iyo degmooyinka waxaa hawshoodii la wareegey wasiirada Qaranka oo habeen iyo maalin intay tii qaranka meel iska dhigeen ku wareegaaleysanaya, hawshii ay ku filaayeen masuu’uliyiinta xusbiga heerkay doontaba ha ahaatee. Shaqaalihii qaranka waxaa laga dhigay guulwadayaasha iyo Calan sidyaasha xusbiga UDUB. Halkaa waxaa ku gudhay oo la curdin dhadhiyey in xusbigaasi hanaqaado oo hannaakii dimoqraadiyadeed gudihiisa ku dhaqmo oo hirgaliyo.

Markay taa ku guuleysatey dawladdu waxay bilawday in ay ka leexato ku dhaqanka distoorkii, sharcigii, iyo Axdi qarameedkii. Waxaa la coloodey Golayaashii sharci dejinta iyo hogaamiyayaashoodii. Qas iyo qalaanqaal ayay ka dhex abuurtay. Go’aamada ka soo baxa waxay gaadhey heer ay marwalba ku gacan saydho. Waxay sintay Golayaashii sharci dejinta iyo guddigii doorashooyinka qaranka. Sharci dejiyihii iyo fuliyihiiba iyada ayuu noqday. Xildhibaanadii UDUB waxay u dhaqmeen sida wasiirada u Madaxweynuhu soo magacaabo, oo way iloobeenba in dadweynuhu soo cugtay oo shaqada siiyey. Markay sidaa noqotay waxaa dhacday in dawladu u aragto amma ula dhaqanto xusbiyadii mucaaridka iyo taageerayaashoodi nacab iyo cadaw. In ay xusbi qaran oo la tartamaya yihiinba meesha way ka saartay.

Haddaba, kacdoonkan dadweynaha foojigan ee dulqaadka badan, wuxuu u dadaarwerinayaa guud ahaan xusbiga UDUB oo ay ka doonayaan in uu hannaankii dimoqraadiyada dib ugu soo laabto gudihiisa iyo dibadiisaba.

Kacdoonkani xusbiyada mucaaridkana waa u digniin oo iyaga laftooda waxaa la muujiyey in aanay dadweynuhu diyaar u ahayn ururo dhaqankii iyo saansaantii ururka muxaafidka leh gudahooda iyo dibadoodaba. Waxaa la muujiyey in aan sidii loogu seeto dheereeyey maamulka haatan, sobobadan awgood iyaga loogu seeto dheerayn, haddii uu dadweynuhu codkooda ku deeqo oo talada la wareegaan.

Waxaa laga rabaa waxii la diidey wixii doorin lahaa. La dooni maayo xabaalo laga dul baroorto oo la soo faqo. Waxaa laga doonayaa talo iyo qorshe ka nool iyo ka dhallan doona waxtara, dimoqraadiyadana u hiiliya.

Waxaa kale oo kacdoonkan lagu muujiyey in garaadkii siyaasadeed ee dadweynuhu uu heersare gaadhey. Waxay muujiyeen in aan qaybi oo xukun, garaadkii qabyaalada ay ka gudbeen oo cidina ku isticmaali Karin. Kacdoonkani waa xirsi xidh dadweyne iyo in laga gudbo habkii beelaha oo xusbinimada la xoojiyo.

Dadweynuhu waxay doonayaan hab ismaandhaafkan immika taagan lagaga gudbo, ku danbe oo dhacana lagaga badbaado, doorasho xor ah oo xalaalana suurtageliya, oo aan shin dhaafina, waa in sedexda xusbi qaran ka tanaasulan kursigan keliya ee ay isku haystaan, danaha guud kale ee qarankana hoos u eegaan.

Ismaandhaafyadii hore sedexda xusbi qaranba intay distoorka iyo sharciga ka dudaan ayay xeerjajab xal ka dhigtaan oo heshiis wada galaan. Mucaaridku waxay marwalba miiska wada hadalka la fadhiistaan eeda kii galay, ee doorashada dib u riixay. Heshiiskaasi, maadaama aanu wafaqsanayn distoorkii oo uu yahay heshiis ay iyagu wada galeen, marka la gaadho maalintay qabsadeen, haddana halkii uunbuu ka bilaabmaa ismaandhaafkii doorasho iyo diba loo riixay. Taasi waxay muujinaysaa in aan Xusbiyada mucaaridka laftoodu jeclayn ku dhaqanka distuurka iyo dimoqraadiyada.

Ismaandhaafkan haatan lagu jiraa wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore, waxaa kan soo dhexgalay dadweynihii oo muujiyey in ay soo ceshadaan xuquuqdoodii asaasiga ahayd ee codbixinta iyo doorashada. Sidaa daraadeed sedexda xusbi oo isa soo horfadhiista xal ma ah, waxaa ka roon distuurka oo la raaco, oo sedexda xusbiba aqbalaan. Haddii kale waa in dadweynuhu u diyaargaroobaa kordhinta iyo ismaandhaaf afraad oo aan dhiig ku daadan.

Haatan iyo dana waa in ismaandhaafkan immika oloosan lagu xaliyaa hab waafaqsan distoorka iyo sharciga. Dawladan immiku umma eka mid doorasho diyaargarayn karta. Dawlada ha dhacado, oo mucaariidkow soo fadhiistana xal ma ah oo afka way ka weyn tahay. Dawlad la wadaagaana, intay murmayso ayaa waagu dabadeeda ka baryi doonaan, taasina xal ma ah oo waxay u ekaan doonta Golaha wakiilada. Waxaa markan loo baahan yahay in distuurka la raaco oo guurtidu dalka gaadhsiiso doorasho xor oo xalaal ah.

Guurtidu, dawladiihii Somaliland soo maray oo dhan iyada ayaa u sal ahayd, tana iyadaa ilaa immika ka hor sal u ahayd, sidaa daraadeed waayo aragnimadaynu u leenahay iyagaa distuurku waxay inna farayaan, haddii dawladdu carqalad ku noqoto in doorasho dhacda, mucaaridkuna xuslada ku sito xadhkiihii lagu daadufeen lahaa, in ay dadka iyo dalkaba badbaadiso guurtidu.

Haddaba, dadweynow haddaad qaranka daacad u tahay oo aad aaminsan tahay distoorka raac, haddaad qof iyo qoys u durbaan tumaysana xeerjajabka iyo miiska wada hadalka raac, oo sharciga daadufee. Una dhabagala waxay hogaamiyayaasha mucaaridku waxay dan moodaan. Hogaamiyayaasha mucaaridku waxay u qabaan in laba daran la kala dooransiinaayo, umma qabaan in sharci iyo sharci darro la kala dooranayo. Waxay u janjeedhsan doonaan dhinaca xeerjajabka iyo in ay heshiis la galaan eedda kii galay. Hadday Mucaaridku ay diidaan xalka distuuriga ah oo doorbidaan xeerjajab, muxuu yeeli doonaa dadweynuhu? Waayo aragnimada aan u leeyahay aragtidooda siyaasadeed, waxay u gacan geli doonaan oo ogolaan doonaan, sii waaritaanka maamulka loo tirinaayo eedda ee carqaladeeyey doorashooyinka hore oo lagu odhan doonaa tu kale noo soo diyaari. Markaana waxaa la isweydiin doonaa, ayaa doorashada carqaladaynaaya ma mucaaridka mise muxaafidka? Su’aashaana jawaabteeda waxaan u dhaafaya warbaahinta gudaha iyo debed ee qun yar socodka ah iyo ta quluul u socodka ah

WARIYAYAAL IYO ILAALADII SHIR GUDOONKA OO XABSIGA LOO TAXAABAY


Ciidamada Booliska ee Maanta la wareegay Xarunta Golaha Wakiiladda Ayaa xidhay xabsigana u taxaabay Wariyayaal iyo askartii ilaalada shirgudoonka.

Wariyayasha la xidhay ayaa kala Ah khaddar Maxamed Cakuule oo ka tirsan Fogaan araga caalamiga ah ee Universal Tv ,Maxamed Sagax Wargeyska Haatuf Wariye C/risaaq Catoosh iyo Camera Man C/laahi oo ka tirsan Tv Qaranka .
Wariye Cakuule ayaa isaga haatan ku xidhan Saldhiga Dhexe ee Hargeisa ilaa iyo hadda cid si rasmi u sheegtay sababta loo xidhay wariyaayshan ayaan jirin Wariyaashan ayaa ku dhex jiray markii la qabtay mihnadooda Saxafinimo iyaga oo ku sugnaa Xarunta Wakiiladda.

Xafiiska Warar ka ToggaHerer
Hargeisa

Monday, 7 September 2009

DIYAARADO GEEYEY BUDHCAD BADEED MAGALADA GARCAD OO LAGU QABTAY MADARKA GALKACAYO

DIYAARADO GEEYEY BUDHCAD BADEED MAGALADA GARCAD OO LAGU QABTAY MADARKA GALKACAYO

Image and video hosting by TinyPic

Waxaa Airporka magaalada Gaalkacyo galabta lagu qabtay labo diyaaradood oo ka yimid dalka Kenya, kuwaasi oo maanta burcad badeed Soomaali ah geeyey magaalada xeebta ah ee Garacad.

Labadan diyaaradood ayay saaran yihiin dad ay soo siidaayeen Burcad badeed ku sugan xeebaha degmada Garacad ee gobalka Mudug.

Wararka aanu kasoo xiganay saraakiisha ku sugan Airporka Gaalkacyo, ayaa sheegaya in diyaaradahan maanta Airpor ku yaal magaalada Garacad geeyeen 23 nin oo Soomaali burcad badeed ah kuwaasi oo ay dowlada Sychelles sii deysay, isla markaana lagu soo bedashay shaqaalo ay horey u heysteen kooxo burcad badeed Soomaali ah.

Arrintan ayaan waxna lagala socodsiin Dowlada Puntland, sida ay Horseed Media u sheegeen xubno kamid ah Ciidamada amniga gobalka Mudug, oo intaasi ku daray in diyaaradahan markii hore si toos ah uga dageen magaalada Garacad, balse soo noqoshadoodii uu shidaalka ka dhamaaday isla markaana kasoo degeen Airporka Gaalkacyo ayagoo doonaya shidaal ay dib ugu noqdaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Magaalada xeebta ah ee Garacad ee gobalka Mudug, ayaa waxaa ku yaal airpor macmal ah oo aan dhameytirneen, halkaasi oo la sheegay inay maanta ka degeen diyaaradahan, ayadoo la rumeysan yahay inay halkaasi ku sugayeen kooxo burcad badeed oo hubeysan.

Diyaaradahan ayaa la sheegay in ay yihiin labo, waxayna wararkan sheegayan in mid kamid ah uu leeyahay Ganacsadaha caanka ah ee Soomaaliya Jaamac Buluug, halka diyaarada kale aan la aqoon shirkada leh.

Illaa iyo hada macada tirada saaran diyaaradan oo ah shaqaalihii ay siidayeen burcad badeeda iyo waliba inay yihiin kuwa kasoo jeeda dalka Sychelles ama inay yihiin kuwo u dhashay wadan kale.

Dowlada Puntland weli war cad kama soo saarin arrintan, ayadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay oo Burcad badeed Soomaali ah la keeno Puntland, isla markaana lagu bedasho dad ay heysteen kooxaha Soomaalida ah ee qawleysata xeebaha Soomaaliya.

“Ma jiraan wax cadeynmo ah oo aan ku helnay kooxdan, maadaam aan muddo dheer heynay, waxay dowladeena go’ aansatay in dadkan dib loogu celiyo dalkooda hooyo, sida uu sharciga caalamiga ah qorayo…” ayuu yiri Mr.Joel Morgan oo ah Wasiirka Bey’ada iyo Gaadiidka ee xukuumada Sychelles, oo ka hadlayey burcad badeeda ay siidaayeen.

Dowlada Sychelles ayaan ka hadlin goobta ay ku celisay kooxda burcad badeeda ah, ayadoo saraakiisha Puntland sheegeen inaysan jirin cid xiriir kala soo sameysay burcad badeed lasoo celinayo.

Baashe Maxame
Togaherer
Galkacayo

DOQON MILANTAY & GEESI MALLAFSI BARTAY WAY ISKU MIYIR DOORSOOMAAN

DOQON MILANTAY & GEESI MALLAFSI BARTAY WAY ISKU MIYIR DOORSOOMAAN

Image and video hosting by TinyPic

Waxan marka hore umadda reer Somaliland ugu hanbalyaynayaa bisha barakaysanee ramadaan ee badhtanka loogu jiro ilaahay khayrkeeda ha inna siiyee.



Marka labaad anigoo in muddo ahba ka yara maqnaa saaxadda wacyi galinta iyo bararujinta dadka ,ama aragti soo gudbinta wax dhiba ugamaan maqnayne baylaho isku kay gaadhaybaan kala gurayayoo markan ka bogtay , hadda waxan usoo tafa xaydanahay inaan dalkaygii hooyo imaaddo oo an dadkayga la wadaago dhabatada guulaamooyinka iyo ufooyinka siyaasadeed ee dalkii hooyo ka dhacaya , dhibaatana uma arkoo meel lagu murmay maara lahelbay soomaalidu tidhaa .



Hadaba hadii an ka dhaqaaqo bartilmaameedkaygii ahaa ilaalinta danta guud iyo run iyo dhiirani ku hadalka wixii an maanka axadhashadiisa ku helo ( waa sidaan is leeyahaye ) , kollayba dadka qaarna way la xumaataa sidaan waxu dhigaa dadka qaarna qaab kale oo ka geddisanbay u arkaan wax sheegayga , aniguse jafladaydaan iska wataa iyo habarbaa iska hawhawlee heellada inoowada e .



An biyo dhacee maanta dalkii hooyo waxa ka taagan dhibaatto siyaasadeed oo ka dhalatay siday aniga ila tahay madaxdii iyo siyaasiyiintii umadda muxaafid iyo mucaaridba oo kusoo caana maalay amma kasoo hoos shaqeeyey maamul iyo talis aan waxba u hanbayn tala wadaagga diiwaankana aanay uguba jirin in wadari go aamiso talada dalka , siyaasiyiinteenna oo uu maankooda saaqay xukkun iyo kursi jacayl labada garabee muxaafid iyo mucaaridba ayaan u yaraysan sidii ay u hanan lahaayeen kursigaa siday doonto ha noqotee.



Dhinaca kale waxa aan waxba laiskaga tiring oo meel cidla ah sawaxankooda ka dacawa eegaysa, umadda reer soomalilandoo dhibaatadii loo gaystay awgeed aanay weli u bilawnayba inay aqbal keen noqdaan oo ay u hogaansamaan arrinkeenkooda markaa talada haya , welina ay shookaddu kaga go antahay dawlad la dhagaxtuuro oo laga hor yimaaddo .

Dalna sidaa kuma dhismo umadina sidaa kuma hore marto .



Hore ayaan u shegay in madaxweynuhu ku dagdagay laailsta liiskii booshaaqqa ahaa isagoo aan arintaa wax ka siin hay adihii la wadaagay go aan ka gaadhka arrintaa , hase ahaatee dadaalo dublamaasiyadeed oo cuffan kadib wuu ka noqday madaxweynuhu laalistaa waxana la isla meel dhigay in xareedinta liiska ajada ah loo saaro khubaro arintaa ku xeel dheer , isla khubaradaasina ay go amiyaan mudada ay kusoo dhamaystirayaan hawshooda si loo galo doorashadan inna ragaadisayee dhiigga inaga yaraysay , ilaa markaana sheekadu may xumayn, waxayse sheekadu xumaattay (wax ay ka dideenba mooyaane ) kadib markii mucaarid ku is tusay waddo ka dhaw doorashada oo ay ku hanan karaan kursiga madaxweynenimo ay lana yimaadeen Taktika siyaasadeed oon lagu ballamin oo u eeg inqilaab siyaasi ah ,( waa mooshinka ah in madaxweynaha kalsoonida uu goluhu kala noqdo ) iyo ka kale ka hor geeda ahee ( guddoomiyaha golaha wakiilada kalsoonida lagala noqonayo ) arimahaasoo is barkanbaa mustaqbalkii umadda ee siyaasadeed xaraar kusoo kiilay cirkana ku shareeray ka wada hadalkii doorashada .



Arimahaa is fan galayaana waxay oogta ka caddeynayaan sida aanay siyaasiyiinteennu ugu bislayn hanashada mayalka umaddan iyo u ila bixinta mustaqbalkeedan mugdigu ka dhammaan laayahay siiba mucaaridka waxad mooddaa in ay ka baqa qabaan inay cod ku heli doonaan korsigan hurdada u diiday ee soomalhaadiyay.

Hadaba si ay xeegana xeega u noqoto ilkana ku nabad galaan waxa haboon in cagta loo dhigo loolankan kursiga loogu tartamayo qaab aan cod loo marin xalaala , indhahana loosoo jeediyo xagga doorashada iyo meel marinteedii oo ad mooddo in melba la iska dhigay , qofkii kursi rabaana umada kalsoonideeda ha hanto hana ku helo sidaa kursigan loo wada boholyoobay ku ku fadhiya iyo ku hiigsayaba .

Umaddu sidaad moodaysaanna uma dhoohna e kaligiin gudcur ha gudina.



Waa Maxamuud Sheikh Cabdillaahi Maaray (Gabyaaye) oo idin leh ILAAHAYbaa Mahad iyo Maamuusba iska leh



E-mail: mxmud-gabyaye@hotmail.com

MUDAAHARAAD LAGAGA SOO HORJEEDO MUSLIMKA OO KA DHACAY MAGALDA BIRMINGHAM EE DALKA UK

MUDAAHARAAD LAGAGA SOO HORJEEDO MUSLIMKA OO KA DHACAY MAGALDA BIRMINGHAM EE DALKA UK

Image and video hosting by TinyPic

Magaalada Birmingham ee caasimada labaad ee dalka Ingiriiska, ayey shalay ka dhaceen mudaharaadyo rabshado wata, kadib markii koox cunsuriyiin ah isku dayeen inay magaalada ka dhigaan mudaharaad lid ku ah Islaamka.

Kooxda English Defence League ayaa magaalada Birmingham ka bilowday maalinimadii Sabtidii mudaharaad ay sheegeen inay uga soo horjeedaan diinta Islaamka oo ay sheegeen inay kusii fideyso magaaladooda.

Magaalada Birmingham ayaa ah magaalo ay degen yihiin dad aad u badan oo Muslim ah, isla markaana kamid ah magaalooyinka ugu muslimka badan dalka Ingiriiska.

Banaanbaxa ay dhigeen kooxda English Defence League ayaa markii danbe isku dedalay mudaharaad rabshado wata, kadib markii ay gacanta isula tageen kooxo kale oo ayaguna kasoo horjeeda banaanbaxa ay wadeen kooxda lagu tilmaamo inay yihiin cunsuriyiin.

English Defence League ayaa ah mid xiriir laleh xisbiga dhanka midiga ee BNP (British National Party) iyo waliba kooxaha kale ee cunsuriyiinta ah ee ka jira dalkaasi Ingiriiska.

Waxayna rabshadihii ka dhacay magaalada Birmingham ay Booliiska xaqiijiyeen inay kusoo qabqabteen dad ka badan 20 ruux.

Maaha markii ugu horeysay oo rabshado noocaan ah ka dhacaan magaalada Birmingham, oo ay hada kahor isku dhaceen dadka ajnabiga ah iyo kuwa kale ee Ingiriiska ah ee kasoo horjeeda tirada dadka ajnabiga ah iyo kuwa kale ee kasoo jeeda wadamada kale ee kusii kordhaya magaaladaasi.

Waxaa had iyo gooraale la saadaaliyaa in rabshadaha noocaan ah iyo weliba falal danbiyeedka la xariira jinsiyada ay sii bataan xiliyada ay dalalka Yurub ka jiraan xaalado dhaqaale xumo iyo shaqo la’aaneed.

Axmed Xasan Khayre
UK

Sunday, 6 September 2009

WAR DEG DEG AH: KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO SHEEGAY IN AANAY SUURA GAL AHAYN DOORASHO 27 SEP

WAR DEG DEG AH: KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO SHEEGAY IN AANAY SUURA GAL AHAYN DOORASHO 27 SEP

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta sheegay in aanay suurtagal ahayn in doorashada madaxtinimada Soomaliland qabsoonto 27ka September ee hore loogu cayimay.
Shirkan ay komishanku ku gaadheen go’aankooda oo ay u dhamaayeen todobada xubnood ee guddida doorashadu ka kooban yahay, ayaa waxay si wada-jira u gaadheen inay duruufaha lagu jiraa ay leeyihiin tix-gelintooda,

Sidaa daraadeedna waxay go’aamiyeen qodobadan in lagu dhaqmo:

1 In laga noqday go’aankii ahaa diwaangelin la’aan in doorashooyinka lagu galo taas oo ay hore u ansixiyeen afar xubnood oo ka mid ah komiishanka doorashooyinka, madaxweynuhuna uu taageeray.
2 Inaanay Suurtagal ahayn qabashada doorashooyinkii xiligii loo mudeeyey oo ku beegnayd 27 September 2009, iyaga oo sheegay inay ka eegeen dhinacyada Farsamado ee Siyaasada, iyo dhaqaalahaba.
3 Inay Fursad siiyaan waan-waanta socota ee dib-u-heshiisiinta Xisbiyada qaranka Inay ka dhursugaan heshiis ay u dhan yihiin sadexda Xisbi qaran oo lagu mudeeyo xiliga ay doorashadu suurtagal noqon karto iyo qaabka lagu gelayo.

Ugu danbeyntii waxay xubnaha komiishanku ugu baaqeen Xisbiyada qaranka, Golayaasha xeer-dejinta iyo Xukuumada in dalka dib loogu soo dabaalo tallo loo wada dhan-yahay iyo dhaqansamaantii dalkeena looga bartay.

Komishanku muu sheegin waqtiga ay doorashadu qabsoomayso laakiin waxay caddeeyeen in muddo kordhin iyo dib u dhigis loo baahan yahay. Arrintani waxay sii murginaysaa siyaasadda cakiran ee dooroshooyinka Somaliland.

WARQABDKA TOGAHERER
HARGEISA

Saturday, 5 September 2009

UGAAS KA BEESHA CIISE OO LA DOORTAY IYO QABASHADA UGAASKA AMA HABKA LOO DOORTO UGAAS CIISAHA.

UGAAS KA BEESHA CIISE OO LA DOORTAY IYO QABASHADA UGAASKA AMA HABKA LOO DOORTO UGAAS CIISAHA.

Image and video hosting by TinyPic

Natiijadii ka soo baxday kulanadii is daba jooga ahaa ee ay soo xidhiidhiyeen gudiga qabanqaabada ugaaska iyo gudigii xulida ugaaska ee loo yaqaano gandaha ee ka socday Waaruf iyo Gugumacad ama Geed ugaas ayaa ku dhamaaday malintii Khamiistii in lagu soo bandhigo Ugaaska 19aad Ugaas Mustafa Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays oo lugu soo wareejiyey Gacanta gandaha si loogu diyaaryo xafladaha caleemo saarka oo aad loogu hawlan yahay taaso ka dhici doonta magaalo madaxda Gobolka Selel ee Saylac.

Ugaaskan oo aad loo sugayey waxa damaashaad loogu riday meelo badan oo ka tirsan Geeska Afrika waana markii u horaysay ee Ugaas qaato muddo ka badan shan sano sida ay tibaaxeen xubno ka tirsan gudiga xulida ugaasku ee lagu magacaabo Gandaha.

Ugaaskan cusub ee Ugaas Mustafe ayaa ay da'diisu tahay 17 sano Jir ,sidoo kale beesha Ciise may lahayn wax Ugaas ah ilaa iyo 1994 oo uu dhintay Ugaaskoodii u danbeeyey.

Qaabka iyo dariiqa loo maro doorashada Ugaaska Ciise waxay ka duwan tahay qaabka ay maraan Qabaai’lka kale ee Somalida.

QABASHADA UGAASKA AMA HABKA LOO DOORTO UGAAS CIISAHA.

Ugaaska Ciisuhu waa inuu noqdo wardiiq wakhtishiile, Reer Xasan, Cabdale ama guntiwayne. Waa inuu noqdaa ciise, Ciise dhalaye 3 abtirsiimo,
Ugaaska hooyadii waa inay noqotaa bilcan, kolna ma noqoni karto dumaal ama xigsiin .
• Qolada Ugaaska hooyadii si cad umma qeexna, hasa ahaatee waa celeeye .
• Ugaas Wacays Cumar hooyadii waxay ahayd Reer Guulane.
• Ugaas Roble Faarax waxay ahayd Mamaasan.

Ugaas waxaa noqda nin quruxsan oo isku buuxa oo dhalin yar, Waa qof daggan, hadaladiisuna miisaaman yihiin, soona jeeda. Waa inuu noqdaa deeqsi, qof dulqaad badan oo samir leh, Waa inuu noqdaa qof aan iin lahayn waxaa la sheegaa in ay daruuri kor timaado qofka noqon doona Ugaas ama uu yeesho calaamado dadka gaar ka ah,
Nin madi ahi Ugaas ma noqdo.


Ugaasku waa astaanta udub dhexaadka u ah isku xidhka Ciisaha iyo xeerka.
Ugaasnimada Ciisuhu ma aha dhaxal carurtisuna kama dhaxlaan jagada ugaasnimada .
Ugaasnimada Ciisuhu ma aha mid ay koox yari ama qolo cayimi karto waa mid adag oo waddo dheer loo maro. Arintaas ayuu ciisuhu kaga duwanyahay qabiilada kale ee Soomalida.

Ugaaska waxaa qabta guddi ka kooban 144 Oday kuwaas oo kala ah Gande oo ka kooban 44 nin iyo boqolka Oday.

Boqolka Oday waxaa ku jira:

1) Guhaan: waa rag yaqaana cilmiga xidhigaha , faalka, faraha- dadkaasi waa kuwa aqoontooda la hubo, waxna looga soo joogay.

2) Geed joog : waa rag laga yaqaano dhamman galinada uu Ciisuhu dagan yahay sida Orax joog(waa geerisa), Ilkacase(saylac ilaa duudda, iyo Dameerjoog), jaan ma garato (ugul), Casajoog, Binin joog, Jidi gale,……

Guddidaas ka kooban 144 oday ayaa dagi goob ka dheer meel uu soo gaadhi karo cadawga Ciisuhu – Markii la qabanaayay Ugaas Xasan Xirsi guddida 144 oday waxay dagtay Waaruf.

Guddidu ayagoo ducaysanaya ayay hawsha baadhitaan ka ninkii noqoni lahaa ugaaska beesha ay u hawlgalyaan si foojigan oo habsamiya oo cidna la dareensiinayn xulashada la wado,Guddidu waxay iska dhex dooran 10 oday oo reeraha ugaaska laga qabanayo yaqaan.


10 kaas oday waxay soo baadhayaan ninkii ugaaska noqon lahaa. Waxay soo xulayaan 7 nin oo ay si tafatiran uga soo sheekaynayaan taariikhda isirkooda iyo dabeecadahooga isla markaana waxay tilmaamo badan ka bixinayaan hab-dhaqankooda, ka dib daraasadaas balaadadhan ee ku saabsan 7da nin ee la soo xulay, waxaa loo bandhigi 144 oday oo go’aan ka gaadhi doono markay xidigaha, faal iyo fareba ay u eegaan .

Waxayna tartansiinayaan kama dambayn labada nin ee isku soo hadha ee loo maleeyo in ay noqon karaan Ugaas.

Marka la xusho ninkii noqon lahaa ugaas, waxay odoyadu dul dagi doonaan Reer ka laga xushay Ugaaska, habeen dayaxu yahay 15 naad, waaberiga ayaa la qaban ugaaska ayadoo Reerkii uu ka tirsanaa aynan waxba arintaas ka ogayn oo ayna hurdaan, nin Sacad Muse oo Reer Guulane ah ayaa qabashada ku horayn isagoo leh “Lagu Reeyaw ugaas Rooble, Rayadaadaa dadka deeqdee” Markaasay odoyada kalina Ereyedaas ka daba odhanayaan iyadoo nin walba garabka taabanayo,Waxaa laga daadin dharkiisii duuga ahaa, waxaana loo xidhi maro xarrir ah.

Waxaana u xidhi nin Wardiiq ah oo Yeesif Reer Geedi Cali ah
Waana reerka cimaamadda Ugaaska u xidha, kana tuurra
Waa la fadhiisiin Ugaaska oo waxaa lagu fadhiisin macaws, waana loo ducayn oo qandhuuftaa loogu tufi,Macawstana waxaa keena Xasan Gadiidshe, Reer Aadan.
Dabadeed Ugaaska waa la wareejin. Habeenka u horeeya waxaa la gayn Guri Reer Xasan Gadiidshe ah, waxaana la siin Caano ama Cadiin, Habeenka 2aad waxaa soo dhawayn reer Wardiiq ah oo Yeesif ah.,Habeenka 3aad waxaa soo dhawayn reer Odoxgob ah.
Marka odoyadu ay soo dhamaystiraan wareejintaas, Ugaaska waxaa lagu soo celin reerkisii oo si cad loogu sheegi inay Ugaaska baylahda ka dhabaan oo sii fiican u hayaan muddada laga maqnaandoono.

Ugaaska wuu naga dhexeeyaa waana ammaano aan nii dhiibnay.


HABKA BOQRIDA UGAASKA IYO JIDKA LOO MARO UGAAS NOQOSHADA BEESHA CIISE.


Marka la qabto ugaaska ee la wareejiyo laguna duceeyo ayaa reerkii uu ka dhashay lagu soo celin, loona sheegi in ay ka ilaaliyaan baylahda muddada laga maqan yahay oo karaamadiisa la tijaabinayo.

Muddadaasi waa mid la tijaabinayo saamaynta ugaasku ku leeyahay roobka ama barwaaqada, colaadda iyo abaaraha waxaana lagu amri inuuna timaha iska jarin ka hor socdaalka caleema saarka boqrida ee lagu tagidoono Saylac, Saylac baa timaha lagaga jari iyadoo loogu maydhi doono biyo xareed ah, Boqrida ugaaska ciisaha maaha arrin sahlan.

Waa mid loo maro jid dheer oo nidaamyo iyo qorshe u gaar ah leh.
Reerkii uu ugaasku ka dhashay ayaa la waydiisan ammaanadii loo dhiibtay ugaaska waa la lugaysiin oo waxaa la marin dhammaan galinada Ciisaha, arrintaas oo looga dan leeyahay in uu ugaasku barto dhamman deegaanka beesha Ciisuhu dago iyo in uu ku duceeyo socdaalkaas barakaysan. Socdaalkani waa mid calaamado iyo astaamo gaar ah leh. Ugaasku wuxuu booqan goobaha taariikheed ee Ciisaha gaarka u’ ah, qabuuraha odoyadii laga tafiirmay Maqaamyada muhiimka ah iyo 12 ka Dixood ama Geed ee xeerka Ciisaha ku qeexan. Dix walba ama galin walba uu ugaasku booqdo waa lagu soo dhawayn, waa loo ciyaari waxaana la ururin sabeentii ugaasku xeerka u lahaa.

Marka socdaalka barashada deegaanka Ciisaha ay gabagaboowdo waxaa la gali socdaalkii boqridda ugaaska ee lagu tagayay Saylac. Goobaha la siimarayo ama la mari jiray waxaa ka mid ah Habaqo, Geel Case ama Siti, Biyo Qaboobe, Biya Baxay, Meeta, ugaas lagu baqor, Xasan Gaddiidshe, Ashkir Xagaa, Selel,Biyo Caanood,Toqoshi iyo Saylac. waxaa hubaal ah in 12 kii dixood ay ku soo biireen kuwa kale oo la nabadeeyay ama ka dheer meel uu cadaw ka soo weerari karo Ciisaha.

Waxayna tahay ama qasab ah in ugaaska la qaban dooni uu socdaal ku soo maro dhamman deegan ka Ciisaha. Dixaha ku soo biiray ciisaha waxaa ka mid ah Lalibala, Caydoora, Casbuli, Dhagaray, Gablalu, Dahawi, Cundhufo, Cadaytu, Karaaba, Cali Jiir, Afcase, Butuji,Geed Ugaas iyo Jabuuti. Boqrida ugaasku waxay ka dhici doontaa Saylac oo caado u ah. Marka ugaaska la keeno Saylac, waxaa lagu soo dhawayn ciyaarihi dhaqanka oo halkaas waxaa laga muujiin farxad gaar ah. habeenkaas ayaa ugaaska la bariin Saylac.

Maalinta labaad ciyaarihii way sii soconidoonaan hasa ahaatee salaadda duhur dabadeed, ugaaska waxaa laga xiiri timaha oo waxaa ka xiiri siday caadadu ahayd nin Sacad Muuse ah oo reer Makaahiil ka sii ah.
Dabadeed waxaa ugaaska la gayn Maqaamka Ibrahim Saylici halkaas oo xafladda bogriddu ka dhicidoonto. Waxaa halkaas ka dhici duco wayn. Maro 9 waar ah ayaa ugaaska lagu duubi ayadoo laga dhowrayo inay taabato dhulka isla markaana ay ducadu hareer socoto.

Marka ducadaas dheeri dhamaato waxaa ugaaska la gayn xeebta. Wuxuu ku maydhan biyaha badda. Ugaaska waxaa loo xidhi dhar cusub waxaana loo dhiibi cimaamad .Waxaa cimaamada uu dhiibi nin Wardhiiq Reer Yeesif reer Geedi Cali ah. Ugaasku cimaamadda ayuu xidhan wuxuuna noqon ugaaskii 19 aad ee taarikhda ugaasyada Beesha Ciise.

SOO LAABADKA UGAASKA.



Safarka soo laabadka ugaaska waxaa loogu horaysiin in lagu marti galiyo reer Sacad Muuse, reer Guulane, reer Axamed ah. Waxaana loo lisi hasha “GODO” reerka labaadi wuxuu noqon reer Dhabac reer Saciid ah – waxaana loo lisi saca “LEEFA”. reerka saddexaad waxaa la sheegaa Walaaldoon reer Kote iyo Wardiiq reer Yeesif, reer Sarardoon ah. Waxayna u lisayaan laxda “ DHARO’’. Socdaalka soo noqoshada ugaaska iyo goobaha la soo marin doono waa mid odoyada galbinaya ugaaska ay go’aan ka gaadhi doonaan sidoo kale meesha ama goobta xarruunta looga dhigi ugaaska waa arrin odoyada u taal in kastoo ay noqoni doonto meel badhtame ah.

Marka Saylac laga soo baxo waxaa la soo mari Ceel Gaal ,Selel halkaasaa laga bilaabi ururinta sabeenta “Badhicade” iyo ciyaaro dhaqameed aan kala joogsi la hayn. Xoolaha ugaaska loo uririyo waxaa loo dhiibaa reerka Fuurlabe. Waxaa laga soo noqon jiray Selel,Biyo Qaboobe, Biyo Canood, Biya Baxay… Xoolaha la ururiyo qaar waa lagu sadqayn, inta hadhayna ugaaska ayaa lagu dajin oo reer looga dhisi.

GUURKA UGAASKA.



Ugaaska waxaa loo dhisi socdaalka soo laabadka. Waxaana looga dhisi Yonis Muse, oo reer Geedi ah. Waxaa loo dhisi gabadh bilcan ah, xil-kas ah oo bilicley ah.

WAXBARASHADA UGAASKA.
WAXA LA BARI:


- Xeerka Ciisaha .
- Taariikhada Ciisaha.
- Xidhiidka Ciisaha iyo dariskiisa.
- Dhaqanka iyo Abtirsiimada Ciisaha.
- Deegaanka Ciisaha iyo Maqaamyada Barakaysan.


XIL KA QAADIS UGAAS.

- Xil ka gaadista Ugaas ku waxay dhacdaa marka khayrkii laga filaayay ugaaska laga waayo.
- Haddi deeganka ciisuhu yaalo soo food sarto abaaro isdabajoog ah,roobab xad dhaaf ah iyo cuduro lagu wiiqmo.
- Sidoo kale marka nabada ugaasku wax ka qaban waayo ee khilafaad ku bato mid doceed iyo ku dibadeed ayaa layswaydiiya xil ka qaadista ugaas.
- Guddi odoyaal oo ka kooban dixaha ciisuhu ku noolyahay ayaa gorfaysa arinta xilkaqaadista ugaas.
- Haddi laysku afgarto, waxaa lagu amri nin wardiq reen yesif, reer Geedi Cali ah in uu ka tuurro cimamada. Nidaam kaas ayaa Ugaas lagu Casila ama Xilaka looga qaadaa.

W/Q: Webmaster ka ToggaHerer: Oday Maxamed

Friday, 4 September 2009

DAWLADA MARAYKANKA OO WALAAC KA MUUJISAY XAALADA SOMALILAND

DAWLADA MARAYKANKA OO WALAAC KA MUUJISAY XAALADA SOMALILAND

Agaasimaha guud ee waaxda Africa u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, Donald Yamamoto, ayaa sheegay in Mareykanku uu si weyn uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, iyo dib u dhigista doorashada.

Donald Yamamoto, oo ka hor intii aan jagada uu hadda hayo loo magacaabin ahaa danjiraha Mareykanka u fadhiya Ethiopia, ayaa sheegay in walaaca ay qabto dowladda Mareykanka uu ku saleysan yahay welwel ay ka qabaan in xiisadda siyaasadeed ay horseeddo dhibaato kale.

Danjire Yamamoto wuxuu sheegay in dhowr bilood kahor uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweyne Dahir Rayaale Kahin, kalana hadlay xiisadda siyaasadeed.

“Waxaan ku dhiirri galinay madaxweynaha in isaga, baarlamaankiisa, xukuumaddiisa iyo axsaabta siyaasdeed, inay isku af-gartaan hannaan doorashadu u dhacdo. Annagu uma yeerineyno, kumana sandulleyneyno inay qaataan hannaan gooni ah. Balse waxaan dooneynaa in la helo hannaan loo dhan yahay, kaas oo horseeda doorasho xor ah oo waliba hufan.” Ayuu yidhi Mr Yamomoto

Donald Yamamoto, agaasimaha waaxda Africa ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, wuxuu intaas ku daray in dibu dhig dambe oo ku dhaca doorashada uu yahay mid aan habbooneyn. Waa laga quman yahay buu yiri in sida ka dhacda meelaha qaar Africa, in xisbiga talada haya uu beddelo dastuurka, ama hannaan doorashada, si uu u hubiyo inuu jagada kusii nagaado.

Yamamoto ayaa sheegay in Somaliland ay tusaale wanaagsan u aheyd dalal badan oo African ah. Ma wanaagsana inay sumaddaas dib uga laabato sida uu sheegay Mr Yamomoto.


Donald Yamamoto wuxuu ku celceliyey in muhimadda koobaad ee uu Mareykanku ka leeyahay Somaliland, inay tahay in dhinacyadu ay hore u socdaan, oo ay soo afjaraan ismarin-waaga.

Wuxuu sheegay in danjiraha Mareykanka, iyo waliba kan Britain u fadhiya Nairobi, inay isku taxallujinayaan la socodka howsha meesha ka socota. Balse wuxuu sheegay in tan iyo sanadkii 2000, aan loo oggoleyn danjirayaasha Mareykanka inay Somaliland tagaan.

Danjire Yamamoto mar la weydiiyey in Mareykanku uu dhaqaalaha $20 milyan ee dollar gaaraya ee uu siiyo Somaliland, inuu u isticmaali doono aalad cadaadis, haddii ismarin-waagu sii socdo.

ayaa waxa uu sheegay in taageerada dhaqaale ee Somaliland maraykanku siiyo ay u badan tahay mid bani’aadannimo, mana dhaceyso in dad tabaaleysan lagu ciqaabo xurguf ka dhaxeysa siyaasiyiin.




Mr. Yamamoto, agaasimaha guud ee waaxda Africa u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda, wuxuu sheegay in walaaca laga qabo hanjabaadda Al-Shabaab aysan Somaliland ku sinneyn, balse ay la wadaagaan dalalka dariska, sida Djibouti, Ethiopia iyo xitaa Kenya.

Mr Doland Yamamoto oo wax laga weydiiyey mowduuca aqoonsiga Somaliland, kaas oo dad badan oo reer Somaliland ah ay rumeysan yihiin in caalamku uu u dabrayo koonfurta Somalia ee ay colaaduhu ragaadiyeen., ayaa sheegay in arrinta aqoonsiga, ama calaaqaadka, aanay ahayn mid u taalla Mareykanka, waxaana uu sheegay in ay u taallaa Midowga Africa, Qaramada Midoobay, iyo waliba Somalia xitaa.”


Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu daneynayo inuu calaqaad la yeesho Somaliland, balse inay habboon tahay in Hargeysa ay dadaalkeeda kasoo billowdo dhanka Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay.

FALANQAYN BUUG : SHEEKH MADAR AASAASIHII HARGEYSA

FALANQAYN BUUG : SHEEKH MADAR AASAASIHII HARGEYSA

1.0. Hordhac:

Buugaan waxa qoray Cabdirazaaq Caqli, waxana uu ka kooban yahay. Buugga kuma cadda gu’ga la soo saaray iyo meesha lagu daabacay. Guud ahaan buuggu si fiican ayuu u habeysan yahay, marka la eego sida ay taxanaha (silsiladda) dhacdooyinku isu daba yaalliin. Tiro dhan toban (10) sawir (madow iyo caddaan ah) ayaa sit eel-teel ah ugu dhex daadsan boggagiisa, oo muuqaalka ama tayada sawirradu aanay dhay (saafi) ahayn.

Buuggu waa sheeko sooyaal-qofeed (biography) koobaysa noloshii Sh. Madar oo ku caan baxay “Aasaasihii Hargeysa”.

Buugga waxa ka muuqda in qoruhu baadhitaan qotto dheer sameeyey oo uu adeegsaday ilo koowaad (primary sources) oo kala ah qoraalladii sahamiyeyaashii iyo ugaadhsatadii Ingiriis ee carriga Somaaliyeed socdaallo ku gaalaa bixiyey dabayaaqadii qarnigii 19-aad, iyo qoraallo u qoran qaabka Munaaqibka ama Qasiidooyinka ee ay xertiisa iyo qaar ka tirsan dirkiisuba u tiriyeen Sheekha muddooyin kala duwan. Qoruhu waxa kale oo uu adeegsaday ilo labaad (secondary sources) oo badiba uu ka helay dirkiisii iyo dad ku dhow-dhow maqaamka Sh. Madar ee Hargeysa.


2.0. Waxyaalaha iiga soo baxay buugga:
2.1. Hab-qoraalka buugga

In kasta oonan arag buug hore oo uu curiyey qoruhu, kan ha hor, hase yeeshee waxaan ogahay inuu ku caan baxay gu’yaashii 1975-1985 inuu af-Somaali u min-guurin jiray buug-yareyaal (booklets) Islaami ah sida Macaalim fi-dariiq (Sayid Qutb) iyo qaar kale oo badan oo Sacuudiga lagu daabacay, kuwaas oo qayb ka haa ololihii fidintii dacwadda siiba fikirka Wahaabiyada ee ay baalasha u ahaayeen badhaadhihii ka dhashay baatroolka Khaliijka, waxa buugga ka muuqda dadaal ballaadhan oo uu sameeyey si uu xog sugan u helo – marka la eego sida uu tixraaca u sameeyey.

Qoruhu wuxuu isku deyey inuu arrin walba si qotto isu dul taago dhacdooyinka iyo waayihii ku xeernaa Sh. Madar. Marka laga tago sooyaal-nololeedka Sheekh Madar, akhristuhu waxa uu ka heli karaa sooyaalkii dhacdooyinkii siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee ka jiray aaggaas dhuleed – in kastoo ay qofahaan iila muuqatay in mararka qaarkood si aan loo baahnayn uu ugu tiigaalayey faah-faahintooda. Waxa kale oo uu qoruhu milicsi sooyaal oo qurux badan ka bixiyey dariiqooyinkii diineed (sida Qaadiriyada, Saalixiyada iyo Axmadiyada) ee ka jiray carriga iyo loollankii ka dhexeeyey.

Buuggu si fiican ayuu u soo shaac bixiyey qofnimada Sh. Madar, sifooyinkaas oo ay ka mid yihiin: Aqoon qotto dheer oo diineed (20 sanno oo uu Herer wax ku baranaayey), hoggaamin (isagoo ahaa hoggaamiyaha guud ee dariiqada Qaadiriyada) , nabad-doonnimo (heshiisiinta iyo walaaleynta beelaha ku hareeraysnaa Hargeysa), samafalnimo (Hargeysa oo noqtay xilligii Sh. Madar meel dadka saboolka aad loogu gargaaro), diblomaasiyad (xidhiidhkiisii dibedda – Turkiga iyo Ingiriis). Arrimahaas oo dhami waxay suurto geliyeen in uu Sheekhu sabab u noqdo aasaadidda Hargeysa oo noqotay degsiimada ugu ballaadhan Somaliland. Ma filayo in xogta uu ururiyey Cabdirazaaq Caqli in cid kale ka diyaarin lahayd ama ka bixin lahayd Shiikha, marka la eego daneynta iyo iska-xil-saaridda uu qoruhu sameeyey, iyo weliba xeel-dheeridiisa cilmiga Tasawufka (anigoo weliba ogsoon in xilliyo hore uu bilaabay inuu af-Somaali u dooriyo kitaabkii Al-Qazaali “Ixyaa-culuum-u-ddiin”), waxaan se falanqaynteydan kaga hadlayaa waxyaabo aan is idhi qoruhu wuu il-duufin haddii aanu qaarkood badheedh uga teginba, kol haddii uu baadhitaan sidaas u ballaadhan sameeyey.

2.2. Gol-daloolooyinka iiga muuqday buugga iyo arrimo baadhitaan u baahan

o Markii aan buugga isha mariyey, judhiiba waxa indhaheyga soo jiitay is-bar-bardhigga laba sawir oo mid ku sawiran yahay dahaadhka (jeldiga) buugga oo Sheekh Madar keligii ku sawiran yahay, hase yeeshee markii aan barbar dhigay sawir kale oo ku yaal bogga 154 ee gudaha buugga oo ay ku wada sawiran yihiin Sh. Madar iyo nin la odhon jiray Cabdillaahi Maxamuud Hiraab, waxa ii caddaatay in sawirkii ninka dambe laga tirtiray, laguna soo reebay kii Sh. Madar si jeldiga loogu muujiyo keligii. Weliba haddii jeldiga loo fiirsado, waa la garan karaa madow yar oo ka sii muuqda meeshii sawirka laga baabi’yey.

Ninka sawirka kula jiray (ee haddana laga tirtiray) waxa uu ka tirsanaa beelaha laga tiro badan yahay. Arrintani waxay u muuqataa meel ka dhac lagula kacay qof xertii Sh. Madar ka mid ahaa oo weliba farsmo yaqaan dhinaca dhismaha, haqaajinta qoryaha, ugaadhsiga iyo u adeegsita Sheekha intaba lagu ogaa in sidaas foosha xun loo tirtiro. Waxa kale oo xusid mudan in ninkani sabab u ahaa in Sh. Madar nasiib u helo xarunta uu degganaa, ka dib markii uu ninkani libaax ka riday Lord Delamare oo lahaa guriga, ka dibna abaal-marin Shiikha u siiyey gurigaas.

o Qoruhu erayga “Somaliland” waxa uu u adeegsaday oo laga garan karaa sida uu meelo badan ugu sheegay inay ku koobnayd khariidadda maanta la isla yaqaanno ee dalka Somaliland. Hase yeeshee “Somaliland” waa tarjumadda erayada Carabiga ah ee “Berri Soomaal”, oo loola jeeday Berriga ay Somaalidu ku noolshahay, marka la barbar dhigo “Berri Carab”. Taas waxaan ula jeedaa, xitaa dhulka Kililka Shanaad, Koonfurta Somaaliya, Jabuuti intuba waxay ahaayeen “Somaliland” ama dhulkii Soomaalida. Markii ay “Somaliland” gaar ama goonni noqotay oo loo bixiyey “British Somaliland Protectrate” waxay ahayd bishii May 1891 ka dib heshiiskii soohdimeed ee dhex maray Ingiriiska iyo Talyaaniga.

o Qoruhu waxa uu isku dhabar jebiyey xaqiijinta in Sh. Madar uu ahaa aasaasihii Hargeysa, isagoo deedafeynaya in deegaanka looga soo horreeyey ama lagu marti-qaaday inuu la dego cid meesha deegaan u ahayd si uu diinta u baro.

“Dadka qaar ayaa marka laga wareysto bilowgii degitaanka Hargeysa u yeela arrinka weji qabiilnimo, tiiyo ay ku andacoodaan inuu Sh. Madar ugu yimid reerkooda markii uu soo degay Hargeysa. Dadkaasi oo ka kala tirsan reeraha kala dawn ee Hargeysa maanta dega, wuxuu mid walba oo ka mid ahi ku dedaalaa inuu reerkiisa ka dhigo reerkii degi jiray Hargeysa markii uu Sh. Madar yimid, iyagoo mararka qaarkood tilmaamaya inay odoyo reerka ka tirsan keeneen Sh. Madar Hargeysa, si uu diinta u baro”(Bogga 60)

Qof-ahaan waxa ay iila muuqataa in doodda qoraaga ee sugaysa in Sh. Madar Hargeysa aasaasay inay wax ka jiraan, hase yeeshee dhinaca kale aanan ku raacsanayn inuu iskii u yimid, bal se reer ka mid ah qabiilooyinka deegaanka degganaa ay marti-qaad u fidiyeen inuu la soo dego. Caddaymaha aan adeegsanaayna waxaan kala soo dhex baxay buugga uu Cabdirazaaq Caqli qoray laf-ahaantiisa.

Qoraagu waxa uu sheegay in Hargeysa ahayd meel waaq la’ ah. Ceel laga cabbaana jirin. Ceelka Xaraf iyo Dhogor (Aw Barkhadle) aaney jirin meel u dhexaysay oo laga cabbi jiray, oo uu markaas xertiisii dejiyey qoobtaas aan biyaha lahayn, loogana soo dhaamin jiray Dhogor. Waxa se xiise leh oo u baahan in hoos loo dhugto hadalka qoraaga ee odhonaaya:

“… wararka afka la inoogu soo tebiyey waxay sheegayaan in ugu horreyntii halkii uu ka degay Hargeysa ahayd meel ku beegan meesha loo yaqaan Dabada Cadaadda. Hase ahaatee markii loo adkeysan waayey qaniinyadii kaneecada badan ee goobtaasi lahayd, loo soo digo rogtay taagga yar e xaafadda loo yaqaan Jamaaca weyn..”(bogga 78)

Qoruhu waxa uu xusay in reeraha Soomaaliyeed qolo waliba ceelasha deegaankooda ku beegan u aroori jireen. Kolkaa sida la ogsoon yahay, Dabada Cadaaddu waa duleedka tuulada Haleeya ee bariga Hargeisa.Cidda degta ama degi jirtayna waa la yaqaanaa. Waana la og yahay in weligeed ay biyo joogto ah lahaan jirtay iyada iyo Xaraf, Dhogor (Aw Barkhadle) iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin Beeyo Shalax-shalax (una dhexaysa Halleeya iyo Aw Barkhadle). Waxa haddaba is weydiin mudan: Miyaan tani marag u noqon karin in reer Halleeya marti-qaad u fidiyeen Sh. Madar in uu la dego? Sidoo kale, kol haddii uu qoraagu xusay in beelaha xafiiltan ka dhexeeya, muxuu Sheekhu bilowgiiba u degi waayey meel aan cidina sheegan si uu u ilaaliyo dhex-dhexaadnimada xertiisa? Ma laga yaabaa sababta uu Halleeya iyo Dabada Cadaadda uga soo guuray una degay goobta loo bixiyey Jamaaco Weyn inay ahayd inuu Xarun madax bannaan ka sameeyo goobtaas lama galaan/lama degaanka ahayd (buffer zone) ee u dhexaysay reer Haleeya iyo reer Xaraf?. Guuritaanka Xerta oo ay keentay iyagoo u adkeysan waayay duumadii ka dillaacday Dabada Cadaadda, miyaan marag u noqon karin in Haleeya ay ahayd meel biyo joogto ah leh oo suurto gelisay inay soo jiidato dadka iyo xoolahaba? Miyaan sidoo kale la odhon karin in Sh. Madar uu rabay inaanu cid marti u noqon e, hase yeeshee isaga marti loo noqdo? Runtii markii uu Dabada Cadaadda degay cid waliba marti ayey u noqoto.. ilaa facaca maanta deggan.

Haddaba waxa lagu soo ururin karaa arrinkan in Sh. Madar ku yimid aagga dooxada Maroodi Jeex martiqaad ay beesha Haleeya/Dabada Cadaaddu u fidisay. Waxa kale oo iyaduna maan gal ah, markii uu taagada loo bixiyey Jamaaco Weyn u guuray inuu isagu sidaas ku noqday Aasaasihii Hargeysa. Waxa xusid mudan in Jamaaco Weyn ay u jirto masaafo is le’eg labada tuulo ee Haleeya iyo Xaraf oo laba beelood kala degaan. Waxayna ahayd siyaasad wacan inuu dhex-dhexaadnimo xertiisa ku ilaalsho – waayo sidaas ayey dan iyo dheefiba ugu jirtay.

o Saddex sheeko-baraley:
Waxa uu qoruhu xusay in Sh. Madar sabab u ahaa in Hargeysa biyo laga helo ka dib markii uu weysadiisii biyeysnayd gunta dalool yar uga sameeyey, ka dibna isaga iyo xertiisi socod kasoo bilaabeen galbeed magaalada ilaa barigeeda. Intii ay biyihii weysadu ku tifleeyeenna tahay inta maanta biyaha laga helo (bogga 71).Waxa kale oo qoruhu xusay in masaska Hargeysa iyo kaneecadeeduba aanay waxa dadka yeelin oo uu Sh. Madar uga duceeyey dadka (boqqa 73). Qoraagu kuma uu qefin inuu soo guuriyey ku-tidhi-kuteenka jaadkan oo kale ah, hase yeeshee waxa ay muujinaysaa sida ay dadkeennu wax walba isaga rumeystaan.

Haddii aynu kaba soo qaadno in ay dhacdooyinkan wacdaraha lehi ay ahaayeen karaamo uu lahaa Sheekhu, oo markaana ay suurto gal noqon karto inuu ku kici karo arrimo kalena – tusaale ahaan in caleenta galoolkii tirade badnaa oo kale noodh lacageed u beddelo iwm, waxa is weydiin leh maxaa ku xambaaray Sheekhu inuu si jaban wax u weydiisto gaal sahamiyey/ugaadhsato ahaa oo Hargeysa ku soo booqday. Dhacdadan oo aanu Cabdirazaaq Caqli buuggiisa ku qorin oo uu C.V.A. Peel ku qoray dhiganihiisii “Somaliland” waxay u dhigan tahay sidan:

“Goor casar dheere ah, waxa na soo booqday Sh. Madar, oo ah nin muuqiisa iyo hugiisaba aad u daneeya. Waxa uu ahaa nin qurxoon oo gadh cirro ah leh, kuye “Salaam” isagoo gacan-qaad igu xejiyey. Si fiican ayey sheekadi isugu kaayo dhacday (mahadna waxa leh af-celiyahaygii – tarjumaankaygii). Waxaan weydiiyey waxa ay ku sugan yihiin xoolihiisu, wuxuuna iigu eray celiyey “bar-laawe ayaan ahay”, ka dib waxa uu i weydiiyey tiro intee le’eg oo libaaxyo ah oon dilay, oon anna ugu eray-celiyey “waxbana”. Hakad hadal oo yar ka dib, waxa uu i weydiistay hadiyad. Kolkaasbaan baadh-baadhay kolleygeygii, waxanaan ka helay lix middiyood oo ah kuwa jeebka (kuwa laablaabma), waxanaan weydiiyey inuu ka miidho (ka doorto) mid. Si dhaqso leh ayuu ugala dhex baxay tii ugu fiicnayd, markaasuu haddana i weydiistay inaan wax kale siin karo, hase yeeshee markii aan “MAYA” ugu eray-celiyey, ayuu qunyar ka lugeeyey taambuugeygii (teendhadii) isagoon dhihin “mahadsanid” iyo “nabad-gelyo-toona”.(Bogga 20)

o Xidhiidhkii Ingiriis iyo Sh. Madar:
Xidhiidhka Ingiriis iyo Sh. Madar waxa la odhon karaa inay yihiin kuwo ay xog badani ku laaban tahay. Qoraaguna meelaha qaarkood waxa uu si cad ugu sheegay inuu Sheekhu hawl-fududeeye u ahaa Ingiriiska oo uu gaar ahaan sahamiyeyaasha iyo ugaadhsatada Ingiriis socdaalkooda u fududeyn jiray, isagoo dhambaallo gacan-siin ah ugu qori jiray culimada dhulalka durugsan deggan (bogga 183) si aan dhibaato loo gaadhsiin, socdaalkana loogu fududeeyo. Si la mid ah Swayne waxa uu qoray “Sh. Madar a steady supporter of British Interests”[1], taasoo micnaheedu yahay {Sh. Madar wuxuu ahaa mid danaha Ingiriiska si aad ah u taageera}.

Ingiriisku waxa uu u aqoonsaday Sh. Madar madaxa dariiqada Qaadiriyada ee carriga Somaliland (bogga 183). Sidoo kale, Ingiriisku Qaadiriyada marnaba nacab uma uu arkeyn, marka la barbar dhigo Saalixiyadii uu madaxa u ahaa ina-Cabdille Xasan. Qaadiriyadana had iyo jeer waxa lagu yaqaan maamul kasto oo ay ku hoos dhaqan yihiin ay taageeraan.

Haddaba arrinta ugu xadantada badan (xasaasisan) ee uusan qoruhu soo ban-dhigin waxay tahay in taageeradaas xad-dhaafka ah ee Sheekhu Ingiriiska u hayey ay mararka qaarkood gaadhay in warar iyo xogo xadanto lehi u kala gudbaan Somaalida iyo Ingiriiska.

Si aynu u iftiiminno arrintan, waxa jirtay in gu’gii 1899 uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan dhambaal u diray Suldaan Diiriye Suldaan Xasan (Ciidagale), isagoo ka digaaya hawl-gallada gaaleysiinta ee Ingiriisku ka waday dalka – siiba meesha lagu magacaabo Dhaymoole. Hadalladii ku qornaa dhambaalkaas waxa ka mid ahaa: “Sow ma aragtaan inay gaaladii baabii’yeen diinteennii iyo inay carruurteennii ka dhigeen carruurtoodii[2]”, ayaa ka dib waxa caddaatay in qoraalkaasi gaadhay Ingiriiska. Waxay taariikhdu xusaysaa waraaqdaa markii laga dhex akhriyey shirweyne Suldaan Diiriye ka talinayey waxa kacay bulaan xagga diinta ah iyo dabayl bari ka soo dhcaysa[3]. Sida ku cad qoraal uu qoray Wakiilkii markaa Ingiriiska u joogay Berbera, oo uu ku socodsiinayey Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska, waxa uu qoraalkaasi ku bilaabmay sidan soo socota:

“Waxaa sharaf ii ah inaan halkan kuugu soo lifaaqo tarjumad waraaq wadaadka Maxamed Cabdille Xasan uu u diray Ciidagale, gaar ahaan sida uu isugu deyey in uu u beer-laxawsado oo ka gooyo daacadda ay noo yihiin. Iyadoo ay warqaddu hadda i soo gaadhay, waxa la maleyn karaa in Suldaanka Ciidagale oo ah Suldaan Diiriye uu helay warqaddaas muddo laga joogo laba bilood, maxaa yeelay Sheekh Madar wuxuu iigu sheegay inuu xilligaas Suldaan Diiriye ka helay farriin uu wadaadka (Sh Madar) ku weyddiisanayo inuu kala taliyo inuu ku biiro (ina Cabdulle Xasan) iyo in kale…”

Waxa hadalkan laga garan karaa in Suldaan Diiriye arrin uu la sireystay Sh. Madar uu Sh. Madar gaadhsiiyey Ingiriiska. Waxa weliba xusid mudan in ay Sh. Madar iyo Suldaan Diiriye ay lahaayeen xidhiidh soke oo Cabdillahi Sh. Madar qabay gabad uu dhalay Suldaan Diiriye.

o Xilligii uu socday qalalaasihii uu kiciyey ina-Cabdille Xasan (1895-1920), waxaynu xusi karnaa laba dhacdo oo Sh. Madar ka dhex muuqday oo la xidhiidha isku-dey lagu faruur-xidhaayo (lagu xakamaynaayo) dhaqdhaqaaqii ina-Cabdille Xasan: Ka hore oo uu Cabdirazaaq Caqli ku xusay dhiganihiisa waxa uu ahaa dood aqooneed oo la xidhiidhay diinta oo dhex martay ina-Cabdille Xasan oo markaa (1897) bilaabay dariiqada Saalixiyada oo dhinac ah, iyo dhinaca kale oo ahaa wadaaddo dhowr ah oo uu hoggaaminaayey Sh. Madar; dooddaasi waxay ka dhacday magaalada Berbera.

Dhacdada kale oo aanu Cabdirazaaq Caqlina ku xusan dhiganihiisa waxay ahayd ergo saddex sheekh[4] ka tirsan oo markii uu ina-Cabdille Xasan dalkii geliyey qalalaashe isugu jira nabad-gelyo-darro, dil iyo dhac u amba-baxay Makka si ay in-Cabdille Xasan uga ashkateeyaan Sheeku dariiqihiisii oo la odhon jiray Sh. Mohamed bin Saalax Al-Rashid. Dhacdadani waxay ku dambeysay in Sh Maxamed bin Saalax uu aad uga cadhoodo falalka ina-Cabdulle Xasan, oo uu u soo diray dhambaal aad u kulul oo uu ku xusay inuu diintii Islaamka ku tuntay, kuna goodiyey inuusan xidhiidh dambe la samayn doonin haddii aanu ka waantoobin falalka foosha xun ee uu ku eekaysiiyey carrigii Soomaaliyeed. Arrintani waxay qayb libaax ka qaadatay nayad-jebintii iyo kala-furfurankii awooddii ina-Cabdille Xasan. Waxa se xusid mudan in dadka ina-Cabdille Xasan u dhisaaleeyey taariikhda been-beenta ah, iyagoo badi u yeelaya sidaas sababo qabiil awgood, inay dhambaalka Sh. Maxamed bin Saalax usoo diray ina-Cabdille Xasan ku tilmaameen inuu ahaa mid la been-abuuray, isla markaana lagu beddelay qoraal waano fudud ahaa oo uu sheekhaasi usoo diray ina-Cabdille Xasan.


3.0. Gebo-gebo

Dhiganaha (Buugga) marka aad si fiican ugu dhabbo gasho, waxa la moodda in qoruhu u dhaqmay sidii arday barihiisii (macallinkiisii) wax ka qoraaya, oo dhinac keliya uu wax ka eegaya. Waxaan hubaa in arrimaha aan ku xusay iyo qaar kale oo aan moogganahayba ay soo if-bixintoodu qiimo iyo xiise badan u yeeli lahaayeen buugga.

Siday tahayba, haddii loo hollado in sooyaal-qofeed la qoro, waxa habboon in dhinac kasta la iska taago falliimaha (wax-qabadkii) iyo hab-dhaqankii cidda waxa laga qoraayo. Waxa habboon in ay sheekadu si le’eg u muujiso meelaha uu qofka laga sheekaynayaa ku fiican yahay ama ku xooggan yahay iyo sidoo kale meelaha la odhon karo inay liidasho kaga jirto. Ogowna, dhamaanteen, wadaad iyo waranleba, kol haddii aynu nahay ilma-Aadan, innagama madhna nuqlaani “wa khuliq-al-Insaanu daciifaa”. (Qur’aan: Suurah an-Nisaa 4:28).

Taariikhda uma akhrinno waqti-dhaafis iyo madadaallo oo keliya, hase yeeshee waxa ku dhex duugan waayo-aragnimooyin, casharro iyo wax-lagu-qaateen (cibrooyin); kolbana marka ay runta u dhowdahayna waa marka wax laga baran og-yahay. Haddii kale, waxay qayb ka qaadan kartaa majaro-habaabin, waayo xog kala dhantaalan ayaad talo-goosigaaga ku dhisi kartaa.

Ugu dambeyn, iyadoo ay jirto qaddarinta iyo maamuuska ay innaga mudan yihiin culimadeennu mid hore iyo mid dambeba, waxaan rumeysnahay in marka sooyaal laga hadlaayo inay habboon tahay in muuqaal dhammeys-tiran laga bixiyo qofkaas, balse maanka lagu hayo laba qodob oo kala ah: ka-run-sheegnimo (daacadnimo), iyado ugu horreynna qoruhu naftiisa ka run sheego inta aanu dadka kale ka daacad noqonin. Qodobka labaadna waa ilaalinta waxyaalaha bulshadu qiimeyso (qiyam) iyo anshax guud. Ogowna, tallaabooyinka jaadkan oo kale ahi waxay uun soo ban-dhigi doonaan nololsha foolasha-badan (wejiyada badan) ee cidda laga hadlaayo; kolbana marka wax laga sii ogaado ayey si le’eeg xiisuhuna sii ballaadhanayaa.

Sooyaal-qoraalkan aan halkan ku gorfeeyey ma noqon doono kii ugu horreeyey, mana noqon doono kii ugu dambeeyey. Gorgeyntaydanina waxay tusaale u noqon kartaa qoreyaal dambe oo qalinka u qaadan doono inay wax ka qoraan qofyaal bulshadeenna ka soo jeedda/jeedday oo raad muuqda kaga tegay ama kaga tegi doona.

Waxa se loo baahan yahay in sido kale maanka lagu hayo maah-maahda Somaaliyeed “Eebbow aqoon-darro ha nagu cadaabin, eexashona ha nooga tegin”. Waa inaynu dhacdooyinka ka run sheegno – inta karaankeenna ah, isla markaana ay tixraac sugan u yeelno. Awoodda qalinka weynu ogsoonnahay, waanuu ka xanaf badan yahay hadal afka laga yidhaahdo (the pen can be mightier than the sword). Waxa aad se qoraatna waa markhaati aan tirtirmeyn.

Waxaan kusoo gunaanadayaa mid ka mid ah Afarreydii (Rubayciyaat) Cumar al Khayaam
The Moving Finger writes; and, having writ,
Moves on: nor all your Piety nor Wit
Shall lure it back to cancel half a Line,
Nor all your Tears wash out a Word of it


“The Moving Finger writes, and, having writ;
Moves on: Nor all your Piety and Wit,
Shall lure it back to cancel half a Line,
Nor all your tears wash a Word of it”.

“Gacan Socotaa wax bey qoreysaa, markay qortona;
Wey sii wadda (qoraalka): Alle-ka-cabsigaaga iyo Fariidnimadaada midkoodna (haddaad adeegsato)
Kuma sasabi karaan inay tirtiraan Sadar badhkii (oo qoran),
Ilmadaada oo dhamina ma maydhi karto Xaraf (qoraalka) ka mid ah.”


Waxa qoray: Ahmed Abdi Dalmar


Ahmed Abdi “Dalmar” dalmarnow@hotmail.com

Thursday, 3 September 2009

MUXUU ILAAHAY U ABUURAY JINKA IYO INSIGABA ? WAA CASHARDII DIINIGA AHAA EE SHEEKH SAKARYE SALAFI

MUXUU ILAAHAY U ABUURAY JINKA IYO INSIGABA ? WAA CASHARDII DIINIGA AHAA EE SHEEKH SAKARYE SALAFI

Muxuu Illaahay u abuuray Jinka iyo Insigaba ?
Illaahay baa mahad leh, Illaaha sheegay inuu inoo abuuray shay aad u wayn oo muhhiim ah shaygaas oo ah cibaadadiisa, Illaahaas oo taagay Samaawaadka iyo Dhulalka Illaahaas oo inagu manaystay nicmooyin aynaan koobi karayn aynaan ka mahad naqi karahayn waxaan ku Saliyayaa Rasuulka Muxamed ah Calayhi Assalaatu Wasalaam Rasuulkaas oo yidhi
“waar Qofka Allaah xusaya (oo caabudayaa) iyo kaan xusayn waxay kala yihiin nin dhintay iyo nin nool oo kale”.

Waxaan Illaah u waydiinayaa naxariis iyo amaan Saxaabadii iyo Rasuulka reerkiisii muslimiinta ahaa ee rumeeyay.

Intaa kadib.

Walaalayaal waxaynu nahay dad Illaahay uu siiyay caqli Illaahay uu siiya maskax ay ku fikiraan laynagama dhigin sida Xoolaha oo kale ama Xawayaanka waayo hadaynu sidaas oo kale noqon lahayn laynama ciqaabeen waxbana laynama waydiiyeen laakiin maadaama oo laynaga dhigay dad wax kala garanayo inbadan oo khalqiga Illaahay ka mid ahna laynaga fadilay ama laynaga duway oo aan isku mid laynaga dhigin waxa waajib inagu ah inaynu garano wixii Allaah inoo abuuray wuxuu Allaah inoo keenay aduunkan wuxuu Allaah inaga rabo ee uu maalinta qiyaame inagula xisaab tamayo waayo hadaynu garan wayno taa waxaynu noqonaynaa sida Allaah yidhi {iska daa ha cunaan ha cabaan yididiiladu ha lumisee mar dambay ogaane}
Allaahu Akabar.

Qaar ayaa Illaahay ka waramayaa waana dadka aan Illaahay caabudayn waxaana la leeyahay Nabi Muxamed iska daa waa la cadaabayaa kuwaa waxaa uu Allaah mar kale yidhi
{waxaanu u abuuray jahanamo dad badan oo ka mid ah insiga iyo jinka kuwaas oo caqliga aan kaga shaqaysiin dhagahooda xaqqa aan ku dhagaysan indhahooda aan ku arag xaqqa kuwaasi waa xoolaha oo kale may waabay ka daran yihiin kuwaasi waa kuwa aan ogayn meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan}.

Waxay ilaabeen xaqii Allaah ku lahaa wuxuu Allaah ka rabay wixii lagu waajibiyay waxay noqdeen qaar ka meeqaan liita xoolaha.

Walaalayaal hadaba maadaama ay tahay arintu sidaa waxa is waydiinta lihi waxay tahay Illaahay muxuu iinoo abuuray ileen Illaahaybaa yidhi
”mawaxay u malaynayaan inaanu ciyaar ciyaar u samaynay ama u abuuray” Illahaybaa ka nazahan inuu wax ciyaar ciyaar u sameeyo isaga oo ay ka mid tahay magacyadiisa magaca {Al-xaq} Illaah xaq lagu caabudaa ma jiro isaga mooyee Illaah kale oo xaq lagu caabudaa Rabiga leh carshiga wanaagsan .

Walaalayaal hadaan u daadago waxa Illaahay inoo abuuray waa cibaado sidi Illaahay yidhi
”Insiga iyo Jinkaba waxaan u abuuray inay i caabudaan kama rabo inay ibiiliyaan inay i arsaaqaan.”

Waxa Illaahay inoo keenay kawnkan ama aduunkan hadaynu nahay Jin iyo Insiba waa cibaado walaalayaal cibaadada aan ilaalino

CIBAADADU WAA MAXAY?
waxay tahay cibaadadu siduu yidhi Shaikh Al Islaam Ibnu Taymiyah Raximahu Allaah
{cibaadadu waa hadal kasta ama ficil kasta oo Illlaahay jecelyahay raalina ka yahay ha muuqdo ama ha qarsoonaadee}.
Allaahu Akbar

Dadka qaar ayaa waxay odhanayaan waar hadaan Ashahaato maxaa layga rabaa qaar aya ku odhanaya sheekh hadaan tukado meeshaan doono aan ku tukadee maxaa laygu leeyahay
waxaad moodaa inay Illaahay kala shaqaysanayaan walaal u fiirso Nabigu waxa uu yidhi:
”Ogaada qof idinka mid ahi camal kiisa janno kuma galo markaasay saxaabadu ku yidhaahdeen Rasuul Aloow macal adiga miyaanad camalkaag ku galayn jannada' wuxuu yidhi haa macal aniga inuu Illaahay naxariistiisa igu galiyo janada mooyee”
Haddaba walaal maanta hadaad qof wajileh doonayso inaad u tagto oo aad gurigiisa gasho maxaad samaynaysaa ma wax raali galinaya o uu jecelyahay mise waxaanuu raali ka ahayn oo uu u cadhoonayo hadaba kawaran hadii lagu yidhaahdo guriga hebel kuma galaysid waxaad u tarto ama camal fiican oo aad samaysee waxaad ku galaysaa amarkiisa ma waxaad odhanaysaa hadad caqli leedahay waan caayayaa wax cadho galinaya ayaan samaynayaa mise waxaad is odhanaysaa walaw camal fiican oo samayso yaanad ku galin gurigee yaanuu kaa cadhoone isaga iska jir uun wuxuu diidayo.

Hadaba maxaad Illaahayna u malayn subxaanah isagoo abuuray adoomahan yaryar
waa inaad ku dadaashaa cibaadada aad ku dadaashaa wuxu kaa rabo oo aad ka baqataa iska Jirtaa ciqaabkiisa waxa Allaah yidhi
”kuwa i rumeeyayoow iga baqa baqaha dhabta ah hana dhimanina idinka oo muslimiin ah mooyee”.

Islaamnimada gacanta kuma haysano lakiin waxa loo jeeda idinka oo ku dadaalaya camalka fiican mooyee camalkaasoo Ilaahay raali galinaya ha soo dhimanina idinka oo Allaah caasiyaya.

Illaahay cibaado ayuu inoo abuuray aan caabudno cilmi aynu u yeelano cibaadadaa
wayo ma hagaagayso cibadadu cilmi la’aan
Illaahay dartii aan u qabano cibaadada.

Allaah baa mahad leh
Qofka akhriya qoraalakani ha fara badiyo oo ha faafiyo si looga wada faa’iidaysto ajar badanbaa ugu jira.

Waxa Qoray:Sheekh Sakariye Cali Diiriye

MAXAY RAMADAAN KA BEDESHAA QAAB-NOLOLEEDKAAGA?

MAXAY RAMADAAN KA BEDESHAA QAAB-NOLOLEEDKAAGA?

MAXAY RAMADAAN KA BEDESHAA QAAB-NOLOLEEDKAAGA?

Dhamaan mahad waxa iska leh Allaah, Allaha abuuray dhamaan makhluuqa kuna sheegay kitaabkiisa Qur’anka ah inuu u abuuray Insiga iyo Jinka inay caabudaan cibaadadaasoo keen sanaysa inay Allah wayneeyan isuna dhul dhigaan iyaga oo rajaynaya abaal marin kana baqanaya ciqaabka iyo cadaabka Allaah waxaan amaanayaa Allahna u wayiinayaa inuu amaano Nabiga Muxamed.
{Calayhi Assalaatu Wasalam}.

Waxaan Allaah u waydiinayaa inuu amano una naxaristo Saxaabada Nabiga iyo Ehelkiisa oo ah cidii qaraabada la ahayd Nabiga ee Islaamka ahayd iyo cid kasta oo imanaysa dabadii iyaga oo rumaysan Nabigaa.
{Calayhi Assalaatu Wasalam}.

Intaa kadib.

Siddiisaba qofka Muslimka ah waa mid ay noloshiishu hadaf iyo ujeeddo leedahay,waana mid ay u caddahay natiijada ka dambeysa nolosha kownka amma dunida,sidaas awgeed xilliyadda ama wakhtiyaduna waxay raad ku yeeshaan qaab-nololeedkiisa caadiga ah,sidaas awgeed walaalka shabaabka ah ee Muslimka ah ama muslimada ah,bisha Ramadaan ee barakaysan maxay tahay inay saameyn ku keento noloshaada caadiga ah marka laga tago soonka? sidoo kale maxaa ku fiican in aad ka qaadato dabeecad Ramadaanta oo aad wakhtiyada kale(wakhtiga aan ramadaanta ahayn) u baahan tahay in aan dabaqdo?.

waxa qofka muslimka ahi iswaydiinayaa waxa ay tahay ramadaan inay ka badasho noloshiisa.

waxa ay tahay bishan ramadaan bil aad ka nasanayso cadawgaagii waa bil aad sahay qaadanayso waa bil aad hub qaadanayso si aad iskaga celiso iskagana difaacdo cadawgaaga shaydaanka ah waayo waxa uu Rasuulku {calayhi assalaatu wasalaam} yidhi ,haday bishan ramadaan soo gasho waxa la furaa albaabada jannada waxa la xidhaa albaabada naarta waxa la xidh xidhaa shayaadiinta kuwooda madaxa ad adag,
markaa maadaama ay tahay sidaa oo cadawgii laynaga xidhay bishan ramadaan kaliya aan u hub qaadano nolosheenana aan wax ka badalo sidii uu cadawgeenu inagaga tagay aan wax iska badalo inaga oo awoodle aan wajahno cadawgeena si aan uga adkaano Allaahna ta waa ina faray siduu yidhi:-
{shaydaanku cadaw ayuu idiin yahaye cadaw ka dhigta waxa uu ugu yeedhaa asxaabtiisa naarta saciira}.
Hadaba waxay ku haboon tahay inaan badalo qaab nolodkeenii hore qaab nololeed cusubna aan galo.

1. Waxay tahay Salaadu tiir ka mid ah tiirarka Islaamka waa inaad ilaaliso hadii aadan tukan jirin Ramadaanka ka hor oo Allaah ku waafajiyay ramadaanka dhexdeeda waa inaad sii wadaa daa’imtaana hadii kale waad khasari, hadaad ramadaanka la baxdo oo aad cibaadaadki ka hadho ramadaanku marka ay baxdo hadii aad ahayd qof salaada ilaaliya oo ku dadaala laakiin aan jamaacada kula tukan jirin muslimiinta hadaad nin tahay waa inaad ku dadaashaa inaad jamaacada tagto waayo jamaacada oo dib looga dhacaa waa arin xaaraam ah Allaahna ma ogola salaad qof aan jamac ku tukanayn oo nin ah subxaana Allaah waa dambi wayn.

2.qofka muslimka ahi wa inoo nafta eegaa xaaladaheeda mar kastana uu ku dadaalaa daacada Allaah iyo Rasuulka
{calayhi assalaatu wasalaam}.
Naftu waxay u qaybsantaa sadex qaybood.
1. Naf qofka muslimka ah faraysa wanaaga ku xasiloon khayrka jecel samaynta wanaaga aan ka daalayn mar kaliya inay ku dhex jirto wanaaga iyo xuska Allaah waana tuu Allaah ku tilmaamay Qur’aanka ee Allaah yidhi:-
{nafyahay xasiloonayd ee ku xasiloonayn Dkriga Allaah iyo diintiisa u noqo rabigaa adoo raali ah raalina lagaayahay } waa nafta janada galaysa Allaahna u yaboohay inuu raali galin doono Allaah haynaga dhigee.

2.nafta labaad waa nafta canaananaysa qofka ay ku jirto oo odhanaysa samee wanaaga maxaad u samaysay xumaanta waana nafta allaah uu ku dhaartay wuxuuna Allaha yidhi:-
{waxaan ku dhaaranayaa qiyaamaha waxaan kaloo ku dhaaranayaa nafta qofka ay ku jirto canaanata}.
3.waa nafta qofka faraysa xumaanta Allaahna waxa uu qur’aanka ku yidhi {naftu waxay faraysaa qofka xumaan ilaa qof Allaah uu u naxariistay mooyee }.

Isku soo waxa duuduuboo walaal ramadaantu xaalkaagii hore wax haka badasho adoo Allaah talo saaranaya Allaah wuu kula garab galiye.

Allaah waxaan ka baryaynaa inuu dambigeena dhaafo inoona naxariisto

Amiin amiin amiin
Diyaarintii:- Sheekh Sakariye Cali Diiriye ( Sakariye Salafi).


WASIIRKA KHAARAJIGA SOMALILAND OO DAWLADA SOMALIA KULAN QARSOODI AH LA YEESHA

WASIIRKA KHAARAJIGA SOMALILAND OO DAWLADA SOMALIA KULAN QARSOODI AH LA YEESHAY

Sarkaal ka tirsan dawladda Federaalka ku meel gaadhka ah ee Somaliya ee uu Sheikh Shariif Axmed hogaamiyo, oo magaciisa la yidhaa Maxamed Xasan Cismaan, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu maalintii Arbacada ee todobadkan ee ay tariikhdu ahayd 2 September kulan kula yeeshay Wasiir ka tirsan dawaldda Fedraalka Somaliya magaalada Jabuuti.




Waxa sarkaalkani shaaca ka qaaday in intii uu ku sugnaa Jabuuti uu Cabdillahi Maxamed Ducaale shir dheer la yeeshay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda ee dawladda TFG da Somaliya, hadana ah wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Mudane Maxamed Cabdillaahi Oomaar. Waxaana uu intaa ku daray masuulkani u hadlayay dawladda TFG du inuu wadahadaladan uu goob joog ka ahaa wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dawladda Jabuuri, Mudane Xaamud Cabdi Suldaan, oo dawladda Jabuuti u qaabilsan Arrimaha dib u heshiisiinta kooxaha siyaasadda ee Somaliya.



Mas’uulkani wuxuu ka gaabsaday inuu tafaasiil dheer ka bixiyo qodobada lagawada hadalay. Laakiin wuxuu sheegay in maamulka Sheikh Shariif soo dhowaynayo wadahadalka dhexmaraya maamulka Somaliland iyo xukuumadda TFGda.

Haseyeeshee, warar u dhuun daloola safarka Cabdillahi Maxamed Ducaale ee Jabuuti oo ka soo baxay ilo wareedyo ku dhaw xukuumadda Jabuuti ayaa daboolka ka qaaday in khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka taagan Somaliland ee u dhexeeyay xukaamadda Rayaale iyo xisbiyada mucaaradku ay muujinyaan in xukuumadda Daahir Rayaale ay ku dhawday burbur, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la helo qaab siyaasadeed oo kale oo xal u noqda helitaanka dawlad Somaliyeed oo Somaliland qayb ka tahay, si ayna Somaliland gacanta ugu galin kooxaha mucaaradka oo la filayo inay sii wadaan siyaaasadii kale gooynta Somaliliya, oo hadda u muuqda inay ku guulaysanayaa talada hogaaminta Somaliland.


Xilli ay shacabka Somaliland ay u diyaargaroobayaan doorasho madaxwayne oo ay xukuumadda Rayaalana ka caga jiidayso ayuu madaxwayne Rayaale u diray Wasiirkiisa khaarijiga dalka Jabuuti si uu shir ula galo masuuliyiin ka tirsan Jabuuti iyo maamulkaTFG da. Waxay dadka siyaasadda gorfeeyaa talaabadan ku tilmaameen mid uu ulajeedadeedu noqon karto in haddii uu Rayaale ku guulaysan waayo sii wadida xukunka dalka in aanay Somaliland sii jirin


Wasiir Cabdillahi Maxamed Ducaale oo in muddo ahba joogay dalka jabuuti ayaa la garan la’aa sabatu uu u joogo dalkaasi muddo intaa leg, iyadaoo aanay xukuumadda Daahir rayaale wax tafaasiil ah ayna ka bixin joogitaan dheer ee Jabuuti. Haseyeeshee warkani wuxuu caddayn buuxda u yahay hawlagalada uu Cabdillahi Maxamed Ducaale u tagay Jabuuti wakhti lagu jiro xiligiii ugu adkaa ee ay siyaasadda Somaliland soo marto tan intii la qaatay nidaamka dimuqraadiyadda.

RIYAALE OO XAFIISKIISA KU QAABTAY WAFTI KA SOCDA QARAMADA MIDOOBAY (SAWIRO)

RIYAALE OO XAFIISKIISA KU QAABTAY WAFTI KA SOCDA QARAMADA MIDOOBAY (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ku xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha siyaasadda ee Somaliland iyo Somalia Mr Charles Betrie.
Image and video hosting by TinyPic
Wefdigaasi oo booqasho gaaban ku yimid Somaliland, waxa ay maanta Madaxweynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin Nabad gelyada iyo xasiloonida Somaliland iyo mashaariicda horumarinta ah ee Qaramada Midoobay ay ka fuliyeen Somaliland.
Image and video hosting by TinyPic
Madaxweynuhu, waxa uu ugu mahad naqay wefdigaasi booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, si ay indhahooda ugu arkaan xaaladda ay ku sugan tahay Somaliland, siiba dhinacyada Nabad gelyada iyo Xasiloonida, waxana uu carabka ku dhuftay in isaga iyo xukuumadiisaba ay ka go’an tahay in ay sii wadaan geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland ay ku caano maashay.
Image and video hosting by TinyPic
Mr Charles, oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay waxa uu sheegay in ujeedada socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland ay daaran tahay in wax ka bedel lagu sameeyo habkii hore ee ay Qaramada Midoobay ula dhaqmi jirtay Somaliland, iyadoo si toos ah loo siin doono kaalmada iyo mucaawimooyinka Somaliland ay QM ku taakulayso.

Waxa kale oo uu sheegay Mr Charles in ay xafiis cusub ka furan doonaan Qaramada Midoobay caasimada Somaliland ee Hargeysa, isagoo ka waramaya arrimaha ay QM danaynayso in ay ka caawiso Somaliland waxa ka mid ayuu sheegay Mr Charles dhibaatooyinka Budhcad-badeedka iyo sidii loo sugi lahaa amaanka xeebaha iyo dalka Somalilandba guud ahaan.

Mr Charles iyo wefdigiisu intii aanay Madaxweynaha la kulmin waxa ay kulamo la yeesheen dhawr Wasiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta Mudane Cali Maxamed Ibraahim, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali, Wasiirka Cadaalada Mudane Axmed Cali Casoowe iyo Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Siciid Maxamed Nuur, oo si faah faahsan uga xog waramay wefdiga, isla markaana ka warbixiyay baahiyaha deg deg ah ee Somaliland u baahan tahay in wax lagala qabto.

Alla mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL



BREAKING NEWS: ENG AXMED XAJI BIDAAR OO GOOR DHAWAYTO KU GEERIYODAY MAGALADA HARGEISA

BREAKING NEWS: ENG AXMED XAJI BIDAAR OO GOOR DHAWAYTO KU GEERIYODAY MAGALADA HARGEISA

Image and video hosting by TinyPic

INAA LILAAHI WA INA ILAHI RAJICUUN


Waxa goor dhawayd ku geeriyoday magaalada Hargaysa Marxuum Eng Axmed Maxamed Xaji Bidaar oo hore uga tirsanaa Koomishanka Doorashoyinka Qaranka Somaliland.
Marxuumka ayaa Wadnuhu istaagay Barqadii Saaka, waxaana la aasi doonaa galabta Haddii Alle Yidhaa iyada oo lagu aasi doono Xabaalaha Reer Suldaan ee Magalaada Hargeysa.


Haddaanu Nahay Dhammaan Bahda TOGGAHERER NEWS NETWORK ee ku kala Firidhsan Dacalada Dunida Waxaanu Tacsi Tiiraanyo leh u diraynaa Marxuum Axmed Xaaji Bidaar.

Reer Axmed Xaji Bidaar iyo dhammaan Eheladii Qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Reer Somaliland-ba waxaanu Ilaahay uga baryeynaa inuu Samir iyo Iimaan kasiiyo, Marxuumkana Ilaahay Jannadii Firdawsana ka waraabiyo.

Amiin...........Amiin..........Amiin...........Amiin........

Xassan Maxamed C/laahi
Warqabadka Toggaherer
Hargeysa

MARKABKII KU GUBANAAYEY DEKEDA BERBERA OO GABI AHAANBA HURUSHOODAY

MARKABKII KU GUBANAAYEY DEKEDA BERBERA OO GABI AHAANBA HURUSHOODAY

Image and video hosting by TinyPic...

Warkii ugu danbeeyey ee markabkii MS Maryer Star ayaa saaka waxa uu ku dhamaaday guuldaro taas oo ilaa xalay la waday dedaal lagu doonaayo in lagu damiyi dabkaa ka holcaaya markabkaasi.

Shaqaalihii saarnaa markabkaas ee ahaa noca Crew ga loo yaqan oo tiradoodu dhamayn ilaa 12 crew ah ayaa gabi ahaanba la xidhay taas oo uu ka mid ahaa kabtankii markabka , xidhitaankan ayaa ka dambaysa kadib markii ay u sabab ahaayeen guul darada ka timid in la bakhtiin kari waayo markabka gubanaaya taas oo la sheegay in ay is hor taageeen markabka , sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in Kabtankii iyo lix uu ku jiraa ay ku xidhan yihiin saldhiga dhexe ee magaalada Berbera halka lixda kalena ay ku xidhan yihiin saldhig kale oo ku yaala xaafad ka mid kuwa berbera .

Maareeyahay Dekada Berbera Mr Cali Xoor xoor ayaa sheegay in kabtanku si toos ah uga hor yimid isaga iyo shaqaalihiisiba sidii lagu bakhtiin lahaa ama wada shaqayntii ka dhexayn lahayn iyaga iyo dadkii gurmadka ahaa iyo shaqaalihii dekada Berbera.

Cali xoor xoor waxa uu sheegay in markabkani uu ahaa kuu ugu gurmadaka iyo dedaalka badnaa ee abid soo mara dekada Berbera taas oo uu sheegay in sadex markab oo hore oo soo maray ay sidan ka sahlanaayeen bakhtiideedu dabdamiska aanu haysanayna nagu filnaa ,halka ay adkanayso markab badwaynta dhex taagan sidii loo bakhtiin lahaa.

Markabakan MS M .Star ayaa gabi ahaanba khasaare wayn ka soo gadhayaa ganacsato kala duwan oo nooc kastaba leh kuwaas oo ay u saarnayd alaabooyin kala nooc ah .

Ugu dambayntii dedaalka xalay la muujiyey oo ahaa kii ugu heerka sareeyey ee ay samayn lahaayeen shaqaalaha dabdamiska iyo dadkii gurmadka ahaa ayaa ugu dambayntii waxaa wada shaqayn la'aantaas timid ay sababtay in in lagu guul daraysto bakhtinta markabkaasi , halka lagu guurlaystay in laga soo rogo 64(Afar iyo lixdan ) Baabuur oo noocyo kala gadisan leh iyo 200 oo Tan oo bagaash ah.

Ugu dambayntii markabkii oo laga fogeeyey marsada ayaa waxaa dadweynhii lahaa alaabta iyo shacabkii ku dhaqnaa Magaalada Bebera ay daawanayeen markabka oo holcaaya ilaa iyo intii ugu damabyasay ay ku hurushootay meeshaas.

Ciidama Police iyo Kuwa CID da ayaa baadhitaano ku haya shaqalihii marakabka taas oo ay ka tixraacayan is hortaaga ay sameeyeen shaqaluhu iyo sababta keentay dadbka in uu ka dhex holco gudaha markabka.

Markabkan oo lagu qiyaay alaabta uu siday ilaa 1600 ilaa 2000 oo Tan oo isugu jirtay Baabuur, bagaash , iyo qalab electronic ah aayaa waxa uu noqonaya Ramadan ilaa Ramdaaan kii labaad ee ku haligma bada dhexaysa Dubia ilaa Berbera oo ay dad xoog lihina ku khasaaraan.

Togaherer
Hargaysa

CIIDAMDA BILAYSKA JSL OO QABTAY SADDEX NIN OO SAMEEYA DOLARKA BEEN ABUURKA AH IYO QALBKIIBA

CIIDAMDA BILAYSKA JSL OO QABTAY SADDEX NIN OO SAMEEYA DOLARKA BEEN ABUURKA AH IYO QALBKIIBA

Ciidamada Bilayska Somaliland gaar ahaan Kuwa Magaalo Madaxda ayaa gacanta ku dhigay Saddex nin oo muddo ba ay daba socdeen Bilaysku kuwaas oo ahaa qaar sameeya Dollar ka Foojariga ah (been abuur ka ah) iyo qalabkii ay ku samaynayeen lacagta Been abuurka ah iyo Lacagtii ay samaayeen.

Taliyaha Hawlgalinta Ciidamda Booliska ee gobolka Hargeisa Taliye C/laahi Fadal Imaan ayaa xaqiijiyey Qabashada Saddexda Nin oo ay magacyadoodu kala Yihiin .
1-C/fataax Sheekh Nuur C/Raxmaan.
2- Liibaan Cismaan Maye.
3- Maxamed C/casiis Muse.

Geesta kale Saaka ayay Ciidamada Bilaysku ay Ku qabteen Laba Baabuur oo Grande IndhaCade ah oo looga tagay Schoolka Nuuradiin agtiisa ee xaafada Sh Madar ,labada baabuur oo mid shil galay isaga oo jiidhay bir iyo Boodhka Dugsiga Nuuradiin lahaa ka dibna ay iskaga tageen ragii watay labada baabuur ,falkaas oo dadkii xaafada galiyay shaki aad u weyn ka dibna war geliyay Bilayska , Bilyskuna kula dhaqaaqay baadhid iyaga oo ka helay baabuurta lacago faalso ah oo dollar ah .

Warqabdka ToggaHerer
Hargeysa
Mo Yusuf

SAWIRO DHEERAAD AH SHAHAADO GUDOONSIINTA GENRAL C/LAAHI KAAHIN YUSUF EE URURKA GAAROODI

SAWIRO DHEERAAD AH SHAHAADO GUDOONSIINTA GENRAL C/LAAHI KAAHIN YUSUF EE URURKA GAAROODI

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

SAFRKAYGII SOMALILAND IYO BURCU IYO ISBADALKII AAN KU SOO ARKAY HALKAASI

SAFRKAYGII SOMALILAND IYO BURCU IYO ISBADALKII AAN KU SOO ARKAY HALKAASI

Sarafkaygii Somaliland iyo Burco

Safar gaaban oo aan kusoo gaadhay magalada Burco sadex cisho ka hor waxa ay ii ahayd wakhti aad u wanagan aniga oo kasoo kicitay Casimada Somalialnd ee hargaisa waxa aan kasoo baxnay magalada Hargaisa goor hore oo ah markii aanu Salaada subax tukanay.

Waxa aanu dhawr saacadood uunka dib soo gaadhnay magaala madaxda gobolka togdheer ee burco 11.00 duhurnimo intii aanan magalada soo galin waxay markiiba ishaydu qabateysida hareeraha magaalada looga degan ee ay u fidayso iyo warshadaha ku xeeran.

markii aan soo gaadhay badhtamaha magalada Burco oo ah wakhti dadka wixii magalada joogay ay markaasuun soo buuxiyeen magalada waxa markiiba aan ogaadey in dadka aanayba warka hayn ama iskuba lurayn waxyaalaha casimada soomaliland aadka looga sheekaysto ee ah dorashada iyo muranka ku gadaaman ee ka jira Somaliland.

inkastoo aan arkayso in uu jiro roob la'aan jirta hadana dadku wax cabasho ah oo ay kuu sheegayaan ma jiraan walow dadku qaar ay ka muuqato darxumo iyo jahawareer ,intaas ka dib waxa aan soo eegay bacadlayaasha iyo meelaha lagu badan yahay oo runtii aad u camiran iyo dhismayaal fooqaq ah oo magalada ku cusub oo dhawaan sida la ii sheegay la dhisay.

Waxa aan booqasho yar oo gaaban aan ku gaadhay jamacada Burao University oo qudhaydu aan ka mid ahaa dadkii markii lacagta loo ururinayey wixii karaan kayga ahaa ka gaystay.Inkastoo markii aaan jamacada imid la ii sheegay in ardaydii ay fasax ku mqan yihiin hadana waxa socotay casharo la ii sheegay in haayado ay maal galiyeen oo tababaro ahaa.Waxa aan halkaa jamacada kula kulmay macalimiinta jamacada qaar ka mid ah oo uu ku jiro madaxa jamacada Dr. Abdisalan Yassin oo aan suaalo yaryar weydiiyey si wanagsana uu iiga jawaabay iina sheegay in ay si wanagsan u socdaan aanuna wixii aanu kari karno qaban doono hadii Ilahay yidhahdo.

Intaa ka dib waxa aan soo booqday dhakhtarka weyn ee Burco oo dad farabadan aan ku arkay iyo shaqaale shaqadooda wata oo bsu y(mashquul ) ah sida ay iila muuqaday dhakhtarku waxa ka muuqatey nadaafad wanagsan oo aanad wax ishaadu diidayso aanad ku arkay oo runtii uu aad ii qiiro galiyey iyaga oo aan dhinaca kale bahidoodu dhamaan oo ay u bahan yihiin waxyaale badan.

Hamse A Salaan
Burco
Somaliland
hamse100@yahoo.com

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic