Wednesday, 28 October 2009

AIRPORT KA BUUHODLE MA AHA KINIISAD LA TAKOORAYO EE WAA HORUMAR SOO KORDHAY

AIRPORT KA BUUHODLE MA AHA KINIISAD LA TAKOORAYO EE WAA HORUMAR SOO KORDHAY

QALINKII
BUHOODLE yaan laga dhigan meel siyasadeeda la isku riixo ama meel kubada lagu ciyaaro. iskuma xidhna magalada buuheedle hurumarinteeda iyo arimaa siyasadu buuheedle wuu u bahanyahay AIRPORT wana deegan baladhan oo an ka marmi karin garoon diyaradeed waxana ku xeeran deegano an ka marmayn in dadkooda qurbaa jooga ka soo dagaan ama hayadda calamagi ah ka soo dagaan .

Sidaa daradeedna buuhoodle waa magalo somaliland marnaba ka marmi mayso gagi diyaradeed waxa dadka qurbaa jooga dhibaya diyarad fadhiisanaysaa hargiasa ama garoowe tasina waxay keentay in dadka reer togdheer ee howdka dagaa ay qofkooda ka yimada qurbaa uu malmo ama wakhti badan u soo socdo deegankiisa.

markaa way ubahantahay deeganka buuhoodle gagi ay diyaraduu fadhiistaan dadka reer buuhoodlana yan la fogayn oo hurumarka laga horjoogsan siyasiyiinta ka soo jeeda buhodle ee marba meel u yacayana waxa an odhan lahaa shinbir duul duul badani aflibaax bay gashaa ee iska daaya yacyacida aad marba dhan ka soo yaacaysaan oo siyasada deegankaa howdka fadhiisiya oo xaga hurumarka uun ka eega iyo dib udhiska.

Hadii garoon diyaradeed laga dhiso buuhoodle waxa ka faa’iidaya dadka qurbaa jooga ee ka soo jeeda howdka somaliland sida DAGMADA BALIDHIIG.QURULUGUD, COODANLE,iyo ilaa 100 tuulo oo kuyaala howdka somaliland, waxa somliland ay ku balantay in an laga hor iman dib udhiska soo kordha meel kasta oo somliland kamida,waxan maqalkan ku gabagabaynayaa AIRPORT KA buuhoodle kinsad maha diin gaara wada ee waa hurumar soo kordhay yan siyasad laga dhigin . ee halaga tashado doorasho xalaala oo ka dhacda somaliland.

maha dadka somaliland in marba meel lagu jahwareersho sida caruur la sasabaayo ee yan garoonka buuhoodle mushkilad laga dhigin

wabilahi towfiiq,

Saleebaan mohamud dhiidhi(dhagawayne)

WAA KUMA KOMISHANEER C/FATAAX IBRAAHIM SHEEKH

WAA KUMA KOMISHANEER C/FATAAX IBRAAHIM SHEEKH

WAA KUMA KOMISHANEER C/FATAAX IBRAAHIM SHEEKH Komishaneer C/fataax Ibraahim Xasan, loona yaqaan ( C/fatax Ibraahim Sheekh) waxa Xilka Koomishanka Doorashooyinka Qaranka u soo Magacaabay Xisbiga Siyaasiga ah ee Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID si uu u buuxiyo Xubinta Koomishanka Doorashooyinka ay ku lahayeen Xisbiga UCID, iyadoo Golaha Wakiiladuna ay Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyeen maalintii Sabtidii Taariikhduna ahayd 24/10/2009. Fataaxii Komishaneer C/fataax Ibraahim Xasan waxa uu noqonayaa Komishanka Cusub ee la soo doortay Komishaneerka ugu da’da yar, mana laha wax balwad ah.

Sooyaalka Taariikhda C/fataax Ibraahim Xasan .

C/Fataax Ibraahim Sheekh Wuxu ku dhashay Magaalada Hargeysa , wuxu ku barbaaray isla magaalada isaga oo waxbarashadiisa Malcaamd Qur’aan Dugisyada Hoose Dhexe sare iyo Jaamacadeed ku soo kala qaatay Magaalooyinka iyo Wadamda Djibouti ,Hargeisa, Mogadisho ,Sudan ,Malaysia , UK.

  • 2007 – 2008 Cranfield University United Kingdom Postgraduate In W. Management Culuumta maamulka Biyaha.
  • 2000 – 2004 University Science of Malaysia,–M.Sc in Geophysics.
  • 1994 – 1997 International University of Africa, Sudan – B.Sc in Geology

Waayo aragnimadiisa Shaqo.

  • 2009- ilaa maanta Xoghayaha Guud ee Jaalliyada Somaliland ee Cariga UK .
  • Aug 2004 – Sep 2005 Gudoomiyaha HAERDO Organisation (GAAROODI) Somaliland.
  • Sep. 2001 – Sep. 2003 University Science of Malaysia, Malaysia Assistant lecturer Kaaliye Macalin.
  • July 1997 – July 1998 International University of Africa, Sudan Teacher Macalin .
  • 1996- 1997 Xubin Gudida Guud ee Ardayda Geeska Afrika ee Sudan.

Luqadaha uu ku Hadlo.

  • Somali, English , Arabic.

Komishaneer C/ fataax Ibraahim Sheekh Waa nin ay raga Isku faca ahaayeen u qireen Nin Saaxiib u ah Cibaado ,Aqoon, Degenaan ,Dul Qaad iyo Dabeecad dad la dhaqan ah leh. Komishaneer C/fataax Waxa uu ka mid ahaa Ardaydii 15 ahaa ee u sareeyey Jaamacada University Science of Malaysia isaga oo ahaa Ardaygii ku guuleystay wakhtigaas Award ka ay jaamacadu bixiso , sidoo kale waxa uu ahaa ardaygii u sareeyey Jaamacada International University of Africa wakhtigii Qalin jabintiisa Sanadii 1997 .

Fataaxmixed

Eng Cabdi fataax xiligii uu ahaa gudoomiyaha gaaroodi

Oday Maxamed ToggaHerer

GUDIDA DOORASHOOYINKA EE CUSUB WAY KA TAYO IYO TAMAR LIITAAN KUWII KA HOREEYEY.

GUDIDA DOORASHOOYINKA EE CUSUB WAY KA TAYO IYO TAMAR LIITAAN KUWII KA HOREEYEY.

QallinGuddiga Doorashooyinka ee Cusub way ka tayo iyo tamar liitaan kuwii ka horeeyey!!

28 Oct.2009

(Weli lama hayo G.Doorasho oo sax ah,balse xaalku wuxuu marayaa,waar yaa mar uun Doorasho noo qabta,mana jirto cid ka fekeraysa dhibka ka iman karta hadii aan la helin G.Doorasho sax ah )

Ka dib muran aad u fara badan,aflegaado,iscasilaad,faragelin baa jirta iyo hebel baa qaatay ee anigu ma qaadan , horaantii bishan Okt. 2009 ayaa G.Doorashooyinka ee Somaliland waxay furihii xafiisyada u dhiibeen mid ka mid ah shaqaalaha Xafiiska Doorashooyinka Somaliland.

Marar badan ayaan sheegay in guddigii hore ee .Doorashooyinka Somaliland, aanay qaban Karin howsha loo dhiibay,waxaan marar badan ku baqaay in la bedelo si aan waqti inooga lumin,balse dheg looma jalaq siin.

Haddii aan u soo noqdo G.Doorashooyinka ee la ansaxiyey 24Okt 2009,lana dhaariyey 28 Oct 2009 ,waxaan mar kale qabaa in aanay ahayn qaar ka dabaalan kara howlaha faraha badan ee sugaya.

Waxay ila tahay in Guddiga cusub aanay buuxin shuruudihii ugu muhiimsanaa ee laga rabay shaqsiga noqonaya xubin ka mid ah G.Doorashooyinka ,waxaana ka mid ah:-

1. Ma laha waayo aragnimo shaqo iyo mid maamul,oo ay kaga bixi karaan hawsha culus ee dalka iyo dadkuba ka sugayaan.

2. Ma maydhi kara ,nadiifin kara ceebtii ay ka tageen G.Doorashooyinka ee ka horeeye,soomana celin kara sharaftii iyo karaamadii looga baahnaa G.Doorashooyinka.

3. Kama badbaadi karaan, Guddigani, dubayaasha saddexda Xisbi ee tartanku ka dhexeeyo.

4. Ma aha Guddi la odhan karo waxay go,aan adag ka qaadan karaan, howlaha badan ee isku murugsan ee sii yaala miiska Xafiiska ay fadhiisan doonaan iyo kuwa soo kordhi doonaba.

5. Ma filaya in ay yihiin Guddi fahansan howlaha sugayaa inta ay baaxad iyo culays leeyihiin iyo in dalka iyo dadkuba iyaga ka war sugayaan.

Hadal iyo dhamaan G.Doorashooyinka ee cusubi way ka tamar iyo taagba liitaan kuwii ka horeeyey.

Dowlada-Xisbiyada iyo shacabkuba ,waxay ku daaleen Doorashadii dib ayaa loo dhigay,waxaa ii muuqda deg deg aad u fara badan oo aan la kala eegayn sax iyo khalad waxa socdaa,xaalkuna wuxuu noqday “yaa mar uun Doorashooyinka na dhaafiya”

Mahadsanidin.

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

WAR DEG DEG AH :-ISKA HOR IMAAD AYAA DHEXMARAY CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND IYO KUWA PUNTLAND DEEGAANKA CEEL-BUH EE GOBOLKA SANAAG.

WAR DEG DEG AH :-ISKA HOR IMAAD AYAA DHEXMARAY CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND IYO KUWA PUNTLAND DEEGAANKA CEEL-BUH EE GOBOLKA SANAAG.

Wararka laga helayo dad degaanka ah oo ku sugan degmada Ceelbuh ee Bariga gobolka Sanaag ayaa sheegaya in galabta uu qadar kooban dagaal ku dhexmarey duleedka degmadaasi ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyo ka soo jeeda Dawlad goboleedka Puntland.

Wararka laga helayo degaanka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilawday ka dib markii ay maanta ay yimaadeen wafdi uu hogaaminaayo wasiirudawlaha wasaarada waxbarashada Somaliland Maxamuud Garad Maxamed oo booqasho ku tagaayey degaano ka tirsan Bariga Sanaag oo uu iskuulo ka furaayey halaka qaar kalena dhagax dhigaayey markaasi oo iska hor imaadku qarxay.

Hal askari ayaa ka dhaawacmay ciidanka qaran Somaliland kadiba dagaalkaasi socday waxa yar ayaa wasiirudalaha iyo waftigii uu hogaaminaayey oo doonaayey in ay u sii gudbaab degmada Badhan soo gaabiyey oo ku soo laabtay deegaanka Hadaaftimo oo 70km u jirta Magaalada Ceerigaabo .

Lama garanaayo khasarada dhabta ah ee soo ka dhashay dagaalkasi lakiin ugu dambaystii waxaa gacan ku haynta degankaasi la wareegay ciidamada qaranka Somaliland .

Goordambe ayaa askarigii ciidamada qaranka ee goobtaasi ku dhaawacmay la keenay magaalda Ceegigaabo si loogu daweeyo .

Warqabadka Togaherer

Ceerigaabo

DHACDO XUSUUS MUDAN

DHACDO XUSUUS MUDAN

dhacdo

WAR DEG DEG AH :-ISKA HOR IMAAD AYAA DHEXMARAY CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND IYO KUWA PUNTLAND DEEGAANKA CEEL-BUH EE GOBOLKA SANAAG.

WAR DEG DEG AH :-ISKA HOR IMAAD AYAA DHEXMARAY CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND IYO KUWA PUNTLAND DEEGAANKA CEEL-BUH EE GOBOLKA SANAAG.

Wararka laga helayo dad degaanka ah oo ku sugan degmada Ceelbuh ee Bariga gobolka Sanaag ayaa sheegaya in galabta uu qadar kooban dagaal ku dhexmarey duleedka degmadaasi ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyo ka soo jeeda Dawlad goboleedka Puntland.

Wararka laga helayo degaanka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilawday ka dib markii ay maanta ay yimaadeen wafdi uu hogaaminaayo wasiirudawlaha wasaarada waxbarashada Somaliland Maxamuud Garad Maxamed oo booqasho ku tagaayey degaano ka tirsan Bariga Sanaag oo uu iskuulo ka furaayey halaka qaar kalena dhagax dhigaayey markaasi oo iska hor imaadku qarxay.

Hal askari ayaa ka dhaawacmay ciidanka qaran Somaliland kadiba dagaalkaasi socday waxa yar ayaa wasiirudalaha iyo waftigii uu hogaaminaayey oo doonaayey in ay u sii gudbaab degmada Badhan soo gaabiyey oo ku soo laabtay deegaanka Hadaaftimo oo 70km u jirta Magaalada Ceerigaabo .

Lama garanaayo khasarada dhabta ah ee soo ka dhashay dagaalkasi lakiin ugu dambaystii waxaa gacan ku haynta degankaasi la wareegay ciidamada qaranka Somaliland .

Goordambe ayaa askarigii ciidamada qaranka ee goobtaasi ku dhaawacmay la keenay magaalda Ceegigaabo si loogu daweeyo .

Warqabadka Togaherer

Ceerigaabo

Sanad kahor Maanta oo kale (29.Oct.2008): Xus Iyo Xusuus Murugo

Sanad kahor Maanta oo kale (29.Oct.2008): Xus Iyo Xusuus Murugo

dhaawac-sallaxleynewsSanad kahor Maanta oo kale (29.Oct.2008): Xus Iyo Xusuus Murugo

“Maalin Mahadho iyo Xusuus madaw ku reebtay Quluubta shacbi u muuqda inay ka soo doogayaan diifta halgan naf iyo maal leh”. DAAWO MUUQAALADA RASMIGA AH EE DHACDADAAS

Ayaamaha Ilaahay eed ma leh Midoodna. Laakiin, 29/October/2008 waa maalin Mahadho iyo xusuus madaw ku reebtay Quluubta shacbi u muuqda inay ka soo doogayaan dhibaatada halgan naf iyo maalba leh. Waa maalin intii goob jooga ahayd iyo inta maqashayba argagax gelisay Gariirka Qaraxyo xoog badan oo gilgilay Caasimadda Hargeysa.

Waxay ahayd sanad ka hor maanta oo kale, markii rag la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada xag jirka ah ee AL-SHABAAB isku qarxiyeen Seddex Goobood oo muhiim ah (Madaxtooyada, Xarunta UNDP, iyo Xafiiska Ganacsi ee Ethiopia uga Furan Hargeysa) kuwaasoo gaystay Khasaare Naf iyo Maalba leh, Inkastoo qaraxaasi aanu u dhicin sidii ay ugu talo galeen cadaawuhu.

Jawigii Maalintaas iyo Dareenkii shacbiga reer Hargeysa

Waxay ahayd Subax Arbacaad, abaaro 10:00 subaxnimo markii laga war helay dayaanka Seddex Qarax oo daqiiqado kala dambeeyay oo ay fuliyeen dhalinyaro laga dhaadhiciyay Mabda’ xag jirnimo ah. Waxay ku Hawl galeen Seddex baabuur oo Surf ah, iyadoo Bartilmaameedkoodu ku jihaysnaa Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo ah Hay’adda Qaran ahaan ugu Saraysa Somaliland isla markaana ay isugu tagto siyaasadda lagu Dhaqo dalka, Xarunta labaad ee Qaraxan ay Argagaxisadu ka fulisay ayaa iyaduna ahayd Xarunta Hay’adda Horumarinta Barnaamijyadda Qaramada Midoobay ee UNDP ay ku leedahay Somaliland, oo kamida Hay’addaha Somaliland ka fuliya Mashaariicaha tooska ah ee horumarka, siyaasad ahaana ay Xukuumadda isku mawqif ka yihiin Qorshayaasha la dagaalanka Argagaxisada oo caalamku wakhtigan il gaar ah ku hayo. Xafiiska xidhiidhka ganacsi ee Dawladda Itobiya ku leedahay Somaliland oo isna Qaraxu ka fulay.

Wax yar ka hor Marxuum kamida Masuuliyiintii ku dhimatay Qaraxa Madaxtooyada

Falkan jariska xoornimada ah ee Hargeysa Gilgilay waxa ku qudhbaxay dad gaadhaya dhawr iyo labaatan ruux oo ay ku jireen xog-hayihii Xafiiska Madaxweynaha Marxuum Daahir Cali Iid, Marxuum Afgaab iyo Mudane ka tirsanaa Golaha Guurtida oo shilka la kulmay isagoo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha si uu u eego labada qarax ee ka horeeyay. Waxa kale ku dhaawacmay soddomeeyo qof oo u badnaa rayid iyo Masuuliyiin. Xarunta Safaarada UNDP waxa dadkii ku dhintay kamid ahaa Sarkaalka dhinaca Amaanka u qaabilsanaa Hay’adaasi Marxuum Geele.

Haddaba warbixintii, Muuqaaladii Dhaawaca iyo dhismayaasha maalintaas Madaw oo Sallaxleynews idiin soo ururisay waxa ay u dhignayd sida tan:

“Abaaro 10:00 subaxnimo ee saaka ayaa seddex qarax oo miidaamin ahi ka dhaceen Xarunta Madaxtooyada JSL, Xafiiska Hay’adda UNDP ee magaalada Hargeysa iyo Xafiiska xidhiidhka ganacsiga Ethiopia ku leedahay Magaalada Hargeysa.

Qaraxan oo laga maqlayay guud haaan magaalada iyo nawaaxigeeda, waxa loo adeegsaday isku dhisyo Miinooyin iyo walxo kale oo lagu soo xidhay baabuur nooca loo yaqaano SURF-ta. Qaraxan dhimashada ka sokow waxa uu khasaare ballaadhan gaadhsiiyay guud ahaan dhismayaasha madaxtooyada, Xarunta UNDP-da, iyo Xafiiska Safaarada Xarunta madaxyooyada oo uu ka dhacay qaraxan ka ugu xoogani waxa uu ka soo galay baabuurka miinaysani albaabka hore kaasoo qarxay intaanu gaadhin xafiiska Madaxweynaha.

Falkan oo dhimashada uu gaystay gaadhayo in ka badan labaatan qof, waxa ku jiray Xoghayaha Xafiiska Madaxweynaha Marxuum Daahir Cali Ciid oo isagu kolka qaraxu dhacay wax yar ka hor xafiiskiisa ka soo baxay, waxa kale oo liiska dhimashada ku jira Xildhibaan Maxamed-laangadhe Libaaxoo oo ka tirsan xildhibaanada oo isagu kolkaa ka soo baxay hawl uu u lahaa xafiiska madaxweynaha. Dhaawaca ayaa la sheegay inuu ku jiro Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyda Abokor Sulub.

Waa markii ugu horeysay ee Falal noocan oo kale ah lala beegsado Somaliland tan iyo intii ay Madaxbanaanideeda la soo noqotay. taasi oo ka argagixisay dhamaanba shacbi weynaha caasimada, kuwas oo la anfariirsan Cida ka dambaysay iyadoo ah Meesha kaliye ee Mandaqada geeska Afrika.

Lama garanyo cida khaaska ah ee ka danbaysa jar iska xoornimadan balse sida uu Warbaahinta ka sheegay madaxweyne Rayaale wax yar kadib qaraxan.waxa uu dusha sa saaray Xarakooyinka Al-gagaxisada ah ee ka hanaqaaday gobolka geeska Afrikaa. “Waxaan maanta Shacbiga reer Somaliland u sheegayaa in Dalkoodii la soo weerayay, oo qaraxyo lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada, Safaaradda Itoobiyaa iyo UNDP, cid kasta oo ka dambaysana waxaan leeyahay waa argagaxiso ka xun Amaanka iyo Horumarka ka socda dalkani. Isna allahu si dhakhsaha ayaanu u soo saaraynaa cida gaysatay” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Waxaanu intaas ku daray “Anigu Maalintii Borama lagu dilay gabadhii Talyaani ahayd ee Analena waxaan idhi waxa gaysatay Argagaxiso, dad badan baa ila yaabanaa oo lahaa maxaa ay dalkayaga argagaxiso uu ugu tilmaamayaa, laakiin maanta ayay dhabawday”..

Si kastaba ha ahaatee Xaradka Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen fulinta dhacdadaas madaw ee ku suntantay Baalasha taariikhda Somaliland.

Mar I dage alle ha dago, mar labaad I dage se anigaa is dagay ayay soomaalidu tidhaa, Waxa Mudnaan leh In dersi iyo duruusba laga barto dhacdooyinka maalinlaha ah ee ina soo maray, si looga digtoonaado ku dhiirrashada nacab kale.

Dabcan Qayuurkii Maansadda Soomaaliyeed ibraahim gadhle-na waa kii lahaa “”Halkii muducu kaa muday,Mar labaad lugtaadiyo, Cagtu yaanay kula marin!”

Hassan Hussein Keefkeef
Hargeisa,Somaliland
Mrkeefkeef@gmail.com
editor@sallaxleynews.com