Wednesday, 30 September 2009

LABADII HODMEE HOY WADA GALEE HODALEE NOQDEE HIBO IYO DUCABA NAGA HOOYA

LABADII HODMEE HOY WADA GALEE HODALEE NOQDEE HIBO IYO DUCABA NAGA HOOYA

HAMBALYO AROOS TOGAHERER

Hanbalyo iyo Bogaadin Arooska Mohamed Abdi Sheikh Ibrahim iyo Saynab Ahmed Mohamoud oo Arooskoodu ka dhacay Magaalada Hargeisa 24/09/2009, Waxannu Illaahay ka rajeynaynaa Gurikooda in uu ka yeelo Guri Barwaaqo iyo Ubad Khayr Qaba Aammiin.

Waxa Hanbalyadan diraaya:
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Adan Sh. Mohamoud Sh. Haroun
Haji Mohamoud Abdi Aw Musa
Macallin Osman Jama Hussein
Sh.Mohamed Sh. Hussein Cilmi
Haji Ibrahim Dirir Jama
Haji Hassan Dhinbiil
Abdillahi Ahmed Deria
Hussein Abdi Aw Musa
Abdi Ahmed Bulaale
Sh. Sahardiid Hassan Hersi
Sh. Saeed Jama Gudaal
Hassan Abdi Farah Gudaal
Rashid Macallin Osman Jama
Mohamed Abdi Gurey
Ahmed Hussein Aw Muhumed
Saeed H. Mohamoud Abdi
Yussuf Shiekh Abdi Farah
Bashe Abdi Farah
Deyr Adan Ducaale
Musa Abdillahi Hassan
Musa Ali Hussein
Ismail Elmi Huusein
Hassan Macallin Osman Jama

Abdi Sh. Ibrahim Amareh
Proff. Mohamed Sh. Yussuf H. Hassan (Proff. IQRA)
Proff. Mohamed Hassan Sheekh Haaruun
Eng. Mohamed Hassan Dhinbil
Eng. Ahmed-Nuur Hassan Haji Adan
Dr. Abdulsalam Musa Ali
Eng. Ahmed-Nuur Musa Hassan
Eng. Mohamoud Hassan Arraleh
Eng-Abdirisaq Muse Hassan
Ahmed Ibrahim Dirir
Ahmed Sh, Musa Sh. Haroun

Yussuf Mohamed Geeljire
Khadar Ismail Elmi
Khadar Hussein Abdi
Hussein Ibraahim Hassan
Mahamed Ibraahim Hassan
Cawil Ahmed Abdi
Fouad Shibiin Mohumed
Mohamoud Hassan Haji Adan
Rashid Sh. Yussuf H. Hassan

Fuaad Abdisalam Hassan Haji Adan
Abdi Musa Hersi
Abdi Hassan Deria
Barre Yussuf Samater
Hussein Musa Ali
Abdirahiim Ibraahim Abdi
Mahamed Ibraahim Abdi
Abdirahman Ismail Elmi

Hassan Abdulrahman Hassan Haji

Hargeisa Somaliland

TAHNIYAD AROOS AROOSKA MOHAMED ABDI SHEIKH IYO SAYNAB AHMED MOHAMOUD

TAHNIYAD AROOS AROOSKA MOHAMED ABDI SHEIKH IYO SAYNAB AHMED MOHAMOUD

Hanbalyo iyo Bogaadin Arooska Mohamed Abdi Sheikh Ibrahim iyo Saynab Ahmed Mohamoud oo Arooskoodu ka dhacay Magaalada Hargeisa 24/09/2009, Waxannu Illaahay ka rajeynaynaa Gurikooda in uu ka yeelo Guri Barwaaqo iyo Ubad Khayr Qaba Aammiin.
Waxa Hanbalyadan diraaya:
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Adan Sh. Mohamoud Sh. Haroun
Haji Mohamoud Abdi Aw Musa
Macallin Osman Jama Hussein
Sh.Mohamed Sh. Hussein Cilmi
Haji Ibrahim Dirir Jama
Haji Hassan Dhinbiil
Abdillahi Ahmed Deria
Hussein Abdi Aw Musa
Abdi Ahmed Bulaale
Sh. Sahardiid Hassan Hersi
Sh. Saeed Jama Gudaal
Hassan Abdi Farah Gudaal
Rashid Macallin Osman Jama
Mohamed Abdi Gurey
Ahmed Hussein Aw Muhumed
Saeed H. Mohamoud Abdi
Yussuf Shiekh Abdi Farah
Bashe Abdi Farah
Deyr Adan Ducaale
Musa Abdillahi Hassan
Musa Ali Hussein
Ismail Elmi Huusein
Hassan Macallin Osman Jama

Abdi Sh. Ibrahim Amareh
Proff. Mohamed Sh. Yussuf H. Hassan (Proff. IQRA)
Proff. Mohamed Hassan Sheekh Haaruun
Eng. Mohamed Hassan Dhinbil
Eng. Ahmed-Nuur Hassan Haji Adan
Dr. Abdulsalam Musa Ali
Eng. Ahmed-Nuur Musa Hassan
Eng. Mohamoud Hassan Arraleh
Eng-Abdirisaq Muse Hassan
Ahmed Ibrahim Dirir
Ahmed Sh, Musa Sh. Haroun

Yussuf Mohamed Geeljire
Khadar Ismail Elmi
Khadar Hussein Abdi
Hussein Ibraahim Hassan
Mahamed Ibraahim Hassan
Cawil Ahmed Abdi
Fouad Shibiin Mohumed
Mohamoud Hassan Haji Adan
Rashid Sh. Yussuf H. Hassan

Fuaad Abdisalam Hassan Haji Adan
Abdi Musa Hersi
Abdi Hassan Deria
Barre Yussuf Samater
Hussein Musa Ali
Abdirahiim Ibraahim Abdi
Mahamed Ibraahim Abdi
Abdirahman Ismail Elmi

Hassan Abdulrahman Hassan Haji

Hargeisa Somaliland

WAANO QARAN BY:- SANWAA CUMAR YARE


Waxa iga waano ah: In shacabka somaliland oo dhan gudo iyo dibadba inay sidaa u jeclaadaan nabada una qiimeeyaan jiritaanka dalkooda kana feejignadaan dhuxdhuxda siyaasiyiinta ama masuuliyiinta loo khaakhaayiro.

Hadaba Shacab iyo Xuukumad ba waxaynu ku qanacnay heshiiskii soo afjaray xurguftii siyaasadeed ee layku mari waayay ilaahayna uu sabab uga soo dhigay soojeedintii caalamka iyo xilgudashadii dastuuriga ahayd ee Golaha Guurtida.Waxa laakiin fajaciso ah xil-dhibaankan goobjooga ahaa ee kuleh iminka: hayaay waxba siya oo guurtidu sharcibay baal marsantay waxay yidhaahdeena meelna sharciga kagama jirto, ma jasadkiisaa joogay somaliland qalbigiisuna qaaradkale! ??
Arrin kasta oo laysku afgaran waayo ama mashaakil iyo khilaafkastaba aan idhaahdee xal baa laga gaadhaa iyadoo xalka arrinkasta uu maslaxo u noqdo cid gaara laakiin aanu wada raali galin cida is haysa waatii maahmaadii ahayd:
GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO.
Waar adeerayaaloow heshiiskaa mucaarid iyo muxaafidba is ogolaysiiyay ee shacabkiina niyadoodii dajiyay haka daba keenina hadalo wax udhimaya oo ka dhigaya heshiis khiyaamo ku jirto oo dan laga lahaa oo ha u turjumina heshiiskan mid nina cid lagu khasbay oo nina cidla la diray nina cudud weyn la siiyay. Ka daaya qardoofada cusub ee heshiiskaa ku dhaawacaysaan.

Wasalaamu Calaykum Waraxmatu laahi
Wabara kaatu.

by: Sanwaa Cumar Yare
GUDOOMIYAHA GUDIDA SIYAASADA
XISBIGA UDUB EE QATAR

Tuesday, 29 September 2009

HAMBALYO AROOS CARUUSKA MOHAMED ABDI IBRAHIM(SALAX) IYO CAROOSADA SAYNAB AHMED MOHAMUD

HAMBALYO AROOS CARUUSKA MOHAMED ABDI IBRAHIM(SALAX) IYO CAROOSADA SAYNAB AHMED MOHAMUD

hambalyo animated
HAMBALYO AROOS

Mustafa Hagi Mohamud Ahmed
Husen Ibrahim Hassan
Khadar Abdi Hanan
Mohamed Esmaeal (indho)
AbdiRahmand Ahmed Daad
Mohamed Dube
Mowlid Esman Roble
Hasan Huseen
Abdi Ahmed Husen
Mohamed Husen
Abaas Ali Qafil
Siyad Maxamed Sicid
Mubarak
Adnaan AbdiRahman Yasin
Mukhtar Abdi Keyd
Ibrahim Mohamed Jama
Abdi Karem Mohd Muse
Mohamed Abdulahi Omar
Abdi Hakeem Esman
Mohamud Wayrax
AbdiRahman Mohamed Jama
Mohamamed Hasan Rabisahal
Mahamud Wayrax iyo.
Sh. Abdi Aziz Ahmed Digale
Mohamed Yusuf Hashi
Dhamaan dhalinyara ee reer Qatar

Dhamaan Aqoon yahanadaas kor ku xusan oo jooga magalada Doha ee Dalka Qatar waxay habalyo iyo bogaadin u dirayaan Arooska:

Mahamed Abdi Ibrahim (Salax)

Iyo

Saynab Ahmed Mohamud

Oo maanta oo taariikhdu tahay 24/Sept/2009 Arookood ka dhacay ee Magalada Harageysa.

Waxaanu leenahay ilaahay ha ka yeelo kuwii ku waara bash bash iyo barwaaqo ubad khayr qabana kala hela.

QEEXIDA HOGAAMINTA IYO HOGAAMIYAHA ,MIYAA LOO DHASHAA HOGAAMINTA DUMARKU MA NOQON KARAAN HOGAAMIYE

QEEXIDA HOGAAMINTA IYO HOGAAMIYAHA ,MIYAA LOO DHASHAA HOGAAMINTA DUMARKU MA NOQON KARAAN HOGAAMIYE

29/9/2009

HOGAAMIN

Maqaalkan waxaan kaga hadlayaa Qeexida Hogaaminta iyo Hogaamiyaha, Sifooyinka Hogaamiyaha Dhabta ah , Miyaa loo dhashaa hogaamiyanimada.

Hordhac:
Kama maarnato bulsho ama ummadi ama nidaam kasta oo caalamka ka jira inay yeeshaan hogaamin iyo hogaamiye dhab ah oo u dhaq dhaqaaqa maslaxada cida ay hogaaminayso una wada dhinaca khayrka iyo wanaaga kana hor tagta Sharka iyo xumaha.

Qeexida Hogaaminta iyo Hogaamiyaha.
Hogaamintu: waa kartida saameysa ummadd una jiheysa hab-dhaqankooda si loo xaqiijiyo ujeeddo la wadaago, taa macnaheedu waxa weeyaan hogaamintu waa masuuliyad loo qaado ummadd la hogaaminayo si loo gaadhsiiyo ujeedo la wadaago.
Hogaamiye: waa qof ka leh awooda hogaamiyenimo una isticmaala awoodisi si uu u saameeyo habdhaqanka ummadda uu hogaaminayo uguna jiheeyo ujeeddo lawadaago.
Sifooyinka hogaaminta:
1. saameyn: waa kartida in lasameeyo isbadal ama ummadd wax lagu qanciyo.
2. fulin: waa kartida in amar ama diidmo loo jeediyo cida la hogaaminaayo.
3. Awood sharciyeed: waa xaqa uu sharcigu siinayo hogaamiyaha si uu u fuliyo hawlihiisa loona adeeco.
Hogaamintu waxay ka koobantahay:
1. Ummadd la hogaaminaayo.
2. Hogaamiye.
3. Hadaf la wadaago oo la doonayo in la xaqiijiyo.
Fa’iidooyinka Hogaaminta:
Sida aynu soo sheegnay ummaddina kama maarnato hogaamin kala nidaamisa kana dhaqda cadaalad, sidaa darteed ayuu Rasuulku (Calayhi Salaatu Wa Salaam) ina amray in loo magacaabo hogaamiye isku tag kasta oo ummaddeed ilaa kuwa ugu yaryar wuxuuna yidhi Rasuulku (Calayhi Salaatu Wa Salaam) :( haddii saddex u baxaan safar midkood amiir ha kadhigtaan) .

Waxaanu Rasuulku sidaa u yidhi si arinkoodu mid u ahaado oo anay ugu kala duwanaan rayiga isuna khilaafin madaamo oo lawada qaadanayo rayiga hogaamiyaha. Waxa kale oo aynu ka garan karnaa faa’iidada hogaamiyaha odhaahdii Nabiliyoon ee ahayd (Ciidan Bakayleyaal ah oo uu hogaaminayo libaax ayaa ka khayr badan ciidan libaaxyo ah oo uu hogaaminayo Bakayle).
Haddaba mihiimada hogaamintu waxay ku soo ururaysaa:
1. Hogaamintu waxay masuul ka tahay habsami u socodka shaqada nidaamka.
2. Hogaamintu waa isku xidhka shaqaale iyo qorshe uu leeyahay nidaam.
3. Hogaamintu waxay kaantarooshaa mushaakilada shaqada waxaanay uraadisaa xal.
4. Hogaamintu waxay ka hortagtaa khilaafka waxaanay isku soo ururisaa ra’yiga kala duwan.
5. Hogaamintu waxay daryeeshaa oo ay tobabartaa ummadda la hogaaminayo.
6. Hogaamintu waxay tageertaa horumar kaste oo ay gaadhaan ummadda ay hogaamiso.
7. Hogaamintu waxay fududaysaa hawlaha ay u baahanyihiin ummaddu.
8. Hogaamintu waxay ummadda ka caawisaa sidii ay ula qabsan lahaayeen isbadel kasta oo dhaca.

Hogaamin iyo Maamul maxaa u dhexeeya?
1. Hogaamintu waa shay soo jiraan ah oo la soo yaqaanay inta taariikh jirtey, halka maamulka bilaabmey dhamaadkii qarnigii 19 aad iyadoo sidaasi jirto haddana hogaamintu waa qayb ka mid ah maamulka.
2. Maamulku wuxuu awooda saaraa afar arimood oo kala ah: qorshayn, nidaamin jihayn ama iskudubarid, iyo daryeel.
3. Hogaamintu waxay awooda saartaa seddex arrimood oo kala ah: in la xaddido aragtida ama jihada loo soo socdo, in awooda la saaro aragtida, dhiirigalinta ummadda la hogaaminaayo.
4. Hogaamintu waxay awooda saartaa la dhaqanka caadifada halka maamulku awooda ka saaro la dhaqanka caqliga.
5. Hogaamintu waxay awooda saartaa guud ahaan in shaqadu sax noqoto, halka maamulku awooda saaro in shaqadu si faahfaahsan sax u noqoto.
6. Waxaanay wadaagaan labaduba in la xadido hadafka lana sameeyo jawi ku munaasib ah si loo xaqiijiyo hadafka.
Sifooyinka Hogaamiyaha dhabta ah:
1. Hogaamiyihu waa ka dareema ahmiyada xika uu yahayo garowsana inuu karti u leeyahay.
2. Hogaamiyuhu waa ka u daacada shaqadiisa.
3. Hogaamiyuhu waa ka awooda in uu ku waajaho xaladaha adag geesinimo .
4. Hogaamiyuhu waa ka ra’yiga wanaagsan ee u basil inuu dadka la tashado.
5. Hoogamiyuhu waa ka firfircoon ee leh xamasad iyo rabitaan uu shaqada u hayo.
6. Hogaamiyuhu waa ka go’aan qaadashada leh.
7. Hogaamiyuhu waa ka dadka la dhaqmi kara ee cod karka ah.
8. Hogaamiyuhu waa ka ummadda wax u horseedi kara si loogu daydo.
9. Hogaamiyuhu waa ka awooda in uu wax maamulo.
10. Hogaamihihu waa ka leh taageerayaal uu dhiiri galiyo.
Astaamaha Hogaamiyaha:
Hogaamiyuhu wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah astaamahaas waxa kamid ah:
1. Qaab dhismeedka jidhka sida caafimaadka, dhararka iyo baladhka, sidii Daaluut lakiin maaha muhiim in uu hogaamiyuhu ahaado Nin dheer oo balaadhan sababtoo ah Xujaaj Ibnu Yusuf wuxu ahaa Nin jimidh yar.
2. Garashada sida caqliga iyo cilmiga.
3. Astaamo bulsheed sida la dhaqanka dadka.
4. Hab dhaqankiisa sida samirka iyo go’aankiisa.
Yaa noqon kara Hogaamiye? Hogaaminimada maa loo dhashaa ?
Dr Daariq Al -Suwaydaan isaga oo sharxaya cida hogaamiye noqon karta wuxu yidhi(ma jiro qof ku nool arladan ilaa iyo wuxuu noqon karaa hogaamiye).
Waxa kale oo xaqiiqo ah in dadka qaar u dhashaan hogaamiyo nimada iyagoon loo tababarin, dadkaa waxaa lagu qiyaasay in ay 2% ka noqonayaan dadka Arladan ku nool halka 2% kale oo dadka kamid ah aanay noqon karin hogaamiye si kastoo loo tababaroba halka 96% dadku ay noqon karaan hogaamiye lakiin ay u baahan yiin tobabar iyo aqoon dheraad ah.

Dumarku ma noqon karan Hogaamiye.
Dumarku waxay leeyihiin sifooyin badan oo ay kaga duwan yihiin raga sifooyinkaa qaar waxay dumarka ka dhigayaan qaar kaga fiican raga xaga hoggmiyo nimada sifooyinkaa waxaa ugu mihiimsan
• In anay go’aan kaligood qaadan oo ay dadka la tashadaan sidii Baliqiisiba ugu lahayd qowmkeeda(maan ahayn mid qaadata arin ilaa aad markhaati ka tihiin).
• Dumarka way ka aragti dheer yihiin raga sidu Quraanku sheegayo(makrigoodu waa mid weyn).
Marka dhica kale laga eego dumarku u maanaasib uma ha hogaamiye nimadu sababahan soo socda awgeed.
• Dumarku ma laha go’aan
• Dumarku way niyad jab badan yihiin
• Dumarka waxa ku dawakha cida ay hogaaminayaan
• Dadka rag iyo dumarba ma jecla hogaamiyahoodu in uu dumar noqdo

Qalinkii: Mubaarik Yusuf Muse
mubaarikym@gmail.com
Hargeisa Somaliland

XUBNAHA LOO TUHUNSAN YAHAY IN KALSOONIDA KOMISHANKA LAGALA NOQON KARO ,IS-CASILAADA MAAGAN IYO RABITAANKA RAYAALE &ASXAABTA

XUBNAHA LOO TUHUNSAN YAHAY IN KALSOONIDA KOMISHANKA LAGALA NOQON KARO ,IS-CASILAADA MAAGAN IYO RABITAANKA RAYAALE &ASXAABTA

29 SEPTEMBER 2009



KOMISHANKA SOMALILAND

Xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada xeer Lr 20/2001, waxaa uu qeexayaa awoodaha komishanka doorashooyinka iyo waxyaalaha xubnaha komishanka ay ku waayi karaan xubinimadooda, waxa uu qeexaya xeer Lr 20 in komishanka doorashooyinku ay awood u leeeyihiin mudaynta doorashooyinka la qabanayo maamulka agaasinka hawlaha doorashada, taasoo dhinaca kalena asbaabaha kuwaasi keeni karana uu tilmaamayo sharcigu marka ay jabto shuruud ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay xubinta komishanka kuna gafo sida dhexdhexaadnimadii shardiga u ahayd in xubinta komishanka doorashooyinka loo magacaabayaa aanu noqon xubin ka tirsan xisbi siyaasadeed islamarkaana aanu ku xad-gudbin xeerarka doorashooynka iyo xeer hoosaadka u khaaska ah guddidooda, taas oo xubinta gefafka noocaasi ah ku talaabsata u sharcigu awood u siinayo in marka la soo eedeeyo uu madaxweynuhu awood u leeyahay inuu guddi baadhis ah oo soo baadha eedaha lagu soo oogay xubintaas uu u saaro, taasoo haddii uu ku qanco natiijada baadhistaasi ka soo baxda ay waajb ku tahay madaxweynuhu inuu golaha wakiilada u gudbiyo xubintaasi si goluhu go’aan gole oo uu ku diidayo ama ku ogolaanayo xil ka xayuubinta uu cod gacan taag ah oo hal-dheeriya ku ansixin karo shaqo eriga xubnaha komishanka doorashooyinka halka uu sidoo kalena magacaabista xubnaha komishana doorashooyinka ansixintooda uu sharcigu u jidaynayo in xubinkasta oo komishanka doorashooyinka ka mid ah oo la soo magacaabo golaha wakiiladu ku ansixin karo cod dhan 42 mudane xubinta tiradaasi ansixinteedu ka yaraatana ay magacaabisteedu burayso halka uu madaxweynuhuna xeer Lr 20 uu awood u siinayo magacaabida komishanka doorashooyinka ay u soo kala magacaabaan golaha guurtida, axsaabta mucaaridka iyo isaguba u sharcigu waajib kaga dhigayo in todobada xubnood oo isku dhan uu u gudbiyo golaha wakiilada si golahaasi uga guto waajibaadka xalaalaynta xubnaha komishanka loo soo magacaabay, halkaasina waxaynu ka fahmi karnaa awoodaha xeerka doorashooyinku u kala gaar yeelay madaxweyne Rayaale iyo golaha wakiilada, taas oo sharciguna awooda ansixinta xubnaha komishanka uu siinayo golaha wakiilada halka digreetada xubnaha doorashooyinkuna uu awood u siinayo madaxweynaha.
Hadaba marka la eego lixdii qodob ee ay beesha caalamku a soo saartay khilaafkii adkaa ee ka dhashay dibu dhacii doorashada madaxtooyada oo golaha guurtiduna go’ankiisii muddo kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee uu soo saaray uu saleeyay lixda qodob ee beesha caalamku ay ka soo saartay qabsoomida doorashada madaxtooyada oo isugu jira hawlihii farsamo ee ay ku qabsoomi lahayd doorashadu oo ku saabsan muddada lagu dhamaystiri karo Serverka natiijada cod bixinta diiwaangelinta jadwalka cayimaada doorashada, oo ay ka mid tahay qodobada heshiiskaasi bedelaada xubnaha komishanka doorashooyinka oo ka mid ah lixda qodob ee beesha caalamku ay usoo jeedisay inay aqbalaan madaxweyne Rayaale iyo labada xisbi mucaarid oo iyagu si wadajir ah u wada aqbalay fulinta lixdaas qodob soona dhaweeyay go’aanka ay guurtidu ku salaysay muddo kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenka oo ay u arkeen dhinacyada siyaasada isku hayaa kuwo wax ka tari kara dibu dhacii badnaa ee doorashada madaxtooyada.

Inkasta oo hadaba ay si wadjira u soo wada dhaweeyeen nuxurka heshiisyadan beesha caalamku ay kaga soo talo bixisay hirgelinta doorashada madaxtooyada oo aan ilaa hada si cad loo ogayn muddada ay ku qabsoomayso, balse ilo wareedyo u dhuundaloola beesha caalamka la sheegay inay soo jeedisay inay muddo sagaashan maalmood ah ay sheegeen inay ku dhamaystiri doonaan hawlaha qabyada ah ee hor yaala doorashada madaxtooyada ayaa hadana waxa is weydiin mudan in qodobadaasi heshiis ay ku xidhnaan doonaan sida ay u fuliyaan dhinacyda siyaasada isku haya ee ay ka mid yihiin madaxweyne Rayaale iyo axsaabata mucaaridka iyo golaha wakiilada oo midkastaa waajibaad gaar ah uu ka saaran yahay bedelaada komishanka doorashooyinka oo xilligii la soo magacaabay ahayd September 2008kii uu khilaaf weyni ka dhashay ansixintoodii iyo magacaabistoodiiba, kuwaas oo si weyn ay iskugu mari waayeen madaxweyne Rayaale iyo golaha wakiiladu meelmarinta laba xubnood oo guurtidu soo magacaabay oo ay soo celiyeen wakiiladu halka xubinta Kulmiye magacaabistiisii uu iyadana si weyn uga biyo diiday xisbigaasi saami qaybsiga todobada xubnood, taas oo aakhirkii gaadhay in golaha wakiiladu ay dib ugu celiyaan lix xubnood oo Rayaale u soo gudbiyey islamarkaana ay wakiiladu go’aan muddo kordhin ah oo laba sanno ah ay qalinka ugu duugeen komishankii hore kaas oo ka dib maxkamada sare laalis usoo samaysay go’aankaasi golaha wakiiladu ku celiyeen lixda xubnood ee komishanka muddadana ugu kordhiyeen komishankaa hore. Waxaana wakhtigan xaadirka ah la is weydiinayaa sida ay u fuli doonaan gaar ahaan qodobka bedelaada komishanka doorashooyinka oo ay beesha caalamku heshiiskaasi lixda qodob ah ay kasoo jeedisay, taas oo haddii uu dibu dhac ku yimaado bedelaada xubnaha komishanka iyo ansixinta magacaabista xubnahaasi loo soo magacaabayo ay keeni karaan arrimo xagal daaciya geedi socodka fulinta heshiiskaas, kaas oo dhamaystirka dhismaha komishanka doorashooyinkuna uu siweyn xil uga saaran yahay hadba sida uu Rayaale uga midho dhaliyo una fuliya bedelaada komishinka doorashooyinka oo haddii uu cago –jiido muddada lagu gudbinayo iyo golaha wakiilada ay keeni karto khilaaf ka dhasha dibu dhac danbe oo doorashada madaxtooyada, taasina ay tacab khasaar ka dhigi karto heshiisyada beesha caalamka hirgelintooda iyadoo wakhtigan xaadirka ah fulinta dhismaha komishanku ay ku xidhan yihiin sida uu Rayaale u dadajiyo gudbintooda, oo isagu todobada xubnood ee komishanku ay ka kooban yihiin saddex ka mid ah uu isagu magacabistooda leeyahay oo uu ku jiro gudoomiyaha komishanku halka ay laba ka mid ahna guurtidu soo magacaabeen iyo laba xubnood oo ay soo kala magacaabeen Kulmiye iyo Ucid.

Dhinaca kale Xubnaha komishanka doorashooyinka ee la filayo haddii Riyaale hor geeyo wakiilada in kalsoonida lagala noqon doono, xubnaha loo tuhunsan yahay iscasilaada, xubnaha qaba in dhamaantood la wada eryo iyo wakiiladii qaadhaan bixiyayaasha oo dalka kusoo fool leh
Inkasta oo fulinta heshiisyadaasi ay ku xidhan yihiin rajo laga qabi karo qabsoomida doorashada oo aanay ilaa hadda si wada jira ah u saxeexin dhaqan galka heshiiskaasi Madaxweyne Riyaale iyo labadada guddoomiye xisbi mucaarad ee Kulmiye iyo UCID, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe oo la filayo in munaasibada lagu saxeexi doono heshiiskaasi ay goob joog ka noqon doonaan khubaradii server-ka dhaqaajin lahaa la filayo in caasimada ay soo gaadhi doonaan maalmaha Arbacada berrito iyo Khamiista ay goob joog ka noqon doonaan xaflada heshiiskaasi wada hadala laga geli doono qaabka loo bedelayo amase loo marayo eedaynta bedelaada xubnaha komishanka doorashooyinka oo ay saddexda xisbi la sheegay inay ku kala duwan yihiin qaabka loo bedelayo toddobada xubnood ee komishanka oo la sheegay in axsaabta mucaaridka iyo wakiilada mucaaridka ee golaha wakiiladu ay aaminsan yihiin in xil ka xayuubin lagu sameeyo afar xubnood oo iyagu hore u saxeexay go’aankii lagu laalay natiijadii codbixiyayaasha oo ay ka mid ahaayeen sida la sheegay guddoomiyaha komishanka Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden), ku xigeenkiisa, Cali C/laahi biikolo, Maxamed Yuusuf Axmed, Maxamed Ismaaciil Maxamed (kabaweyne) halka la sheegay in Madaxweyne Riyaale iyo xisbiga UDUB ay aaminsan yihiin in dhamaantood shaqada laga wada eryo toddobada xubnoodba.

Inkastoo aan si rasmi ah mabdi’iyan aan la iskula qaadanin qaabka loo marayo bedelaada komishashanku inay noqoto in si wada jira loo wada eedeeyo iyo in eedayntu noqoto mid xubnaha qaarkood lagu koobo haddana waxay tibaaxaha soo baxayaa sheegayaan sida keli ah ee ay wada aaminsan yihiin saddexda xisbi uguna fudud ee loo mari karo bedelaada eedahoodu inay noqon doonto in si wada jir ah xil gudasho la’aan loogu wada eedeeyo toddobada xubnoodba si markaasi Madaxweyne Riyaale golaha wakiilada ugu gudbiyo oo kalsoonida lagala noqdo iyadoo xubno uu ka mid yahay Maxamed Yuusuf Axmed la sheegay inay ka fikirayaan siddii ay xilka iskaga casili lahaayeen hase yeeshee ilaa hadda si rasmi ah looma oga in talaabadaasi iscasilaada ah uu ku dhaqaaqi doono iyo in kale iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in guddoomiyaha iyo ku xigeenka, Jaamac Sweden iyo Cali Biikolo ay qabaan in aan la kala reebin toddobadooda xubnood balse la wada eryo halka saddexda xubnood ee kala ah, Ismaaciil Muuse Nuur, iyo Xasan Cumar Hoori oo iyagu ah labada xubnood ee golaha guurtidu ay soo magacaabeen iyo Khadar C/laahi oo ah xubinta uu xisbiga UCID usoo magacawday Komishanka doorashooyinka ayaa la sheegay in golaha wakiilada iyo axsaabta mucaaridku ay aaminsan yihiin in aan wax maamuus ka xayuubin ah lagu sameyn saddexdan xubnood oo ay u arkaan in aanay wax dembi ah ku lahayn go’aankii ay afarta xubnood ee kale komishanku kaga awood bateen meel marintii go’aankaasi oo ay axsaabta mucaaridku u arkaan kuwa aan saameyn badan ku lahayn natiijadii kasoo baxday diiwaangelinta.

SOURCE HAATUF

WAX MA ILOWDA? ISTICMAAL HABKAN

WAX MA ILOWDA? ISTICMAAL HABKAN

ILAW
Qaar ka mid hababka lagu kobciyo xusuusta

Sida aynu wadda ogsoonahay xuusuusta xun iyo tan wanaagsanba waxay la soctaa abuurka alle. Xusuusta waxay martaa marxallado kala duwan, iyadoo lasocota hadba koriinka qofka, waxayna la kulantaa isbedallo kala duwan. Kaas oo noqon kara mid wax u dhima ama mid kobciya. Haddaba waxaynu halkani ku xusaynaa qaar kamid hababka lagu kobcin karo xusaasta wanaagsan.

Hab ku saleeysan jirka oo la dhiso

Jirdhisku wuxuu kobciyaa xusuusta, waayo waxuu kordhiyaa dhaqdhaqaaqa wadnaha, deetana oxygenta (hawo) ayuu u diraa dhinaca maskaxda, taasoo sababta inay xusuusta si wacan u shaqyso.Tan kale jirdhiska wax uu yareeyaa stresska kaas oo u xun xusuusta.

Hab ku saleeysan laylinta maskaxda

Sida aanu horay u soo sheegnay in isbedal ku yimaado xusuuta ,waxaa ka mid ah isbedalada saamaynta ku yeeshay cimriga, markastoo ay da,da sii kororta isbedel ayaa ku yimaada xusuusta. Sidaa darteed sida uu jirkaagaba ugu baahan yahay layli ayuu maskadaada u baahan tahay layli, waxaana lagu laylin karaa sida xafidida quraamka kariimka ah, haddii kale waxaa halis ah lumista xusuusta, haddaan la isticmaalin.

Hab ku saleeysan cunida cuno sax ah

Waxaa jira cunooyin haddii aad cuntid ay kobcinayso xusuustaada sida ay sheegaan qubarada sayniska sida duxda laga helo kaluunka nooca tuna,sardines iyo salmon iyo waliba saliida nooca (olive oil). Vitamin C iyo Vitamin E oo laga helo faruutiska sida liinta oranges, red grapes iyo strawberries. Vitamin B oo laga helo hilibka iyo caleenta cagaaran, waxay vitaminadani kobciyaan xusuusta.

Hab ku saleeysan xiiso ama iskuday

Waxaynu wadda og nahay in wax wanaagsan ama wax xiis leh aynu aad u xusuusano, tusaallo haddii aan u soo qaadano wiilka 10 jirka wax uu aad u xasuustaa magacayada ciyaartooyda kubada cagta ee kooxaha yurub, laakiin uusan xusuusan taariikhda nabigeena (scw). Sababtana ay tahay waxaa loo yeelay xiiso iyo soojiidasho dheeraad ah iyo dhiiro galin inuu wiilkaa xafido magacyadooda iyadoo lagu baxiyay lacag fara badan. Sidaa darteed waxa aad rabto inaad xusuusto waa in xiiso ama isku day meesha taallaa.

Hab ku saleensan ku celcelin

Marka aad rabto shay inaad xusuusto waxaa la badiyaa sheygaa ku celcelintiisa, habkani wuxuu aad ugu wanaagsan yahay marka la rabo shay la xusuusto waqti dhow. Tusaale xifdinta nambarka telfoonada iyadoo lagu saleenayo qaybo qaybo, waayo haddii kale way adag tahay in teleefan noocan ah la xafido 1492178919318483, laakiin haddii la qaybiyo way fudud tahay sida 1492 1789 1931 8483.

Habka ku saleeysan dhowrida indhaha xaqooda

Xaqa ay indhaha leeyahiin waxaa ka mid ah inaad waxa xun aadan ku dhowrin, haddii aad ku dhowrta wax xun waxaa xumaada xusuusta.

Waa qalinkii C/Rashiid M. Yuusuf

Anas69@hotmail.com