Sunday, 1 November 2009

BOLICEKA MAGAALADA BURCO OO ISKU DAYEY IN AY MASAAJID KA QABTAAN WADAAD AY KU TUHMEEN IN YAHAY ALSHABAAB

BOLICEKA MAGAALADA BURCO OO ISKU DAYEY IN AY MASAAJID KA QABTAAN WADAAD AY KU TUHMEEN IN YAHAY ALSHABAAB

Booliska Burco ayaa maanta fuliyey hawl-gal ballaadhan oo ay ku qabanayeen Nin wadaad ah oo la sheegay inu ka tirsanyahay kooxda al-shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta soomaliya,

Hawl-galkan ayay Bilaysku fuliyeen wakhti uu wadaadkani ka soo baxayay masaajid ku yaala Badhtamaha Burco Gaar ahaan TELESOM Area.

Ninkan oo la yidhaa Siciid Axmed Jaar ayaa wuxu madax ka yahay shirkadda isgaadhsiinta ee AFRO ONLINE, hadaba waxa hawl galkaasi ay ciidanka Bilaysku Fuliyeen ku dhaawacmay laba nin Oo mid ka mid ah ay walaalo ahaayeen ninkan la qabanayey ee la tuhunsanaa, Ninka la dhaawacay ee ay walaalaha ahaayeen wadaadka la tuhunsanyahay ayaa la yidhaa Ismaciil Axmed Jaar, sido kale waxa dhaawac kale soo gaadhay Najax aw-maxamed Warsame.

Ninkan ayaa markii la qabanayey ku tukanayay salaada Duhur masajidka Raxma, iyadoo ciidanka bilayska ah ee qabanayey wadaadkani ay ku sugayeen bannaanka intii salaada ka soo baxayey ninku, iyadoo la moodayay in uu hore warar uga hayay in la daydayo, wuxuuna sii diyaarsaday ciidan difaaca haddiiba lagu talo galo in la qabto,waxaana markii salaada laga soo baxay uu ka soo baxay albaabka wadaadkii la doonayay iyadoo markii ay is yidhaahdeen qabta uu ka galay Guri ka ag dhowaa masaajidka iyagoo Ciidamadii Bilayska ahaana la kulmeen iska caabin xoog leh halkaana ay rasaas kooban isku waydaarsadeen Bilayska iyo koxdii difaacaysay wadaadka.

Hadaba waxa ku soo xoomay goobtii hawl-galku ka socday Dad weyne aad u tiro badan, booliska ayaa si ay u kala eryaan dadkaas rasaas ooda kaga qaaday shacabkii, waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay labadaas nin.

Hadaba markii ay sii korodhay rabshadihii meesha ka jiray, ayaa G/ku xigeenka Togdheer Guleed Daahir Samatar amar ku bixiyay in boolisku meesha ka baxaan si aanay meesha rabshad kale uga sii qarxin.

Ugu danbayntii Hawlgalkii Boolisku ku qabanyeen wadaadkan la Tuhunsanyahay ayaa ku dhammaaday Natiijo la’aan iyadoo wadaadkii la raadinayayna aan Gacanta lagu dhigin.

Mustafe Osman A/rahman

Togaherer Burco Somaliland

mustafe_480@hotmail.com

POLICE KA MAGAALADA BURCO AYAA LABA NIN DHAAWACAY SHAN KALENA SOO QABQABTAY ISLA MAGAALADAASI BURCO

POLICE KA MAGAALADA BURCO AYAA LABA NIN DHAAWACAY SHAN KALENA SOO QABQABTAY ISLA MAGAALADAASI BURCO

Ciidmada Police Somaliland ee magaalada Burco ayaa tacshiirad rasaas ah ku dhawaacay laba nin oo watay gaadhi si kadis ah u soo galay goob ay ka wadeen baadhitaano oo farmasii ahayd .

Labadan nin ee dhaawac ahaa oo mid dhaawaciisu cuslaa ayaa loola cararay dhinaca cusbitaalka wayn ee Burco , sida u noo soo tabinayaa wariyahayaga togaherer Burco ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo hada la garanayn sababta ka damabaysay arinta, taas oo uu raacinayo in aanay haba yaraatee aanay ka hadal ciidamada amaanka magaaladaasi Burco mar aanu isnidhi wax ka waydiiyaa aritaa saraakiil Police ahna noomay suurta galin .

Sidoo kale waxaa la sheegay isla goobtaa ay in ay ka soo qabteen nin wadaad ah iyo afar ruux oo ay sheegeen in ahaayeen eheladiisa taas oo wararka qaar sheegayaan in shantan ruux laga qabtay isla farmasiigaa gudihiisa taas oo ay ciidamada policeku ku gadaanaayeen hareerihiisa.

Ciidamada Police ka magalada Burco ayaa magaalada gudaheeda ka waday hawgalo baadhin oo ay sheegeen in ay ku sugayaan amaanka magaaladaasi taas oo ay sheegeen in ay ku daba jiraan dad ay sheegeen in maleegayeen falal amaan daro.

Warqabadka togaherer

Burco

POLICE KA MAGAALADA BURCO AYAA LABA NIN DHAAWACAY SHAN KALENA SOO QABQABTAY ISLA MAGAALADAASI BURCO

POLICE KA MAGAALADA BURCO AYAA LABA NIN DHAAWACAY SHAN KALENA SOO QABQABTAY ISLA MAGAALADAASI BURCO

Ciidmada Police Somaliland ee magaalada Burco ayaa tacshiirad rasaas ah ku dhawaacay laba nin oo watay gaadhi si kadis ah u soo galay goob ay ka wadeen baadhitaano oo farmasii ahayd .

Labadan nin ee dhaawac ahaa oo mid dhaawaciisu cuslaa ayaa loola cararay dhinaca cusbitaalka wayn ee Burco , sida u noo soo tabinayaa wariyahayaga togaherer Burco ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo hada la garanayn sababta ka damabaysay arinta, taas oo uu raacinayo in aanay haba yaraatee aanay ka hadal ciidamada amaanka magaaladaasi Burco mar aanu isnidhi wax ka waydiiyaa aritaa saraakiil Police ahna noomay suurta galin .

Sidoo kale waxaa la sheegay isla goobtaa ay in ay ka soo qabteen nin wadaad ah iyo afar ruux oo ay sheegeen in ahaayeen eheladiisa taas oo wararka qaar sheegayaan in shantan ruux laga qabtay isla farmasiigaa gudihiisa taas oo ay ciidamada policeku ku gadaanaayeen hareerihiisa.

Ciidamada Police ka magalada Burco ayaa magaalada gudaheeda ka waday hawgalo baadhin oo ay sheegeen in ay ku sugayaan amaanka magaaladaasi taas oo ay sheegeen in ay ku daba jiraan dad ay sheegeen in maleegayeen falal amaan daro.

Warqabadka togaherer

Burco

QARAX GOOR DHAWAYD KA DHACAY MAGAALADA BOSAASO EE XARUNTA GOBOLKA BARI.

QARAX GOOR DHAWAYD KA DHACAY MAGAALADA BOSAASO EE XARUNTA GOBOLKA BARI.

Waxaa goor dhowayd ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari Qarax nooca bamka ah kaas oo laga dareemay qaar ka mid ah xaafadaha u ka dhacay qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan meel isgoys ah oo xilliyadi habeenki ay isbaaro dhigtaan Ciidamada amaanka ee Bosaaso kuwaas oo baara gaadiidka ku goosheeya magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray laba qofood oo maraayay isla markaana ka aag dhowa goobta u qaraxu ka dhacay,iyadoo dadkaas dhaawaca ahaa loola cararay xarumaha Caafimaadka oo ay ku jirto Cisbitaalka weyn oo iminka lagula tacaalaayo dhaawacooda.

Ciidanka ku sugnayd isgoyska ayaa rasaas furey ka dib marki ay maqleen dhawaaqa qaraxa,waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne boqolaal ah kuwaas oo doonaayay in ay ogaadaan sidii ay wax u dhaceen.

Xilliyada habeenki Ciidamada amaanka ee Magaalada Bosaaso ayaa sameeya howlgalo ay ku sugaayan amaanka,iyadoo ay baaritaano ay ku sameeyaan gaadiidka ku goosheeya wadooyinka waa weyn ee magaalada.

Hore magaalada Bosaaso waxaa ka dhacay qaraxyo aad u xoogan oo ay ku waxyeeloobeen dad aad u tira badan oo shacab ah,waxaana ila iyo iminka aan jirin wax hadal ah oo ka soo yeeray maamulka Gobolka iyo degmada Bosaaso oo ku aadan qaraxa caawa dhacay.

Wixii ka soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa.

Baashe maxamed

Boosaaso

DOORASHADA IIGU DHAKHSADA WAXBA DHALI MAYSO EE DALKA HALA BAD BAADIYO WEERARAA KU SOCDEE WAA ARAGTAAN XINJIRTA SARAAKIISHENII

DOORASHADA IIGU DHAKHSADA WAXBA DHALI MAYSO EE DALKA HALA BAD BAADIYO WEERARAA KU SOCDEE WAA ARAGTAAN XINJIRTA SARAAKIISHENII

SANWAAINAALI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxaanu ,dhamaantayo jaaliyada oo uu hormuud ka yahay Sheekhal Somalka Sheekh Mooge iyo Gudi ahaanba, si tiiraanyo leh uga murugoonay masiibada qaraxa maanta ka dhacay LAASCAANOOD ee galaaftay Marxuum Cismaan Yusuf Nuur oo ku geeriyooday shilkaa Qaraxa ah ee saaka dhacay. Waxaanu dhamaantayo ka tacsiyadaynaynaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadka ku qudhbaxay weerarkaa is miidaaminta ah dhamaanteena ilaahay haynaga siiyo Samir iyo Iimaan.

waxa intaas noo dheer in ay isa soo tarayso waxyeelada xinjiraysan ee inagaga imanaysa cadawgeena inagana aad moodo in doorashada wax laynoogu qabtay. Talada aanu maanta qaranka usoo jeedinaynaa waxay tahay waar DOORASHADU WAY INA SUGI KARTAA, DIB AYAYNU U DHIGAN KARNAA LAAKIIN CADAWGEENII WAA KUWAA XINJIRTII MADAXDA DAADINAYA HALAGA TASHADO SIDII CADAWGEENA LOOGU SAARI LAHA XIDIDADA.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

WAXAA MAANTA DHINTAY GEESI QARAN AHN

WAXAA MAANTA DHINTAY GEESI QARAN AHN

Marka hore waxaan salaamaya Togaherer oo runti ah website u sheqeeya si daacad ah oo warakiisu ay hufanyihiin, inta kadib hadaanu nahay qurba jooga Somaliland waxaanu u tacsiyadaynana taliyaha ku geeryooday magaalada Lascaanood ee gobolka Sool. Dawlada somaliland waxaanu leenahay waa inay soo qabata gacan ku dhiiglaha dilay taliya haddi daacad ka tahay.

Puntland Photo Gallery magaalada lascaanood ... Message to Somaliland Police ...

Magaalada Lascaanood, oo caan ku in had iyo goor lagu laayo madaxda qaranka ayaa maanta waxa lagu dilay halyay qaran oo runti si daacad ah ugu shaqaynaayay dalkiisa iyo dadkiisa. Waxaanu leenahay Illahay naxariisti jano ha kawaraabiyo taliyaha, kuwii dilayna waa in cadaalada la soo hortaaga sida ugu dhakhsaha badan.

Ciise Max’ed {Caliciise}

caliciise98@hotmail.co.uk

astaqfurulaahasmaaul xusnaa salaada

CUMAR CABDIRASHIID WAA RIYO KU NOOL AAN XAQIIQDA DHABTA AH LA SOCON WARSAXAFADEED XISBIGA UDUB

CUMAR CABDIRASHIID WAA RIYO KU NOOL AAN XAQIIQDA DHABTA AH LA SOCON WARSAXAFADEED XISBIGA UDUB

udub“Cumar Cabdirashiid Waa Riyo-ku-nool Aan Xaqiiqada Dhabta ah La Socon.”

War-saxaafadeed:-

Waxaan jeclahay inaan halkan ku soo gudbiyo war-saxaafadeed kooban, oo aan ugu talo-galay inaan ugu jawaabo Raysal Wasaarada dawlada Sheekh Shariif Mr. Cumar Cabdirashiid, kaas oo todobaadkan aynu ka soo gudubnay si badheedh ah u shaaciyey hadalo qadaf ku ah karaamada, dawladanimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Mudane Cumar waxa uu si ula-kac ah u sheegtay inuu Raysal Wasaaraha Ingiriiska u gudbiyey qoraal uu ku macneeyey qaabta lagu soo celinayo ammaanka Somaliya oo uu xusay inay Somaliland-na ku jirto, iyo arrimo kale oo aan looga-ba fadhiyin in nin masuul ahi ku hadlo.

Waxaan marka hore leeyahay Cumar Cabdirashiidow, waxaad tahay riyo-ku-nool aan xaqiiqada dhabta ah la socon, isla mar ahaantaana waxaad baal-marsan tahay xaqiiqada biyo-kama-dhibcaanta ah ee aan indhaha laga qarsan karin ee Somaliland ka jirta. Sababtuna waxa ay tahay labada nin ee aad sheegtay inay Somaliland u dhasheen ee kooxda Al-shaab u sareeya, Somaliland dil ayay kaga xukuman yihiin, oo waxa ay ka mid yihiin dambiilayaasha ay Somaliland baadi-goobayso inay mar uun abaalkooda marsiiso. Sidaa li’ajligeed nimankaasi niman Somaliland loo nisbayn karo way ka fog yihiin.

Mida kale waxaa la yaab leh sida uu Cumar u arkay labada nin ee la sheegay inay Kismaanyo Joogaan, balse uu u arki waayay kuwa hoos humbaalaynaya ee uu madaxa burcadka u marinayo, iyaga oo aan cidna metelin ah-na danaystayaal habawsan.

Annaga, Nimankaas Cumar Cabdirashiid ayay isaga-kaaya-dhaw yihiin, oo ay ku wada hadaaqayaan riyada beenta ah ee odhanaysa ‘Somaliland waxa ay ka tirsan tahay Somaliya.’ Fikradaas, oo sidii malab hareeraha ka wada leefaan, marka lagu daro xaynta dibad-meerka ah ee ugu xaraysan Golihiisa Wasaaradeed iyo Baarlamaan ku sheega magac-u-yaalka ah.

Waxa kale oo yaabkeeda leh oo riyooyinkiisa ka mid ah, marka uu leeyahay waxaanu dejinay qorshe nadabayn ah oo ay Somaliland ku jirto, iyada oo la ogyahay inuu magaaladii uu xukumayay uu nabadayn kari waayay, isla markaana uu awood u waayay inuu xasilooni ku soo celiyo degelkii uu ka talinayay oo aynu arkayno maalin-ba maalinta ka dambaysa inay ka sii cagan-baxayaan, hadana uu u soo doolaalo-tagayo Somaliland. Malaha Cumar Cabdirashiid ma xafidsana maahmaahda Soomaaliga ah ee tidhaahda ‘Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara.’

Shirka uu ka dhawaajiyey Mudanehaasi ee uu leeyahay waxaanu la yeelanaynaa Somaliland marka ay doorashada dhamaystaan, oo masiirka Somaliya ayaa lagaga wada-hadlayaa. Waxaanu u sheegaynaa in Somaliland iyo Somaliya wax isugu hadhay oo aan jiraannimo la’isugu duceeyo ahayni jirin, maxaayeelay Shacabka Somaliland 1991-kii ayuu aayihiisa ka tashaday oo meel lagama guuraan ah oo madax-bannaaniya ku hubsaday.

Ugu dambayntii waxaan kula talin lahaa Ina Cabdirashiid Cali Sharmaarke, in uu siyaasadiisa meelaha looga baahan yahay ku jiheeyo. Waayo, wax-badso wax-beel ayay dhashaaye. Waxaan ku dhamayn lahaa: wiilyahaw inta aad Somaliland ku soo riyoonayso, waxaa kula gudboon inaad dantaada habawga ku jirta meel ku hubsatid, oo aanad ku habsaamin fikradaha madhalayska ah ee aad la baxaa-degayso.

Allaa Mahad leh.

Xogayaha Guud Ee Xisbiga UDUB

Jaamac Yaasiin Faarax