Sunday, 1 November 2009

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 11AAD AWOODDA ALLE IYO WAXDAANIYAIISA (KELINIMADIISA)

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 11AAD AWOODDA ALLE IYO WAXDAANIYAIISA (KELINIMADIISA)

ADUUNKAAsalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxan salaantaa Islaamka ee qaaliga ah u dirayaa Shebekadda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda.

Adduunka ama Kownka(Qaybtii 11aad)

Awoodda Alle iyo waxdaaniyadiisa(kelinimadiisa)

Alle subxaana watacaalaa Qudradiisa iyo Awooddiisa lama koobi karo,waa Allaha Kownkan iska leh iyo nidaamka u dejisan oo dhan,ee isagu u sameeyey,oo u abuuray sida uu u yaallo,taasina waxay caddaynaysaa waxdaaniyaddiisa iyo kelinimadiisa:

إنّ الله على كلّ شيء قدير(البقرة)

Aayadda:Illaahay wax kasta wuu awoodaa.

Awoodda illaahay waxay caddayn u tahay kelinimadiisa oo aan cid kale ku wehelin maamulka iyo nidaaminta iyo abuuridda kownkan:

لو كان فيهما ءالهة إلا الله لفسدتا(الأنبياء)

Aayadda:haddii ay jiri lahaayeen Illaahyo kale oo aan Alle ahayni way fasaadi lahayd dunidu.

Haddii Alle cidi ku weheliso Illaahnimada waxa dhici lahaa khilaaf oo Illaah kasti wixii uu abuuray ayuu qaadan lahaa,markaa burbur iyo khalkhal baa dhici lahaa,laakiin Alle subxaana watacaalaa waa keli oo Alle kale ma jiro.

أمّن يبدؤُ الخلق ثمّ يعيده ومن يرزقكم من السّماء والأرض أءلـه مع الله قل هاتوا برهانكم إن كنتم صادقين(النمل)

Aayadda:Ayaa bilaabay abuuritaanka oo haddana dadku markay dhintaan dib u soo noolayn doona,oo yaa idinka irsaaqaya Samada iyo Arlada,ma Alle kalaa jira oo Alle weheliya,waxad ku tidhaahdaa(Nebi Allow)keena wax burhaan ah haddaad run sheegaysaan.

إنّ بطش ربّك لشديد إنّه هو يبدئُ ويعيد وهو الغفور الودود ذو العرش المجيد فعّال لمّا يريد(البروج)

Aayadda:Qabashada iyo aargoosiga rabbigaa waa mid daran,waa ka nolosha bilaabay ee haddana dadka soo celin doona dhimashadooda ka dib,waa denbi dhaafe dadka jecel oo leh carshiga sharafta leh,wuxu doonana Alle wuu sameeyaa oo awood buu u leeyahay.

Alle awooddiisa waxaad ka arki kartaa oo ka garan kartaa waxyaalaha uu abuuray ee kala gedisan oo ay naftaadu ka mid tahay:

سنريهم ءاياتنا في الآفاق وفي أنفسهم حتّى يتبين أنّه الحق(فصلت)

Aayadda:waxannu tusaynaa Aayadahayaga oo ka tusaynaa muqaalka ay arkayaan iyo naftooda si ay ugu caddaato inuu Alle yahay xaq.

Qofku hadduu u fiirsado sida Illaahay u abuuray oo naftiisa iyo xubnaha jidhkiisa iyo siday isugu xidhan yihiin ee u wada shaqeeyaan wuu yaabayaa oo dareemayaashiisa iyo xubnaha kale ee midba shaqo qaabilsan tahay oo baahida guud ee qofka daboolaysa,waa mid ku tusaysa awoodda Eebbe iyo kelinimadiisa,Alle isagaa korreeyee wuxu bini’aadamka siiya muuqaal iyo suurad wanaagsan oo uu u abuuray:

خلق السّماوات والأرض بالحق وصوركم فأحسن صوركم وإليه المصير(التغابن)

Aayadda:(Alle)wuxu u abuuray Samooyinka iyo Arlada si xaq ah,waxanu idiin sameeyey suurad qurux badan oo wanaagsan isaga ayaydin u noqon doontaan,oo xaggiisa ayay noqoshadu ku danbayn doontaa.

Alle isagaa korreeyee wax kasta isagaa abuuray oo leh ahna wakiilkiisa:

الله خالق كلّ شيء وهو على كلّ شيء وكيل(الزمر)

Aayadda:Alle ayaa shey kasta abuuray oo isagaa shey kasta wakiil ka ah oo u taliya.

Awoodda Alle ayay wax kasti ku socdaan oo sida Alle u dejiyey nidaam ahaan ayaa shey kasti u hogaansan yahay,oo sida Alle ugu talogalay weeye:

وما قدر الله حق قدره والأرض جميعاً قبضته يوم القيامة(الزمر)

Aayadda:waxa Alle qaderey ee qiyaas xaq ah u dejiyey iyo dhulkuba dhamaantood Alle ayay gacanta ugu jiraan,oo maalinta qiyaamaha qabanaya

Wax kasta Illaahay wuxu siiyey qiyaas go’an oo ku munaasib ah hawshuu qabanayo iyo baahida loo qabo caynkay tahay :

إنّا كلّ شيء خلقناه بقدر(القمر)

Aayadda:shey kasta waxanu u abuurnay si leh qiyaas iyo qaddar go’an.

ولو بسط الله الرّزق لعباده لبغوا في الأرض ولكـن ينزّل بقدر ما يشاء إنّه بعباده خبير بصير(الشورى)

Aayadda:Haddii Alle Addoomadiisa u badiyo oo u waasiciyo arsaaqda way xadgubi lahaayeen oo kibri lahaayeen,laakiin Alle wuxu u soo dejiyaa,hadba qiyaas iyo qaddar go’an,ee uu isagu doono,Alle Addoomadiisa isagaa khibiir u ah oo arkaya.

والذي نزّل من السّماء مآءً بقدر فأنشرناه به بلدة ميتا كذالك تخرجون(الزخرف)

Aayadda(Alle)waa kii Samada uga soo shubay biyaha(roobka)si qiyaasan oo qaddar sugan leh,oo ku fidiyey dhul ahaa mid dhintay oo qallalan,sidaas ayaannu idiin soo saari doonnaa(dhimashadiina ka dib).

Waxa Illaahay subxaana watacaalaa dadka u soo jeedinayaa in ay awoodda Alle ku fekeraan oo u fiirsadaan abuurta Illaahay:

“أَفَلا يَنـْظُرُونَ إِلَى الإبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ وَإِلَى السَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ ” { الغاشية}

Aayadda:miyaanay eegin oo arkaynin sida loo abuuray Geela iyo sida Samada loo kor yeelay!.

Shimbiraha hawadaa dhexe iska duulayaa waxay ku duulayaan awood Alle oo Illaahay ayaa haya,oo ka ilaalinaya inay soo dhacaan,waa Awooddiisa:

﴿ أَوَلَمْ يَرَوْا إِلَى الطَّيْرِ فَوْقَهُمْ صَافَّاتٍ وَيَقْبِضْنَ مَا يُمْسِكُهُنَّ إِلَّا الرَّحْمَنُ إِنَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ بَصِيرٌ ﴾ (سورة الملك)

Aayadda:miyaanay arag oo eegin Shimbiraha dushooda kooxkoox iyo safsaf u socda oo aan cidi qabaneynin hadday soo dhacaan Alle mooyaane,Alle wax kasta waa kii arkaya ee og.

يقول تبارك وتعالى: (أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ سَخَّرَ لَكُمْ مَا فِي الْأَرْضِ وَالْفُلْكَ تَجْرِي فِي الْبَحْرِ بِأَمْرِهِ وَيُمْسِكُ السَّمَاءَ أَنْ تَقَعَ عَلَى الْأَرْضِ إِلَّا بِإِذْنِهِ إِنَّ اللَّهَ بِالنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَحِيم (الحج)

Aayadda:miyaydaan arag in Alle idiin sakhiray waxa dhulka jira iyo Doonyaha badda amarka Eebbe ku soconaya,Samadana in Alle hayo si aanay ugu soo dhicin Dhulka, idanka Alle mooyee,Alle dadka wuu u naxariis iyo dhibirsan yahay.

Alle subxaana watacaalaa Daruuraha wuxu ka dhigay kuwo cirka iyo dhulka dhexdooda iska sabbeeya,oo aan nidaamka Alle ugu talogalay ka lumin,sidoo kale Dabaylaha hawlaha badan haya ee daruuraha iyo doonyaha kaxeeya,bacriminta dhirtana ka qayb qaata,saxansaxadoduna u tahay noolaha bushaaro in roob soo socdo :

والآهكم اله واحد لا اله الا هو الرّحمن الرّحيم ان في خلق السّماوات والارض واختلاف الّيل والنّهار والفلك التي في البحر بما ينفع النّاس ومآانزل الله من السّماء من مآء فأحيا به الارض بعد موتها وتصريف الريّاح والسحاب المسخر بين السّماء والارض لآءيات لقوم يعقلون.

Aayadda:Illaahay waa Illaah keliya Illaah kale oon isaga ahayni ma jiro waa illaaha Raxmaanka ah ee Raxiimka ah,Abuuridda Samooyinka iyo Arlada iyo isbedelka Habeenka iyo Maalinta iyo Doonta badda maraysa si anfaco dadka ugu gudbiso,iyo biyaha cirka ka soo da’aya ee dhulka noolaynaya markuu dhinto ka dib iyo kala gediska dabaylaha iyo Daruuraha loo sakhiray Samada iyo Arlada dhexdeeda(ooy sabbaynayaan) Aayado ayay u yihiin ciddii caqli leh.

Alle isagaa korreeyee wuxu sameeyey Qorrax iyo Dayax faa’iidooyin kala gedisan laga helo iftiin iyo baahiyo kale oo ay ka mid yihiin in waqtiga lagu garto:

هو الدي جعل الشمس ضياء والقمر نورًا وقدّره منازل لتعلموا عدد السنين والحساب ما خلق الله ذالك الا بالحق يفصل الايات لقوم يعلمون…(ءاية في سورة يونس)

Aayadani waxay cilmi ahaan ku baraysaa in waqtiga ay sameeyaan Qorraxda iyo Dayaxu Illaahay isagaa korreeya’e wuxuu odhanayaa (Illaahay)waa kii ka yeelay Qorraxda mid iftiin bixisa Dayaxana ka yeelay mid nuur bixiya,oo u xaddiday meelo ay maraan, si aad ugu garataan tirsiga sannadaha iyo xisaabaha Illaahay xaq mooyee wax kale uma abuurin, Aayadahan wuxu u kala caddeeyey cidii garanaysa ee fahmaysa.

Illaahay awooddiisa oo aynaan koobi karin oo mar kasta inoo siyaadinaysa cabsi Eebbe iyo u hoggaansamid aynu u hoggaansanaanno amarradiisa iyo cibaadadiisa, waxa ka mid ah qudradda Eebbe iyo awooddiisa in hadduu shey ama wax doonayo in ay ku xidhan tahay inuu yidhaahdo oo keliya NOQO dabadeed uu sheygii noqdo sidii Alle rabey:

إذا أراد شيئا أن يقول كـن فيكـون فسبحان الذي بيده ملكوت كلّ شيء وإليه ترجعون(يس)

Aayadda(Alle)hadduu doono shey wuxu yidhaahdaa “noqo” markaasuu noqdaa waxa nasahan Allaha ay gacantiisa ku jiraan shey kasta oo Kownkan ahi isagaana loo noqon

Alle isagaa korreeyee Samooyinka iyo Arlada isagaa haya oo ka ilaaliya inay baba’an oo suulaan,cid aan Alle ahaynina ma ilaalin karaan,waa awood Alle iska leeyahay oo aan cidi la wadaagin,waayo isagaa Kownkan abuuray oo iska leh,awoodiisaasina waxay ku tusaysaa waxdaaniyadiisa iyo kelinimada Eebbe.

إنّ الله يمسك السّماوات والأرض أن تزولا ولئن زالتا إن أمسكهما من أحد من بعده إنّه كان حكيماً غفوراً(فاطر)

Aayadda:Alle ayaa Samooyinka iyo Arlada haya oo ka ilaalinaya inay suulaan,haddii ay suulaan oo baaba’aan cid qabanaysaa oo ilaalinaysaa ma jirto Alle ka dib,Illaahay waa xakiim oo waa denbi dhaafe.

Awoodda Alle ayuu nidaamka Adduunkani ku dhisan yahay oo ku shaqeeyaa,bal eeg oo u fiirso Habeenka iyo Maalinta siday isu bedelayaan,ee Habeenkana aad ugu nasanayso oo u seexanayso,Maalintana macaash iyo maaraynta nolosha u samaynay:

قل أرءيتم إن جعل الله عليكم الّيل سرمداً إلى يوم القيامة من إلـه غير الله يأْتيكم بضياء أفلا تسمعون قل أرءيتم إن جعل الله عليكم النّهار سرمداً إلى يوم القيامة من إلـه غير الله يأْتيكم بلّيل تسكنون فيه أفلا تبصرون(القصص)

Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)bal ka warrama haddii Alle ka dhigo Habeenka mid iska soconaya(aan dhamaanayn)ilaa iyo qiyaamaha,Alle mooyee ayo kale ayaa idiin keeni kara iftiin!waar miyaydaan wax maqlayn!,waxad ku tidhaahdaa (Nebi Allow)bal ka warrama haddii Alle ka dhigo Maalinta mid weligeed soconaysa oo ilaa qiyaamaha aan dhamaanayn,ayaa Alle mooyee idiin keenaya Habeen aad ku degtaan oo ku nasataan,waar miyaydaan wax arkaynin!.

Waxyaalaha ku tusaya awoodda Alle oo badan bal aan tilmaanno ninkii soo maray magaalo muddo hore dadkii ku noolaan jireen la halaagey,oo cariishyo madhani ka sii muuqdaan dabadeed isweydiiyey sidee baa dadkan beri hore baaba’ay ee dhintay loo soo noolaynayaa!:

أو كالّذي مرّ على قرية وهي خاوية على عروشها قال أنّي يحي هذه الله بعد موتها فأمّاته الله مائة عام ثمّ بعثه قال كم لبثت قال لبثت يوماً أو بعد يوم قال بل لبثت مائة عام فانظر إلى طعامك وشرابك لم يتسنّه وانظر إلى حمارك ولنجعلك ءاية للنّاس وانظر إلى العطام كيف ننشزها ثمّ نكسوها لحماً فلمّا تبين له قال أعلم أنّ الله على كلّ شيء قدير(البقرة)

Aayadda:ama sidii kii soo maray Tuulo(Magaalo) madhan oo cariishyadeedu khaawi yihiin,oo madhan yihiin,wuxu yidhi sidee baa Alle u noolaynayaa,dhimashadan ka dib,dabadeed Illaahay ninkii ayuu nafta ka saaray oo dhintay,muddo sannad ah ka dib ayaa Alle soo nooleeyey,oo lagu yidhi imisaad meeshan ku sugnayd,wuxu yidhi waxan ku sugnaa maalin ama maalin badhkeed,markaas ayaa lagu yidhi ma aha’e waxad ku sugnayd meeshan boqol sanno! Eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii ismay bedelin,oo eeg Dameerkaagii waxannu uga dhigaynaa dadka Aayad(wax lagu cibro qaato)eeg lafihiisa sidaannu u ururinno oo cad ama jiidh ugu yeello,markuu arrinkii u caddaaday ayuu yidhi waxan oggahay(qirayaa) in Alle wax kasta awoodo.

Waxa Awoodda Alle aad ka arkaysaa Aayado badan oo Alle Quraankiisa inoogu sheegay,tusaale markuu dhashay Nebi Muuse waxay ahayd waqti Fircoon uu wixii Wiilal dhasha ee reer Bini Israa’iil ah dili jirey,marka dhalashadii Nebi Muuse oo Hooyadii aad uga werwersanayd inankeeda iyo in Fircoon dilo ayaa Alle u waxyoday in ay naas nuujiso,haddii ay u baqdaona Sanduuq intay ku riddo badda ku tuurto, adiguba waad dareemi kartaa Hooyo doonaysey inay inankeeda badbaadiso oo haddana badda ku ridaysa isagoo Sanduuq ku jira sidaa ayuu Nebi Muuse ku badbaadayaa oo Alle gaadhsiinayaa,xeeliga badda ee u dhow Qasriga Fircoon oo halkaa ay ku qaadayaan dad u shaqeeya Fircoon,halkaasuu Awoodda Illaahay ku korayaa oo ku barbaarayaa gurigii cadowgiisa doonayey inuu dilo,waa awood Alle in Badda oo u hoggaansan amarka Eebbe aanay liqin oo dejin Muuse,laakiin gaadhsiiso Qasriga Fircoon agtiisa,dabadeed ninkii lagala baqayey koriyo :

وأوحينا إلى أُمّ موسى أن أرضعيه فإذا حفت عليه فألقيه في اليمّ ولا تخافي ولا تحزني إنّا رآدّوه إليك وجاعلوه من المرسلين فالتقطه ءال فرعون ليكون لهم عدوّاً وحزنا إنّ فرعون وهامان وجنودهما كانوا خاطئين(القصص)

Aayadda:waxannu u waxyoonnay Muuse Hooyadii nuuji naaska haddii aad u baqdo badda ku rid,oo ha biqin hana murugoonin,annagaa kuu soo celinayna,oo ka dhigayna mid Mursaliinta(Rususha)ka mid ah,waxa qaadi doona Fircoon ehelkiisa,si uu ugu noqdo cadow iyo murugo,waxay Fircoon iyo Haammaan iyo Askartiisu ahaayeen kuwo khaldan oo denbiilayaal ah.

Waxa Illaahay awooddiisa kaga yeelay Ushii Nebi Muuse mid mucjiso ah oo fulin karta waxa Alle doonayo inay fuliso,Mas ama Abeeso inay isu bedesho,Dhagax inta Muuse ku dhufto ay biyo dadku cabbaan ka keento,Badda intu Muuse ku dhufto ay berri iyo dhul baddii noqoto,waxaasoo dhammi waa awoodda Alle:

وأوحينا إلى موسى أن ألق عصاك فإذا هي تلقف ما يأفكون فوقع الحق وبطل ما كانوا يعملون(الأعراف)

Aayadda:waxannu u waxyoonnay Muuse inuu Ushiisa tuuro,waaba iyadii oo (isu bedeshey Abeeso)halqafaysa waxay sii daayeen ee sixir ahaa,xaqii ayaa yimi oo waxa burey oo baaba’ay waxay samaynayeen.

Nebi Ibraahim Qowmkiisu waxay ahaayeen kuwo Mushrikiin ah oo sanamo caabuda,dabadeed sanamadii ayuu burburiyey,waxay gaadheen go’aan ah inay Ibraahin gubaan oo dab ku dhex tuuraan laakiin Illaahay ayaa awoodiisa kaga badbaadinaya oo naarta amar siinaya inaanay gubin Ibraahin:

قالوا أحرّقواه وانصروا ءالهتكم إن كنتم فاعلين قلنا يا نار كوني برداً وسلاماً على إبراهيم وأرادوا به كيداً فجعلناهم ألأخسرين(ألأنبياء)

Aayadda:waxay yidhaahdeen guba oo u hiiliya illaahyadiinna,haddaad saa yeelaysaan,waxannu nidhi Naareey aha woo noqo mid qabow oo beref ah oo nabadgelyo u ah Ibraahin,waxay dooneen inay dhagraan(Ibraahin)waxannuse ka yeelnay kuwo khasaara.

Alle subxaana watacaalaa Awooddiisa waxa ka mid ah inuu dheelmiyey Rasuulkiisa,Nebi Maxamed oo uu Beytul maqdas ku sii tujiyey Anbiyadoo dhan,dabadeed Samooyinka Todobada ah wada maray oo halkaa Salaadda laga soo faray:

سبحان الذي أسرى بعبده ليلا من المسجد الحرام إلى المسجد الاقصا ألذي باركنا حوله لنريه من ءاياتنا إنّه هو السّميع العليم(ألإسراء)

Aayadda:waxa nasahan Allaha Addoonkiisa Habeen ka dheelmiyey Masaajidka Xaramka oo u dheelmiyey Masjidka Aqsaa ee aannu barakaynay hareerihiisa,si aanu u tusno Aayadahayaga, Alle waa ka maqla ee cilmiga leh ee og.

Awoodda Alle waxay ina tusaysaa kelinimadiisa waxayna inoo siyaadinaysaa Iimaankeenna iyo cabsideenna,waxana ay ka dhigaysaa cibaadadeenna mid joogto ah oo ikhlaas iyo khushuuc leh,oo mar kasta Alle ku tiirsan.

Waxan Alle ka baryaynaa inuu Qudraddiisa iyo Awooddiisa innagaga dhigo kuwo ku sugan xaqa oo ku nool cabsida Eebbe iyo cibaadadiisa Aamiin Aamiin .

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w

IS-MOOG UDBIHII BAY ASLAYSAA!!

IS-MOOG UDBIHII BAY ASLAYSAA!!

shotaly yarIS-MOOG UDBIHII BAY ASLAYSAA!!

Laanka sare iyo laaca aragtaye laaga ma og-tahay baa la yidhiye, naaleeye habacsane weli ma wuxu ku jiraa is dhis iyo wasiiro habayn, iyo dhalanteed aan meela haysan, is qurxin uu kolba wejigii aan naqaanay uu inoo soo rinji-yeeyo siddii halahii koofeerka tegi jiray, ee kolba timaha nooc u soo feedhi jiray, miyaanu ogayn in la is bartay oo laga kaluumay-sanaayo calooshiisa dhexdeeda, oo aanay jirin maanta waxa looga fadhiyaa oo dambe, oo ay soo kordhiso dawlada uu madaxa ka yahay ee naafada ahi, cago ay ku socoto, dhego ay wax ku maqasho iyo indho wax lagu arko midna hore looga waayey, ma wuxu ina lee-yahay aniga oo sidaas ah i doorta, siddii riwaayaddii odaygii cunaaye ee la odhan jiray hadana waykan intu kolba keligii soo baxo, buu isna sheeko la nooc ah wadaa in uu inoogu soo noqnoqdo, wuxuun baan maqli jiray weji adakaa ma bacaa-daaye miyaanu libiqsa-naynba weli ma wuxu aslayaa udbihii hore-ba guri lagu dhiso loo waayey, ma banaanka buu ka taagi dooonaa taloow, muxuu ugu talo galay waa yaabe? waxa la yidhi doqon qososhay qaaraha ku dhaca way u qalantaaye,hadeer buu gafaafkii looga taag waayey waar daa sidaas maahee, iyo murankii u been sheegay ee laga qancin kari-waayey, kii ka qaban lahaana uu jar ka sii tuuray, oo uu lee-yahay al-loow yaa dib iigu celiya wakhtigii ay taladu noolayd iyo beri samaadkii la is dhegaysan jiray, waatan dhabaqday xaajo’e, sidee baad mar kale u soo laba kac laysaa, waase humaag hore-ba loo waayey, in nin mar ka dhacay kursiga siyaasada uu geer dambe u soo gelyo si uu u yimaado maw-qif kale oo uu ka soo karaar qaadan karo, waa habeenkii xalay tegay oo dib u soo noqdy iyo dameer san madoow, haw fadhiyin taas, waa halkii aw koombo’e nin daad qaaday waa ku daayey.

Waxa la yidhi wan weyni ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaane, wax uu durbaan been ah garaaco-ba, laba carab-leeyaba, kolba derbi isku qaado-ba, marmar-siiyo la yimaado’ba, xanjo iyo suuf aan is lahayn uu isku dhejiya-ba, fal maaran waa’ah uu fakalool ku dhigto-ba, maanta-na far baan maydhayaa hay fadhiyo geelu siddii araweelo laga akhristo-ba, xaajadu ku dhacdo safarul-danaakil kuli-yoom baakir-ba, waxa aan jirin la isku qafilo-ba, kolba arinta bog-cadka loo rogo-ba oo ay girgirka ku jiitanto-ba, laba bog layso oo jir-jirka cadka ku xamaaro-taba, guurayso oo gudcur magan gooyo ay dharaar moodo-ba, hadba qar iska xoorto oo labanleg-dooto-ba, burhaan aanay lahayn sheegato-ba imika bay u dhamaatay oo uu isi soo xidhay jid waliba, caleen-tiisii cadaatay, oo uu siddii xaabkii xooluhu cuni jireen uu dhulka daadsan yahay, iniba ay dabayshu dhan u qaaday, isha guluc kolba ka siinayaa inta uu wareejiyo wareega loo yaqaano 360′ digriis, afkii iyo gacantii uu isla waayey, oo uu cidla rafanayaa, xaalku ugu gabal dhacsaday meeshii lagu magacaabi jiray gasiiratul-waaqwaaq, oo wax kale iska daayoo ay ka hayaameen fiid-meertii iska qarin jirtay iftiinka, ee maalin oo dhan iska soo deldeli jirtay dhirta inta ay madaxa laalaadiso, dabeena ay maskaxdu dayaami jirtay, marka ay madoobaato-na iyada oo wareersan waxa kale aan qaban jirin ee dadka hortyiisa gebgeb-layn jirtay, ee kolba siddii wax waalan dhinac kuu jiidhi jirtayn saw sheekh beeshu ( waa naaleeye habacsane’e) imika ma laha sawirkaas fiid-meerta dayaansan, oo shaadh-kiisa lagama bixin ma meel uu cuskadaa baa u hadhay oo uu ka dhul sugaa, saw tii laga waayey kaliiloow-kaadso, miyuu haday hadal lays yidhaahaa! oo dambe saw maaha goor ay kala dhaceen xeedho iyo fandhaal, imisaa la lahaa waar jooji kibirka sidaas kuma taranto’e, waa goorma goorta uu bafbaf lee-yahay ee uu siddii bisada la eryanaayo uu hadaba derbi uu saloola-nayaa, qofka aan garan waxa joogaa,waxa soo socdana ma garto baa la yidhi, waana ta haysata naaleeye habeenkan caawa ah ee taagtay ciirsi-la’da aan gacal joogin bahalo u col ah mooyee, hore baa loo yidhi ninba wuxu qabo baa ku qarxa ee haku qoomamo la’aado.

*N.B. Meel bur sawsa leh, oo biyo u dhaw, baadi doonyoo, biciid-kuba waa’.
abdi-shotaly.
oodweynenews.com.

SHIRWEYNE SIYAASIYIINTA IYO TAAGEERAYSAASHA KULMIYE EE LONDON DAAWO SAWIRADA

SHIRWEYNE SIYAASIYIINTA IYO TAAGEERAYSAASHA KULMIYE EE LONDON DAAWO SAWIRADA

Shir weyne ay isugu yimaadeen Taageerayaasha iyo Siyaasiinta Xisbiga Kulmiye ee Magaaladda London iyo nawaaxigeeda, shirkaas oo ka dhacay Bariga magaalada London ee cariga Ingiriiska, DAAWO SAWIRADA

IMG_3081IMG_3087IMG_3100IMG_3117IMG_3109IMG_3103IMG_3097IMG_3093IMG_3092IMG_3084IMG_3083

WASIIRKA GAASHANIDHGA SOMALILAND OO XAQIIJIYAY GEERIDA TALIYAHA CIIDANKA QAYBTA 12 AAD

WASIIRKA GAASHANIDHGA SOMALILAND OO XAQIIJIYAY GEERIDA TALIYAHA CIIDANKA QAYBTA 12 AAD

newssWasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland Md Saleebaan Warsame Guuleed ayaa cadeeyay inuu maanta qarax bambo oo lala beegsaday gaadhigiisa uu ku dhintay Taliyihii ciidanka qaranka ee qaybta 12aad ee gobolka Sool Cismaan Yuusuf Nuur

Shir jaraa’id oo mar dhaweyd uu wasiirka gaashaandhigu qabtay ayuu ku faahfaahiyay sida ay qaraxyada uu taliyuhu ku dhintay loola beegsaday waxaanu yidhi “waxa ay cadawga Somaliland maanta la beegasdeen laba qarax oo Banbaano ah gaadhigii taliyaha qaybta 12aad ee ciidanka Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Laascaanood, waxaana ku dhintay taliyihii, waxa kale oo dhaawacyo soo gaadheen labadii askari ee boodhi gaadhka u ahaa” sidaa waxa yidhi wasiirka gaashaan-dhiga waxaanu intaa ku daray “ laba qarax bay ahaayeen oo mid gaadhiga xagiisa danbe ayuu ku qarxay, markii uu is yidhi eeg kaas, ayuu ka kale isaga ku qarxay lamana odhan karo ilaa hada waxay ahaayeen ku remote kantarool ah bay ahaayeen iyo kuwo dhulka ku aasan bay ahaayeen.”

Wasiirka oo la weydiiyay cida fulisay falkaasi ayaa ku gaabsaday inay ka danbeeyeen cadawga Somaliland, wax tafaasiil ah oo intaa dheerna kamuu bixinin

WAR DEG DEG AH :QARAXYO SAAKA GILGILAY MAGAALADA LAASCAANOOD

WAR DEG DEG AH :QARAXYO SAAKA GILGILAY MAGAALADA LAASCAANOOD

break news yar

Published on: Nov 1, 2009 9:04

War Deg deg ah:Qaraxyo isdaba joog ah oo aad u xoogbadan ayaa gilgilay gudaha magaalada laascaanood saaka iyadoo ay jiraan rasaas tiro badan oo dhawaqeeda saaka marqudha laga wada maqlay gudaha laascaanood.

qaraxyo isdaba joog ah ayaa marqudha gilgilay aaga bariga ee Kaantaroolka magaalada laascaanood qarax yadan oo labo ahaa ayaa si xoogbadan looga maqlay kaantaroolka bariga laascaanood iyadoo ay xigtay rasaas badan oo aan lagaranayn cida sida rasmiga ah u riday.
wali lama garanayo cida rasmiga ah ee qaraxyadan ka danbaysay iyo ujeedada laga lahaaba wali si rasmiya looma cadayn tirada dhaawacyada ah amba dhimasho ee jirta.

wixii warara qadar daqiiqado ah kadib ayaan idanla socodsiin doonaa insha Allaah

WARARKII U DANBEEYEY EE QARAXII LAASCAANOOD OO LA XAQIIJIYAY GEERIDA TALIYIHII QAYBTA 12 AAD AHN CISMAAN YUSUF NUUR

WARARKII U DANBEEYEY EE QARAXII LAASCAANOOD OO LA XAQIIJIYAY GEERIDA TALIYIHII QAYBTA 12 AAD AHN CISMAAN YUSUF NUUR

breaknnews_2

Published on: Nov 1, 2009 9:27

Qaraxayadii Saaka ka dhacay magaalada Laascaanood dhinaceeda bari ayaa ilaa hadda waxa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Taliyaha Qaybta 12 aad ee Aaga Bari ee ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu magcaabi jiray Alle ha u naxriiste Cismaan Yuusuf Nuur waxaana ku dhaawcmay darawalkiisii iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay dad rayid ah .

Dhinaca kale waxaa wali ku sugan halkii qaraxu ka dhacay ciidamo fara badan iyadoo baadhis lagu hayo cidii ka danbaysay qarax oo aan wali lahayn.

Geesta kale waxaa isbitaalka laascaanood la geeyay dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay Qarxan.

Qaraxyadan ayaa ah mid loo adeegsaday nooca Remote control ka la yidhaa ee meelaha fog laga hago, cid sheegatayna wali lama hayo sidoo kale xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaan iyadu ka hadal qarxayadan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha qaraxan kala soco Togaherer.

DHAQANKA SOOMAALIYEED IYO XIDHITAANKA HABLAHA!!!

DHAQANKA SOOMAALIYEED IYO XIDHITAANKA HABLAHA!!!

Qallin

DHAQANKA SOOMAALIYEED IYO XIDHITAANKA HABLAHA!!!

Waxa aan dhamaan salaamayaa akhristayaasha Sharafta leh ee u abtirsada afka soomaaliga…. Salaan ka dib waxa Mahad leh ALLAH…. Ammaan iyo nabad gelyo ALLAH korkiisa ha yeelo Nabigeenii Muxammed Ibnu Cabdlillah.

Intaa ka dib sida aynu la wada ogsoonahay soomaalida dhaqankeeda waxa ceeb ku ahaan jirtay in la xidho hablaha oo xabsiyada la dhigo, xiitaa haddiiba ay dhacdo arrin aad u weyn oo aan la aqbali Karin, waayo sida aynu wada ogsoonahay habluhu waa cawro, adkaysina uma laha nolosha xabsiyada ee aadka u daran meel kasta oo ay joogaanba.

Hadaba iyada oo ay taasi jirto ayaa waxa aad iiga nixisay oo aan la yaabay sheeko ka dhacday Dubai taas oo ah in ay jirtay inan reer Somaliland ah oo magaceedu yahay Deeqa Maxamed Xuseen(Cashuur)

Deeqa sida la ii xaqiijiyay waa inan muddo sideed sanadood ah u shaqaynaysay Dahabshiil kuna caan baxday Ammaano, Shaqo wanaag, Hawlkarnimo iyo Dabeecad wanaag… dadka ay u adeegi jirtayna waxay dhamaantood ka mara kaceen in ay Deeqi tahay gabadh aan gayin xabsiga maanta ay taalo waana wax laga yaxyaxo.

Akhriste si aad sheekada u fahanto Waxa dhacday gabadha in last week ay nimaan african ah kaga dhaceen lacag dhan $150,000 One hundered and Fifth thousands Us Dollars. xafiiska Dahab shiil Dubai mar ay ku jirtay shaqadda.

Sida ay uga dhaceena waxay weeye in ay sixir u qabteen oo ay indho sarcaadiyeen, ka dibna ay lacagtaas qaateen, lacagtaasina ay sidaa ku luntay…….

Inagoo hadaba dhamaanteen ka warqabna in ay dhacdooyinkan oo kale ay dhacaan inta aan ka warhayana aniguna aan u soo joogay xawaalado badan oo sixir dartiis lacago badan looga dhacay.waxa wax lala yaabo ah in inanta dhibta intaas leegi ay soo gaadhay la xidho oo hadana la jidh dilo si ay u qirato danbi aanay lahayn…

Waa ceeb waa gaf iyo wax aan hore loogu arag shacbiga soomaaliyeed dhexdooda, in inan la xidho oo hadana la jidh dilo..

Shirkadda Dahabshiil way ka saraysay kana sumcad wanaagsanayd in sheekadan oo kale ay dhacdo…. Runtiina waxaay meel ka dhac ku tahay shirkadda qiimaha iyo qaayaha weyn leh ee u dhexda ah dhamaan umadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba iyo guud ahaanba umadda caalamka……

Waxa iyana aan aad uga sii damqaday markii aan maqlay in odayaashii iyo waxgaradkii soomaaliyeed ee joogay DUBAI ay xawaaladda DAHABSHIIL ka codsadeen in ay soo dayso Gabadha yar ee ah hooyada naas nuujinaysa ilmo yar oo aan wali naas nuujintii ka bixin…

Waxa jirtay in shirkadda DAHABSHIIL lafteeda meelo badan lagu dhacay marar badan sida OHIO USA, DOHA QATAR oo aanay jirin cid loo xidhay…

Waxaan leeyahay shirkadda Dahabshiil waa ceeb waana wax aan la garawsan Karin gabadha hooyada ah ee jidhdil iyo qaraac aan arxan lahayn lagu hayo xabsiyada carabta ee aan Naxariista lahayn gaar ahaan DUBAI..

Waxa iyana mid aad looga xumaado ah Diiditaanka ay shirkaddu diiday in ay aqbasho codsiga waxgaradka iyo odayaasha Dubai oo aanay shirkaddu wax dhag ah Jalaq u siin!.. Qadarku wuu dhacaa, wax kastana way ku soo marayaan inta aad nooshahay laakiin Bani’aadamnimada ayaa iyana ah shay aad u muhiim ah.

Taariikhduna way sheegi iyadaana wax suuraysa, Shirkadda Sumcada weyn leh iyo Gabadha ammaanada iyo shaqo wanaaga loo qiray ee hadana muddo intaa leeg Jeel dhex jiigta………

Xassan Cismaan

South Africa