Wednesday, 30 September 2009

NIN GAWRACAN OO CAAWA LA SOO DHIGAY XAAFADA TOWFIIQ EE MUQDISHO

NIN GAWRACAN OO CAAWA LA SOO DHIGAY XAAFADA TOWFIIQ EE MUQDISHO

Mayd Gawracan Muqdisho
Maydka Wiil Dhalinyara ah ayaa Caawa lasoo dhigay Xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho oo kamid ah meelaha ay Maamulaan Xoogaga Islaamiyiinta ee dagaalada kula jiro dowlada Federaalka Somalia iyo AMISOM.
Sida ay goob joogayaashu xaqiijiyeen waxaa Maydkan lasoo dhigay agagaarka Daarta loo yaqaan Ayaan-daran deegaanka Towfiiq halkaas oo ay Dad badan ku daawadeen Maydka Marxuumka oo aan lagaran iyo sababta loo Gowracay.
Dadka Deegaanka ayaa Caawa si weyn u hadal haya Maydka Ninka la Gowracay waxaana lasheegayaa in Maydka lagusoo dilay meel ka baxsan xaafadda balse lasoo dhigay.
Argagax ayaa ka dhashay Maydad la Gowrcay oo 12-kii saac ee lasoo dhaafay lasoo dhigay degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho, Saaka ayaa la sheegay in xaafadda Suuq Bacaad lasoo dhigay Nin Gowracan oo la sheegay in uu ahaa dadka deegaanka.
Falalka Nuucaan ah ayay shacabka Muqdisho ka nasteen Muddo 6-Bilood ah oo ay magaalada ka socdeen iyo dagaallo iyo duqaymo balse aysan dhicin wax Gowrac ah oo lagula kacay Dad Rayid ah, si kastaba ha ahaatee falalkan Argagaxa leh ayaa cabsi ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed.

Axmed Kulan
Moqdisho

WAR-SAXAAFADEED WASAARADA ARIMAHA DIBADA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

WAR-SAXAAFADEED WASAARADA ARIMAHA DIBADA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

warsaxaafadeed
REPUBLIC OF SOMALILAND

Ministry of Foreign Affairs

Tel/Fax: 00252-225 3871. Tel: 00252 213 4495. Email: slforeign@hotmail.com.and

30/09/2009

WAR SAXAAFADEED.

Anagoo tix-raacaynaa wareysigii Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay 29/09/2009 Cabdiraxmaan Xaaji Adan “Ibbi’ oo ah Rayisal Wasaare ku xigeenka isla markaana ah Wasiirka Kalumeysiga ee Somalia ayaanu waxaanu kaga jawaabeynaa sidatan:-

Rayisal wasaare ku xigeenku si fiican ayuu uga hadlay xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland wuuna ku mahadsan yahay. Haseyeeshe markii la weydiiyay in la gaadhay waqtigii Somaliland la aqoonsan lahaa wuxuu ku jawaabay “Nin baa waran isha lagaga taagay mid kalena badhida markii la weydiyay midkee lagaa jaraa wuxuu ku jawaabay midka badhida iga taagan si aan salka u dhigo oo aan u fadhiisto, taaso macneheedu yahay diyaar uma nihin in aanu aqoonsano Somaliland hadda” .

Waxaanu walaalkeen u sheegeyna waranku meeshu doono ha kaaga taagnaadee in aanay Somaliland u daba fadhiisanayn madax banaanideeda Somalia oo aanu 1991 kii ka tashanay in aanu ka noqonay israacii 1960 kii.
Allaa Mahad Leh

Siciid Maxamed Nuur

Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda

HAMBALYO AROOS CARUUSKA MOHAMED ABDI IBRAHIM(SALAX) IYO CAROOSADA SAYNAB AHMED MOHAMUD

HAMBALYO AROOS CARUUSKA MOHAMED ABDI IBRAHIM(SALAX) IYO CAROOSADA SAYNAB AHMED MOHAMUD

hambalyo animated
HAMBALYO AROOS

Mustafa Hagi Mohamud Ahmed
Husen Ibrahim Hassan
Khadar Abdi Hanan
Mohamed Esmaeal (indho)
AbdiRahmand Ahmed Daad
Mohamed Dube
Mowlid Esman Roble
Hasan Huseen
Abdi Ahmed Husen
Mohamed Husen
Abaas Ali Qafil
Siyad Maxamed Sicid
Mubarak
Adnaan AbdiRahman Yasin
Mukhtar Abdi Keyd
Ibrahim Mohamed Jama
Abdi Karem Mohd Muse
Mohamed Abdulahi Omar
Abdi Hakeem Esman
Mohamud Wayrax
AbdiRahman Mohamed Jama
Mohamamed Hasan Rabisahal
Mahamud Wayrax iyo.
Sh. Abdi Aziz Ahmed Digale
Mohamed Yusuf Hashi
Dhamaan dhalinyara ee reer Qatar

Dhamaan Aqoon yahanadaas kor ku xusan oo jooga magalada Doha ee Dalka Qatar waxay habalyo iyo bogaadin u dirayaan Arooska:

Mahamed Abdi Ibrahim (Salax)

Iyo

Saynab Ahmed Mohamud

Oo maanta oo taariikhdu tahay 24/Sept/2009 Arookood ka dhacay ee Magalada Harageysa.

Waxaanu leenahay Ilaahay ha ka yeelo kuwii ku waara bash bash iyo barwaaqo ubad khayr qabana kala hela.

HAMBALYO DHALASHO SOO KOR AYAANU KU LEENAHAY

HAMBALYO DHALASHO SOO KOR AYAANU KU LEENAHAY

hambalyo
  • Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska & Dhaqanka C/razaaq Waaberi Rooble
  • Hoggaanka Wacyigalinta Ciidanka Booliska Abwaan Muxumed Xaaji Soofe (Kaneeo) & Dhammaan Kooxda Fannaaniinta Ciidanka Booliska ee Goodir.
  • Hoggaanka Wacyigalinta Ciidanka Qaranka JSL Abwaan Cali Barre Xusseen & Dhammaan Kooxda Fannaaniinta Ciidanka Qaranka ee Gaashaan.
  • Agaasimaha Wasaaradda Dalxiiska & Dhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-yare) Iyo Dhamaan Fannaaniinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka mid yihiin:

  • Sahra Axmed Jaamac
  • Saafi Ducaale
  • Sahra Cali Xassan
  • Sahra Axmed C/laahi (Sahra-Ileys)
  • Ikraan Jaamac Ismaaciil
  • Ubax Daahir ( Ubax-Fahmo)
  • Deggen Nuur Xuseen
  • Maxamed Axmed Kuluc
  • Saxardiid Maxamed Jabiye
  • Faysal Cumar Mushteeg
  • Maxamed Maxamuud Cige (Bussi)
  • Xassan Jaamac Qodax (Xasan-gacan)
  • Maxamed Faarax Xirsi
  • C/laahi Axmed Xirsi (Wigic)
  • Caabi Mire Dacar
  • Saxardiid Maxamed Saxardiid
  • Najiib Axmed Xaashi
  • C/naair Macalin Caydiid
  • Cabdi Cismaan Gudaal (Cabdi-fanax)
  • Nuuradiin Axmed Iimaan

Iyo Waliba Abwaanada Kala ah:

  • Abwaan Xassan Xaaji C/laahi (Xassan-ganey)
  • Abwaan C/raxmaan Cumar Cashuur
  • Abwaan Saciid Ibraahim Dool
  • Abwaan Xariir Xaashi Baaruud
  • Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Dhammaan Abwaanada Ururka Hidda Dhawr iyo Abwaano iyo Fannaaiin faro badan oo aan halkan lagu soo koobi karayn, waxay Hambalyo u dirayaan Guddoomiyaha Ururka Hidda Dhawr Abwaan Maxamuud Xuseen Qaalib Iyo Xaaskiisa Lubbi Cali Madoobe oo Shalay Gabadhi ugu dhalatay Magaalada Hargeysa.

Gabadhaasi oo loo bixiyey Nashaad Maxamuud Xuseen Qaalib, Waxay Ilaahay Uga baryayaan oo ay Leeyihiin noqo Inantii Baarriya ee Anfacda Diinteenda Dadkeeda Iyo Dalkeedaba.

MURUQA LABA SUULE NINBA SI U QAADAY W/Q: ABDI SHOTALY

MURUQA LABA SUULE NINBA SI U QAADAY W/Q: ABDI SHOTALY

SHOTALY
MURUQA LABA-SUUL NINBA SI KU AH !!

Sida uu u dhisan yahay dhaqanka aynu lee-nahay ee aan qaab murtiyeed-keena u gardaadino xikmada ku jirta baa waxay odhanaysaa maah-maahi, GARI LABA QOF KAMA WADA QOSLISO, oo haddii aynu u gondo degno tahay micnaheedu, marka laba ruux, reer, kooxood ay dhibaato dhex marto, ee guurti isu galaasho siddii loo kala guri lahaa, xeer beegti-daasi waxay lafo gurtaba waxay ku soo gabaga-baysaa go’aan XAQ IYO XISTI kuu doona-ba ha ahaadee, dabeed warka ay ku dhawaaqaan ma noqdo mid ka farxiya labaddii dhinac ee is hayey, ee gees baa had iyo jeer cabata, ta kale-na waxay ku cawaysaa rayn-rayn iyo dabaal deg ay sheegato in ay iyadu heshay gartii, hadaba aniga oo sidaas idin idhi baa aan rabaa bal in aan dib u yara jaleecno siddii ay CIYAARTII SIYAASADEED EE SOMALILAND ee socotay 4TII usbuuc ee ugu dambeeyey in ay u dhacday sida ay qeexayso milgaha ay maah-maahda aan soo dhaafnay tilmaantay, oo ah mid baa inta badan guulaysta, mise waxay noqotay mid
aan hore loo maqlin oo timi is barbar dhac qolo waliba geesteeda ay dhibco dheeraad ah ku heshay, mise weli waxa jira gees aan fahmin nuxurkii ka soo baxay uur-ku-jirtii war murti-eedkii golaha GUURTIDA oo sacabka iska bilaas garaacaysa kana botori-naysa meel aanay wax ugu jrin, oo laga yaabo in ay HADHOOW INAGU SOO MIYIRSATO? akhrista-yaasha mareeragaha somaliland baa waxan ka rabaa bal in ay iga soo daadejaan arintan iyada ah ee dhankii kastaaba ilko caday-naayo waan ka yaabaye ma wax baa geesi qarinaysaa?

* Udub iyo maamulku waxay lee-yihiin:-

* Guul aan dhamaa-nayn baa naloo cusboo-naysiiyey, oo ma jiro mucaarid dambe oo na odhan karaa wakhti baa idnka dhacay,
* Doorashaddii dib baa loo riday, oo waa intii aan u galgala-naynay,
* Ma jirto wakhti naloo cayimay oo la lee-yahay waa maalintii foodka,
* Waanu ka hoos baxnay mucaarid oo waxan u shidnay FAYNUUSKII SIXIRKA, (dib u xasuuso sheekaddii carabiga ahayd ee la odhan jiray MUSBAAX AL-SAAXIR ee buuggii calaa-u-diinka), markaas bacaad bay fadhiyaan raggii kursi doonka ahaa, oo waq baa aanu ku dhignay, haddii aanu nahay muxaafid waanu ka dumaalad dheer nahay reer muxaafid,
* Wuxu riyaale yidhi aan soo gaabsho hadalkee:-TALADEENU SEEG-SEEG YAANAY MURUQA LABA-SUUL,NINBA SI KU AH NOQONIN.

* KULMIYE + UCID waxay iyana lee-yihiin :-

* Waanu karbaashnay N.S.S-TII oo cidh-baha baan goonay, waayo waan ka midho dhalinay, mudaaharaadkii oo geeriddii iyo dhaawacii faa’iido buu noo keenay, sababta oo ah sidan :-
* Waxa aan ku guulaysanay in tira-koobkii lagu galo doorashada,
* La bedelo KOMISHANKA,
* Mudo cayiman in aan loo kordhin madaxweynaha iyo ku/xigeenka,
* Waanu diidnay in aan soo hor fadhiisano riyaale oo SANKIISA BAANU CAANO KA DHAMAYNAY.
* Waxay ku heesayaan isku daraka mucaaridku sidatan :- HADDII SAMIR WAX LAGU HELO, AMA SALAWGU CIIL YAHAY, ANIGAA KU SUGAYOO SIDA SEBI DHALAA-NAAN DHABTA KUGU SASABAYEE, SAADAASHAA ILA GARO ( kursi-yahaw), MA SII DAYNIN WACADKII HURDA-DANA MA SEEXDEE, soo dhawoow kursi-yoow waad naga raagtee,

Hadaba biyo gorore oo meel godan bay isugu tageene labaddii-ba dhoolaha bay ka qosol cadayna-yaan ee naxaa siya mise aniga baa dhoohan oo madaxa ku soconaaya, murqaankii qaadkii ugu dambeeyey baa wax aan jirin ii sawiray oo wax aan jirin baan daawanayaa, ma dhegahayga baa maqal been ah ii sheegay, ma af-soomaaliga baanan aqoon, miyaan isku dhex daatay oo waxan marayaa da’ddii xasuustu kala daadan jirtay, waa sidee xaalku, mise aniga baa ugu saxsan oo dadka inta kale baa kala wareegsan oo madaxa ku socota, waxan ku soo xidhay maqaalkan WAAN YAABANEE IDIN-KUNA DADYOOW MAYLA YAABAN TIHIIN?

*N.B Xagu gebi, xagu gabi guntu walac weeyaan miyaa ?
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

LABADII HODMEE HOY WADA GALEE HODALEE NOQDEE HIBO IYO DUCABA NAGA HOOYA

LABADII HODMEE HOY WADA GALEE HODALEE NOQDEE HIBO IYO DUCABA NAGA HOOYA

HAMBALYO AROOS TOGAHERER

Hanbalyo iyo Bogaadin Arooska Mohamed Abdi Sheikh Ibrahim iyo Saynab Ahmed Mohamoud oo Arooskoodu ka dhacay Magaalada Hargeisa 24/09/2009, Waxannu Illaahay ka rajeynaynaa Gurikooda in uu ka yeelo Guri Barwaaqo iyo Ubad Khayr Qaba Aammiin.

Waxa Hanbalyadan diraaya:
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Adan Sh. Mohamoud Sh. Haroun
Haji Mohamoud Abdi Aw Musa
Macallin Osman Jama Hussein
Sh.Mohamed Sh. Hussein Cilmi
Haji Ibrahim Dirir Jama
Haji Hassan Dhinbiil
Abdillahi Ahmed Deria
Hussein Abdi Aw Musa
Abdi Ahmed Bulaale
Sh. Sahardiid Hassan Hersi
Sh. Saeed Jama Gudaal
Hassan Abdi Farah Gudaal
Rashid Macallin Osman Jama
Mohamed Abdi Gurey
Ahmed Hussein Aw Muhumed
Saeed H. Mohamoud Abdi
Yussuf Shiekh Abdi Farah
Bashe Abdi Farah
Deyr Adan Ducaale
Musa Abdillahi Hassan
Musa Ali Hussein
Ismail Elmi Huusein
Hassan Macallin Osman Jama

Abdi Sh. Ibrahim Amareh
Proff. Mohamed Sh. Yussuf H. Hassan (Proff. IQRA)
Proff. Mohamed Hassan Sheekh Haaruun
Eng. Mohamed Hassan Dhinbil
Eng. Ahmed-Nuur Hassan Haji Adan
Dr. Abdulsalam Musa Ali
Eng. Ahmed-Nuur Musa Hassan
Eng. Mohamoud Hassan Arraleh
Eng-Abdirisaq Muse Hassan
Ahmed Ibrahim Dirir
Ahmed Sh, Musa Sh. Haroun

Yussuf Mohamed Geeljire
Khadar Ismail Elmi
Khadar Hussein Abdi
Hussein Ibraahim Hassan
Mahamed Ibraahim Hassan
Cawil Ahmed Abdi
Fouad Shibiin Mohumed
Mohamoud Hassan Haji Adan
Rashid Sh. Yussuf H. Hassan

Fuaad Abdisalam Hassan Haji Adan
Abdi Musa Hersi
Abdi Hassan Deria
Barre Yussuf Samater
Hussein Musa Ali
Abdirahiim Ibraahim Abdi
Mahamed Ibraahim Abdi
Abdirahman Ismail Elmi

Hassan Abdulrahman Hassan Haji

Hargeisa Somaliland

TAHNIYAD AROOS AROOSKA MOHAMED ABDI SHEIKH IYO SAYNAB AHMED MOHAMOUD

TAHNIYAD AROOS AROOSKA MOHAMED ABDI SHEIKH IYO SAYNAB AHMED MOHAMOUD

Hanbalyo iyo Bogaadin Arooska Mohamed Abdi Sheikh Ibrahim iyo Saynab Ahmed Mohamoud oo Arooskoodu ka dhacay Magaalada Hargeisa 24/09/2009, Waxannu Illaahay ka rajeynaynaa Gurikooda in uu ka yeelo Guri Barwaaqo iyo Ubad Khayr Qaba Aammiin.
Waxa Hanbalyadan diraaya:
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Adan Sh. Mohamoud Sh. Haroun
Haji Mohamoud Abdi Aw Musa
Macallin Osman Jama Hussein
Sh.Mohamed Sh. Hussein Cilmi
Haji Ibrahim Dirir Jama
Haji Hassan Dhinbiil
Abdillahi Ahmed Deria
Hussein Abdi Aw Musa
Abdi Ahmed Bulaale
Sh. Sahardiid Hassan Hersi
Sh. Saeed Jama Gudaal
Hassan Abdi Farah Gudaal
Rashid Macallin Osman Jama
Mohamed Abdi Gurey
Ahmed Hussein Aw Muhumed
Saeed H. Mohamoud Abdi
Yussuf Shiekh Abdi Farah
Bashe Abdi Farah
Deyr Adan Ducaale
Musa Abdillahi Hassan
Musa Ali Hussein
Ismail Elmi Huusein
Hassan Macallin Osman Jama

Abdi Sh. Ibrahim Amareh
Proff. Mohamed Sh. Yussuf H. Hassan (Proff. IQRA)
Proff. Mohamed Hassan Sheekh Haaruun
Eng. Mohamed Hassan Dhinbil
Eng. Ahmed-Nuur Hassan Haji Adan
Dr. Abdulsalam Musa Ali
Eng. Ahmed-Nuur Musa Hassan
Eng. Mohamoud Hassan Arraleh
Eng-Abdirisaq Muse Hassan
Ahmed Ibrahim Dirir
Ahmed Sh, Musa Sh. Haroun

Yussuf Mohamed Geeljire
Khadar Ismail Elmi
Khadar Hussein Abdi
Hussein Ibraahim Hassan
Mahamed Ibraahim Hassan
Cawil Ahmed Abdi
Fouad Shibiin Mohumed
Mohamoud Hassan Haji Adan
Rashid Sh. Yussuf H. Hassan

Fuaad Abdisalam Hassan Haji Adan
Abdi Musa Hersi
Abdi Hassan Deria
Barre Yussuf Samater
Hussein Musa Ali
Abdirahiim Ibraahim Abdi
Mahamed Ibraahim Abdi
Abdirahman Ismail Elmi

Hassan Abdulrahman Hassan Haji

Hargeisa Somaliland