Tuesday 10 November 2009

Holland Oo Gacanta Ku Dhigtay Somali Maraykanka Ka Soo Baxsaday Oo Dhinaca Dhaqaalaha Ka Taageeri Jiray Argagixisada Al-shabaab

Holland Oo Gacanta Ku Dhigtay Somali Maraykanka Ka Soo Baxsaday Oo Dhinaca Dhaqaalaha Ka Taageeri Jiray Argagixisada Al-shabaab

newssHolland Oo Gacanta Ku Dhigtay Somali Maraykanka Ka Soo Baxsaday Oo Dhinaca Dhaqaalaha Ka Taageeri Jiray Argagixisada Al-shabaab.

Dowlada Netherlands ayaa xabsiga dhigtay nin la rumaysan yahay in uu dhinaca dhaqaalaha ka taakulayn jiray Argagixisad Al-shabaab ee Somalia ka dagaalanta, Ninka la qabtay ayaa ahaa nin Maraykanku si’ban u baadi-goobaayey.

Sir-doonka Holland ayaa sheegay in ninkaas oo ah 43 uu ku noolaan jiray Minneapolis dalka mareykanka ka hor intii aanu ka tagin bishii November sabnadkii 2008-kii, waxa uu Holland soo gaadhay bil ka dib markii uu Marayanka ka soo cararay.

Eedaysanaha Xabsiga loo taxaabay ayaa iska dhiibay dalka Holland, isaga oo ahaa Magan-geliyo doon. waxa laga soo qabtay xero qaxoonti oo 75 Km ka beegan dhinaca waqooyi bari Magaalad Amsterdam.

Ninkan oo aan la magac-dhabin ayaa ku eedeysan in uu hub u iibiyey kooxda Al shabaab ee Somalia ka dagaalanta, Eedaysanaha ayaa lagu hayaa Magalaada Rotterdam iyada oo loo diyaarinaayo in maxkamad la soo taago.

By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

BURBURKII QARAN ILAA QOYS QAYBTII LIXAAD

BURBURKII QARAN ILAA QOYS QAYBTII LIXAAD

Burburkii Qaran ilaa Qoys:-

Qaybtii 6aad.

(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah).

Sababihii keenay burburka:-

Marka aad doonayso in aad sharaxdo amase qeexdo sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya ,waxaan qabaa in uu dhaafay xadkii sababo loo yeeli lahaa.Waxaa aad u dag halka laga bilaabayo,cida ka masuul ah , goorta burburku bilowday iyo halka burburkaa socdaa uu ku dhamaan doono iwm.

Intii aan raadinayey sababaha keenay burburkaa balaadhan ee Soomaaliya ka dhacay,ayaa waxaa ii soo baxay sababo aad iyo aad u fara badan oo dhamaan la odhan karo waa kuwa ugu muhiimsan , sababahaa keenay burburka dhacay,qaar hore ayaan idiinku soo sheegay ,maantana bal kuwan ila eega:-

.

1. Xoriyadii Somalind ee 26 Juun 1960 iyo midowgii Soomaaliya 1July 1960,waxay ahayd qayb ka mid ah sababihii keenay burburka ka dhacay Soomaaliya.Marka la doonayo in ay isku biiraan laba Dowladood waxaa loo baahan yahay in ay jiraan heshiis dhexmaray,waxaa loo baahan yahay in ay jiraan wax lagu heshiiyey sidii la doonaba ha loogu heshiiyee.

Waxaa cadaan ah in 1960 shacabka iyo Siyaasiyiinta Somaliland ay ku degdegeen midowgii ay la midoobeen Soomalida kale.Waxaan marar badan maqlay ragg Siyaasiyiin ah,oo leh “waxaa Somaliland ka yimid dad ay madax martay midnimo Soomaaliyeed,wax shuruud ahna aan wadan” .Waxaan ka maqlay ragg Siyaasiyiin ah oo ku ceebaynaya Somaliland ,sidii fududayd ee ay ugu soo biireen walaalahoodii Soomaalida kale,waana ta keentay burburka ayna maanta aragno.

2. 21 Okt 1960 waxaa dhacay “Afgembi”,waxaa la dilay maalmo ka hor Madaxweynihii dalka ee la soo doortay,waxaa xukunkii lagu qabsaday hab aan hore inoo soo maran “Qori caaradii” amase xoog qofka sida uu u yaqaan.Waxaa laga leexday habkii Dimuqraatiga ahaa ee dalku ku socday.

3. Kacaankii Soomaaliya ka dhashay 21 Oktoobar 1969 ee ay hogaaminayeen kooxdii la odhan jiray “Golihii Sare ee Kacaaanka” wuxuu ahaa maamulkii dhigay aasaaskii burburka Soomaaliya ilaa maanta ka socda .

Kacaankii 21 Okt 1969,wuxuu hormuud ka ahaa arimo aan hore u soo marin Ummadda Soomaaliyeed ,waxaa ugu muhiimsanaa:-

a. Qabyaalada oo gaadhay heerkii ugu sareeyey,xilka,hantida,waxbarashada . derajada,magaca, iyo maamuskuba waxay noqday in lagu helo qabyaalad .

b. Waxaa la xalaalaystay in sidii la doonooba loo daadiyo” dhiiga shacabka,gaar ahaan kan waxgaradka Soomaaliyeed”.Waxaan si gaar ah idiin xasuusin doonaa dhacdooyin ay ka mid yihiin dilkii Saraakiil ciidan 1969,dilkii wadaadada 1975, dagaalkii 1977, xasuuqii 1978 ee gobolada dhexe,Xasuuqii iyo duqayntii Somaliland ee1988, xasuuqii Jsiira ee 1989,xasuuqii Muqdisho ee ilaa maanta socda iwm

c. 1969 Waxaa bilowday “Keli talisnimo,aan la garanayn halka ay ku dambayn doonto iyo weliba,sidii laysaga furfuri lahaaba.

d. Waxaa Kacaankii 21Okt uu dalka keenay “hanti-wadaaga –cilmiga ku dhisan”erayadaas oo aan hore looga aqoon dhulka ay Soomaaalidu ku degto,abuurayna jaahwareer badan.

ma fahansan tahay erayada ay ka mid tihiin:-

Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga- Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan-Qabriga.

Fadlan wixii talo iyo tusaale ah ,waan idinka sugayaa ee iigu soo dir emailka .

“la soco Q7aad iyo weli sababahii keenay burburka (daadintii iyo xalaaleyntii dhiiga shacabka”

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

MAXAA LOOGA DAMQAN WAAYAY QADIYADA SAYLAC

MAXAA LOOGA DAMQAN WAAYAY QADIYADA SAYLAC

qorismaxa looga danqan waayay qadiyada saylac maqaal

calamka oo dhan dhulbaa la isku haysataa iyo khayraadkiisa waxa layaab leh waxa loo ga danqan waayay bixinta xeebta saylac ee marba qayb jabuuti laga iibinayo, malaga yaaba in dadka galbeedka somalilnd intay kursi difaacayaan in reer jabuuti dhulkaba qaato oo malinta danbe lagu arko maxadawayna jabuuti oo gobalka awdal, ka dabal dagaya.waxa galbeedka somaliland ka muuqata dad keeda dad marba meel la nacsiiyo ama marba nin la nacsiiyo lakiin maha dad ka dhiidhiya xaqiiqada jirta ama wadaniyada dhabta ah wayo meeshii somaliland ama geeska afrika ugu taarikhda dheerayd xeebta saylac weeye, ilahay ha unaxariistee madaxwayne cigaal markii uu madax waynaa haa jabuuti geeska africa wax tayo leh may ahayn siyasadeeda arima africa hadana waxa ay wax kabadashaa xalada gobalka.hadii an siyasada bariga africa ee isbuquujinta badan an somaliland rag khubara ah oo denteeda wada loo dhiibin waxa la arki doonaa dowlada xamar ka jirta oo inoo hanjabta iyo ka jabuuti oo siyasad qaboow inagu qabsata, sida dhaqaala, maskaxda iyo dhulka lama taabtanka ah oo marba in ay iibsato oo loo saxeexo. waxa muuqata dhulkii saylac ee soo jireenka ahaa ee wakhtigii ilaa nabi ibraahim lagu asbeeyo, lagu qiyaaso magalada ahayd ee dad kii noomiyiintu iyo dowladi hii kadanbeeyay ahayd dhul la yaqaano baa jabuuti oo ah cadawga somaliland ee an lagala xisaabtamin shacabkii badnaa ee ay jabuuti udhiibi jirtay dowladii siyad bare 1988 walina ay joogan ragii xasuuqay shacabka somaliland ee mar uun la soo tagidoono maxakamad


baa shilimo yar laga siisanyaa dhulkii loo soo dhintay, waxa lagu qiimeeya marka qoomiyadi baa ba ayso waxa lagu gartaa waa dad shilinka caabuda oo an eegin wadaniyada taariikhda iyo sharafka , cisiga qaranimada. casimada somaliland ee hargaysa lagu ma qiimeeyo ragii soo halgamay, laguma qiimeeyo ragii tariikhda lahaa, hadii ay ragii SNM ee madax da haa ay sidaa u daa wanayaan wadanka maxay noogu direen quwadii la soo dhafay,maxay u takooreen raga hore sida cumar carte qaalib, oo doorashadii deeganka ee aynu soo dhafnay ureebeen, waxa la odhankaraa dacayadii lagu ku furay cumar carte eeahayd somaliyuu ka yimi waxay ahaayeen dadkiisa SARAKIISHII SNM baa dacayd ku furay cumarcarte qalib oo dowladii somaliya ka dhigay wax jira, ragii, sayad bare dowladiisa, 1969 la dhaqaajay ee xaga hurumarka gaadhsiiyay somaliya waxa kamida raga hargasa jooga gudoomiya xusbiga kulmiye axmed siilanyo oo ahaa wasiirkii qorshaynta somaliya kuna xidhay hayadda, calamka oo dhan,ahaana nin kii gudoomiyaa SNM ugu mudada dheere calamkana ka dhadhacshay FAKARKII SNM. halka cumarcarte qalibna dowladii soomaliya uu aduunyada oo dhan ahaa ninka la hadla, waxa kale oo magalada hargaysa jooga oo an cidna la hadlin wax kastana ka gaabsada madaxwayne ku xigeenkii somaliya ee siyad bare ahaana asasayaashii SNM janaraal ismaaciil cali abokor,yan loo arkin si kale raga qiima badan baa jiray way badan yihiin ee halkan banan ku soo koo bi karin. waxas oo dhan waxan uga jeedaa ma mantaa la garan waayay dhilkii ajaha nabiga barbara santa har gaaha lagaga saxeexanayay waxkasta oo wadaniyad khuseeya. waxan o dhan lahaa dadka reer hargaysa ee somaliland u yaqaana hargaysa uun galbeedka somaliland jabuuti baa laga iibinayaa ha la ogaado, ma soo qaadanyo gabaygii nin kii reer caynaba ee ina cali fadal tirshay oo gabaygaa cidgaara uma tirin ee waxa uu u tirshay waxa galbeed hargasa ka xiga ilaa awdal. (irbad dhuub magalisaan afkuna waa idin dheeryahay) raga bariga somaliland caya bal dhulkaa ha badbadsheen. waxan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan ragii geeska africa siyasad la ciyaari laha lama qiimeeyo hada wabilahi towfiiq

by saleebaan mohamud dhiidhi(dhagawayne)

CIIDAMADA PUNTLAND OO SOO BANDHIGAY BURCAD BADEED AY QABTEEN IYO QALABKOODII.(SAWIRO)

CIIDAMADA PUNTLAND OO SOO BANDHIGAY BURCAD BADEED AY QABTEEN IYO QALABKOODII.(SAWIRO)

Taliska Ciidanka gobolka Bari ayaa maanta soo bandhigay agab ay Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida isticmaalaan marki ay weeraro ku qaadayaan maraakiibta goosheeya Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari Cismaan Xassan Cawke “Afdaloow” ayaa Saxaafada u soo bandhigay qalab ay dhowaan soo qabqabteen Ciidanka amaanka ee Magaalada Bosaaso kuwaas oo ay ka soo qabteen rag ay ku eedeyeen in ay ahaayeen Burcad Badeed damacsanaa in ay weerar qaadaan oo ay ka baxaan meel u dhow xeebaha Bosaaso.

Agabkaas ayaa lagu soo bandhigay dekada Magaalada Bosaaso,waxaana ay isugu jireen hubka noocyadiisa kala duwan iyado ay ku weheliyeen Matoorada kala duwan ee laashahka iyo caagado fara badan oo ay ku jireen shidaal.

Intaa ka dib Taliyaha ayaa Shir Jira’id gudaha dekada Magaalada Bosaaso ugu qabtay Saxaafada,wuxuuna sheegay in ay caalamka tusayaan in Dowlada Puntland ay qabqabato Burcad Badeeda ka qowlaysta Xeebaha Soomaaliya iyo agabkooda,iyadoo u tibaaxay marki la qabto ay maxkamadeyaan.

Waxaana Shirka Jira’id ka dib Saxaafada la geeyey Xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso halkaas oo ay ku xiranyihin maxaabiis kala duwan kuwaas oo loo soo qab qabtay falal kala duwan oo ka dhacay Magaalada Bosaaso iyo hareeraha gobolka Bari.

Waxaana u Taliyuhu u si gaar ah u tusay saxaafada Burcad Badeedi ay soo qab qabteen Ciidanka amaanka ee Bosaaso iyo kuwa ay soo qabteen Ciidanka Badda ee Faransiiska oo ku soo wareejiyey Dowlada Puntland.

Raga lagu eedeyey in ay yihin Burcad Badeed ayaa waxaa u Taliyuhu sheegay in ay xeebaha Soomaaliya ka geysan rabeen fal afduub ah oo ay qafaalan rabeen maraakiibta goosheeya halkaas.

Waxaana saxaafada loo ogolaaday in ay waraysteen raga Burcad Badeeda ah lagu eedeyey oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee magaalada Bosaaso,waxaana ay saxaafadu weydiisay Su’aalo la xirrira qaabka loo soo qabqabtay,iyo in ay ku jireen falal Burcad Badeednimo marki la qabanaayay.

C/risaaq Cali waxaa u ka mid yahay raga lagu eedeyey in ay yihin Burcad Badeed oo rabay in ay qafaashaan Maraakiibta goosheeya xeebaha Soomaaliya,wuxuuna uu saxaafada u sheegay in Ciidanka Badda ee Faransiiska ay qabteen xilli u rabay in u qafaasho markab goosheeyey meel u dhow Xeebaha Soomaaliya.

Bandhigistaan Qalabkaan ay soo bandhigeen Taliska Ciidanka Booliska gobolka Bari ayaa waxaa ujeedkiisa ahaa in Beesha Caalamka la tuso in Dowlada Puntland ay qab qabato Burcad Badeeda Soomaalida,iyadoo marki hore lagu eedeyey in aysan wax ka qabanin kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka duula xeebaha qaar ka mid ah degaanada Puntland.

Dhowaan ayay ahayd marki Saraakil ka socota Gaashanbuurta NATO ay duleedka dekada Magaalada Bosaaso kula kulmeen Saraakil ka socotay Dowlada Puntland,waxaana ay ka wada hadleen ayna ku heshiyeen in ay isaga kaashadaan howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

hub budhcad la qabtay

Bashe Maxamed

XOGHAYAHA DHAQAALAHA EE XISBIGA KULMIYE MD ISKEERSE OO XUKUUMADA UGU BAAQAY IN AY DHINTO CASHUURTA MARSADA BERBERA.

XOGHAYAHA DHAQAALAHA EE XISBIGA KULMIYE MD ISKEERSE OO XUKUUMADA UGU BAAQAY IN AY DHINTO CASHUURTA MARSADA BERBERA.

Xoghayaha Dhaqaalaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Cabdi Iskeerse, ayaa ugu baaqay xukuumada Somaliland inay dhinto lacagta cashuurta ah ee laga qaado xoolaha ka dhoofa marsada Berbera, si ay ganacsatada xoolaha dhuufisaa ay ugu so oxidhanto dekedasi.

MudaneMaxamed Cabdi Iskeerseoo u waramaayey televesionka madaxabanaan ee SLSC waxa uu sheegay in neefka adhiga ah laga qaado 10 doller lacag ka badan taasi ay caqabad ku noqonayso dhaqdhaqadii dekada Berbera, taasina ay sabanayso in ganacsatadii wax ka dhoofsan lahayd aanay si sahalan ugu soo dhiiran dekedaasi.

Maxamed Cabdi Ikeerse, waxa uu sheegay in dekedaha jaarka la ah Somaliland laga qaado neefkiiba wax ka yar laba doollar, sidaas daraadeeddna looga fadhiyo xukuumadda Somaliland inay dhinto qiimahaas, si loo soo dhaweeyo ganacsatada reer Somaliland ee danaynaya dhoofka xoolaha, si buu yidhi loola tartamo dekedaha jaarkeena.

Warqabadka Togaherer

Hargaysa

XILDHIBAAN DUUR OO DIFAACAY KA QAYB GALKOODII SHIRKII JABAABUUTI EE LAGU EEDEEYEY TAGITAANKIISA.

XILDHIBAAN DUUR OO DIFAACAY KA QAYB GALKOODII SHIRKII JABAABUUTI EE LAGU EEDEEYEY TAGITAANKIISA.

Xidhbaan Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka mid ahaa 9 xildhibaan ee ka kala tirsan golaha wakilada iyo ka duqaytida Somaliland ayaa sheegay in in eedaa loo soo jeediyey xildhibaanadii ka qayb galay shirkii ka dhacay dalka Jabuuti ee ay isugu yimaadeen dadka afkasomaliga ku hadla shirkaas oo lagaga hadlayay xakamayta iyo sidii shuuruuc looga samayn sanlahaa cudurka xun ee dilaaga ah ee HIV/AIDS uu ahaa mid dadka fikir qaladn looga dhaadhicnaayey .

Xildhbaan Duur oo maanta shir jaraaid ku qabtay aqlka baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in uu shirkaasi ahaa mid umadweynta afka Soomaliga ku hadashaa ay ka soo qayb gashay ee aanuu ahayn sida ay u sheegeen xubnihii gudi hoosaadka joogtada ah ee golaha wakiiladu taas oo ay ku sheegeen in uu aha shirkani mid lagu mija xaabinaayey jiritaanka Somaliland loogana dhigaayey Gobolka ka mid ah Somalia taas oo ay ku sheegeen in uu ay ka soo qayb galayeen Puntland , Somaliland , Somalia, waxaanuu sheegay in shirka ay ku casuumeen hayada UNDP sidaas ayaanaanu kaga qayb galnay anaga oo ah Somaliland ee aan ahayn gonolka ma kid ah Somalia.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in maadama ay yihiin gole sharci dajineed ay shirka uga qayb galeen sidii ay sharciyadaa loo samaynaayo xakmaunta xanuunkaa dilaaga ah , sidoo kale waxa uu intaasi ku sii daray in aanay wax siyaasada haba yaraateee ku lug lahayn shirkani , sidaa awgeed waxaa uuu yidhi waxaan dadka u sheegayaa in aan madaxbanaanida Somaliland koox ama shaqsiyaad midna leexin karin ee ay ku xidhan tahay oo kaliya shabiga Somaliland.

Sidoo kale waxa uu xildhbaanku shirkiisaa jaraadi ku sheegay in ay khibrado badan ka soo faaideen kulanaas loona bahan yahay in aynu inana waxa ka qabano xakamaynta xanuukaas maadama aynu leenahay ayuu yidhi xuduudo furan, waxaa ugu damabayntii sheegay in xubnihii soo jeedjiyey in la anashax mariyo xubinii ka qaybta galay shirkaas aanay waxba ka jirin . taas oo uu sheegay in khiyaamadaa qaran ee la sheegayo ee la leeyahayw ay galen in aanaanu galin .

Warqabadka Togaherer

Hargaysa

MR GABOOSE OO TALOOYIN U SOO JEEDIYE XUBNAHA KOMISHANKA CUSUB.

MR GABOOSE OO TALOOYIN U SOO JEEDIYE XUBNAHA KOMISHANKA CUSUB.

Gudoomiyaha Ololaha Gobolada Bariga Ee Xisbiga Kulmiye Dr. Max’ed Cabdi Gaboose ayaa maanta shir jaraa’id oo ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargaysa ayuu dardaaran u jeediyay koomishanka cusub isagoo uga digay inaanay marin jidkii koomishankii hore ee iyagu ku

Shirkaa Jaraa;id oo dhamays tirnaa ayaa u dhignaa sidan:-

Tiirarka ay ku taagan tahay dimuqoraadiyada waxaa kamida inuu hogaanka dalku uu ku yimaado doorasho dadweynaha ah, xilkana uu hayo mudo ku cayiman dastuurka dalkaas, waqtigaas oo aan sinab loo dhaafi Karin duruufo aafooyin oo si baahsan u asiiba dalkaas mooyaane.

Inkasta oo aneyn xaalad adag oo garawsiyo mudan la soo darsin dalkeena, hadana doorashadii madaxtooyada dhowrjeer ayay dib u dhacday taas oo abuurtay xasarad siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne oo sababay inuu dhiig ku qubto wadooyinka caasimada Hargeysa.

Arintaas waxey ku keentay dib u dhac sumcadii wacneyd ee ay soomaaliland ku dhex laheyd bulshada caalamka, niyad jabna ku abuurtay saaxiibada u ololeya ictiraafka soomaaliland.

Hadaba wuxuu kumishinku u taagan yahay rajadii u danbeysay ee furdaaminta arimaha doorashada ee cakiran. Soomaliland waxey mareysaa mar xalad xasaasi ah; doorashadaan oo ku dhacda si xur iyo xalala ah iyo nabad gelyo, waxey u horseedi kartaa soomaliland iney qadarin kaga muteysato bulshada caalamka taas oo u soo jiidi karta ictiraafka ay aad ugu ooman taahay soomaliland.

Sidaa awgeed xubnaha komishinka waa iney maanka ku hayaan mu hiimada xilka culus ee ay dhabarka u riteen waxaana si xushmad ku dheehan tahay kula talinayaa :-

1) Iney si joogta ah u dhiira geliyaan isku kalsoonaanta xubnaha dhaxdooda ah, wada shaqeyn tooduna ay noqoto mid wada wadreed ( team work) oo ku dhisan is qancin iyo isku tanaasul ayagoo ku wajahan arimaha daacadnimada iyo dhex-dhexaadnimada ay ku wada dhaarteen.

2) Iney u wada arkaan hogaamada xisbiyada ee tar tamaya, iney yihiin sadex musharax oo kuleh agtooda ku leh xuquuq siman, garsoorka ugu sareya arimaha doorashada.

3) Iney had iyo jer, si daah furan ula shaqeeyaan xog is weedaarsi iyo wada tashi u dhaxeeya iyaga iyo madaxda sadexda xisbi qaran, kun abaraarujiyaan, iney wada xurmeeyaan heshiisyada dhex mara, sida xeerka anshaxa ( Code of conduct), diiwaangelinta IWM.

4) Iney ka fogaadaan dhaameelka iyo wax isdabamarinta xisaabaadka hantida doorashada, iyagoo yaqiinsan inuu musq-maasuqa yahay xanuuka ugu xun ee ku dhaca damiirka ruuxa, keenana qofku inuu noqdo mid liita oo bax dilan.

5) Iney la socodsiiyaan dadwynaha halka ay mareyso howshooda, waxa u qabsoomaya iyo wax u dhiman uguna gudbiyaan warbaahinta si joogta ah howlaha doorashad iyo qeybta ay bulshada ku leedahay habsami u socodka.

6) Iney tababar wacyi-gelineed u furaan dhamaan mus’uuliyiinta qaranka ee gobolada dalka sida gudoomiyaasha, gobolada madaxda deegaanada, ciidamada iwm si loogu iftiimiyo kaalintooda dhex-dhexaadnimo iyo tan nabad gelyaba.

7) Iney fahmaan hab dhaqankii iyo arqaladihii ka hor yimid komishinkii kooda ka horeeyay kana feejignaadaan wixii ay ku jabeen kuwii ka horeeyay.

8) Iney kulan wada tashi la yeeshaan xubnihii komishinkii ugu horeeyay e soomaalilamd ee ii hogaaminaye Mr. CADAMI, oo ay waayo aragnimo ka kororsadaan sidii ay u daadihiyeen doorashadii tan lamidka aheyd ee ay dalka ka soo gudbiyeen.

9) Iney xog ogaal u noqdaan habkii loo maamulay doorashadii madaxtooyada ee KENYA ee kal hore ee sababtay geeri badan ( 1300 qof) iyo barakac baaxad leh, khalkhalna gelisay qaranimadii dalkaas, taasoo tusaalo xun oo aan la mahadin inoogu filan.

10) Iney xiriir dhaw oo wada shaqeen ku dhisan iyo is xurmeen la yeeshaan qubarada iyo wakiilada dalalka deeqbixiyayaasha ee naga taaguleenaya habsami u socodka doorashada lagana feejignaado cawaaqib xumo ka dhalan karta inuu soo noqdo mar kale jewigii dhiilada lahaa ee dhex yaalay komishinkii hore iyo hay’ada interpeace.

Waxaa hubaal ah iney kumishinku horyaalaan duruufo qalafsan iyo jewi dulqaadkii iyo isku tanaasulkii sii gabaabsi yahay, waqtiguna yahay cadawgooda, damaaciguna indhaha tiri karo raga qaarkii.

Waa marxalad taariiq u ah naftooda (komishinka) dadkooda iyo dalkoodaba oo ay is garab yaalaan qodobo iyo eex guntoodu tahay gunnimo, am xaqsoor iyo geesinimo guntoodu tahay Guul iyo Gobonimo.

BARAARUGA DADKAYGOOW..

BARAARUGA DADKAYGOOW..

BARAARUGA DADKAYGOOW..

tan iyo laga soo bilaabo sanadku markuu ahaa 1991 kadib markay saomalilnd heshay dibna ula soo noqotay madaxbanaanideeda ayaa waxa jira dadbadan oo markay maqlaan magaca SOMALILAND ama uu dhegahooda ku soo dhaco aad uga xumaada si kululna uu mudo uga guuxo arinkan mudo qalbigooda isla markaana u taagan marwalba iyo wakhti kasta siday u burburin lahaa yeen una baabi’in lahaayeen jiraataanka iyo midnimada hagarla;aaneed ee iyo NABADA ay haysato soamliland kuna naaloonayaan

kuwaasi oo raba si kastoo ay ahaataba wax kastoo ay ku qaadataba inay is hortaagaan hanaanka geedi socod iyo hana qaadka dowladnimo ee jamhuuriyadda somaliland horumarkeeda iyo madaxbanaanida somaliland kuwaasi oo halgan adag ugu jira siday u kala furfurilahaayeen umada bahawday ee ku bahawday ereyga iyo calanka (somaliland) iyo dhamaan ba inta jecel dadnimadooda ……… kuwaasi oo ah qaar awoodi waayay inay gaadhaan ama ay u dhawaadaan heerka aynu gaadhnay iyo nabada aynu heysano maanta oo awoodi waayay mudo 20 sano inay ah inay isu yimaadaan oo intay is fahan abuuraan maruun isu tanaasulaan inay abuuraan marqudha wax la yidhaahdo dowlad iyo kala danbayn markaasina mqruurnimada ugu wayn ee maanta haysata ay tahay siday dadka reer somaliland o qayrkeen ahi u gaadhaan heerka ?…….siday nabad u haystaan ?mayaynu ku guulaysan waynay inay ka dhigno sideena ?? runtii su aalahaa iyo qaarkale o badani waa kuwa ay is waydiinayaan cadowgeen a dhabta ah ……… oo ah somalia hadaan in dhaha layska ridayn…………..

hadaba waa maxay waajibaadka u yaalla somaliland shacabkeeda dareenka wadani nimo da leh?……….mase ogyahiin oo madareensanyiin hadafyada iyo ficilada xun xun ee uu rabo inuu ku fushado si uu iyaga wax u yeelo isla iyaga??

waa ianynu ogaanaaa kuna baraarugsanaanaa marwalba cadowgeena oo aynu la soconaa talaabo kasta oo aynu qaadayno maxuu ka faa’idi karaan nacabkeenu

guntii iyo gunaanadkii waxa jecelhay inaan idhaahdo shacabkayga sharafta leh hal kelmad oooo ah BARAARUGA ogaadan inuu nacabkiinu aanu marna ka daalayn xumaantiina oo uu marwalba wado waxuu idinku xumeeyo

waad mahadsantiin……..


writted by daahir ismaaciil warsame (suldaan)
email:suldaandaahir1991@hotmail.com
mobile:0025224326004

burao somaliland

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 14 AAD XAQSOORKA IYO CADAALADA

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 14 AAD XAQSOORKA IYO CADAALADA

ADUUNKAAsalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxan salaantaa Islaamka ee Qaaliga ah u diraya Shebekadda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda.

Adduunka ama Kownka(Qaybtii 14aad)

Xaqsoorka iyo Caddaaladda

Xaqsoorka ama caddaaladdu waa tiirka nolosha,waana halka ay ka bilaabanto nabadda iyo horumarku,waa dhimbiil qaadashada sinnaanta iyo eex la’aanta,waana dareenka dhabta ah ee ka marag kacaya shakhsiyadda iyo qofnimada wanaagsan.

Caadil waa magac ka mid ah magacyada Illaahay oo sheegaya in sifooyinka Alle ay ka mid tahay caddaaladdu,Alle subxaana watacaalaa waa caadil aan cidna dulmiyin:

وما ربك بظلام للعبيد {فصلت}

Aayadda:Rabbigaa ma aha mid dulmiya Addoomada(dadka)

Alle cidna ma dulmiyo ee dadku iyagaa naftooda dulmiya:

فما كان الله ليظلمهم ولكن كانوا أنفسهم يظلمون(الرّوم)

Aayadda:Alle ma aha mid dulmiyaya laakiin iyaga ayaa naftooda dulmiyaya.

Xadiisul quddus ayaa Illaahay ku sheegayaa in dulmiga uu naftiisa ka xarrimay,oo dadkana sidoo kale ka xarrimay oo ay ka dheeraadaan dulmiga oo aanay cidna dulmiyin:

الحديث القدسي: “يا عبادي إني حرمت الظلم على نفسي، وجعلته بينكم محرمًا فلا تظالموا”. (رواه مسلم)

Xadiiska:Addoomadaydow naftayda waan ka xarrimay dulmiga,oo dhexdiinnana waxan ka dhigay dumiga mid xarriman,ee ha is dulmina.

Alle subxaana watacaalaa waa caadil u xaq soora Addoomihiisa,oo qof kasta siiya abaalkiisa oo buuxa iyadoo dhibic wax le’eg laga dhimin:

ومن يعمل من الصّالحات من ذكر أو أُنثي وهو مؤمن فأُولئك يدخلون الجنّة ولا يظلمون نقيراً(النساء)

Aayadda:qofkii sameeya camal saalix ah oo wanaagsan isagoo muslin ah,Lab iyo Dheddig kuu doono ha ahaadee,kuwaasi waxay gelayaan Jannada iyadoo aan waxyar laga dulmiyaynin.

Qofku samaan iyo xumo wuxuu sameeyo abaalkeeda ayuu helayaa,maadaama oo loo sheegay xaqa iyo waddada saxa ah iyo ta khaladka ah,loona sheegay inuu ta xaqa ah raaco oo khayrka doorto:

وجزاء سيّئة سيّئة مثلها فمن عفا وأصلح فأجره على الله إنّ الله لا يحب الظالمين(الشورى)

Aayadda:Jasaa’iga iyo abaalka xumuhu waa xume la mid ah,qofka cafis iyo heshiis sameeya Alle xaggiisa ayuu ajar ku leeyahay,Alle ma jecla kuwa wax dulma.

Alle isagaa korreeyee qofna waxaanu samayn kuma ciqaabo,ee qof kasta waxa uu sameeyo ayuunbuu helayaa abaalkeeda:

وَأَن لَّيْسَ لِلإنسَانِ إِلاَّ مَا سَعَى وَأَنَّ سَعْيَهُ سَوْفَ يُرَى ثُمَّ يُجْزَاهُ الْجَزَاء الأَوْفَى (النجم)

Aayadda:Insaanku wuxu sameeyo oo camalkeeda la yimaado mooyee waxkale lama waydiinayo,oo wuxu shaqaystay wuu arkayaa oo waa laga abaalinayaa,abaalmarin buuxda.

ولكلّ درجات مّمّا عملوا وليوفّيهم أعمالهم وهم لا يظلمون(ألأحقاف)

Aayadda: qof kasta derejadiisu waa wuxuu shaqaystay,oo waa loo oofinayaa shaqadiisa iyadoo aan la dulmin.

فمن يعمل مثقال ذرّة خيراً يره ومن يعمل مثقال ذرّة شرّاً يره(الزلزلة)

Aayadda:kii sameeyaa wax aad u yar oo khayr ah wuu arkayaa oo helayaa,kii isna sameeya wax yar oo shar ahi wuu arkayaa oo wuu helayaa.

Caddaaladda ama xaqsoorku waa siinta qof kasta xaqiisa,iyadoo aanad waxba ka nusqaamin,xaqiisu ama ha ahaadeen maal ama xidhiidhka dhaqameed ee uu waajibka u leeyahay,in ixtiraamkiisa iyo qadderinta uu mudan yahay qof kasta la siiyo,waa khalad in qof ama dad qof ka badanba inaad xaqooda duudsido oo dulmi ku samayso, sida inaad meel kaga dhacdo,ama wax aanu u qalmin ku tidhaahdo ama ku samayso, sidoo kale waxa caddaalad darro ah eexda iyo qaraaba kiilka oo ah cudurrada dhaqameed ee faraha ba’an innagu haya,qofka waxad ugu hiilin kartaa khayrka iyo xaqa,laakiin xaq darro uguma hiilin kartid waa dulmi iyo xaqsor la’aan,oo waxay ku geyaysiinaysaa wax Alle xarrimay inaad samayso,oo denbi ka kasbato,qof kasta oo muslin ah,waa inuu ogaadaa in qofkii xaqa iyo cabsida Alle ku sugan qudha ay wadaagaan walaaltinimo dhab ah,ee aanu ahay kay is Aabbe xigaan,haddaanu taas ku dhaqminna waa xaqsoor la’aan iyo caddaalad darro,uu ku saleeyey doorashadiisa.

ياأيها الذين ءامنوا كونوا قوامين بالقسط شهدآء لله ولو على أنفسكم أو الوالدين والأقربين إن يكن غنياً أو فغيراً فالله أولى بهما فلا تتّبعوا الهوى أن تعدلواً(النساء)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow ahaada kuwo ku qumma oo sameeya xaqsoorka,oo Alle dartii taas uga marag kaca,haba ahaato nafihiinna,ama waalidiinta,ama dadka qaraabada ah,qofku ama taajir wax haysta ha ahaado,ama mid faqiir ah ha ahaadee u xaqsoor Alle ayaa amarkiisu mudan yahay,ee ha ka raacina hawadiina inaad caddaalad samaysaan.

Waxa Alle u soo diray Rususha oo Kitaabka u soo dejiyey in caddaalad iyo xaqsoor la sameeyo:

لقد أرسلنا رسلنا بالبينات وأنزلنا معهم الكتاب والميزان ليقوم الناس بالقسط (الحديد)

Aayadda:xaqiiqa’e waxannu dirnay Rususha iyadoo bayinaad iyo Aayado cadcad ay wataan,oo waxannu u soo dejinnay Kitaab iyo Miisaan si ay dadka ugu caddaalad sameeyaan.

Waxa Alle Ummadda faray inay xaqsoor iyo caddaalad sameeyaan,wax kasta oo ay fulinayaan,oo aanay ku dhaqanka iyo samaynta xaqsoorka aanay raad ku yeelan wax kale,sida colaad aad cid u hayso ama nebcaansho iyo wixii la mid ah,laakiin amarka Eebbe aad raacdo oo faraya caddaaladda iyo xaqsoorka.

(يا أيها الذين آمنوا كونوا قوامين لله شهداء بالقسط ولو على أنفسكم و لا يجرمنكم شنآن قوم على ألا تعدلوا اعدلوا هو أقرب للتقوى واتقوا الله إن الله خبير بما تعملون) (سورة المائدة)

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow noqda kuwo u xaqsoora dar Illaahay,oo caddaaladda ooga oo ka marag kaca,haba ahaato nafihiinna’e,yaanayna idinku qaadin oo idinku kellifin cadaawad aad cid u qabtaan in aydinaan caddaalad falin,sameeya caddaalad isagaa u dhow cabsida Eebbe’e,oo ka baqa Alle,Isagu waxad samaynaysaan wuxu u yahay khabiire.

Waxyaalaha dadku inta badan aanay xaqsoorka ka samayn,waxa ka mid ah miisaanka, oo dad fara badani dhimaan,taas oo khilaafaysa amarka Eebbe ee ah in xaqsoor iyo caddaalad la sameeyo oo dulmiga laga dheeraado:

ويلٌ للمطفّفين الّذين إذا اكتالوا على النّاس يستوفون وإذا كالوهم أو وّزنوهم يخسرون ألا يظنّ أولئك أنّهم مبعوثون ليوم العظيم يوم يقوم النّاس لربّ العالمين(المطفّفين)

Aayadda: waxa halaag u sugnaaday kuwa mudafifiinta ah ee hadday wax miisamayan iyagu badsada miisaanka,hadday cid u miisaamayaanna yareeya oo naaqusa,miyaanay u malaynaynin kuwaasi in la soo saari doono,maalinta weyn,ee dadku Alle hor taagan yihiin.

Alle subxaana watacaalaa wuxu amrayaa Ummaddoo dhan inay xaqsor iyo caddaalad ku dhaqmaan,qowl iyo camalba,dad baa hadallo gef ah yidhaahda,ama gabay iyo hees ama sheeko iyo kaftan,ama warbixinba,qaabkay doonto ha ahaatee,waxa lagama maarmaan ah in qofku aanu dulmi samayn oo hadalkiisu xaqsoor xambaarsanaado:

…واذا قلتم فاعدلوا ولو كان ذا قربي وبعهد الله اوفوا ذالكم وصاكم به لعلكم تذكرون (الانعام)

Aayadda:haddii aad hadal tidhaahdaan cadli sameeya( oo weedhunnu ha ahaato mid xaqsoor leh) haba ahaado qofka aad la hadlaysaan qaraabadiinna oofiya cahdiga iyo ballanta Alle,sidaa ayaa la idiin dardaarmaye,waxa la arkaa inaad waano qaadataane.

Todobada qof ee Alle u hadhaynayo hadhkiisa maalinta aan hadh kale jirin,hadhkiisa mooyee,waxa ka mid ah Iimaanka(boqorka ama hoggaamiyaha)caadilka ah:

قال صلى الله عليه وسلم : “سبعة يظلهم الله في ظله، يوم لا ظل إلا ظله: إمام العادل…

Xadiiska:Rasuulku wuxu yidhi Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee:Todoba Alle ayaa u hadhaynaya hadhkiisa,maalin aan hadh kale jirin,hadhkiisa mooyee:Iimaanka caadilka ah…

وقال صلى الله عليه وسلم : “إن أحب الناس إلى الله يوم القيامة وأقربهم منه مجلسًا إمام عادل، وإن أبغض الناس إلى الله يوم القيامة وأشدهم عذابًا إمام جائر”. (الترمذي)

Xadiiska:dadka waxa Alle ugu jecel yahay yowmal qiyaamaha oo ugu dhow Iimaanka caadilka ah,waxana Alle ugu cadho badan yahay yowmul qiyaamaa oo cadaabkiisu ugu kulul yahay Iimaamka(Hoggaamiyaha) dulmiga badan.

Waxa Illaahay dadka farayaa mar kasta inay caddaalad iyo ixsaan sameeyaan,waxana Alle amrayaa dadka inay ka dheeraadaan xumaha iyo waxa aan wanaagsanayn:

إن الله يأمر بالعدل والإحسان وإيتاء ذي القربى وينهى عن الفحشاء والمنكر والبغي يعظكم لعلكم تذكرون(النحل)

Aayadda:Alle wuxu amrayaa in la sameeyo caddaalad iyo ixsaan oo dadka ehelka ah la xidhiidhiyo,waxanu Alle reebayaa oo diidayaa in xumaha iyo munkarka iyo xadgudubka la sameeyo,Alle wuu idiin yaboohayaa oo idiin yeedhayaa waxa la arkaa inaad waano qaadataane.

Waxa Alle ina farayaa in haddii aynu wax xukunno ama u garnaqno aynu xaqsoor iyo caddaalad samayno:

إن الله يأمركم أن تؤدوا الأمانات إلى أهلها وإذا حكمتم بين الناس أن تحكموا بالعدل (النساء)

Aayadda:Alle wuxu idin amrayaa in aad Amaanooyinka ehelkooda u celisaan,oo haddii aad dadka kala xukuntaan ama u kala garnaqdaan,waa inaad caddaalad ku xukuntaan.

Diinta Islaamku waxay ina baraysaa sida iyo nidaamka loola dhaqmayo,hadday laba kooxood ama qabiil oo muslin ahi islaayaan:

وإن طائفتان من المؤمنين اقتتلوا فأصلحوا بينهما فإن بغت إحداهما على الأخرى فقاتلوا التي تبغي حتى تفيء إلى أمر الله فإن فاءت فأصلحوا بينهما بالعدل وأقسطوا إن الله يحب المقسطين (الحجرات)

Aayadda:haddii laba kooxood oo Muminiinta ka mid ahi,is laayaan,heshisiiya oo haddii kooxi diiddo heshiiska,la dagaalama ilaa ay amarka Illaahay u soo noqonayso,hadday soo noqoto si caddaalad u heshiisiiya,oo xaqsoor sameeya,Alle waa jecel yahay kuwa sameeya xaqsoorka.

Ummadda Soomaaliyeed oo ah Ummad wada Muslin ah waxa dhaqankooda aad ka helaysaa caddaaladda iyo xaqsoorka siday u qiimeeyaan oo u ilaaliyaan,Maahmaah ayaa tidhaahda:Illaahow eex ha nagaga tegin aqoon darrona ha nagu cadaabin,taas oo kuu caddaynaysa sida dadkani eexda ugu arkayeen wax aan haba yaraatee la aqbali karin oo Alle ka dalbayaan in uu ku qaado denbiga abaalkiisa hadday eex sameeyaan, laakiin haddii ay si aqoon la’aan ah oo aan u kas ahayn ay wax u sameyaan in Alle u dhaafo,oo aanu ku cadaabin.

Bulshada qof kasta oo ka mid ahi wuxu ku aaddan yahay door ay waajib ku tahay in uu uga soo dhalaalo si caddaalad ah,oo xilkasnimo iyo masuulnimo leh:

قال رسول الله صلى اللّه عليه وسلم” كلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته فالإمام راع و مسئول عن رعيته والمرأة راعية في بيت زوجها و مسئولة عن رعيتها والخادم راع في مال سيده و مسئول عن رعيته فكلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته”

Xadiiska:Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi kulligiin waxa tihiin masuul waxanad ka masuul tihiin waxa la idin raaciyey ee mas’uulka la idiinka dhigay,Iimaamku waa masuul waxanu masuul ka yahay Ummadda la raaciyey,Haweenaydu waa mas’uul waxanay ka masuul tahay,guriga ninkeeda oo la weydiinayaa,Khaadimkuna waa masuul oo maalka iyo xoolaha sayidkiisa(kuu u shaqeeyo)ayuu masuul ka yahay oo la weydiinayaa, kulligiin waxad tihiin masuul waana laydin weydiinayaa waxaad masuulka ka tihiin.

Caaddil weeye Eebboo

Cid kastaba xaqsoorkiyo

Camalkiisa siiyee

Caddaalad in la sameeyana

Casiis baa amraayoo

Caado inay ahaatoo

Codka hadalkad odhanay

Camalkaad samaynay

Ceebaha ka dhawrtoo

Colaad kaad u haysona

Cadka iyo xaqsoorkii

Cidhif hawga leexine

Caddaaladdu sinnaan iyo

Cabsi Eebbe weeyaan

Cibaadada Illaahay

Cabsidiyo adeecidda

Cidda laga helaayaa

Ceelkii Jannada iyo

Cisi bay ku noolaan

Caasi kii la yimi ee

Canaadkiisu badan yee

Cadiigsiga jeclaystee

Cadha Eebbe galabsada

Cadaabkaa abaal u ah

Cadka iyo lafaha iyo

Cunto intay ka dhigatay

Cammuuddaa ka yeelay

Cusayb kalaa la saariye

Celcelintaa ayaa hurran

Caddaan weeye amarkuye

Casiisow na nabadgeli

Caadilow na samabixi

Carafkii Jannada iyo

Cuddoonkii fardawsaad

Casumaadda nagu sii

Cimri aan gaboobayn

Cunto aan dhamaanayn

Cabbitaanka noocyada

Cayncaynka dalabbada

Caddaaladdaada nagu sii

Alle waxan ka baryaynaa inuu innaga dhigo ku caddaalad iyo xaqsoor ku dhaqma oo dulmiga ka dheeraada.

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w

HAMBALYO IYO TAAGEERO KU SOCOTA KOMISHANKA CUSUB(K.D.Q.) SOMALILAND

HAMBALYO IYO TAAGEERO KU SOCOTA KOMISHANKA CUSUB(K.D.Q.) SOMALILAND

UNUGA WADANIYADA

Somaliland Unugga

Nationalism Wadaniyadda

Cell Somaliland

Your browser may not support display of this image. Your browser may not support display of this image.

Contact Phone Number: +2522-4418277/4115187/4415099

Telcom 65331376- Bahsane Building Third-floor , Hargeisa Somaliland.

Ref: SNC.38/10/Nov/09 10/11/2009
HAMBALYO IYO TAAGEERO KU SOCOTA KOMISHANKA CUSUB(K.D.Q.) SOMALILAND

Anagoo ah Unugga Wadaniyada Somaliliand (Somaliland Nationalism Cell ) Oo ah unug ay ku bahoobeen qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadaha dalka kana shaqeeya wadaniyadda,nabadgalyada midnimada , wadajirka iyo iskaashiga muwaadiniinta waxanu soodha-waynaynaa Kommishan ka Dorashooyinka Qaranka Somaliland waxanu ugu ducaynaynaa inuu illaahay hawsha culus ee loo igmaday uu u fududeeyo doorashaduna inoogu dhacdo cadaalad.

Dhamaanba Muwaadiniinta sharafta leh, haday noqoto Dawlada, Xisbiyada Qaranka,Ganacsatada, Culimo Awdiinka, Salaadiinta, Ardayda, Aqoonyahanka iyo Dhamaanba Shacabka Reer Somaliland waxaanu ka codsanaynaa in la soo-dhaweeyo oo lala shaqeeyo kommishanka cusub si loo helo midnimo, iskaashi, wadajir, kalsooni isla markaasna loo helo doorasho xor iyo xalaal inoogu dhacda oo lagu wada farxo.

Waa in aan iska kaashanaa , oo aan kawada shaqaynaa danta guud ee dalkeena iyo ta horumarineed ee bulshadeena ,ugana tagnaa ubadkeena dhaxal qiimo leh oo ay ku intifaacsadaan.

Ogsoonow muwaadin , waxa aynu qiimo ku leenahay wada jir , iskaashi ,iyo ilaalinta ammaanka qarankeena . Taas oo hormood ay u noqon karaan dhaliyarta reer Somaliland .

Ugu dambayn waxanu leenahay komishanka cusub hambalyo hambalyo allena waxan ka baryaynaa inuu xaqqa waafajiyo. Dhamaanba Ardayda Jamacadaha dalku waxay taageero hiil iyo hooba ah la garab tagan yihin Kommishanka Dorashooyinka Qaranka Somaliland.

Saxeexa G/ ku xigeenka Unugga Wadaniyadda Somaliland

Khadar A/rehman A/lahi___________________

ALLAA MAHAD LEH

GUDIDA DOORASHADA SOMALILAND OO SHAACIYAY IN AY HAWSHOODII GUDA GALEEN

GUDIDA DOORASHADA SOMALILAND OO SHAACIYAY IN AY HAWSHOODII GUDA GALEEN

gudoomiyaha doorashooyinkaGudoomiyaha cusub ee gudiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yusuf Xaaji Maxamed ayaa shaaca ka qaaday maanta inay hawshoodii diyaarinta doorashada guda galeen.

Guddoomiyaha oo wareysigii ugu horreeyay ee uu siiyo saxaafadda siiyay BBC, wuxuu sheegay inay bilaabeen la kulanka iyo dhegeysiga xisbiyada ku tartamaya doorashada.

Wuxuu sheegay in hawsha doorashada oo ku xiran sixitaanka diiwaangelinta ay dersayaan iyagu kadibna la kaashanaya sidii ballanku ahaa deeq bixiyaasha.

Wuxuu kaloo sheegay inay dersayaan wixii khaldamay ee diiwaangelinta oo kulamo la yeesheen la taliyaashii xagga diiwaangelinta ee Soomaalida ahaa.

Guddoomiyaha oo aannu weydiinay goorta ay imanayaan khubaradii shisheeye
ee sixitaanka diiwaangelinta wuxuu caddeeyay inay xiriiri yeesheen deeq bixiyaasha oo ay isla garteen inay dhakhso u kulmaan.

Wuxuu sheegay in toddobada xubnood isku duubanyihiin oo iska ilaalinayaan
khaladaadkii hore, kalsoonina ka haystaan xisbiyada iyo shacabka.

Guddiga cusub ee doorashooyinbka Somaliland ayaa ka danbeeyay markii
guddigii hore iswada casileen kadib markii dhexdhexaadnimadooda xisbiyada qaar mugdi geliyeen.

SHALAY IYO MAANTA : MAHADHOOYIN KA IYO WEEDHIHII SIYAASADEED EE WASIIRKII HORE EE ARIMAHA GUDAHA UU KA YIDHI MADASHA SIIYASADA

SHALAY IYO MAANTA : MAHADHOOYIN KA IYO WEEDHIHII SIYAASADEED EE WASIIRKII HORE EE ARIMAHA GUDAHA UU KA YIDHI MADASHA SIIYASADA

ISMAACIIL-YARE-A

Qormadeenan 9aad ee shalay iyo maanta oo aynu ku daraasaynaynay weedhaha siyaasiyiinta Somaliland ay xilliyo kala duwan kasoo jeediyeen saxaafada iyo masraxyada siyaasada ee khudbadaha ay jeediyeen ayaa maata qormadeenan waxaynu ku soo qaadan doonaa weedhihii uu madasha siyaasada ka yidhi, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, muddadii uu xilka wasiirnimo ka hayay xukuumada madaxweyne Daahir Rayaale oo lagu tilmaami jiray shakhsiyaadkii wasiirada ahaa e sida weyn u difaaci jiray amase ugu jawaabi jiray eedaha axsaabta mucaaridku ay u soo jeediyaan habdhaqanka hogaamineed ee maamulka Rayaale.

Hase yeeshee Mr Ismaaciil yare oo maanta ah siyaasi is bedel weyni ku dhacay mawqifkiisii siyaasadeed ee uu shalay ku difaaci jiray madaxweyne Rayaale, balse aynu soo qadano qaar ka mid ah kelmadihiisii ee uu madasha siyaasada ka yidhi, ka hor intii aanu xilka wasiirnimo Rayaale ka qaadin iyo ka dib intii xilka laga qaaday.

Mar uu Ismaaciil yae khudbad ka jeedinayay dabayaaqadii bishii November 2003-dii degmada Faraweyne xilligii doorashadii madaxtooyada natiijadeedii lagu dhawaaqayey ayaa waxa ka mid ahaa weedhihiisii:

1“lixdii bilood ee madaxweyne Rayaale xilka hayay wixii dalka laga qabtay lama qabanin sagaalkii sanadood ee madaxweyne Cigaal dalka hogaaminayay.

2. “Axmed Siilaanyo ina Kaahin iyo qayrkood toona Hargeysa waxba kama samayn karaan.

3. “Habeenkii ay komishanka doorashooyinku ay ku dhawaaqeen natiijadii doorashada madaxtooyada ee madaxweyne Rayaale ku guulaystay aniga C/llaahi dirawal iyo Cabdi wadaad midkaayana muu seexan oo xarunta komishanka ayaanu heegan ku ahayn.

4. haddii ay mucaaridku aqlabyada kuraasida aqalka golaha wakiilada nagaga heleen doorashadii baarlamaanka waxba ma qaban karaan anaguun baa mushaharka ay qaadanayaan gacanta ugu haynee mar hadaanu mushaharka siinayno way iska fadhiyi doonaan oo wax ay xukkumada yeeli karaan ma jirto.

5.”wadaadada Burco dagaal baa naga dhexeeya.

6. “madaxweyne Rayaale ayaa doorkan labada musharax noo ah.

Mr Ismaaciil yare oo khudbad ka jeediyay madashii xilka wasiirnimo ee wasaarada daakhiliga lagaga fadhiisiyey oo lagu qabtay xurunta wasaaradaasi, ayaa waxa ka mid ahaa weedhihii uu madashaa ka jeediyay:

7. “anigu sida raga qaarkii ee marka xilka laga qaado caytama u dhaqmi maayo, Udub baan ahay sir badana waan hayaayo rag doonaya inaan sheego sirahaasina sheegi maayee sirahaasi waaweyn ee aan hayo waan la dhimanayaa, waana ceeb masuul xil qaran soo qabtay uu ceebeeyo shaqadii uu shalay ka shaqaynayey.

Muddadii xilka wasiirnimo ee wasaarada daakhiliga laga casilay Ismaaciil Yare wsxa ka mid ahaa weedhihii uu saxaafada u mariyey ee uu yidhi:

8. madaxweyne ku xigeenku wuxuu ka xumaa raganimada aan xilka ku gudanayay, waxaanu ka mid ahaa kuwii madaxweynaha culayska ku saaray in xilka layga qaado.

9. siyaasiyinta ururka qaran in la baryo may ahayn ee waa in talaabo adag xabsiga loogu taxaabo, xafiisyada ururka qarana waa in albaada loo laabo, wasaarada arrimaha guduhuna maaha inay habrato ee waa inay talaabo adag qaadato.

10. “madaxweyne Rayaale maaha ninkii aanu dooranay oo wuu is bedelay dalkiina wuu baa’biiyey.

11. madaxweyne Rayaale khayraadkii dalka macdanta, shidaalka waxa uu heshiisyo kula galay dawlado shisheeyo oo lacago lagaga qaatay, waxaanu Jabuuti kula shiray hogaamiyayaasha kooxda Somalia

12 “markii aan ka dhex kacay shirweynaha Udub askari madaxtooyada ah oo laygu balamiyay ayaa igu soo booday oo igu yidhi shirka ka bax, aniguna waxaan diiday inaan askari la murmo waan iskaga soo baxay.

13. “nimaan Hargeysa ku dilo mooyee ma jiro nin aniga igu dili karaa.

14 “ciidankii booliska ee gudoomiyaha Kulmiye rasaasta ku riday waxa ku jiray askar ilaalada madaxtooyada ka tirsan oo dirayskii booliska loo soo galiyey, waxaana ka mid ahaa askari la yidhaahdo Baanbidoo oo ka mid ah askarta beesha madaxweyne Rayaale ka soo jeeda.

GAROONKA DIYAARADAHA EE BERBERA HA LOO BIXIYO LIXLE WAA FEKRED HABOON.

GAROONKA DIYAARADAHA EE BERBERA HA LOO BIXIYO LIXLE WAA FEKRED HABOON.

shotaly yar GAROONKA DIYAARADAHA EE BERBERA HA LOO BIXIYO LIXLE WAA FEKRED HABOON.

Waxa aan si weyn u taageersa-nahay arinka uu ka dhawaajiyey abdiweli ee ah garoonka diyaaradaha ee berbera ha lagu magacaabo geesiggii, halyeygii, xasuusta umada reer somaliland miranaaya wakhti kastya oo la joogo, kaas oo ah maxamed xaashi diiriye ( lixle), naxariistiisa al-le haka waraabiyo’e, waxa yaabaha qiimaha ugu badan lihi waa kuwa ku jira halgankii dheeraa ee lala galay maamulkii af-weyne ee somaaliya lagu sheegi jiray raggii uu lixle ka mid ahaa ee isugu celiyey albaabada, kuna kelifay in uu kaba la baxo oo isaga oo mid lulaya midna laalaadinaya uu ka maleegto, waxa xusid mudan oo kale raga ay ka mid yihiin KOOD-BUUR oo inta uu u badheedhay xeraddii( birjeex) ee ugu weynayd ciidankii 26aad kala soo baxay ina askar iyada oo aroortii la dili lahaa, hargagwaafi, oo isna la baxay axmaaraddii laga soo qabatay bali-dhiig, cawil cadami oo isna af-duubay diyaaraddii somali air line, waxa aan isna la ilaawi karin maxamed mooge liibaan, halkii uu kaga jiray halganka iyo doorkii uu ka qaatay xorayntii calanka aynu imika hoos joogno.

Inta kor ku qoran iyo inka sii badan sida sarkaalkii ugu horeeyey ee ku shahiiday halganka ee ina saleebaan weyne, maxamed cali, koosaar, aadan shiine, baybe laambad, madax diin, xuseen dheere, ina macalin haaruun, oo isna 27/05/88 habeenkii burco la galay ku shahiiday, waxa kale oon la ilaawi karin gudoomiyahii amaray in ay noqoto shul ama shul, in ay ilaah godka ha u nuuro’e cabdiraxmaan axmed cali ( tuur), ee yidhi mar hadii ay guud-keena ku heshiiyeen af-weyne iyo mingeste, oo la yidhi dalka haka baxeen wax inoo hadhay ma jiro geeri iyo nolol bay inoo joogtaa, kuna dhawaaqay dagaal kama dambayn ah, siddiina ay u dhacday, guula laga gaadhay, markii ay cagaha wax ka dayeen xanfasiddii faqashta ee reer koonfureed, kolkii ay xamili waayeen mujaahidiinta s.n.m dagaalkii xaqa ahaa ee ay kula jireen somali weyn sida ay u dhan tahay iyo weliba caalamkii daba ka waday ee taageeraayey, xasuuqii lagu hayey umada isaaqa ah ee dalkooda la yidhi halagu beero umada kale oo aan u dhalan, haddii aad markhaati cad rabto bal dib u xasuuso warqaddii uu qoray aska-rigii doqonka ahaa ee majeerteen laguna magacaabi jiray moorgan, kaas oo digtii hore-ba isaga oon lala gaadhin faro didibka jeexay oo cagaha wax ka deyey, looguna bixiyey cabdi-bile markii laga yaabay oradkii ka dhacay, hadaba sooma-jeesta-yaashii s.n.m-ta wax kasta oo loogu abaal gudi karo kolay ma dhamayn karno wxay inoo galeene waa ku istaahil in aan u sare kacno, iska daa’ magac loo bixiyo meele.

Waxan af-kiisa caano lagu qabaye si weyn aan u taageerayaa, sidiisa oo kalena aan uga codsanayaa madax weynaha, ku xigeenka iyo dhamaan golaha wasiirada, guurtida, iyo xildhi-baanada, shicibka somaliland, in ay taageero buuxada siiyaan, fekerkan caafimaadka qaba, inta kale-na iyana kolba sida ay u suurto gasho lagu tilmaamo meelo aad u muhiim ah, si aanay uga bixin maskax-deena oo aan u xasuusano, waxa kale oo aan jecelahay aad-na iigu culus, farxadna u noqon lahayd umada reer somaliland in marxuumku (lixle) maalintii uu dhintay laga dhigo maalin murugo leh, oo sanad walba ay ahaato ayaan la ooyo oo calanka hoos loo dhigo cishadaas iyada ah, maaha in la akhriyo oo la iska dhaafo haddii uu qof keeno fekred fiican, ee waa in xataa sanka laga geliyaa dawlada iyo madaxda markaas jirta ee aan la dhayalsan, haddii kale waxba ma dhaano duun-yada aan dhaqano ee dadka haystaa ay u taliyaan, waxan mar kale aan lee-yahay MR cabdiweli waa loo baahan yahay arinkan aad keentay iyo kuwo kale oo qiimo lehba, waana aad ku mahadsan tahay, waayo waxa la inoo abuuray in aan ka faa’iiday-sano caqliga iyo maskaxda uu eebbe inagu manaystay, oo aan sida wax ku oolka ah uga shaqaysiino, wax ku qabsano, kaga-na durugno waxa xun sida qabyaalada, eexda, iyo kala taga umada, kuna soo ururino wixii wax ina taraaya oo qudha, wixii kale-na aan iska dhaafno.

Wxan ugu dambayn ka codsanayaa umada reer somaliland, inta wax ku qorta mareegaha, wargeesyada, ka hadasha TV-ga, idaacadaha somaliland, in kii wax qoraana uu qoro taageerada mabda’an, ka waramaana ku warka ku daro, jaraar’idka dalkana lagu daabaco, wixii wax akhristaa si ay u helaan waraka oo ay u baahdo feredani, oo aan loo kala hadhin, inta aynu ka baxno xusbi iyo sheekaddii iyo waxan aan ku mashquulay.

* N.B xormo ninkii leh baa geya, xumaana xogtii mooge.
abdi-shotaly,

TOLOW UMMADEY ODAYGII AWOOWGEEN SHIIKH ISXAAQ MA HADUU DHALAA WAA MAXAY BEESHA KUUL CARRE?? DOOD U FURAN DHAMMAAN DADKA SOMALILAND

TOLOW UMMADEY ODAYGII AWOOWGEEN SHIIKH ISXAAQ MA HADUU DHALAA WAA MAXAY BEESHA KUUL CARRE?? DOOD U FURAN DHAMMAAN DADKA SOMALILAND

Dhamaan dadka rer Somaliland waan salamayaa salaanta islaamka. Adduunka ninkii nilow maxaa aragti kuu laaban. Waxaa yaab iyo an fariir u qadan waa igu noqotay arrin aniga mucjiso igu ah idinka mooyi sidaad u aragtaan. Akhriste arrintasi waxay tahay, waxaa dhawaan hadlay Suldaan Xiiray oo kamid ah Saddexda Suldaan ee beesha bariga Hargaysa leedahay. Wuxuu Suldaanku ka dhawaajiy in beesha Galbeedka Burco H/yoonis qaban doonto shir kuna qaban doonto Burco Gobolka Togdheer.

Shirku waa cadi ceebna maha waxaase qariib ila noqotay waxaa shirka loo qabanaya beel kamid ah H/yoonis oo muddo ka maqnayd. (Cajiib). Suldaan Xiiray wuxuu waliba ku sii adkaystay in dhammaan beeshu ka soo wada qayb gasho. Hadaan ku horeeyo arrinta beesha maqnayd. Horta beelaha H/yoonis waxaan anigu hayay beesha Dalam Muuse oo tariikhaha la sheego iney bari hore guuren degeena Gobolada Mudug. Tariikhda ninba sibuu u hayaa lakiin waxaa lasoo arooriyaa in odeygii beeshaa dhalay ku daalay oo halkaas degey. Waxaa yana lahaya oo jirtay iney waligood beeshasi sheegan jirtay Beesha H/Yoonis. Beesha waxaa ka dhashay Siyaasiga Caanka ah ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Waana layaqaana wana Beel kamid aha beelaha H/Yoonis iyo Rer Shiikh Isaxaaqba.

Lakiin arrinta layaabka leh waxay tahay beeshan cusub ee Kuul Carre waxay degaan ahaan degaan Gobolka Sool. Waligood lama maqal manay sheegan iney kamid yihiin Beelaha H/Yoonis. Anigoo aan takoorayn ixtiramayana dadka Muslimka ah, lakiin abtir siinyadu way jirtaa Beeshaas hadda sheeganaysa kuul Carre waxay hore u sheegan jireen oo ku caano maleen beshay ahayeen, kana tirsanayeen.

Haddaba su’aasha doodaydu waxay tahay odeygii awoowgeen Alle godka hownuure ee aynu ku aroorno tolow mahada ayuu dhalaa ?. Waxaan taas u leeyahay dadku qarniyo ayay jireen maxaa maanta keenay Beel cusub oo ku soo biirtay beelaha rer Isaaq. Anig waxaan is idhi laba arrin uun baa keenay doodan. 1.. Beesha H/Yoonis oo muddo oranjirtay Isaaqa annagaa ugu badan tiradii oo malaa soo yaratay. 2….. Degameyn sidii ka dhici jirtay Bariga Somaaliya. Labada arrin ayaan anigu u sibir saarayaa arrinta beeshan cusub.

Haddaba dhammaan dadka rer Somaliland doodani way u furan tahay iney ka soo qayb tanaan. Bal iga soo qanciya Awowgeen mahaduu dhalaa ??

Yasiiin Maxamed Nuur.

London Uk.

Email: yasiin_10@hotmail.co.uk

Monday 9 November 2009

Shirqoollada loo Maleegayo Somaliland iyo dhug la’aanta Murashaxiinta Axsaabta.Maqaal

Shirqoollada loo Maleegayo Somaliland iyo dhug la’aanta Murashaxiinta Axsaabta.Maqaal

Shirqoollada loo Maleegayo Somaliland iyo dhug la’aanta Murashaxiinta Axsaabta.Maqaal

Waxa beryahan laga wadaa bariga Somaliland falal cawaja oo marba magac loo bixinayo, waxa socon waayay dagalkii lala doonayay in laga abuuro qaar ka mid ah gobollada Buuhoodle, laascaanood iyo Togdheer , iyadoo looga dan leeyahay sidii aanay doorasho uga qabsoomin.

markii dagaalkii celbardaale socon waayay, waxa la rabay in meelo kale laga bilaabo lakiin way iska garteen dadku arintaa, wayo dad ku maha dadkii beenta loo sheegi jiray ee wax bay fahmeen waxna way barteen hada ee maha dagaalkii soo galaay la odhan jiray ee munafiqiintu shidi jireen.

Shacabka Somaliland hada dhagaysan maayaan siyaasi ee waxay dhagaysanyaan marba cida wada hurumarka. markaa waxan kula talin lahaa raga ku tartamayaa siyasada ee sedexda xisbi hogaminayaa inay ogaadan in dad ku wax fahmeen oo nin kastaa marba siduu doono hayeelo anay yeelayn ummadu.

Dowladan aynu maanta hadhsanaynaa maaha mid cid gaari keentay ee marka hore waxay ku timi tacab dheer laga soo bilaabo halgankii SNM soo gashay, tan iyo 1991 Markii madaxbannaanida Somaliland lagaga dhawaaqay Burco, dalku wuxu soo maray marxallado kala duwan oo dhibaato badan oo la soo maray.

Waxa xigtay dowladii Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal madaxda ka ahaa alle ha unaxariistee. iyo dadkii dowladaa salka udhigay ee reer somaliland kana ilashay in ay Xamar ku noqoto ama ay ku dhex dhacdo badwaynta koonfur ee wali qasan, waxaana ka danbeeyay doorashooyinkii la isu tanasulay. ee hada uu kufadhiyo madaxwayne Rayaale.

waxaas oo dhan oo guula waxa dhaliyey shacab go’aan, sharaf, geesinimo iyo goba nimo soo jireena leh, hadaba waxan leenahay siyaasiyiinta hada sharaxan shacab ku waa idin eegayaa wana idin dawanayaa waxa loo bahan yahay, wax na qanciya oo dowlad qaab wacan ushaqaysa aad noo keentaan, ladoorto nidaam leh dhaqale keenta ictiraaf keenta dadka wax barasho bilaasha siiya, dadka badaa iyo tariibka wax ay kaga ga joogan keenta, waxa la odhan karaa waxa khasaaro noqday madax dada garan la dad kooda baahidu hayso garan waayay dad koda wadanka kabaxayaa qorshe ay shaqo ugu abuuran waxa kasii daran askarta an xiligaa lahayn gunad iyo darajado ee nafaqadarada uu liita xiligaa waa arin murugo leh waxa kadaran,lama samayn wacyigalin dad ka lagaga saarayo qabyaalada waxa la odhan karaa dhamaan dhulka afka soomaliga lagaga hadlo waxa ugu qabyaalad badan magaladan hargaysa, ama gobalkan maroodi jeex waxan ku cadaynayaa waxan arkay dad badan oo qabyaalad shaqada lagaga qaaday waxan odhankaraa in madax waynaa talada hayaa anu joogeen ee waxa uu ku joogaa yahay awood dhaqaale oo dad ka reer hargaysa waa shilan caabud ama lacag caabud waxay la mid yihiin dad ka reer baydhaba kunool oo kale sidaa daradeed waa dad marba teegara nin ka laa luushka siiya.waxa nan sheegaya waa dad ka asalka gobalka maroodi jeex, xitaa siilanyo waxa qudha ee ay kuraacayaan waa siyasada ee maha wax kale. faysal cali waraabe waa waligii ka soo bixi mayo Hargaysaa wayo waa lagaga adag yahay, awoowayaashii baa ka noqon lahaa maroodi jeex madax hadii faysal cali waraabe maxa ka noqonayo maroodi jeex, takale waxa kuu cadaynaysaa in an magalada hargaysa qof kale anu ku noolan karin waxa ay udhisantahay dagmo dagmo ama qaybo reero khasi dagaan oo col ahaa 500 sano, xasid nimada taala waxan ilahay uga bar yagaa in an dhulgariir ka dhicin meeshaa maroodi jeex, waxan ku talin lahaa hadii mustaqbalka somaliland la doonayo in laga raro casimada loo raro meel dhexe oo ka fog xuduuda sida togdheer ama saaxil wayo hargyasa waxay noqotay meel ku dhow xuduud dadka joogana kala badhbaa ah oromo afsoomali baratay, markaa waba la qabsanayaa mustaqbalka hadii an arintaa loo kuurgalin in laga badalo maroodi jeex casimada.

wabilaahi towfiiq

by Saleebaan Maxamuud Dhiidhi( Dhagawayne)

Somaliland Surviving The Agonizing Process Of International Recognition

Somaliland Surviving The Agonizing Process Of International Recognition

Somaliland Surviving The Agonizing Process Of International Recognition

Alemayehu Behabtu, Researcher, Peace and Security Council Report Programmee (PRP), ISS Addis Ababa Office

On 18 May 2009, the self-declared ‘Republic of Somaliland’ marked eighteen years since it proclaimed independence seceding from the rest of Somalia. Even after nearly two decades of self-rule, however, the international community remains hesitant to recognize the breakaway territory as a functioning sovereign state. Yet Somaliland leaders remain undiscouraged by the apparent lack of enthusiasm and inaction by the international community, including, most importantly, the African Union (AU). As a result, the messages coming out of Somaliland often refer to ‘the irreversible independence’ or almost of ‘no return to the union with Somalia’.

Somaliland’s claim to statehood is being made on the basis that the territory has had historically separate status for a brief period following independence from Britain in June 1960. The next month, in July 1960, the former colonies of Italy and Britain voluntarily established a unitary nation-state known as Somalia. Almost immediately the leadership in Somaliland regretted this decision and begun to wage a secessionist struggle against Siad Barre’s misrule for two decades. Barre’s forces pursued Somaliland armed movements killing tens of thousands of people and destroying infrastructure in the region. This experience of brutal political repression and military atrocities fostered the emergence of the Somali National Movement (SNM) in 1981, which waged a secessionist struggle, leading to the collapse in 1991 of the Somalia state and the eventual declaration of independence by Somaliland.

Since then, the Somaliland government has been persistent in its pursuit of official recognition. It declared the territory a ‘Republic’ in 2002 and wrote to the AU asking it to send a fact-finding mission to see the viability of the de facto state. In response, the AU dispatched, between April 30 to May 4 2005, a mission led by its former Deputy Chairperson of the AU Commission Mr Patrick Mazimhaka. Later the same year, in December, Somaliland’s President Dahir Rayale Kahin submitted a formal application for admission to the AU, pleading for recognition as a fully active member of the continental body.

Despite the lack of international recognition, Somaliland has the primary constitutive components evident in most nation-states including: an internally accepted political system; institutions of governance; a police force; and its own currency. But the lack of recognition has significantly impeded the territory’s overall progress. In this regards, the AU observer mission report had noted that ‘the lack of recognition ties the hands of the authorities and people of Somaliland, as they cannot effectively and sustainably transact with the outside to pursue the reconstruction and development goals’. The AU fact-finding mission has also concluded that the situation was sufficiently ‘unique and self-justified in African political history’ and recommended that the AU ‘should find a special method of dealing with this outstanding case’.

Following the above rather sympathetic gesture, president Rayale, on 16 May 2006, met with the then AU Commission Chairperson, Alpha Oumar Konaré to discuss Somaliland’s application for membership. Somaliland authorities’ argue that their claim is consistent with article III of the OAU charter and article IV of the Constitutive Act of the AU, which states that the Union shall function in accordance with the principles of respect for the borders existing on achievement of independence. They also infer the experience of other states, including in Africa, acceptance of self-determination, such as recognition given to Bangladesh, Eritrea, Slovenia, Croatia, Bosnia-Herzegovina and Macedonia.

Given the AU’s sensitivity about the maintenance of colonially inherited borders, the 2005 mission report could be seen as exceptionally sympathetic. But so far the organization has taken no further concrete action. Instead the AU’s current efforts are focused overwhelmingly on south/central Somalia. The organization in 2006 deployed a peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) in support of the fragile Transitional Federal Government (TFG), that is presently battling with Islamist insurgents. In effect, since president Kahin had submitted an application for membership four years back, there is no breakthrough at the continental organization or at member states level.

Regardless of the lack of progress on formal recognition, Somaliland still attracts significant attention, as the region occupies a strategic position near the world’s major oil transport routes and major power wants to see it guarded carefully. Consequently the self-declared republic has established political contacts with a number of countries. Ethiopia and the UK insist that Somaliland deserves encouragement and support as the self-proclaimed state has provided an area of relative stability in the volatile Horn sub-region.

In a similar context, Somaliland has also established significant contacts with Belgium, Ghana, South Africa,Sweden, and Djibouti. Moreover, in early 2007, the European Union sent a delegation to discuss future cooperation; while President Kahin led his own delegation and attended the Commonwealth Heads of Government Meeting in Kampala, Uganda. In December 2007 the Bush administration also considered whether to back the shaky transitional government in Somalia or to acknowledge the less volatile Somaliland secessionists. Recently the UN special envoy to Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, was quoted as saying: ‘We will open a new UN political affairs office in Hargeisa …[and] this office will further advance UN funding support to Somaliland in the fields of maritime security and counterterrorism.’

However, before Somaliland gets recognition by the rest of the international community, it needs full and formal legal recognition from the AU. Since President Kahin has submitted a formal application pleading for recognition four years back, there is no breakthrough at the AU or member state level. While it is normal to feel sympathetic to Somaliland’s agony in this process, it is equally understandable to see the rationale behind why the AU remains indecisive on the matter. There are indeed risks for the AU to say ‘yes’ to Somaliland’s request for recognition and set the ‘wrong precedent’. At least from the Union’s perspective, the principal objection against recognition is the strong reservation African governments have about revising borders inherited from colonial times. This is a legitimate concern that cannot be ignored, given the heterogeneity of the majority of African states and the possibility that many may face with the proliferation of similar ethnic and secessionist movements. Other potential risks relate also to the nature of the relationship that is going to be forged between Somaliland and Somalia. Central in this case is whether the two will create friendly relations, through which mutual recognition will be exchanged. Currently, there is a serious threat of Islamists controlling most of the territories of the South and central Somalia. Such elements could aim to infiltrate Somaliland, de-stabilise it and take it over with the support of local Islamists. Moreover, Somaliland is in dispute with the neighbouring autonomous Somali region of Puntland over the Sanaag and Sool areas, some of whose inhabitants owe their allegiance to Puntland and could lead to further destablisation of the sub-region.

To conclude, Somaliland has persevered for 18 years as an independent state, hoping that it will one day get the attention of the international community, especially that of the AU. The debate whether the breakaway territory deserves recognition as well as the implications of it continues. Coupled with its electoral crisis, presently it has become clearer that without recognition, it remains hard to tell how long Somaliland’s relative peace and stability can last. It is critical, therefore, that the international community shows foresight. In particular, the AU has yet to act decisively on the matter. Meanwhile, the people of Somaliland still continue to live with the agony of waiting to hear from the decisionmakers whether they will be a recognised “Republic” or not.

SULDAAN CUSUB OO LAGU LAGU CALEEMO SAARAY DEGMADA GARADAG EE GOBOLKA SANAAG

SULDAAN CUSUB OO LAGU LAGU CALEEMO SAARAY DEGMADA GARADAG EE GOBOLKA SANAAG

Gar Adag Munaasibadan lagu caleemo saarayey laguna caano shubayey suldaan Cali Cumar Saalaxa ayaa ku qabsoontay degmada gar adag ee gobolka sanaag waxaa kasoo qayb galay madax dhaqameed yo isugu jira Salaadiin boqoro iyo weliba Cuqaal,Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Badhasaabka Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji-Nuur iyo madaxda Degmada Gar-adag aad iyo Dadweyne aad u tiro badan oo kakala yimi Gobolada dalka iyo Degmooyinka Gobolka Sanaag , waxaa Munaasibada Caleemo Saaraka ugu horayntii kahadalay .

Waxaa ugu horayntii ka hadlay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir oo isagu ugu , kaas oo kalkaasi ka soo jeediyey hadalo u badnaa duco iyo dardaaran sidoo kale waxa uu Suldaan Maxamed u hambalyeeyey suldaanka Suldaan Cali Cumar Saalax.


Suldaan Carrab Cabdi Cali waxaana ugu doceeye Suldaanaka Cusub ee la Caleemo saaray inuu ilaahay xilkiisa ufuduudeeyo waxaana uu suldaan Carab xusay in mudooyinkii udanbeeye in salaadiinta iyo madax dhaqameedka Somaliland ay ku dhex milmeen dhinaca siyaasada waxaana suldaanka cusub ku boorinayaa in uu suldaankani ka fogaado siyaasada uuna ku ee kaado wixii loo doortay.

Suldaan garadag1

Waxaa sidoo kale halkaa kahadlay Boqor Mohamed Nuux Aadan Cigaal iyo Boqor Axmed Cali Ducaale. oo dhankooda tilmaamay ina la shaqayn doonaan Suldaankan Cusub waxaana ya ku dheeraadeen ahmiyad ay uhayaan suldaankan.
Waxaa Sidoo kale Munaasibadaa ka hadaly maamulka gobolka Sanaag oo ay hormood u ahaayeen Gudoomiyaha gobolka iyo Mayerka Ceerigaabo iyo madaxdii kale e degamada Garadag , isla goobtaas waxaa kal hadlay madax dhaqameed uu ka mid ahaa Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Aw Good iyo madaxdhameedyo kale kuwaas oo dhamaantood u duceeyey suldaanaka cusub una hambalyeeye waxaana ay xuseen inay bulshadu lashaqayso suldaankan cusub.
Suldaan garadag
Waxaa ugu dan bayn halakaa ka hadlay Suldaan Cali Cumar Saalax oo umahad naqay dadka ku dhaqan degmada gar adag iyo Madaxdhaqameed yada xukuumada Somaliland iyo dhamaan dadweynaha kakala yimi Gobolada dalka Somaliland waxaana uu halkaa kasoo jeediye inuu xilkan loo doortay ku wadi doono si cadaalad iyo dhexdhexaad nimo ku jirto.
Suldaan garadag2
Waxaana uu akhariyey duco aad udheer oo dhaqaajisay mujtamicii halkaa kahadlay quluub tooda.
Waqrqab adka Togaherer Ceerigaabo

TALIYE SARE OO KA TIRSANAA SHABAABKA OO KA GOOSTAY SAWIRO

TALIYE SARE OO KA TIRSANAA SHABAABKA OO KA GOOSTAY

Sarkaal ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa isku dhiibay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo munaasabad ballaaran oo lagu soo dhoweynayo sarkaalka ay ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Sheekh C/llaahi oo lagu naaneyso Faaruuq Pakistan ayaa ahaa Taliye sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab.

Munaasabad loogu soo bandhigay Saxaafada ayaa waxaa ka hadlay Sheekh C/raxiin Ciise Caddow oo ahaa Afhayeenkii Maxkamadaha Islaamka, isago sheegay in ay soo dhoweynayaan Sarkaalka ka soo goostya.

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kaluumeysiga Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa sheegay in ay aad uga faraxsan yihiin Sarkaalka ku soo biiray, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada kale in ay ku daydaan.

Sheekh Maxamed Pakistan oo ugu dambeyn la hadlay saxaafada ayaa sheegay inuu goostay inuu ku biiro Dowladda KMG oo uu ku sheegay in ay tahay Dowlad Xaq ah, waxaana uu cadeeyay inuu ka mid ahaanayo.

Waxaa uu ku eedeeyay Shabaab in ay ficilo xun xun u adeegsanayaan Diinta, waxaana uu sheegay ku dhaqanka Shareecada Islaamka in ay ka been sheegayaan.

Sarkaalkan ayaa dhowaan loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidamada Shabaabka ee ku sugan Maxaas, isagoo ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Hoose
sarkaalka soo goostay
SARKAALKA SOO GOOSTAY
Sarkaal ka soo goostay alshabaab mixed