Saturday 31 October 2009

KUWEE BAAD U JECESHAY DADKA AFKAARAA KUSOO QORA WEBSITES????????

KUWEE BAAD U JECESHAY DADKA AFKAARAA KUSOO QORA WEBSITES????????

qorisWAAN IDIN SALAAMAYAA DHAMAAN WEBSITES KA IYO SHACBIGA SOMALILAND-BA MAQAALKAYGANI WAA MID
XAMBAARSAN CIDA AMA DADKA SOO GUDBIYA FIKIRKOODA HA AHATO SIYAASIYIIN AMA DAD TAAGEERA XISBIYAD AMABA DAD MAQAALO DHEX DHEXAADA SOO QORA. IYADOO AY JIRTO IN DADKU AY KU KALA DUWAN YIHIIN XAGA DOOKHA IYO XIISAHA OO ILAAHAY AANU FARAHA BINI AADMIGA SIMIN,HADANA WAXAY DAD BADANI ISKU RAACAAN OO AAD SUUQA KA MAQLAYSAA HEBEL AYAA MAANTA SOO QORAY MAQAAL AAD IYO AAD U XIISO LEH OO AAD U XIISO BADAN DADKUNA LA DHACAAN DABADEEDNA HALKA UGU DHOW NET CAFE’ UU QOFKU TAGO SI UU U AKHRIYO MAQAALKAAS LOO TABIYAY.

ANIGU HADAAN ISKA BILAABO HORTA DADKAAN AADKA U XIISEEYO MAQAALADOODA WAXAY INTA BADAN KUSOO QORAAN WEBSITE YADA HADHWANAAG IYO OODWEYNE WAXA KA MIDA NINKA LA YIDHAA CABDI-SHOTALI OO AAN KA AKHRISTO OODWEYNE, SAMATAR OO KU SOO QORA HARAWO, IYO NINKAAN UGU JECLAY OO AH SANWAA CUMAR YARE OO KUSOO QORA HADHWANAAG,OODWEYNE,TOGAHERER IYO HARAWO,MAROODIJEEXNEWS IYO WEBSITES KALE OO BADAN. WAXA ILA QABA DADBADAN GABDHO IYO INAMABA OO AKHRIYA NINKAAS MAQAALADIISA OO AAD U XIISO BADAN INKASTOOY TAAGEERADA XISBIGIISA U BADAN YIHIIN HADANA XAGA WEERARKA SANWAA AAD AYUU U YAQAAN IYO DIFAACA XISBIGIISA. WAXA KUU CADAYNAYSA WEBSITE DADA UU WAX KU QORO WAA KUWA LAGU URURO ANOON BUUNBUUNIN WAXAAD EEGTAAN SIDA UU U DHIGO MAQAALADA WAXA KU JIRA MAAHMAAHO IYO HADALO QOSOL XAMBAARSAN SIDA “DEE FIHIIMABA KEEN” KKKKKK. SHAQSIYAN AYAAN U JECLAA INAANU ISU BARANO CABDI-SHOTALY IYO SANWAABA ANOO DHOWR GOOR EMAIL U DIRAY HADANA MAY DHICIN INAAN JAWAAB KA HELO.

SALAAMU CALAYKUM

GAHAYR
gahayr_1977@live.com
CANADA,TORONTO

BAL HADABA NINKASTOOW CIDAAD KA HESHO EMAILKAYGAN IIGU SOO DIR ADOO RAALI IGA AH.

SALAAMU CALAYKUM

XAFLADII XIL WAREEJINTA JAMICADA BURCO (VIDEO)

XAFLADII XIL WAREEJINTA JAMICADA BURCO (VIDEO)


Togaherer Nin Saliid kulul ku ku faraxashay

Togaherer Nin Saliid kulul ku ku faraxashay

QARAX DHIMASHO IYO DHAWAC SABABAY OO DHACAY MAGALADA MOQDISHO

QARAX DHIMASHO IYO DHAWAC SABABAY OO DHACAY MAGALADA MOQDISHO

Duqeymo xoogan oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degaano hoos taga Waqooyiga Magaalada.

Degaanada ay ka dhaceen duqeymaha ayaa ka mid ahaa Shibis,Yaaqshid iyo Boondheere,waxaaana ay bilowdeen duqeymahaas ka dib marki u iska horimaad kooban degaanadaas ku dhexmaray Ciidamada DFKM ah ee Soomaaliya iyo Kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda kuwaas oo isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Duqeymahaas waxaa ay sababeen dhimasho 2-ruux iyo dhaawac 5-qof oo kale kuwaas oo ka mid ahaa dadweynaha rayidka ah ee kooban ee degan xaafadahaas.

Waxaana dadki dhaawaca ah loola cararay cisbitaalada iyo weliba xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Goobaha ay maanta duqeymaha ka dhaceen ayaa ahaa kuwo degan maalmihi la soo dhaafay degnaa isla mar ahaanta aan wax dagaal ah ka dhicin.

Ila iyo iminka ma jirto wax hadal ah oo ka soo yeeray dhinacyadi maanta ku dagaalamay gudaha Xaafadaha Waqooyiga Magaalada Muqdisho,iyadoo wararki ugu dambeeyey ay sheegaayan in goobihi ka dhacay maanta duqeymahaas ay deganyihin.

Axmed Kulan

Moqdisho

KULAN BALLADHAN OO LAGAGA HADLAYEY DHISMAHA XARUN DHALINYARDA GAAR U AH OO LAGU QABTAY CEERIGAABO.

KULAN BALLADHAN OO LAGAGA HADLAYEY DHISMAHA XARUN DHALINYARDA GAAR U AH OO LAGU QABTAY CEERIGAABO.

Kulan balladhan oo lagaga hadlayey Dhismaha xarun dhalinyarada gaar u ah oo lagu qabtay ceeirgaabo iyo qodobadii la isla qaatay.

Kullan balaadhan oo lagaga hadalayey sidii dib looga hirgalin lahaa manjacase youth centerayaa maanta kadhacay hoolka shirarka iyo xafladaha ee ururka SEEYO ee magaalo madaxda gobolka sanaag ceerigaabo .

Kullankan oo ay ka soo qayb galeen laamaha dawlada , ganacsato , ururada bulshada iyo marti sharaf kale ayaa ku qabsoo may hoolka shirarka ee SEEYO kullan kan ayaa waxaa kahadlay ugu horaynba oo umuurtaa ka war bixisay godoomiyha ururkaa farduus caydiid (toohe) waxaana ay xustay sida ay ugu farax san yihiin ina soo qaban qaabiyaa hawsha ah dib u soo celinta majacase

Waxaakale oo halkaa kahadlay (agaasimaha SEEYO )farxaan maxamuud xiddig oo hoosta kaxariiqaya ina sida ugu dhakhsaha badan ay ubilaabi doonaan dhismaha majacase youth center waxaana uu ka dhawaa jiyey in majacase oo laga dhisay gobolka saaxil sandihii 1042 waxaan uu agaa simuhu ku dheeraaday faaiidad uu leeyahay

Waxa kale oo halakaa ka hadlay isuduwaha wasaarada arimaha qoyska marwo faadumo xaaji xasan oo dhankeeda tilmaantay ahmiyada uu uleeyaha schoolkani bulshada gobolka sanaag.

Waxaakale oo halkaa ka hadlay oo soo gabagabeeyey kuxigeenka duqa degmada ceerigaabo mr.maxamuud herdi oo isna dhiniciisa ku dheeraaday faaidooyinka uu uleeyahay gobolka sanaag waxaan ayna ka faaidaysanayaan dhalintu waxaana uu intaa ku daray in ay ka dawlad hoose ahaan lashaqayn doonaan SEEYO NGO

isku soo wadaduuboo hawshan ayaa waxaa iska kaashaday ururada SEEYO OHDA IYO DAWLADA BOQRTOOYADA BRITEN waxaan sida ugu dhakhsaha badan dhismihisu ka bilaabmidoonaan gobolka sanaag.

By:
C/naasir Khaalid Siciid (GABYAAYE)

Togaherer Ceerigaabo /Sanaag

WASAARADA QORSHEYNTA OO BEENISAY WAR UU SHEEGAY XOGHAYA ARIMAHA DIBADA EE XISBIGA KULMIYE

WASAARADA QORSHEYNTA OO BEENISAY WAR UU SHEEGAY XOGHAYA ARIMAHA DIBADA EE XISBIGA KULMIYE

astaan“Waraysi Wargayska SAXANSAXO la yeeshay Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Kulmiye, maalintii arbacada, 28kii October 2009, wuxuu xoghayahu wareysigaas ku sheegay:

“In taageeraddi dawladaha reer galbeedku ay siinjireen Somaliland dib loo dhigay ilaa doorashooyinka ka dib. Cid imika kula soo deg degaysa Somaliland mucaawinadeeda maamulka imika jirana aanay jirin, iyadoo imika dalku doorasho u diyaar garaoobayo”

Warkaas uu bixiyey Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Kulmiye waa been abuur, sal iyo raadtona lahayn, oo aynay waxba ka jirin sababaha soo socda awgeed.

Kaw: Muu ahayn warkaassu mid rasmi ah oo uu soo xigtay xogo rasmi ah oo la sheegay. Haddu hayo xogahaas waa looga fadhiya inuu warkisaas ku saleeyo.

Laba: Arrimaha uu ka hadlay ee deeqda ku saabsan waxa rasmi ahaan ka wada xajoon kara dawlado sida Xukumadd Somaliland iyo dawlada kale ay khuseyso. Ma aha mid u taala oo cidi kal tashaneyso, rasmi ahaan, Xoghaye xisbi mucaarid ah.

Saddex: Warkaas la sheegay ma ah mid rasmi ahaan u soo gaadhay xukumada oo la hayo, haddii taasi jirina, waa waxkuma ool.

Afar: Deeqaha dawladaha reer galbeeku waxay soo maraan barnaamijka dibudhiska iyo horumarinta Somaliland (2008-20012). Barnaamijkaas oy ansixiyeen deeq bixiyaayaasha iyo xukumadda Somaliland dhamaadkii sanadkii 2007. Wax- iskabedeley barnaamijkaas oo ku saabsan deeqaha ka imanaya dawladaha reer galbeedkana, ilaa hadda, ma jiraan. Sidii loogu talogaleyna wuu u socda. Barnaamijkaas oo ay fulintiisa ay masuul uga tahay xukumadda Wasaaradda Qorshaynta Qaranku.

Waxaa markaas Wasaaradda Qorshaynta Qaranku kula talineysa Xoghayaha

Arrimaha Dibedda ee Kulmiye inuu kawaantoobo ka-dhawaajinta arrimo runta

garab marsan oo laga yaabo inay dib ugu soo noqdaan.

Alla Mahad Leh,

Maxamuud Xuseen Muuse

Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka,

Iskuduwidda iyo Xidhiidhita Ha’yadaha Caalamiga ah

SOO DHAWAYNTII ABWAAN MAXAMED JAAMAC WARSAME (KAYD) IYO LONDON

SOO DHAWAYNTII ABWAAN MAXAMED JAAMAC WARSAME (KAYD) IYO LONDON

Waxa xalayto ka dhacday galbeedka magaalada London xaflad aad losoo agaasimay oo lagusoo dhaweynaayey Abwaanka weyn ee caanka ah Maxamed Jamac Warsama (Kayd) oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro reer Somaliland oo degan magalada London .

Waxa soo dhaweyntii iyo cashadii ka dib hadalki la wareegay Abwaan Kayd oo usoo jeediyey dhalinyaradii casho sharaftan soo qaban aabiyey mahadnaq gaar ah.

ABWAAN KAYD

Intaas ka dib waxa uu abwaan Maxamed Jamac Warsama uu warbixin kooban kazoo jeediyey xalada Somaliland iyo safarkiisan uu halkan London kusoo gaadhay waxaanu sheegay in guud ahaan Somaliland ay horumar wanagsan oo la taabankaro ku talaabsatay loona bahan yahay waxqabad ay qurbaha dadka reer Somaliland ee degani ay ka sameeyaan dalkii hooyo.

Waxa kale oo uu madasha ka sheegay in waxbarashadu ay tahay lafdhabarta qofka oo loo bahan yahay in lagu dedaalo inagoo ka war hayna in uu Maxmaed Jamac Warsame oo wax ka dhigo jamacada magalada Hargaisa oo uu iyana ka sheekeeyey.

Waxaynu la wada soconaa in dhawaan uun uu soo gadhay Abwaan Kayd magalada London isagoo ku yimid booqasho gaaban oo uu kaga qabgalayo bandhigfaneedka beryahanba ka soconaayey bariga magaladan London.

ABAAN KAYD LONIODN

Hamse Axmed Salaan

GUDOOMIYHII JAAMACADA BURCO OO XILKII KU WAREEJIYAY GODOOMIYE CUSUB IYO JAWAIGII MADASHA XILWAREEJINTA

GUDOOMIYHII JAAMACADA BURCO OO XILKII KU WAREEJIYAY GODOOMIYE CUSUB IYO JAWAIGII MADASHA XILWAREEJINTA

Guddomiyihi Jamacadda Burco oo xilkii ku warejiyey Guddomiye Cusub iyo jawigi madasha xil warejinta

Munasibad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday hooka jaamacadda Burco ayaa shalay xilka kula kala waereegen Guddomiyihi jamacadda BURCO Prof C/salan Yasin iyo Guddomiyey Cusub oo la yidhaa Prof C/raxman Jamac Ducale, waxa munasibadda xil warejinta ka soo qaybgalay masuuliyin, culimo ,abwaano, salaadiin iyo welba maamulka iyo maclaiminta jaamacadda Burco, sidoo kale waxa munasibadda Goob joog ahaa Guddgii dhisay jaamacadda Burco oo iyagu ka kooban 17 xubnood.
XAFALADA XILWAREEEJINTA JAAMCADA BURCO
Madashii xil warejin ta Guddomiyaha Jaamacadda Burco oo shalay Buuq badani ka kacay,kadib markii qaar ka mid ah Guddiga uu is af garanwaa soo dhex galay iyadoo munasibaddana uu si deg deg u xidhay Badhasab xigeenka Gobolku ayaa maanta ka duwanayd jawigii shalay, iyadoo la sheegay in wax kasta la dhameeyey intii is af garan waagu soo dhex galayna la is fahamsiiyey, halkaasna si wacan oo farxad leh ay xilka kula kala wareegen Guddomiyihii hore ee jamacadda Burco Prof: C/salaan iyo kan cusubi.

Hadaba munasibaddii xil warejinta oo ahayd mid aad loola dhacay aya waxa halkaasi hadalo ka jeediyey caqil maxamed dahir cabdi iyo welib hrre walanwal oo dadkii amdasha isugu yimi aad uga qosliyey iyagoo sheegay in wixii shalay dhacay aan laga qaadin oo hargaysa iyo meelaha la gaadhsiin, sidoo kale waxay labaduba soo dhoweeyeyn Guddomiyeha cusub, iyagoo ku booriyey in qaabkii wacnaa ee Profssorka hore uu dadka oo dhan ugu shaqeeyo isagoo maxamed dahir ballanqaadyo u sameeyey jaamacadda,
Sido kale waxa ka hadlay axmed gaariye o ka mid ah Guddiga dhistay jaamacadda iyo welin ina cumar xashi oo isaga laftiisu ka mid ah dadku ka qaybqaatay ololaha qaadhan ururinta jmacadda ee qurbaha.

Masuuliyinta munaasibadda ka hadashay ayaa sidoo kale uu ka mid ahaa Guddomiyaha waxbarashada ee Gobolka Cabdi Axmed siciid, waxa uu sheegay Guddomiyyuhu in shalay iyo maanta ay ad u kala duwan yihin ayna tahay ilaahay mahaddii, isagoo sheegay in markii xamasadu yara kululaatay aan arkay inta aanay meel xun inala gaadhin anigu inaan halka aku hakiyo amarkana aan bixiyey, sidoo kale wuxu soo dhoweyey professorka cusub isago sheegay in ka horena anu sagootinayn oo ay noqonayso fogayn haddii la sagtiyo , isagoo sidoo kale maamulka cusub ee jamacadda ka codsaday in ay soo saaran macalimmin dugsi sare, isago sheegay in macalimintii Dugsiyada sare ay gabaabsi yihiin una GUntadan sidi ay u soo saari lahaayen macalimin tayo leh oo dugsi sare.

Waxa madasha aad looga xusayay oo laa mahadnaqayey Sacad x.cali shire oo ay sheegen inu ahaa ninkii keli ahaa ee maskaxdiisa ay mar qudha ka soo Go’day hirgelinta jaamacad Burco loo dhiso una guntaday sidii ay u hir geli lahayd, waxay sheegeen inuu amaan iyo karaamo mudan yahay shakhsiigasi,

Sidoo kale waxa munaasibadda ka hadlay Prof C/salaan yasin isagoo faahfahin ka bixinayay marxaladihii a y jamacaddu so martay iyo halka immin wax u marayeen waxa kaloo madasha ka hadlay Prof C/raaxman jamac ducaale oo ah Guddomiyaha Cusub ee Jaamacadda isagoo sheegay in uu hawsha uga soo bixi doono sida ugu wacan, isagoo yidhi NIN XIL QAADAY EED QAAD ee aanu sidii profssorka hore u wada shaqayn jirteen u wada shaqayno.

Ugu danbaynti suldan cisman suldaan cali madar ayaa munaasibadda ku soo xidhay hadalo isugu jira waanooyin iyo canaan, isagoo sheegay in mar walba la wada hadlo oo la heshiiyo danta umadana la garto.

Waxa munaasiibaddi ay ku soo gebo gabwday jawi degen oo farxadeed sidaas ayaanu kula warrgay Guddomiyaha cusubi maamulka jaamacadda Burco, iyadoo halkaasna lagu guddoonsiiyey wixii kharash iyo dakhli loo yahay jaamacadda guddiga jaamacadda Burco.

Mustafe Osman A/rahman
Burco Somaliland
Mustafe_480@hotmail.com

WARSAXAAFADEED WASARAADA ARIMAHA DIBADA SOMALILAND

WARSAXAAFADEED WASARAADA ARIMAHA DIBADA SOMALILAND

somalilandYour browser may not support display of this image. REPUBLIC OF SOMALILAND

Ministry of Foreign Affairs

Tel/Fax: 00252-225 3871. Tel: 00252 213 4495

Your browser may not support display of this image.

31/10/2009


War Saxaafadeed.

Tix –raac maqaalka cadadkiisu yahay 4013 ee Wargeyska Jamhuuriya kuna soo baxay maalintii shalay Jimce 30/10/2009, kaaso faafiyay in Afhayenka Ciidamada ‘Amisom” ee jooga Muqdisho, uu ku dhawaaqay in ay fasax u haystaan in ay hawlgalo ay ka fuliyaan dhamaan dalkii la isku odhan jiray Somalia oo ay ku jirto Somaliland hadalkaasi oo uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Moqdisho.

Waxaanu u aragnaa in afhayeenkaasi aanu wax xog ah ka haynin Somaliland iyo qadiyadeeda.

Waxaanu afhayeenka u sheegeynaa in ay Somaliland ahayn qayb ka tirsan Somalia, oo ay tahay Jamhuuriyad madexbanaan oo gaarkeed xuriyadeeda u haysata wax colaad ah oo Somaliland gudaheeda ka taagan oo badbaado u baahan aanay jirin, cid amar ku bixin kartaa in Somaliland arrimaheeda ciidan ahaan la faragaliyo oo rukhsad looga qadayo aanay jirin.

Waxaanu leenahay ‘AMISOM” xilka Moqdisho ayay fasax u haysataaye ha ku filaanto, waana ma dhacdo in Ciidamo aanaySomaliland codsan aanay iman karayn Somaliland.

Gabagabadii waxaan afhayeenka u sheegayna in uu ku filnaado sugida amaanka magaalada Moqdisho oo qudha.

Sidoo kale waxaan tix raacayna war kale oo isaguna ku soo baxay Wargeyska Geeska Afrika cadadkiisa 796, kuna taariikheysan 31/10/2009 oo sheegaya in Rayisal Wasaaraha dawlada Sh. Shariif uu kaga dhawaaqay xarunta Chatham house ka ee magalada London in awladiisu ay qorshe wada hadal ah ay u diyaariyeen Somaliland taas oo uu ku tilmaamay in uu dhici doono doorashooyinka Somaliland ka bacdi, qorshahaasna ay la og tahay Dawlada Ingriiska.

Rayisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in ay amaan daro ka jirto Somaliland sababna uga dhigay doorashooyinkii oo qabsoomi waayay.

Waxaanu Rayisal Wasaaraha u sheegayna in dhibaatooyinka ka taagan Somalia ee ay dawladiisu maareyn kari weyday aanay kula soo galgalanin Somaliland.

Somaliland waa Jamhuuriyad madaxbanaan hawlaheeda iyo midnimadeeda ku dhameysatay wada hadal iyo isku tanaasul, hore ayaanu idiinku sheegnay in ay Somaliland si cad la soo noqotay xuriyadeeda 1991 kii marnaba suuragal maaha in wax wada hadal ah ay dhax maraan labadeena dhinac .

Waxaynu idiinku ducaynaynaa in uu ilaahay idinku waafijiyo dantiina ilaahayna inagakiin siiyo samir iyo imaan

Siciid Maxamed Nuur

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda

Friday 30 October 2009

AL-SHABAAB HALIS MA KU TAHAY SOMALILAND????

AL-SHABAAB HALIS MA KU TAHAY SOMALILAND????

Al-shabaab Halis Ma’kutahay Somaliland?

Aduunka waxa ka jira habab ay uga hortagaan khattaraha soo foodsaara,sida masiibooyinka dabiiciga ah, argagaxisada, abaaraha iyo wixii la mida. Aduunyada hore u martay waxa ka jira in dawladuhu ay si aad u heersarraysa u ilaashaan ammaanka shacabkooda iyaga oo adeegsanaya maaliyado iyo xirfado heersarreeya. Tiiyo intaasiba jirto hadana waxa wada shaqayn leh amma kaalin wayn ka ciyaara ammaanka shacabka oo gacan ka siiya hay’adaha ammaanka wax kasta oo khattar gelinkara ammaankooda guud ahaaneed iyo kooda gaar ahaaneedba, sida tuugada, dilka, boobka, kufsiga iyo wixii la halmaala.

Waxaan hadaba u ga golleeyahay gooraalkaygan waxa jirta khattar aad iyo aad u halis ah oo ku soo foolleh ammaba dhib u gaysatay Somaliland. Dhibtani oo ka timi amma ka imankarta dhaqdhaqaaqa uruka Al-shayaadiin(Al-shabaab) oo ka geeystay xasuuqii ugu xumaa taariikhta Somaliland intii ka dambaysay xinjire quutihii ina Siyaad barre.Waa cadaw mannaxaan ah, oo halis ku haya nafteenna, sharafteen, qarannimadeenna, amnigeenna, horu markeena, ubadkeenna. Haddaba inkasta oon san maqal istiraatiijid cadd oo dawladda Somaliland ka leedahay ka hortagga halistaasi, waxa iyana is waydiin leh kaalin intee le’eg ayay shacabku halistan ka ciyaarikaraan-Culimada, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka, aqoonyahanka kale ee wadanka jooga intuba kaalintee u bannaan inay ka ciyaaraan. Se halis ma ku tahay Al-shabaab Somaliland? Sidee se looga hortegayaa?

Xuseen Xirsi

Xuseen3000@yahoo.com

HEES LOO TIRIYEY QARAXII 29 OCK EE GILGILAY DALKA SOMALILAND

HEES LOO TIRIYEY QARAXII 29 OCK EE GILGILAY DALKA SOMALILAND

Hees la yidhaa qarax oo
Xuskii qaraxii hargaysa ku saabsan
By;Abwaan Axmed cabdilaahi maxamud
Axmed fartaag.Doha qadar

Qatar gali naftaadoo
Qof la yidhi rasaas noqo
Qaraxbaa ayaan daran
Qataar sixira loo dhiib
Qarashkii la siiyaa
Qalbigiisa lagu xaday
Qaad furii janadu been
Qalooc iyo caruurtii
Qaar wareeriyaa helay
Qaladbay jihaadeen

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qabtoo xidha


Qudha ruux ilaam jaray
Qaadirbaa arkaayoo
Qiil malaha aakhiro
Qubuuraa haduu galo
Qiyaamaa cadaab iyo
Qabrigiisu waa naar

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qantoo xidha

Qorshihii cadaawaa
Qaraxii la beegsaday
Qiiqii cirkaa maray
Qoortii la gooyee
Qayb qayb jidhkoodii
Qurub qurubka loo jaray
Qaniinyada maskii cunay
Qiso yaable sheekada
Qarnigaba wixii dhacay
Qalin buuga lagu dhigay
Qoraalbaan ku haystaa

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qabtoo xidha

Qaaradaa aduunkaa
Qaylo dhaan ka muujoo
Qaraxaasi waa halis
Qaanac iyo naftoodii
Quusbay ka joogaan

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qabtoo xidha


Qarankana difaacii adag
Quwad ciidan fara badan
Hubka qarada wayn iyo
Qari baanu haynaa
Qilaafkana halaga jiro
Qaladkana ka dhawraay

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qabtoo xidha

Qawlkii ilaah yidhi
Quraan iyo axaadiis
Qiray oo rasuulkii<>
Qoom raacay tuu faray
Qurux male aduunkuye
Qiimeeya aakhiro
Qaladbay u laayeen

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha xidha
Qaran dumis qabtoo xidha

Qaaradaa aduunkaa
Qaylo dhaan ka muujoo
Qaraxaasi waa halis
Qaanac iyo naftoodii
Quusbay ka joogaan

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qabtoo xidha

Waxaan bulshada reer sooliland usheegaayaa dawlad iyo shacab
Mucaarid iyo muxaafidba inay qarannimadooda dalkooda nabad galyadooda
Ilaashadaan.Oo mar danbe aan la dagin guulku waara

QARAX KA DHACAY MUQDISHO, XASAN D. AWAYS MUXUU KA YIRI ARINTII LIBIYA IYO DAGAALO KA DHACAY MEELO KA MID AH GOBOLKA BAKOOL.

QARAX KA DHACAY MUQDISHO, XASAN D. AWAYS MUXUU KA YIRI ARINTII LIBIYA IYO DAGAALO KA DHACAY MEELO KA MID AH GOBOLKA BAKOOL.

Qaraxaan oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ee meesha fog laga hago ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda KMG Somalia ah ee Soomaaliya,kuwaasi oo ku sugnaa agagaarka garoonka Aadan Cade International Airport ee magaaada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya.

Waxaana ku dhintay saddex qof oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada dowladda KMG Somalia ah ee Soomaaliya,halka Qofka kalena u qayb ka ahaa dadki rayidka ahaa ee ku sugnaa goobtaasi u ka dhacay Qaraxu.

Ciidamo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM khaas ahaan kuwa ka socda Wadanka Uganda ayaa soo gaaray goobtaasi u qaraxu ka dhacay,isla markaasina ka bilaabay dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ku xakamaynayeen amaanka aaga u ka dhacay qaraxu.

Waxaana hakad soo galay isu socodka dadka iyo gaadiidka marki u qaraxaasi dhacay,iyadoo marki dambe u caadi ku soo noqday.

Ma jiro ilaa iyo iminka cid sheegatay qaraxaasi in ay ka dambaysay,Saraakiisha dowladda KMG Somalia ah weli kama aysan hadlin qaraxaasi maanta dhacay.

Xaalada goobta u qaraxa ka dhacay ayaa ah mid haatan degan,dhowaan ayay ahayd marki garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu weeraray qaraxyo ismidaamin ah oo ay ku waxyeeloobeen Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

—————————————————————————————————————————————————–

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ee Mucaaradka ah Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dagaal dhanka Warbaahinta ah oo ay wajahayaan xoogaga Islaamiyiinta ah ee Mucaaradsan dowladda KMG Somalia iyo AMISOM.

Sheekh Aweys oo maanta Khudbad dheer ka jeediyay Masjid ku yaal gudaha Suuqa Bakaaraha Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin wax dhibaata ah oo u dhexaysa Ururka Xisbul Islaam iyo Al Shabaab tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii Kismaayo ka dhacay.

Khudbadan uu Sheekh Aweys ka jeediyay Masjidka Abuu Hureyra Suuqa Bakaaraha wuxuu uga hadlay arrimo badan sida Ujeedka Islaamiyiinta, wadahadal lala galo dowladda KMG iyo dhibaato uu sheegay in ay ka dhax abuurayaan Warbaahin Cadaw ah sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo shalay sarkaal katirsan Xisbul Islaam uu Muqdisho ka sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay lagalaan Dowladda KMG Somalia islamarkaana ay Xibul Islaam soo dhawaynayaan dadaalada Dib u Heshiisiinta dalka Libya waxaa arrinkaas meesha ka saaray Sheekh Xasan Daahir.

Xasan Daahir wuxuu Dad ku sugnaa Masjidka Abaa Hureyra u sheegay in aanay wax wadahadal ah ka aqbali doonin wadamada Carabta oo uu shegay in iyaga lahaysto ” Waxa wadahadal ah lama geli doono dowlad ku sheega Cadawga la shaqayso, ma is weydiiseen waxa uu yahay Qadaafi waa Ninka Hadda Madaxda u ah Ciidanka AMISOM ee Shacabkeena xasuuqa ku wado waxaan leenahay wadahadlkiina baadilka ah lalaabta” ayuu yiri Xasan Daahir.

Khodbadii uu jeediyay sheekh Aweys waxaa layaabay Dadkii dhagaysanayay Khodbadiisa iyagoona maanka ku hayay Hadalkii uu shalay Idaacadaha Muqdisho ka jeediyay Sarkaal Xisbigiisa katirsan oo Wadahadal soo dhawaynayay.

Sidoo kale Hogaamiyaha Xisbul Islaam wuxuu Habaaray Warbaahinta qaarkood oo uu sheegay in ay Been ka faafiyaan shaqsiyadiisa iyo khilaafka kala dhexeeyo Shabaab ”Waxaan aad u dhaliilayaa Warbaahinta caadaysatay isku dirka Muslimiinta ogaada in Saxaafaddu tahay Garsoor hadase kuwa Somalida ah waxay noqdeen kuwa aan xalaal ahayn, ilaahey ka cabsada naga daaya dacaayadaha aad naga fidinaysaan, habeen hore waxaan Idaacadda AMISOM ee dowlad ku shegta ka maqlayay Xasan Daahir Qarax ayuu ka bad baaday isagoo Afgooye jooge xamarna kama bixin muddo Bil ah waxaas ayaa wax laga maqlaa kuwa warbaahinta sheeganaya” ayuu si cara leh u yiri Sheekh Aweys.

Si kastaba ha ahaatee Hadaladan kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Warbaahinta Internet-ka faafinayeen in Sheekh Aweys uu baqdin yahay islamarkaana uu Weeraro kala kulmo kooxo kale oo ay Xisbul Islaam isla yihiin Mucaarad.

——————————————————————————————————————————————————-

Dagaal Kooban ayaa Caawa ka dhacay degmada Tayeeglow gobalka Bakool kaas oo u dhexeeya Xoogag kala taageersan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo maalmihii lasoo dhaafay is khilaafsanaa.

Wararka nagasoo gaaraya degmada Tayeegloow ayaa xaqiijinaya in Dagaal Hubka nuucyadiisa kala gedisan laysku adeegsaday balse Waqti kooban socday uu ka dhacay Tagyeegloow waxaana caawa kacsan xaaladda degmada.

Warar aan lahubin ayaa sheegaya in dagaalka ay ku lug leeyihiin Maleeshiyo Beeleed deegaanka ah oo lasafan Ururka Al Shabaab, Cisbitaalka degmada Xudur ayaa lageeyay ku dhawaad 4-qof oo dhaawac ah.

Xiisad Tayeegloow ka aloosantay ayay dhawaan xal ka gaareen Odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle iyagoona sheegay in maamulka Tayeeglow ay siiyeen Shabaab halka Xisbul Islaam lasiiyay in ay Amaanka sugayaan.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda magaalada Gacanta ku hayso degmada iyo khasaaraha kala gaaray labada dhinac waxaase jira in Isgaarsiinta Tayeeglow ay Hada ka baxday.

Dhinaca kale Dagaal u dhexeeyay dadka deegaanka iyo Ciidamo Dowladda katirsan ayaa caawa maqribkii ka dhacay degmada Rabdhuure Gobalkaa Bakool waxaana la sheegayaa in dagaalku uu yimid kadib markii Ciidan dowlada taabacsan ay Dileen mid kamida Ganacsatada degmada Rabdhuure.

Axmed Kulan

Moqdisho

KOOXDA ALSHABAAB OO U HANJABTAY SOMALILAND IYO DAWLADAHA GEESKA MAALIN KA DIB XUSKA QARXYADII 29 OCTOOBER

KOOXDA ALSHABAAB OO U HANJABTAY SOMALILAND IYO DAWLADAHA GEESKA MAALIN KA DIB XUSKA QARXYADII 29 OCTOOBER

Kooxda alshabaab ayaa maanta u hanjabtay Jamhuuriyadda Somaliland ka dib hal sano iyo maalin markii ay ka soo wareegtay Qarxayadii ay ka geysteen sanadii 29 October 2008 magaalada Hargeysa oo ay ku naf waayeen 24 Ruux .

Hanjabaadan ayaa ku soo beegmaysa hal maalin ka dib markii maalintii shalay looga baroor diiqay Falalkii argagaxiso ee lagula kacay Somaliland iyo Shuhadadii ku shahiiday qarxyadaas.ALSHABAAB

Hanjabaadan ayay kooxda Alshabaab ka jeediyeen isu soo baxyo ay dhigeen oo ay ku sheegeen in ay ugu hiilinayaan Masjidka barakaysan ee Al-aqsa .waxaana hadalada hanjabaada ah uu ujeediyay Kooxda Alshabaab Sheekh Suldaan Aala Muxamed oo ah Madaxa dacwada Wilaayada Islaamiga Al Shabaab u qaabilsan Shabeelaha Hoose .

Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa :-

” Ha loo sheego Sideeda Gobol ee hadhay inaa soo socono inaa qaadimuun, Puntland ha loo sheego inaa qaadimuun, Somaliland ha loo sheego inaa qaadimuun , Jabuuti ha loo sheego inaa qaadimuunn , Ethiopia ha loo sheego inaa qaadimuun, Kenya ha loo sheego inaa qaadimuun, Uganada ha loo sheego inaa qaadimuun, Sudan ha loo sheego inaa qaadimuun,Geeska afrika hadaba ha loo sheego inaa qaadimuun”

XAFIISKA WARARKA TOGGAHERER

HARGEYSA

DAHABSHIIL HOOYADA U XIDHAN DUBAI

DAHABSHIIL HOOYADA U XIDHAN DUBAI

dahabshiilWar naga soo gaadhay odayada baayacmushtariga ee reer Dubai, waxay noo sheegeen warkan la yaabka leh ee ay ka maqantahay naxariisti, dulqaadkii iyo isqadarintuba, waa gabadh u dhalatay magaalada Hargeisa, kana soo jeeda qoys aad ugu caana magalaada iyo gobolka Hargeisa, waa Deeq Mahamed Hussein Cashuur (Koore), waxay ugu yaran 8 sanno ka shaqaynaysay Dubai xawaalada Dahab Shiil ama Dhiig Shiil qofba siduu u yaaqano, waxay ka ahayd shaqada lacag haya (casher), mudadaa ay shaqaynsay waxay ku sifoowday edab, aaminaad, akhlaaq suuban iyo sharaf oo dhamaan macaamisha sharkaadasi ay ku soo hirtaan, weligeed lama sheegin wax aduun ah oo ku lumay, shaqadeedan si habsami ah oon hagrasho iyo habsaan lahayn ayeey u gudan jirtay, cilmi iyo aqoona waxay uga soo baxday jaamcad India ku taala cilmiga dhaqaalaha, qof waloo la macaamilay inuu amaano mooyaane wili xumaan laguma sheegin inta la shaqaysa iyo macaamiishuba, waa marwo la qabo oo laba caruura haysata oo mid naas nuug yahay.

Maxaa dhacay hadaba, waxaa kul kulmay shaqada maalin nin u dhashay wadanka Uganda oo ay ka wada shaqayn jireen UNDP magaalad Hargeisa hase ahaate isaguna shaqadii ka tegay, ka dib ninkii dhawr jeer ayuu dibada kala soo xidhiidhay maalinti dambe ayuu dibada kala soo hadlay kana codsaday inay la kulanto asxaabtiisa ku sugan magaalada Dubai waa nin iyo gadh is qaba oo u yimid sifo baayacmushtari ee caawi ayuu ka dalbaday telfoonkoodina wuu siiyey markii ay la kultay waxay gacan qaaday gabadhi.

Rabi hayanga nabadgelyo dhamaanteene waxaa ku badan suuqyada Dubai in dadka African’s ahi ay adeegsadaan sixir ay qofka markay la helaan ay ka qaadanayaan wixii hantiya oo indhosarcaada isag oo qofku maya aanu ku soo celinayn, iyaga oo waxaa xun adeegsanaaya ayeey inanti Deeqi ugu dhacday gacantooda isla markaa waxay ka hantiyeen lacag dhan $150,000.00/ una dhigantaa ilaa 500,000.00/ Dhirham, markii ay ka toostay bilaayadi lagu madiideeyey oo waagina beryey ayeey towday lacagtii dibna u xusuustay arinkii dhacay oo dhan, waa goor lagu kala tegay markaasay geeskasta u carartay waxay dahab hanti haystay ayeey suuqa ula carartay baananka ayeey xagooda u carartay is ay amaaha uga hesho, markii dambe ayeey arinkii gaadhsiisay odayaashi iyo tolkii la joogay maagalada Dubai.

Tujaarti iyo odayaashi wax garadka ahaa markii arinkii loo sheegay markiiba way ku qanceen waanay rumaysteen inaanay Deeqi ahayn qof been shagaysa waxaa laysugu yimid shir degdeg ah waxaa la go’aansaday in lacagtaa layska ururiyo sida ugu dhakhsaha badan, lana sii hor mariyo lacag dhan 150,000.00/ Dirham iyo damaanad qaad, isla markaa lala kulmo maamulka xafiiska Dahab Shiil lagana codsodo inay arinkaa Deeqa ka badbaadiyaan xadhiga iyo dhib soo gaadha lacagtana hadaanu nahay odayaasha tujaarta gaar ahaan kuwa reer Sh. Isaxaaq inay damaanad qaadan dhamaystirkeeda intaasina horumarin naga noqonayso ilaa birina idin soo gaadhi doonto, sidii ayeey ku aqbleen reer Dahab Shiil, maxaa ka dambeeyey.

Ninka madaxda ka ah xafiisaka ayaa inanti Deeqa ugu tegay aqalkii goor fiid ah kana saxeexay qoraal beena ah inay fushatay lacagtaas, markii uu ka tegayna wuxuu gudbiyey dacwad iyo inantii oo saqdii dhex aqlaka laga kexeeyey, taasi waxay naxdin iyo layaab ku noqotay gudidii loo saray iyo dadwaynihii arinka ka dambeeyey, arinkii lacag ururinta halkii ayaa laga wadaa waxaa lala xidhiidhay Hargeisa iyo hantii laha sharkada Dahab Shiil si odayaashu hab qabiil iyo waayeelba loogu damaanad qaado si uu inanta jeelka looga soo daayo, siduu warku nagu soo gaadhayo ilaa iminka arinkaa odayaasha wuu ka meeraysanaya inuu la kulmo, mudadiina wiig ayaa ka soo wareegay, waxa kaloo naloo sheegay in shaqaalihii reer Dahab Shiil laga horjoogsaday inay ka qayb qaataan lacagta baahida ah maamulkuna intii lagu qaybiyey oo markii hore ay ogoladeen ay iska diideen, awooda ILAAHAY dartii lacagtiina iminaka way dhadhawdahay oo dhamaan dadwaynhii ayaa u kacay qofwaliba karaanki aadna waanu ugu mahadnaqayna hadaanu nahay gudidda.

Tiraba dhawr jeer ayaa lacag laga dhacay sharkada si badheedh ah wuxuu Dahabshiil ka yelayna waa la ogaa waxaa lala yaabo lagana xushoodo weeyan sharkada maanta intaas oo hantiya ku fadhida ahna mid ay dadku adeegsadan, kuna aamineen hantidoodi oo dhan inay iyadu maanta aamini wayday gudidaa ka socoto dhamaan tujaarta degan magaalad Dubai, waa su’aal da’ wayno madax daalinaysa??????,,,,,, jawaabteedana ay u taalo inta adeegsata xawaalada Dahab Shiil, wax waliba asalkiisa ka ma tago uu ku barbaaro.

Waxay na soo fareen odayaashi warkan aan ka soo xiganay in dhamaan dadka ku dhadhaw hantii laha sharkad ay ka codsanaynaa inuu damaanad aqblo isla markaa hooyada gacantiisa uu ku soo xidhay shaqaalihiisana ahayd in ka badan 8 sanno uu u soo da’ayo caruurteeda.

Source; Dubai

BARBAR-KAY KA BAXDAA WAA BAKAYLO QALEEN!!

BARBAR-KAY KA BAXDAA WAA BAKAYLO QALEEN!!

SHOTALY WEYN

BARBAR-KAY KA BAXDAA WAA BAKAYLO QALEEN!!
Waxa la yidhi caano qubtay-ba dabadood la qabay hadaan la qawadin, oo micnaheedu yahay waxa aan la badabaadin karini ma jiraan haddii la rabo in wax la saxo oo sida hagaagsan loo dhigo ama oo loo qotomiyo si aanay mar dambe u ciirin ee salka dhulka loogu aasi lahaa iyada oo si isu dheeli tirin loo tiiriyey oo aan looga baqayn in ay ciida mar dambe caanuhu galaan, hadaba haddii aan u gondo dego halka i baba-naysa ee rabta in fartu damaqdo ana aan ka hor joogo waxay tahay:-
(1) Axwaasha ku xeeran komishanka cusub iyo
(2) kaalimaha looga baahan yahay in uu inaga waraabiyo,
(3) iyo qaabka uu inooga waraabi-naayo darka.
* Aan ku horeeyo’e axwaasha’e waxa komishanka hor yaala hawl aad u fara badan, oo mudo badan dayac-nayd, isku dhex daadatay oo sida mara-boobta cid kala fagtana la’ ilaa imikana ee aan weli gacanta lagu dhigin cidi maarayn lahayd ee miiq walbana gaar uga fur lahayd waxaa isku murugsan, ee ay faraha kaga gubteen nin kasta oo is mooday hormood oo ay belo ka dhacday,maamul kastaana uu ku saaqiday in uu saxo wax ka qabshdiisa, wata rebshedo badan oo nooc walba leh xataa marka lagu daro gacan ka hadal keenay geeri iyo dhaawacba sinaba loo baajin kari-waayey, kacdoon, werwer iyo baqdino la filaayey mararka qaar-kood in ay faraha ka baxaan oo loo caal waayo dejin-tooda laakiin aanu ilaah ka dhigin ee ay ku nabad dhashay cidi usga-geed wax ka yar iyo il-bidhiqsi uu dhamaaday fakalool daba ka werwer dhinac ordaayo, ha yeeshee dar al-le u sabata baxaday umada bilaa denbiga ahi ee kubada kolayga lagu hor ciyaarayaa, waxa jiray aflagaa-dooyin aan la qiyaasi karin oo komishanka ku socda, kuwo lagu cambaa-raynaayo guud ahaan iyo kuwo dhexdooda ah, qaar lagu kala jiidanaayo oo ay suxbiyadu kolba in ka mid ah lee-yihiin daacad maaha ee dhan bay u janjee-dhaan, iyo iyada oo lagu qanacsa-nayn hawsha ay gacanta ku hayeen, taas oo mudo dhaaftay wakhtiyaddii loo cayimay dhawr jeer kolba si ay u turuntu-rootaba, kacaa-kufto’ba, marba ay kariiradi ku soo baxdo oo joojiso-ba, hadaba ay buuro dhaadheer isla fuulaan sedexda xusbi, hadana isula soo daadegaan gunta oo isla muquuraan biyaha hoos-tooda la iska hirdiyey, iyada oo timaada i-jiid aan iyo ku jiidimaayo oo ay geesna u ruqaansan waydo, kuna ribato halka ay suxulada ku aasatay, iyada oo wayda cid qod-xaha ka gurta oo rakaad bixisa, sidaasna ku cago beesha oo raaf riix wayda marka ay ka quusato ruux u jixin-jixa, kuna dambaysa basan-baas candhuufta dib looga liqo in aan wax ka soo naaso cadi jirin, waxa kale oo jira eedayn joogto ah oo maaulka iyo xusbiyadu ay mid-ba ka kale indhaha dadka ku jeedinaayo oo isagu iska dhigaayo mid SIDI-MULDHUKH ah oo aan weligii falin xumaan, isu tirin ay ku halawday danihii umadu oo cidla u faquuqday wixii dadka ka dhexeeyey, laguna mash-quulay kursiga ka soo deg iyo diiday, wuu kaa dhacay wakhtigii iyo ilaa madax-weyne kale la soo doorto la ima bedeli karo, hadaba akhristoow sababaha kor ku qoran iyo in kaloo ka sii fara bdan oo aan la soo koobi karin baa ku xeeran komishanka ilaa imikana taagan oo weli fari ka cawyn in kasta oo markii sadexaad tahay ee la sameeyo gudi doorsho ( komishan), kuwani-na ay yihiin gacan uur ku jirta oo waxay la iman doonaan ay tahay gantaashii cirka loo diray nin walboow filo, ha yeeshee uu dad weynuhu u badinaayo in ay yihiin kuwo xag-jiro u badan oo qayb waliba soo xushay kii ugu faro cadaa oo ay imikaba xamxamtu sii badan tahay, hadana waxa la lee-yahay looge waa laguu mina fadhiyaa ee taas ogoow, qabyana waa hal-keeddii oo faanoole fari kama cawyn, kii ugu darnaa ee neefka indhaha iyo dhegaha ka jaray markii uu is yidhi gawracna weli looma-ba dhaqaaqin waa TIRO-KOOB-KIIYE, KAN OO AH WADNAHA KUMISHANKA, lana hubin in ay istaagi doonaan xididada dhiiga qaadaa, in dhiig kar ku dhici doono oo dhakhtar loo qaadi doono, iyo in daw loo heli doono kolba sida xaalku noqdo waa wax ay dhegtu ka sii taagan tahay waase iman tii al-le iyo khayr ay umadu ka rajo qabto.
* Kalimaha looga baahan yahay in komishanku inaga waraabiyo iyana waa kuwo dhibtooda leh oo aad u adag qof kasta oo reer somaliland ahina uu ku seexdo kuna soo tooso taloow maxay noqon ninkii awrki lacag siistay aan kuu soo koobo qodobane:-
(a) Kaalinta ugu horaysaa waa in uu qofku al-le yaqaan oo dhiniciisa u tudhaa, cidna aanu garabka saarin, marka uu hawshan galo,
(b) Waa in uu daacad noqdaa, oo uu iska ilaaliyaa wixii xumaan ah ee muddaro ah, cadaalad daro, eex, abtirsiin xusbi-nimo, reer-nimo, qof jeclaysi, laaluush, been, iska hor- keenid, xaalad abuur, waa in uu saafi ka ahaadaa kursi doon-nimo
(c) In uu hawl maalmeed-kiisa sida ay tahay u gutaa oo aanu meermeerin shaqada ee uu yahay hawl-kar, wax dhaqaajin kara.
(d) Waa in uu yahay qof lagu kalsoonaan karo oo u qalma jagada loo doortay,
(e) Waa in uu xariir ka ahaadaa fooxumoo-yinkii lagu bedelay kuwii ka horeeyey,
(f) Waa in uu muujiyaa in uu awood u lee-yahay fulinta xaalaalda dhumucda weyn ee hor taala ( waa doorashada’e),
(g) Waa in uu ka digtoo-naadaa in uu ku dhaqmo wax yaabaha suuqa yaacaaya oo uu ku ekaadaa shaqadiisa,
(h) Waa in aanu ficiltan iyo aar-goosi mid-na ku kicin ee loo sinaadaa.
(i) Waa in uu gartaa, fahmaa xilka garbaha u saarani culayska uu lee-yahay, sidiisana uu u uga taxa-diraa wixii wax-yeelo ku keenaaya.
(j) Waa in uu ka fogaado wixii fool-xumo ahaa ee keenay iska hor-imaadkii carqalada ku noqday kuwii hore ee dalka ka gawracay qadaadka.
* qaabka uu inooga waraabinaayo darkana, iyana waa kuwo ay ku dheehan tahay xamaasad ah ilaa car-i-taabo ahi, oo xanaf weyn leh, salkana aan ka degenayn oo isu fiirsi ah, dacaayad burburin ah oo kaar dhaaftay, la isu ciil cunay, la kala aamin baxay oo gaadhay car dhegta i taabo iyo car la dhaqaaq adaa ku dhaca’e, waa marxalad ay ku xidhan tahay mustaqbalka somalilandnabad iyo colaad, gooni siu taagi aan hiigsa-naynay iyo madax banaaniddii aan rabnay, waa wakhti la jilcay oo ay yar tahay wixii sama falka ahaa iyo kala dambayntii oo xumaantu dheerayso, qofka wanaaga wadaa aanu muuqan ee laga jecel yahay tuuga, beenaa-laha, xaaraan yahanka, munaafaqa
oo la neceb yahay ruuxa al-le ka baqa, waa wakhti wadaadkii adimay la yidhi muxuu nooga dul qaylinayaa muu dantiisa ku foofo, oo ay dhimatay wax isu sheegii iyo wixii la kala qaadan jiray, hadaba darka aynu rabno in ay inaga waraabiyaan, wuxu yhay oo keliya sadex waxa kuwaas oo ah sidan soo socota:-
* In ay ka taliyaan danta umada waxa ay ku jirto, waixii klae’ba dhan iskaga duwaan.
* In ay xaqa ku adimaan oo aanay ninaba u joojin ee siddii al-le yidhi raacaan, oo qof walba wixii uu helay si cad u siiyaan iyaka oon ka baydh-baydhin xaqiiqda,
* Iyo iyaka oo dhaarta ay shalay kitaabka gacanta saareen ku meel mara, kana dhabeeya waxay ay ku dhaarteen, dhaafaan waxa ka dhacaaya hareera-hooda iyo sheekoo-yinka iska hor iyo daba jeeda iskana hor imanaaya, ee ku tibada siddii ay u fulin lahaayeen waxa ay ka filayso umadu.
Hadaba waxan ku soo gabaga-baynayaa in yar oo aan ku lee-yahay shicibka reer somaliland, waar haddii aynu wax ka sheegnocaruurta uurka ku jirta ( waa komishanka’e) oo aan la sugin inta ay bal dhalana-yaan, ee aynu sii tafaa-fulo waxa ay samayn doonaan marka ay ifka u soo baxaan ee ay ka yimaadaan caloosha hooyadood, waxay maqlaan waxa ugu horeeya waxa weeye caydooda loo kala dhig-dhigaayo, sida loogu kala abtirinaayo, cida ay u janjeedhaan, bal markaas maxaad ka filaysaan in ay kuu qabtaan, ma idinla tahay in aad cagta u dhigtaan oo bal aan eegno sida kolba ay u bilaabaan hawsha fooda ku soo haysa, haddii kalese ogaada inaka baa ka waalaye yaanay inooga dhicin haddii aanan qolo ku foognayn, ama aanan dhiig faraha darin waa-naan fadhiyi karin.
*N.B Talo wa mar ay kaa maqan tahay, iyo mar ay kugu maqan tahay ee taada ka karaac baa la yidhi.
abdi-shotaly,

Thursday 29 October 2009

DAGAAL KA QARXAY GAALKACAYO DAGAALKA AYAA U DHAXEEYA GALMUDUG IYO PUNTLAND

DAGAAL KA QARXAY GAALKACAYO DAGAALKA AYAA U DHAXEEYA GALMUDUG IYO PUNTLAND

Dagaal u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmugu ee deriska ah ayaa maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Galkacyo, iyadoo dagaalka uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Dowladda Hoose isku dayeen in ay bur buriyaan sandaqado ganacsi oo ku yiil Bartamaha Magaalada Galkacyo, halkaasoo ay ku ganacsanayeen Ganacsato ka soo jeeda K/Galkacyo qeybta ay maamusho Galmudug.

Ilaa lix ruux ayaa ku dhimatay 15 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray iska hor imaadka oo ahaa mid culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu dagaalka ka dambeeyay markii mid ka mid ah Ganacsatadii laga bur burinayay goobtiisa ganacsi uu Bam faal ku dhiftay Gaari cagaf-cagaf ah.

Wasiirka Amniga Galmudug Mr Aloore ayaa sheegay in Maamulka Puntland hadii uu joojin waayo hurinta dagaalka ay isu badaleyso dagaal ka dhex qarxa Puntland iyo Galmudug.

Inkastoo xaalada Magaalada Galkacyo ay haatan degan yahay ayaa hadana waxaa jira cabsi ku aadan in dagaalo mar kale ay ka qarxaan.

Magaalada Galkacyo ayaa Waqooyi iyo Koofur waxaa kala maamula Puntland iyo Galmudug oo labada dhinac ka soo kala jeeda, iyadoo xilliyadii hore ay ahaayeen kuwo aan wax khilaaf ugu kala dhaxeyn labada dhinac ee ay kala maamulaan.

HOOLKA JAAMACADA BURCO MUNASABAD XIL WAREEJIN AHAYD OO GUUL DARRO KU DHAMAATAY IYO JAWIGII MADASHA (SAWIRO).

HOOLKA JAAMACADA BURCO MUNASABAD XIL WAREEJIN AHAYD OO GUUL DARRO KU DHAMAATAY IYO JAWIGII MADASHA (SAWIRO).

Hoolka Jaamacadd Burco Munaasibad xil wareejin ahayd oo guul darro ku dhammaatay iyo jawigi madasha.

Waaxaa saaka abbaro 9:00 am subaxnimo la soo Buux dhaafiyey Hoolka Jaamacadda Burco iyadoo lagu qabanayey Munaasibad Xilka la isaga kala wareejinayo Guddomiyiha Jaamacadda BURCO Prof: C/salan Yasin iyo Guddomiye kale oo cusub oo la yidhaa prof C/raxman oo la rabay in Jamacadda lagu waeejiyo,
Hadaba Munasibaddan xil waerjinta ahayd oo ay ka soo qayb galeen maamulka Gobolka, Maamulka waxbarashada Gobolka, Guddiga Deegaanka, Maamulka Jamacadda, Guddiga Jamacadda,, Culimo Aw-diinka Magaalada, Abwaano, iyo weliba qurbo jooga Somaliland, sido kale waxa an iyaguna meesha ka maqnayn saxaafadda Madaxa bannaan iyo ardayda Jamacadda.
Munaasibadda oo u xidhiidhiye ka ahaa Cusman Xashi ayaa ugu horayn lagu furay aayado quraan ah, aayadaha quraanka ah ka dib waxa munasibadda ka hadlay sh.maxamed Jamiil oo ka mid ah Culimadii munasibada ka soo qaybgashay, isagoo jeediyey Khudbad isugu jirta muxadaro Diini ah iyo wacyi gelin iyo weliba baraarujin, Muxadarada Sh.maxamed Jamiil kadib waxa mikirifonka lagu soo dhoweeyey Sh.khaliil oo isaga laftiisu madasha ka jeediyey wacdi, isago sheegay laftiisu inu ka mid yahay, Guddiga qabanqaabada Dhismaha Jaamacadd iyo weliba Biriijka Hargaysa, isagoo uga mahad naqay Guddomiyaha jamacadda Prof C/salan yasin sida xilkasnimada ah ee u uga soo baxay hawshii jaamacadda oo dhan,
Waxa isna madasha ka hadlay oo kale Mr.Cabdi faarax oo isagu ka sheekeeyey Taariikhaha labada Professor isago weliba ku dheeraaday Taariikhda Prof C/salaan yasin isagoo sheegay inuu ka baxay jaamacadii lafoole iyo weliba jaamacaddo kale oo dalka dibadiisa ah, wuxuu kalee sheegay in Prof C/salaan oo wax ka soo dhigay jaamacado badan oo ku yaala Maraykanka, Yurub iyo carabta, isla markaasna uu yahay Professor aqoon aad u saraysa leh, sidoo kale wuxuu sheegay in Prof C/raxman oo ah ninka lagu waday in lagu wareejiyo Guddomiyenimada Jaamacadda Burco uu isaga laftiisi jaamacado badan soo dhammaystay aqoon badanna uu leeyahay lakin se muu sheegin jaamacado uu wax ka soo dhigay profeesorkan Cusubi,
Hadaba intii uu khudbada waday Mr.Cabdi farax waxa meel dhexe ka kacay Dayr Maxmed Cilmi oo ka mid ah ragga ka qaybqaatay Dhismaha iyo Hirgelinta jaamacadda isagoo ku qayliyey cod dheer ayaa wuxu yidhi “waar aanu hadalno , oo hadalka hanaloo ogolaado waxan aad meesha ku waddaana waxba kama ogin lamana socono ee aanu hadalno” iyadoo markiba odayaal u kaceen kuna dejiyeen in jaaniskiisa uu sugo isla markaasna uu aragtidiisa dhiibto, waxa halkaa ka bilowday buuq aan badnayn Hoolka jaamacadda Dhexdeeda iyadoo khudbadiisiina uu soo gebo gabeeyey Mr.Cabdi Faarax.
Waxa kale oo isna madasha ka hadlay sheekh weyn oo looyaqaan DAKHALAL JANNA, isagoo laftiisu u digay lana talieyey Dadka meesha isugu yimi, isagoo kula taliyey inay is maqlaan isu sabraan is dhegaystaan mar uu arrintaa sheekhu ka hadlayay waxa uu yihi “wixii xuman ah ee la inaga qorayo ha la iska ilaaliyo , qolyaha saxaafadduna waxay inaga duubeeen waad aragtaan ee xishooda oo isu dulqaata rag waawaynbaynu nahaye oo yaan waxa imminka dhacay oo kale mar dabe la inaga duubin, Dee ha habarjeclo iyo habaryoonisoobina ee nagadaaya” markii uu intaas yidhi sheekhu ayaa kelmadihiisan u danbeeya ay dadbadan aad u taabteen oo uu ka mid madaxa cuqaasha Gobolka MAXAMED DAHIR isago cod dheer ku yihi “ma nihin ma nihin habar jeclo iyo habar yoonis ee waxaanu nahay JAAMACAD” iyadoo halkaas dad badan oo kale ka qayliyeen,
Sido kale waxa isna munasibadda Kelmad kooban ka jeediyey Guddomiyaha waxbrashada Gobolka oo sheegay in Jaamacadda iyo hawlaheeda aan waxba lagala socodsiin maadama uu yahay masuul wasaarada waxbrashada Gobolka u jooga, wuxuuna yidhi waa nasiib darro in maanta aan ku hanbabaro waxa jaamacada ka socda.
hadaba waxa halkii ka bilowday buuq aad u badan iyo is qabsi iyadoo markii danbeuu mikirfoonka qaatay prof C/salaan isago ku cel celiyey “ACUUDU BILAAHI MINA SHAYDAANI RAJIIM IS DEJIYA IS DEJIYA BUUQA HA LA YAREEYO, FADHIISTA” markii uu intaas yidhi ayaa waxa debeda isaga baxay koox uu ka mid yahay Dayr Maxamed Cilmi, isago markii danbena Badhasaabka Gobolku madasha ka baxay waxa kooxdaas debedda u baxdayna uu murankoodii ku soo dhammaaday is af garan waa, intii ay kooxdaasi debedda ku maqnaayeen ayuu Bilaabay Prof: C/salaan inu sharaxaad ka bixiyo Jaamacadd wixii u qabsoomay, waxay higsanayso, iyo halkay ka soo bilowday, isagoo ugu horraysiiyey aayado quraan ah oo ka sheekaynaya Caddalada , Amniga iyo aaminka waxaana uu sheegay in marka aamin la helo un caddaaladna la helayo, hadaba isagoo prof C/salan yasin ku dhex jira sharraxadiisii ayaa wax mar qudha albaabka ka soo galay Badhsaan ku xigeenka Gobolka Guled Dahir Samatar isagoona soo istaagay halkii uu ka hadlayay Professorku isagoo codsaday in munaasibadda halkaas lagu xidho, kadiba uu Professorku ku yidhi u yara kaadi halkaas oo markii danbe badhasab xigeenku uu kala booday Prof C/salan Microphone ka dadkana u sheegay in Munaasibaddu halkaas ku xidhantahay Buuq danbena aan loo baahnayn iyadoo isla markii uu hadalkaa yidhi Badhasaab xigeenkuna ay gudaha Hoolka Soo galeen Ciidamo Bilays ahi, iyagoo dadkii halkaas ka dareeriyey.
Ma jiraan dadka masuuliyinta u badan ee kor aan ku soo sheegnay cid ka hadashay madasha marka laga reebo Guddomiyaha waxbarashada oo qodob keliya ka hadlay iyago dhammaan masuuliyintii kale kaga wada noqday madasha murugo iyo yaab.
Sida aan ku maqlay nux nux hoose markii aan bannaanka u baxnay waxa la sheegay in arrinta meesha lagu waday ay ahayd arrin aan marka hore la iskula wada socon, iyadoo taasi ay dhalisay in lagu kala dareero munaasibadda.
Hadaba waxa aan si rasmiya loo ogayn in professor c/salaan oo hore u dhiibay istiqaalada uu siijoogi doono inta si loo wada dhan yaahay loola kala wareegayo iyo in uu maanta isakaga tegi doono.
Mustafe Osman A/rahman
Togaherer News
Burco Somaliland
Jamadaca Burco mixd

DAWLADA ETHOPIA AYAA XAFIISKEEDII HARGEYSA KOR U QAADAY DERJO AHAAN UNA MAGACWDAY QUNSULYID

DAWLADA ETHOPIA AYAA XAFIISKEEDII HARGEYSA KOR U QAADAY DERJO AHAAN UNA MAGACWDAY QUNSULYID

Dawladda Itoobiya ayaa Qunsuliyad buuxda u magacowday Xafiiskeedii ay ku lahayd Magaalada Hargeysa oo hore u ahaa mid Ganacsi. Waxaana shalay dalka soo gaadhay Safiir cusub oo ay u magacowday Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Wefti ka socda Itoobiya oo maanta wada-jir Shir-jaraa’id ugu qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa sheegay in Dawladda Itoobiya ay derejo ahaan kor u qaadday Xafiiskii Ganacsi ee ay ku lahayd Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo arrintan ka hadlay, ayaa yidhi, “Farxad wayn bay noo tahay in Xafiiskii Ganacsi ee Itoobiya ku lahayd Somaliland loo dallaco Qunsuliyad. Waxa shalay dalka soo gaadhay Safiirka ay Itoobiya dalka u soo magacowday oo halkan (Shirka-Jaraa’id) inala fadhiya. Waxa uu xalay la kulmay Madaxweynaha oo uu u gudbiyay farriin uu uga siday Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka Arrimaha dibedda dalkaas.”

Wasiirku wuxuu u ballan-qaaday Wakiilka loo soo magacaabay Somaliland in ay Wasaarad ahaan iyo Xukuumad ahaanba taageeri doonaan, isla markaana is-garab taagi doonaan. “Waanu kugu soo dhawaynaynaa Somaliland, waxaananu kuu ballan-qaadaynaa in aanu iskaa garab-taagno. Halkanna (Somaliland) waa dalkaagii labaad ee soo dhawow.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Safiirka cusub ee Itoobiya u soo magacowday Somaliland Mr. Berhe Tesfey oo isna halkaa kelmado aad u kooban ka yidhi, ayaa ballan-qaaday in uu la shaqayn doono.

Togaherer
Hargaysa


XUS BAROORDIIQ AH OO LOO SAMEEYEY SHUHADADII QARXAYADII HARGEYSA 29 OCTOOBER OO LAGU QABTAY MADAXTOOYADA

XUS BAROORDIIQ AH OO LOO SAMEEYEY SHUHADADII QARXAYADII HARGEYSA 29 OCTOOBER OO LAGU QABTAY MADAXTOOYADA

Munaasibad Baroor Diiq ah laguna xusayay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay Qaraxyadii lala beegsaday Hargeysa 29 October 2008, ayaa maanta lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Somaliland.
xuska baroordiiqda wayn2
Munaasibaddan oo ay ka qayb galeen Madaxweyne Rayaale, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha UCID, Masuuliyiin ka socotay Xisbiyada, Wasiiro, Xildhibaanno, Hay’adaha Qaramada Midoobay qaarkood iyo marti-sharaf kale, ayaanay ka qayb gelin guud ahaanba Xisbiga KULMIYE iyo Shirguddoonada labada Aqal Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada.
xuska baroordiiqda wayn3
Inkasta oo shalay Madaxweyne Rayaale Warbaahinta horteeda ka sheegay in Axsaabta Mucaaradka ah loo geeyo Tigidhada marti-qaadka Xuskan, isla markaana mar aanu isku daynay in aanu ogaano sababta keentay in Xisbiga KULMIYE iyo labada Shirguddoon aanay uga soo qayb gelin Xuskan, haddana noomay suurtogelin.
xuska baroordiiqda wayn1
Munaasibaddan maanta dadkii ka hadlay waxa ka mid ahaa, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale. “Dhacdadani waxay ahayd mid lala beegsaday Qaranimadeena oo waliba laynala beegsaday waqti xasaasi ah oo Doorasho lagu jiro. Waxaana lagu talo-galay in Somaliland lagu wiiqo, balse Ilaahay ma aqbalin in Somaliland burburto.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu. Waxaanu ku dheeraaday Falal Argagixiso oo ilaa sanadkii 2002 lala beegsaday Somaliland, kuwaas oo isugu jiray Dil, dhac iyo isku-day Qaraxyo.

Waxaanu mahadnaq u jeediyay dawlado kala duwan. “Waxa jiray dad inaga ah oo jooga Soomaaliya oo tallaabada Qaraxyadii ku tilmaamay kuwo xaq ah. Waxaan mahad-naq u jeedinayaa dadkii maalintii Falka Argagixiso inagu dhacay taageeradii u horreeyay inoo sameeyay oo ah Jamhuuriyadda Jabuuti, gaar ahaan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Dhaawaceenii halkan (Hargeysa) ayaynu ka qaadnay oo Dhaqtarrada Jabuuti bilaash baa loogu soo daweeyay.

Sidoo kale, waxaan u mahadnaqayaa cid kasta oo ila soo hadashay, hadday Itoobiya tahay iyo hadday Safaarado kale tahayba waa u mahad-naqayaa. Hase ahaatee, waxa muuqatay in ballan-qaadyo badan oo Beesha Caalamku inoo qaadeen oo ay ahayd inay la-dagaallanka Argagixisada laynaga taageero inay noqotay sheeko waqti kooban socotay oo aanay jawaabo badan ka soo bixin.

Waxase aan xusuusinayaa in nabadda Somaliland ay guud ahaan Caalamkana wax u tahay, geyigan Geeska Afrika ee ay degan tahayna ay wax u tahay. Waxaan aaminsanahay in nabaddu Somaliland oo kaliya aanay dan ugu jirin ee ay dan ugu jirto Itoobiya iyo Jabuuti-ba. Kuwaas oo iyaga iyo Beesha Caalamkaba ay waajib ku tahay inay Somaliland gacan siiyaan.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu wuxuu baaq u jeediyay shacabka. Mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Umaddeena waxa kale oo aan leeyahay, Ubadkeenii baa la kaxaysatay oo wax kale loo sheegay. Hadda waxaanu haynaa Kutub Ubadkeena loo akhriyo oo Xadiisyo badhna laga tago, badhna la soo qaato. Kuwaas oo la leeyahay, Jihaad baad ku jirtaa oo xitaa haddii aad Hooyadaa iyo Aabbahaa disho waa kuu xalaal. Sidaa darteed, looma baahna in laga aamusee, waxa loo baahan yahay in laga hadlo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Maanta waxa Pakistan ka socda waad ogtihiin, waxa Caalamka Islaamka ka taaganna waad la socotaan. Dadka inaga ah ee lagu soo qabto Falalka noocaas ah, Madaxweyne ayaan ahay oo waa laygu yimaaddaa oo waxa la yidhaahdaa hebel ha la soo daayo. Waxaan idhaahdaa, waar ninkani reerba maahee waa nin ina wada laynaya ee aynu iska hayno. Waxyaabahaas oo dhan baa maanta taagan, ee waa inaynu ogaano, Caruurteenu way fidnaysan yihiin ee waa inaynu isweydiinaa, sidee looga hortegi karaa waxa socdaa waa Afkaar.”

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo xuskan ka sokow, ka hadlay Xaaladda Soomaaliya ka taagan. “Dadkii falalkan geystay in Ilaahay Sharkooda inaga nabad-geliyo ayaan Ilaahay ka baryayaa, dadkii ku dhintayna u naxariisto, inagana samir iyo Iimaan inaga siiyo..Dadka Soomaaliya Durbaannada ka garaacaya, waxaanu leenahay Somaliland uma baahna dhibaato.

Waxaananu nahay Umad aan dadka gar-darraysan, haddii la gardarraysatana aan laga macaashin. Waxa naga go’an nin aan dalkayaga daafacno. Soomaali meel kasta oo ay joogtana waxay u baahan tahay nabad. Maanta qofkii Soomaali ah ee gudihiisa hagaajiya ee nabad keensada in la ammaano oo lagu garab-galo ayuu mudan yahay. Waxaanu leenahay, gacan waad naga helaysaan, balse looma baahna Durbaannada colaadda ee aad garaacaysaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Wasiirka Madaxtooyada oo halkaa ka hadlay ayaa isna akhriyay Magacyada dadkii ku dhintay Weeraraad oo tiradoodu dhammayd 25 qof.

Dadkii kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa, Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud, Madaxa Xafiiska Hay’adda UNDP ee Somaliland iyo marti-sharaf kale.

GUDOOMIYAHA KULMIYE MUJ SIILANYO OO CIDAMADA AMAANU U DIIDIIN IN UU KA QAB GALI MUNAASABADII XUSKII 29 OKTOBER EE KA DHACAYSAY MADAXTOOYADA S/L

GUDOOMIYAHA KULMIYE MUJ SIILANYO OO CIDAMADA AMAANU U DIIDIIN IN UU KA QAB GALI MUNAASABADII XUSKII 29 OKTOBER EE KA DHACAYSAY MADAXTOOYADA S/L

Gudoomiyahay xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ay ciidama nabad gelyadu iska hor tageen in uu galo madaxtooyada taas oo ay dub u celiyada isaga oo doonaayey in uu ka qayb galo xuskaasi 29 Oct ee ka dhacaayey aqalka madaxtooyada Somaliland.

Gudoomiye Siilaanyo ayaa ku tilmaamay mid nasiib daro ah in ciidamada amaaku ay ka hor isataagaan dibna uga celiyaan xafladaasi baroordiisda , gudoomiyaha oo u waramaayey warbaahinta ayaa sheegay in uu ka casuunaa xafladaasi oo uu sitay card kii casuumada taas oo uu sheegay in si badheedh ah ay uga hor istaageen ciidamada nabad gelyad ee ku sugnaa agagaarka madaxtooyada kuwaa oo uu sheegay in aanuu garanayn sababta keenatay in ay ciidankaasi ka hor joogsadaan waxaanu sheegay in falkaa ay ku kaceen ay dhabar jarb iyo sumcad xumi ku ah milgaha dawladnimo waxaanuu muujiyey in arintaasi tilmamayso maamul xumada iyo kala daadsananta xukuumada Riyaale .

Gudomiye Axmed Siilaayo waxa uu u duceeyey dadkii ku nafwaayey qaraxyadii sadexada aha ee ka dhacay 29 October Magaalda Hargaysa waxaanuu shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay ka feejignaadaan wax kasta oo nabadgelyada wax u dhimaaya.

Waqabadka Togaherer

Hargaysa

XUSKII SANAD-GUURADA 1AAD EE HALYEYGII XEER BEEGTIDA AHAA MAXAMED LIBAAX.

XUSKII SANAD-GUURADA 1AAD EE HALYEYGII XEER BEEGTIDA AHAA MAXAMED LIBAAX.

Xuska Sanad-guurada 1aad ee Halyaygii Xeer-beegtida ahaa Maxamed C. Libaaxo: Mudane Guurtiya oo ku Shahiiday Maalin Madaw.

Laangadhe libax yarAlla Ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cismaan Guuleed (Libaaxo), waxa uu kamid ahaa Mudane ka tirsan Golaha guurtida Somaliland ee Kaalinta ka soo qaatay Sib u dhiska dalka iyo nabadaynta beelaha Somaliland. Marxuum Libaaxo waxa uu ku Nafwaayay Qaraxii Argagaxiso ee 29.Oct. 2008 lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada, isagoo wax yar ka hor falkaasi ka soobaxay Xafiska Madaxweynaha oo uu Hawlo u lahaa balse qadarku haleelay.
Alla ha u naxariistii Xil. Maxamed Cismaan Libaaxo waxa uu ku dhashay Deegaanka Qool-dacarre oo ku yaala Hawdka Sare ee Xuduudka Sanadkii 1940-kii.
Barbaarintiisii iyo Waxbarashadiisii Aasaasiga ahayd waxa uu ku qaatay Magaalada Berbera, Shaqadiisii u horeysay waxa uu ka bilaabay Magaalada Hargeysa 1958 isagoo ka hawl galay Waaxda Gaadiidka ee Maamulkii Ingiriiska, iyadoo wakhtigaasi ay dalka ka socotay Dabayshii Gobonimo doonku, Muddo markuu ka shaqaynayay Magaalda Hargeysa Midowgii Somaliland iyo Somaliya waxa uu 1970 u wareegay Koonfur isaga oo ka shaqo galay Xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho. 1975 dalka ayuu ka dhoofay isagoo Shaqo Farsamo ka bilaabay Wadamada Khaliijka, waxa uu noqday Ganacsade madax banaan isagoo kamid noqday Baayac mushtarka dhoofka Xoolaha Nool ee u kala goosha Sucuudiga iyo dhulka Soomaalida.
Marxuum Libaaxoo
1988 waxaa uu si toosa ugu biiray Halgankii hubaysnaa ee Horseedka ka ahayd SNM, isagoo u tallaabay Xaruntii ALMS ee SNM, isagoo halganka u qaabilsanaa Guutadii soo ururin jirtay Saadka lagu dagaalamayo.
Markii Somaliland ku dhawaaqday Madaxbanaanideeda 18.May.1991 waxa uu ka mid ahaa Ergadii Odayaasha ahaa ee ka qayb galay Shirweynihii Beelasha Somaliland ee Burco, waxa uu Door weyn ku lahaa isu soo dhawayntii Beelaha Somaliland iyo shirkii 1993 lagu soo dhisay Xukuumaddii Marxuum Cigaal. Sanadkii 1994 waxa uu Marxuum Libaaxo kamid noqday Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland oo uu ilaa Wakhtigan ahaa. Shirkii Beelaha Somaliland ee Hargeyska lagu qabtay 1997 waxa uu Marxuumku Mar kale ka noqday Xubin firfircoon. Guddidii isku dubaridday Dastuurka Somaliland
Marxuum/Xildhibaan Maxamed Cismaan Libaaxo waxa uu ifka kaga tagay 8 Carruur ah (Wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen).

Thanks

Hoolka Jaamacadd Burco Munaasibad xil wareejin ahayd oo guul darro ku dhammaatay iyo jawigi madasha.

Hoolka Jaamacadd Burco Munaasibad xil wareejin ahayd oo guul darro ku dhammaatay iyo jawigi madasha.

Hoolka Jaamacadd Burco Munaasibad xil wareejin ahayd oo guul darro ku dhammaatay iyo jawigi madasha.

Waaxaa saaka abbaro 9:00 am subaxnimo la soo Buux dhaafiyey Hoolka Jaamacadda Burco iyadoo lagu qabanayey Munaasibad Xilka la isaga kala wareejinayo Guddomiyiha Jaamacadda BURCO Prof: C/salan Yasin iyo Guddomiye kale oo cusub oo la yidhaa prof C/raxman oo la rabay in Jamacadda lagu waeejiyo,
Hadaba Munasibaddan xil waerjinta ahayd oo ay ka soo qayb galeen maamulka Gobolka, Maamulka waxbarashada Gobolka, Guddiga Deegaanka, Maamulka Jamacadda, Guddiga Jamacadda,, Culimo Aw-diinka Magaalada, Abwaano, iyo weliba qurbo jooga Somaliland, sido kale waxa an iyaguna meesha ka maqnayn saxaafadda Madaxa bannaan iyo ardayda Jamacadda.
Munaasibadda oo u xidhiidhiye ka ahaa Cusman Xashi ayaa ugu horayn lagu furay aayado quraan ah, aayadaha quraanka ah ka dib waxa munasibadda ka hadlay sh.maxamed Jamiil oo ka mid ah Culimadii munasibada ka soo qaybgashay, isagoo jeediyey Khudbad isugu jirta muxadaro Diini ah iyo wacyi gelin iyo weliba baraarujin, Muxadarada Sh.maxamed Jamiil kadib waxa mikirifonka lagu soo dhoweeyey Sh.khaliil oo isaga laftiisu madasha ka jeediyey wacdi, isago sheegay laftiisu inu ka mid yahay, Guddiga qabanqaabada Dhismaha Jaamacadd iyo weliba Biriijka Hargaysa, isagoo uga mahad naqay Guddomiyaha jamacadda Prof C/salan yasin sida xilkasnimada ah ee u uga soo baxay hawshii jaamacadda oo dhan,
Waxa isna madasha ka hadlay oo kale Mr.Cabdi faarax oo isagu ka sheekeeyey Taariikhaha labada Professor isago weliba ku dheeraaday Taariikhda Prof C/salaan yasin isagoo sheegay inuu ka baxay jaamacadii lafoole iyo weliba jaamacaddo kale oo dalka dibadiisa ah, wuxuu kalee sheegay in Prof C/salaan oo wax ka soo dhigay jaamacado badan oo ku yaala Maraykanka, Yurub iyo carabta, isla markaasna uu yahay Professor aqoon aad u saraysa leh, sidoo kale wuxuu sheegay in Prof C/raxman oo ah ninka lagu waday in lagu wareejiyo Guddomiyenimada Jaamacadda Burco uu isaga laftiisi jaamacado badan soo dhammaystay aqoon badanna uu leeyahay lakin se muu sheegin jaamacado uu wax ka soo dhigay profeesorkan Cusubi,
Hadaba intii uu khudbada waday Mr.Cabdi farax waxa meel dhexe ka kacay Dayr Maxmed Cilmi oo ka mid ah ragga ka qaybqaatay Dhismaha iyo Hirgelinta jaamacadda isagoo ku qayliyey cod dheer ayaa wuxu yidhi “waar aanu hadalno , oo hadalka hanaloo ogolaado waxan aad meesha ku waddaana waxba kama ogin lamana socono ee aanu hadalno” iyadoo markiba odayaal u kaceen kuna dejiyeen in jaaniskiisa uu sugo isla markaasna uu aragtidiisa dhiibto, waxa halkaa ka bilowday buuq aan badnayn Hoolka jaamacadda Dhexdeeda iyadoo khudbadiisiina uu soo gebo gabeeyey Mr.Cabdi Faarax.
Waxa kale oo isna madasha ka hadlay sheekh weyn oo looyaqaan DAKHALAL JANNA, isagoo laftiisu u digay lana talieyey Dadka meesha isugu yimi, isagoo kula taliyey inay is maqlaan isu sabraan is dhegaystaan mar uu arrintaa sheekhu ka hadlayay waxa uu yihi “wixii xuman ah ee la inaga qorayo ha la iska ilaaliyo , qolyaha saxaafadduna waxay inaga duubeeen waad aragtaan ee xishooda oo isu dulqaata rag waawaynbaynu nahaye oo yaan waxa imminka dhacay oo kale mar dabe la inaga duubin, Dee ha habarjeclo iyo habaryoonisoobina ee nagadaaya” markii uu intaas yidhi sheekhu ayaa kelmadihiisan u danbeeya ay dadbadan aad u taabteen oo uu ka mid madaxa cuqaasha Gobolka MAXAMED DAHIR isago cod dheer ku yihi “ma nihin ma nihin habar jeclo iyo habar yoonis ee waxaanu nahay JAAMACAD” iyadoo halkaas dad badan oo kale ka qayliyeen,
Sido kale waxa isna munasibadda Kelmad kooban ka jeediyey Guddomiyaha waxbrashada Gobolka oo sheegay in Jaamacadda iyo hawlaheeda aan waxba lagala socodsiin maadama uu yahay masuul wasaarada waxbrashada Gobolka u jooga, wuxuuna yidhi waa nasiib darro in maanta aan ku hanbabaro waxa jaamacada ka socda.
hadaba waxa halkii ka bilowday buuq aad u badan iyo is qabsi iyadoo markii danbeuu mikirfoonka qaatay prof C/salaan isago ku cel celiyey “ACUUDU BILAAHI MINA SHAYDAANI RAJIIM IS DEJIYA IS DEJIYA BUUQA HA LA YAREEYO, FADHIISTA” markii uu intaas yidhi ayaa waxa debeda isaga baxay koox uu ka mid yahay Dayr Maxamed Cilmi, isago markii danbena Badhasaabka Gobolku madasha ka baxay waxa kooxdaas debedda u baxdayna uu murankoodii ku soo dhammaaday is af garan waa, intii ay kooxdaasi debedda ku maqnaayeen ayuu Bilaabay Prof: C/salaan inu sharaxaad ka bixiyo Jaamacadd wixii u qabsoomay, waxay higsanayso, iyo halkay ka soo bilowday, isagoo ugu horraysiiyey aayado quraan ah oo ka sheekaynaya Caddalada , Amniga iyo aaminka waxaana uu sheegay in marka aamin la helo un caddaaladna la helayo, hadaba isagoo prof C/salan yasin ku dhex jira sharraxadiisii ayaa wax mar qudha albaabka ka soo galay Badhsaan ku xigeenka Gobolka Guled Dahir Samatar isagoona soo istaagay halkii uu ka hadlayay Professorku isagoo codsaday in munaasibadda halkaas lagu xidho, kadiba uu Professorku ku yidhi u yara kaadi halkaas oo markii danbe badhasab xigeenku uu kala booday Prof C/salan Microphone ka dadkana u sheegay in Munaasibaddu halkaas ku xidhantahay Buuq danbena aan loo baahnayn iyadoo isla markii uu hadalkaa yidhi Badhasaab xigeenkuna ay gudaha Hoolka Soo galeen Ciidamo Bilays ahi, iyagoo dadkii halkaas ka dareeriyey.
Ma jiraan dadka masuuliyinta u badan ee kor aan ku soo sheegnay cid ka hadashay madasha marka laga reebo Guddomiyaha waxbarashada oo qodob keliya ka hadlay iyago dhammaan masuuliyintii kale kaga wada noqday madasha murugo iyo yaab.
Sida aan ku maqlay nux nux hoose markii aan bannaanka u baxnay waxa la sheegay in arrinta meesha lagu waday ay ahayd arrin aan marka hore la iskula wada socon, iyadoo taasi ay dhalisay in lagu kala dareero munaasibadda.
Hadaba waxa aan si rasmiya loo ogayn in professor c/salaan oo hore u dhiibay istiqaalada uu siijoogi doono inta si loo wada dhan yaahay loola kala wareegayo iyo in uu maanta isakaga tegi doono.
Mustafe Osman A/rahman
Togaherer News
Burco Somaliland

DAGAAL KA QARXAY GAALKACAYO DAGAALKA AYAA U DHAXEEYA GALMUDUG IYO PUNTLAND

DAGAAL KA QARXAY GAALKACAYO DAGAALKA AYAA U DHAXEEYA GALMUDUG IYO PUNTLAND

Dagaal u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmugu ee deriska ah ayaa maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Galkacyo, iyadoo dagaalka uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Dowladda Hoose isku dayeen in ay bur buriyaan sandaqado ganacsi oo ku yiil Bartamaha Magaalada Galkacyo, halkaasoo ay ku ganacsanayeen Ganacsato ka soo jeeda K/Galkacyo qeybta ay maamusho Galmudug.

Ilaa lix ruux ayaa ku dhimatay 15 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray iska hor imaadka oo ahaa mid culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu dagaalka ka dambeeyay markii mid ka mid ah Ganacsatadii laga bur burinayay goobtiisa ganacsi uu Bam faal ku dhiftay Gaari cagaf-cagaf ah.

Wasiirka Amniga Galmudug Mr Aloore ayaa sheegay in Maamulka Puntland hadii uu joojin waayo hurinta dagaalka ay isu badaleyso dagaal ka dhex qarxa Puntland iyo Galmudug.

Inkastoo xaalada Magaalada Galkacyo ay haatan degan yahay ayaa hadana waxaa jira cabsi ku aadan in dagaalo mar kale ay ka qarxaan.

Magaalada Galkacyo ayaa Waqooyi iyo Koofur waxaa kala maamula Puntland iyo Galmudug oo labada dhinac ka soo kala jeeda, iyadoo xilliyadii hore ay ahaayeen kuwo aan wax khilaaf ugu kala dhaxeyn labada dhinac ee ay kala maamulaan.

ADUUNKA AMA KOWNKA (QAYBTII TOBNAAD ) QUR’AANKA IYO SUNNAHA

ADUUNKA AMA KOWNKA (QAYBTII TOBNAAD ) QUR’AANKA IYO SUNNAHA

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxaan salaantaa kor ku xusan ee Islaamka u gudbinayaa Shebekadda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda.

Adduunka ama Kownka(Qaybtii 10aad)

Quraanka iyo Sunnaha

Quraanku waa qawlkii Illaahay oo Alle ku soo dejiyey Nebigeenna nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,quraanku wuxu koobsanayaa dhamaan caqiidada iyo iimaanka iyo qaanuunka iyo xeerka Alle u dejiyey insaanka,ee axkaam iyo sharci leh,sidoo kale nidaamka macaamilada iyo xidhiidhka ee loo wada dhaqmayo,waxa Quraanka Alle inoogu sheegay wacdi iyo waciidba,oo digis iyo bushaaroba leh,waxa kale oo Quraanku inoo sheegay qisas ah dhacdooyin dhab ah oo cibro iyo wax ku qaadasho leh,iyadoo uu Quraanku inooga warramay Qowmamkii innaga horreeyey iyo siday u noolaayeen iyo halaagyadii ku dhacay iyo sababtay ku kasbadeen halaaggaas,Quraanku wuxu inoo sheegay Aayaad kowniya ka hadlaya kownkan iyo abuurkiisa iyo sida ay u tahay wax lagu fekero oo awoodda Alle lagu xusuusto mar kasta.

Quraanku waa qawlkii Alle oo qof aan daahir ahayn looma oggola inuu taabto:

إِنَّهُ لَقُرْآنٌ كَرِيمٌ فِي كِتَابٍ مَّكْنُونٍ لَّا يَمَسُّهُ إِلَّا الْمُطَهَّرُونَ تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ ( (الواقعة)

Aayadda:waa Quraan kariim ah oo ku xafidan kitaab oo aanu taaban karin mid aan daahir ahayni,waxa uu ka soo degey xagga rabbiga caalamiinta.

Sidoo kale Quraanka waxba lagama sarraysiin karo,waayo waa qawlkii Alle,waxana Quraanku ka kooban yahay: 114 Suuradood,iyo 6236 Aayadood waana 30 jis.

Quraanka waxad ka helaysaa hanuun iyo inaad kala soo baxdo dariiqa iyo wejiga saxa ah ee nolosha oo wuxu ku siinayaa bushaarooyinka ah abaalgudkaaga haddaad wanaag samayso:

إِنَّ هَـذَا الْقُرْآنَ يِهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْراً كَبِيراً )الإسراء(

Aayadda:Quraankani wuxu kugu hanuuninayaa sida iyo dariiqa saxa ah,waxanu u bushaareynayaa Muuminiinta sameeya camalka wanaagsan oo ugu bushaareynayaa inay leeyihiin oo helayaan Ajar weyn(Abaalgud fiican).

Ujeeddooyinka Alle Quraanka u soo dejiyey waxa ka mid ah si uu ugu kala caddeeyo dadka waxay isku khilaafsan yihiin oo ugu hanuuniyo waddada iyo jidka toosan:

“وَمَا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ إِلاَّ لِتُبَيِّنَ لَهُمُ الَّذِي اخْتَلَفُواْ فِيهِ وَهُدًى وَرَحْمَةً لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ “ )النحل)

Aayadda:kuuguma aannu soo dejin Kitaabka(Quraanka)wax kale inaad u caddayso mooyaane waxa ay isku khilaafeen waxana ugu sugan hanuun iyo raxmad qowmka Alle iyo Nebigiisa rumeeyey ee Muuminiinta ah.

Quraanku waxu ka sugnaaday xagga Eebbe,waa manhaj dhamaystiran oo koobsaday dhamaan qaybaha kala gedisan ee nolosha iyo baahideeda oo dhan,waxa qof walba la siiyey oo Alle siiyey xorriyad buuxda,Quraankaas inuu u hoggaansamo wuxu dhigayo iyo inuu diido oo doorto inuu hawadiisa raaco,taas oo ku dhamaanaysaa abaalmarin hadba qofku doorashadiisa siduu ku saleeyey,inuu Quraanka raacay iyo in kale!:

َوأَنْ أَتْلُوَ الْقُرْآنَ فَمَنِ اهْتَدَى فَإِنَّمَا يَهْتَدِي لِنَفْسِهِ وَمَن ضَلَّ فَقُلْ إِنَّمَا أَنَا مِنَ الْمُنذِرِينَ) النمل(

Aayadda:(Adigu Nebi Allow) u akhri Quraanka kii hadoobaa naftiisuu hadeeyey oo hanuuniyey,kii baadiyoobana(isagay jirtaa)waxad tidhaahdaa anigu waxan ahay dige(mid digaya bes).

Quraanku wuxu ku soo degey afka carabiga oo Alle u doortay:

“كِتَابٌ فُصِّلَتْ آيَاتُهُ قُرْآناً عَرَبِيّاً لِّقَوْمٍ يَعْلَمُونَ”(صِّلَتْ)

Aayadda:Kitaab weeye Aayadihiisu cadcad yihiin oo fasilan yihiin oo ah carabi,oo sidaas u ah Qowmka garanaya.

Kitaabka quraanka wax kasta waa lagu sheegay oo dadka loogu fasiray:

ولقد صرّفنا للنّاس في هذا القرءان من كلّ مثل فأبي أكثر النّاس إلا كفوراً (الإسراء)

Aayadda:xaqiiqa’e waannu ugu sheegnay dadka kitaabkan meselo kasta,in fara badan oo dadka ka mid ihina way diideen inay ku kufriyaan mooyee.

Waxa Alle dadka tusaale u siinayaa isagoo qiimaha iyo weynida Quraanka tilmaamaya,haddii Quraankan lagu soo dejin lahaa Buur sida arrinku noqon lahaa:

“لَوْ أَنزَلْنَا هَذَا الْقُرْآنَ عَلَى جَبَلٍ لَّرَأَيْتَهُ خَاشِعاً مُّتَصَدِّعاً مِّنْ خَشْيَةِ اللَّهِ وَتِلْكَ الْأَمْثَالُ نَضْرِبُهَا لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ “ (الحشر)

Aayadda:haddaannu ku soo dejin lahayn Quraanka Buur,waxad arki lahayd buurtii oo khushuuc iyo madax wareer ku jirta cabsida Eebbe darteed.

Quraanka dadka gaalada ah ee diiday inay rumeeyaan,waxay qaarkood ku andacoodeen inuu gabay yahay,dabadeed Illaahay Aayado badan ayuu dadka ugu caddeeyey,inuu qawlkii Alle yahay oo aanu gabay iyo hadal kale ahayn:

وَمَا عَلَّمنَٰهُ ٱلشِّعرَ وَمَا يَنبَغِى لَهُ إِن هُوَ إِلَّا ذِكر وَقُرءان مُّبِين”( يسۤ)

Aayadda:ma aannu barin(Rasuulka)gabay umana qalmo arrinkaa,wax kale ma ahee waa Digri iyo Quraan cad.

Waxa Aayad kale Alle inoogu sheegay in Rasuulku waxyi ku soo degey keliya uu soo gudbinayo,ee aanay ahayn wuxu isagu jeclaado:

“وما ينطق عن الهوى إن هو إلا وحيّ يوحى”(النجم)

Aayadda:kuma dhawaaqo oo ma yidhaahdo hawadiisa ee waa waxyi loo waxyooday.

Waxa laga dalbay kuwa diidaya Quraanka bal inay keenaan isagoo kale ama Toban Aayadood oo Quraanka la mid ah ama Aayad keliya,intay dhamaantood isu tagaan oo is kaashadaan:

“ُقل لَئنِ ِٱجتَمَعَتِ ٱلإنسُ وٱلجِنُّ علىٰۤ أَن يَأتُواْ بِمِثل ِهٰذا ٱلقُرءانِِ لا يَأتُونَ بِمِثلِهِ” (ٱلإسراء)

Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)haddii ay isu tagaan Insiga iyo Jinnigu si ay u keenaan Quraankan oo kale,ma keeni karaan.

Waxa laga dalbayaa haddii shaki kaga jiro bal inay Suurad keliyoo Quraankoo kale ah keenaan:

“وإِن كُنتُم فى ريبٍ ِمّمَّا نَزَّلنَا علىٰ عَبدِنا فَأتُواْ بسُورةٍ مِّن مِّثلِهِ” ( ٱلبقرة)

Aayadda:haddii aad ka shakisan tihiin waxa aannu ku soo dejinnay Addoonkayaga la kaalaya oo keena Suurad la mid ah Suuradaha Quraanka.

Qofka ugu khayr badan dadka waa ka ama dhigaya Quraanka ee dadka baraya,ama isagu baranaya,oo Quraanku waa nuur oo waa qowlkii Alle oo wax lala simo aanay jirin:

“قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم”خيركم من تعلّم القرءان وعلّمه”

Xadiis ayuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ku yidhi:ka idiinku khayr badani waa ka baranaya Quraanka ama dadka baraya.

Quraanku wuxu ku ilaashan yahay awoodda Illaahay,siyaabo badan ayaa Alle ku xifdiyey waxa ka mid ah dad fara badan oo Muslin ah oo Adduunka meelo kala gedisan kaga nool ayaa Quraanka xifdisan,oo uu laabohooda ku xafidan yahay:

“إنّا نحن نزلنا الذكرى وإنّ له لحافظون”(الحجر)

Aayadda:Annagaa soo dejinnay Digriga(Quraanka) oo annagaa xafidayna oo ilaalinayna.

Qofka xifdisan Quraanka ee sida la rabo ugu dhaqma oo dabbaqa,waa qaali oo naartu ma taabato qof Quraanka xifdisan,haddii isaga iyo Kitaabka la isbarbar dhigo,waxa imanaya 30kii jus ee Quraanka oo Kitaabkii ku qoran sidoo kale qofkii laabtiisa ku xifdisan,waxa soo hadhay warqadihii iyo shakhsigii bini’aadamka ahaa,haddii la isu miisaamo waxa qiimo badnaanaya qofka oo Alle fadilay,halkaa waxa kaaga soo baxaya in qofka Quraanka xifdisan ee ku dhaqmaa uu ka qiimo badan yahay Kitaabkii,waxana mar kasta shardi u ah inuu ku dhaqmo oo dabbaqo,oo aanu noqon Dameer malab la saaray!.

Xifdiga Quraanku waa hawl yaryahay,wuxu keliyoo u baahan yahay dadaal iyo niyad ood u keento,Allena wuu kugu taageerayaa inaad ku guulaysato,Adiguna ku dadaal carruurta aad dhasho iyo kuwo aad talada ku leedahayba isku day inay Quraanka xifdiyaan,qof kasti wuu xifdiyi karaa Quraanka,oo waxay u baahan tahay dadaal iyo niyad keliya,waxayse u sii sahlan tahay carruurta,Illaahay ayaa ka dhigay sahal:

“وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ “ (القمر)

Aayadda:xaqiiqa’e waannu u sahalnay Quraanka digri ahaan iyo waano qaadasho,ma jirtaa cid waano qaadanaysaa.

Sunnuhu waa waxa Rasuulka ka sugnaaday ama Qowl,ama ficil uu sameeyey,ama wax isagoo arkaya cid kale samaysay oo uu ka aamusay oonu diidin,Sunnaha Rasulka ama Axaadiistu waa sheyga labaad ee loo noqonayo marka Quranku yahay ka kowaad ee lagu sargoynayo waxkasta oo la qabanayo,Sunnuhu wuxu sharxaa Quraanka oo fahankiisa iyo fasiraadiisa caddeeyaa:

قال تعالى: (وأنزلنا إليك الذكر لتبين للناس ما نزل إليهم ولعلهم يتفكرون)

Aayadda:waxannu kugu soo dejinnay Digriga(Quraanka)si aad Dadka ugu caddayso waxa aannu u soo dejinnay,waxa la arkaa inay ku fekeraane.

Rasuulku salawaatullaahi wasalaamuhu calayhi wuxu dadka u fasiray Quraanka oo dariiqiisii ayaa Asxaabtu mareen,waxay u sii gudbiyeen Taabiciintii,ilaa Taabicitaabici oo innaga ina soo gaadhey,waana inaad u lahaataa Sheekh aad ka qaadato Tafsiirka,waayo waxa jira wax la yiraahdo laqmayn oo ma aha in qof carabiga keliya yaqaannaa,inuu Quraanka luqad ahaah u fasiro,Alcilmu bitacalum Marka Quraanka la fasirayo,waxa lagu fasiraa dariiqa ugu mudan oo ah Quraan lagu fasiro Quraan oo Aayad ayaa Aayad kale lagu fasirayaa,taasi oo inta badan Asbaabu nusuulkii iyo sababihii Aayaddu ku soo degtey ay tafsiiridda qaybta ugu muhiimsan ka qaataan,waxa iyana qaybtooda ka qaata Axaadiista iyo Sunnaha Rasuulka oo lagu fasiro Quraanka,Sunnada meelo badan oo Aayaduhu si guud u soo qaateen ayay fasirtaa,sida: Salaadda,Sowmka,Sakada,iyo Xajka,Sunnaha ayaa caddeeyey Arkaantooda,waajibkooda,mustaxabaadkooda,iyo waxyaalaha makruuhaadkooda ahba,iyo hay’adohooda, waqtiyadooda,qaddarradooda iyo nisaabkooda sida sakada inta ka go’aysa …iwm,Sunnada ayaa caddaysay oo fasirtay.

Rasuulku salawaatullaahi wasalaamuhu caleyhi wuu la sii dardaarmay Muslimiinta oo ku yidhi waxan idiinka tegey wax haddaad qabsataan aydinnaan lumaynin weligiin, Aniga dabadaay, waa Kitaabka Alle(Quraanka) iyo Sunnadayda:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم”تركت فيكم ما إن تمسكتم لن تضّلوا بعدي أبداً كتاب الله وسنتي”

Isku dey inaad Quraanka xifdido,uguna dadaal carruurta yaryar inaanay fursad dhaafin intay u fududahay,waxanad joogtayn kartaa akhriska Quraanka Adigoo isku deyaya inaad Bishiiba mar dhamaayso ama ugu yaraan 3dii biloodba mar waxad sidoo kale joogtaysaa inaad akhrisato Aayatul kursida markaad seexanayso iyo markaad soo toostoba,Qulhuwallaha iyo Qulaacuudadana sidoo kale,labada Aayadood ee Albaqra ku dhamaatona habeen kasta akhriso,Jimce kasta isku day inaad joogtayso akhriga Suuratul Kahaf,waxay qofka akhriya u tahay nuur labadaa jimce dhexdooda,Alle taageerso itaalkaagana dadaal.

Qorshahaan fulinayiyo

Qaraarkaan ku kacayoba

Quraanka iyo sunnahaan

Qiil uga dayaa’oo

Qaabkaa u raacshaa

Qowlkii Illaahay

Aayadaha Quraanka ah

Qumanow Rasuulkii

Qowlkiisa sunnaha ah

Qiyaas weeye noloshoo

Qurub iyo waxaa weyn

Qummaati bay sheegeen

Quluubtii Islaamkee

Qushuucu uu u dhaadhacay

Qodob bay u raacaan

Qaadaadhigoodoo

Qabashadooda hawlaha

Qaabaynta hindisaha

Qasdi uga sameeyaan

Qaadir bay ka tuugaan

Qayrka inuu ku sugo oo

Qiyaamaha u hiiliyo

Qaadaha dhiigga wada iyo

Qulqulkaa dareenkuu

Quraanku iigu xidhanyoo

Qadoodigiis ma karayoo

Quudka ruuxda weeyee

Qaybtii ugu horreysaa

Qaaruxiraa ku soo degey

Qaybihiisa kale laba

Qaarna Makay ahaayeen

Qaybta kale Madiina’e

Qarad iyo ujeedduu

Qaatay sabab nusuulku’e

Qeexidda iyo fasirkaa

Qormo looga yeelaa

Qaabkuu u soo degey

Qiso iyo dhacdooyinka

Qaadashada cibrada ee

Qaridhayso Aayaddu

Qaanunkiyo xeerkiyo

Qaabaaynta dhaqankiyo

Qodobada awooddiyo

Qudradda Eebbe sheegaya

Quudka iyo Irsaaqadda

Qiyaas Eebbe u dhigee

Qiyaamaha sifayntii

Qeex baa la siiyee

Qaaddi adigaa isu ahoo

Qalad iyo sax ku yahay

Qaad waa xorriyadaadee

Quruskaaga waad heli

Qiyaamaha maalintiisee

Quraanku hooy rafiiqiyo

Qalbigaa ha kuu dego

Qaad wadada tii saxa

Quus sii Ibliiskana

Qolka yaanu kugu xidhin

Qoomamadu ka buuxdoo

Qaxar iyo dhibaatiyo

Qaylo aan wax qabanayn

Qorshe been la mariyiyo

Qurux yuu ku seejinin

Qaadirkaa ku tiirsoo

Quraankana rafiiqsoo

Qaad waddada tii xaq ah

Qaad waddada tii sax ah

Qaad waddada tii dhab ah.

Alle haynoo fududeeyo inaynu xifdino Kitaabkiisa oo ugu dhaqanno siduu ina amray oo uu inoo noqdo nuur If iyo Aakhiroba.

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w