Tuesday 6 October 2009

DALALKA ADUUNKA UGU NOLOSHA WANAGSAN IYO KUWA UGU LIITA

DALALKA ADUUNKA UGU NOLOSHA WANAGSAN IYO KUWA UGU LIITA

Published on: Oct 6, 2009 18:06

Norway ayaa noqotey meesha ugu wanaagsan aduunka ee lagu noolaado halka wadanka Niger ee ku yaal galbeedka qaarada AfriCa uu noqdey halka ugu xun ee ugu nolol liidata ee lagu noolaado.

Warbixin sanadle ah oo ay soo saarto Qramada Midoobay aaya waxaa lagu muujiyey 182 wadan oo dadka ku nool ay kala haystaan nolasha iyadoo loo eego nolasha ay ku nool yihiin heerka ay joogto.

Qiimeynta ayaa waxaa lagu sameeyey nolasha dadka gaar ahaan rajada qofku qabo, heerka dadka waxbartey iyo dhaqaalaha wadanka, waxaana la sheegay in warbixinta la sameeyey ka hor intii dunidu aysan ku jahweererin dhaqaale xumida (Financial Ctrsis)

Dalka Norway ayaa la sheegay in uu yahay halka ugu badan aduunka ee ugu fiican nolosha waxaana lagu sheegay in dadku ay ku nool yihiin nolol aad u sareysa taasi oo ka timid soo saaristii wadankaasi uu soo saartey gaaska dabiiciga ah sanadihii 1960-kii.

Wadanka Niger oo lagu tilmaaay halka ugu liidata ee lagu noolaado ayaa la sheegay in abaaraha ka jira wadankaasi ay dhabaha u xaareen nolol xumo la soo daristey dadka wadankaasi, iyadoo mar mar qaar dawlada wadankaasi ay tabar iyo taag iyo waydo inay dadkeeda quudiso.

Wadamada Australia iyo Iceland ayaa iyaguna soo galay kaalimaha hore ee meelaha nolasha wanaagsan, Iyado wadanka Iceland oo ahaa wadanka ugu dhaqaalaha badan aduunka xaga ganacsiga bangiyada gaar ahaan sanadkii 2008-dii, hadana dhaqaale xumo ku habsatey bangiyada ayaa keentey in dawlada dalkaasi ay qarameeyo ilaa iyo 3 bangi ugu weynaa, iyadoo hada Iceland ay qasab ku tahay inay raadsato taageero caalami ah oo dhaqaale. halka .

Dalka Afgaanistaan ayaa noqdey dalka labaad ee ugu nolasha liita aduunka, waxaana ka sareeya oo sadex noqdey wadanka Sierra Leone.

Dadka ku dhaqan dalka Niger ayaa la sheegay celcelis ahaan inaanu qofku noolan wax ka badan 50 sano halka 30 sano uu ka hooseeyo dadka Norway oo macneedu yahay in dadku ay gaaraan ilaa 80 sano, taasina laga dhadhansan karo nolasha wanaagsan iyo fakir la’aanta xaga mustaqbalka qofka haysata.

Tusaale ahaan qofka ku nool wadanka Niger hadii ay soo gasho 1 doolar qofka ku nool Norway wuxuu helaa 85 doolar.

Dalka Congo oo ka mid ah wadamada aduunka ugu hodonsan dhanka Macdanta iyo Dahabka hadana dadkiisu waxay noqdeen dadka aduunka ugu saboolsan, iyadoo qofka reer Congo ah sanadkii oo dhan dhaqaalaha soo gala uu dhan yahay 298 doolar oo kaliya.

China ayaa ka mid noqdey wadamada sameeeyey horumarka taasi oo lagu sheegay inay tahay heerka uu gaadhaay dhaqaalaha soo xarooday ee dalka soo galay iyo heerka rajada nolasha qofka .

Mareykanka wuxuu soo galey kaalinta 13 aad ee meelaha ugu nolasha wanaasgan halka wadanka Ingiriiska uu noqdey wadanka 21 aad ee nolasha wanaasgan.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in 24 wadan oo ka mid ah wadamada dunida ugu saboolsan ay kala badh dadkoodu yihiin kuwa aan waxna qorin waxna akhrin.

Jeni Klugman,oo ah ninka qoray warbixintan wuxu sheegay in wadamo badan ay ugu wacan tahay dhibaatada nolol xumo ee ka taagan dhaqaale xumida ka taagan dunida, colaado iyo cudurka HIV/AIDS.


M A Nuur

Warqabadka TogaHerer

2 comments:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  2. * Ma u baahan tahay amaah degdeg ah?
    * Mothly bixinta bilaabi 8 bilood gudahood ka dib marka aad soo ururiyay amaahda on xisaabtaada bangiga.
    * Dulsaarka Low 2%
    * Bixinta muddo-dheer (1-30 sano) muddo.
    * Shuruudaha amaah debecsan iyo lacagta bil kasta.
    * Muddo intee le'eg bay qaadataa in lagu maalgeliyo? Ka dib markii codsiga amaah gudbisatay
    Waxaad filan kartaa jawaab horudhac ah in ka yar 24 saacadood, iyo ***.
    *** Maalgalinta 72-96 saacadood gudahood ka dib markii la helo xogta aan u baahanahay.
    ka aad hadda Nala soo xidhiidh
    Email: trustloan87@gmail.com


    Fiirsan BEST,
    Mr.Anthony Dave.
    Trust Loan Company
    Email trustloan87@gmail.com

    ReplyDelete